Latalin caafimaad

Latalin caafimaad Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Latalin caafimaad, Arts and entertainment, Pretoria.

Waa maxay calaamadaha xanuunka macaanka?Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah:>oon saa'id ah>kaadi badan, gaar ahaan hab...
02/09/2024

Waa maxay calaamadaha xanuunka macaanka?

Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah:

>oon saa'id ah
>kaadi badan, gaar ahaan habeenjii
>daal saa'id ah
>in miisaan uu kaa dhaco
caabuq dhanka afka ah
>aragga oo daciif noqda
>dhaawacyo aan bogsaneyn

Sida laga soo xigtay waaxda caafimaadka ee Britain, calaamadaha nooca 1 ee xanuunka macaanka ayaa qofka lagu arki karaa carruurnimadiisa amaba da'da qaan-gaarka waxayna noqon kartaa xaalad khatar ah.

Dadka khatarta ugu badan ugu jira nooca 2 ee xanuunka macaanka waa dadka ay da'doodu ka sarreyso 40 (ama 25 dadka Koofurta Aasiya ka soo jeeda); dadka uu waalidkooda amaba walaalahood uu mid qabo macaanka; miisaankoodu saa'id yahay; kana soo jeeda Koofurta Aasiya, sida Shiinaha.

Maka hortagi karaa xanuunka macaanka?

Xanuunka macaanka waxaa sababi kara xaalado hiddaha qofka la xiriira amaba deegaanka balse xaalkaaga caafimaad waad ka warqabi kartaa adiga oo la soconaya cuntadaada iyo hab-nololeedkaaga.

Inaad ka fogaato cunnada sokorta leh ama cabitaannada, rootiga cad iyo baastadana aad ku beddelato kuwa madowga ah waa tallaabada koowaad.

Sokorta iyo badarka la warshadeeyay nafaqo badan ma laha waxaana laga bixiyay fitimiinnada ku jira. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa burka cad, rootiga cad, bariiska cad, baastada cad, cabitaannada sokorta leh iyo waxyaabaha macmacaan.

Cuntooyinka caafimaadka leh waxaa ka mid ah khudradda, furutada, digirta iyo badarka aan la warshadeyn. Waxaa sidoo kale ka mid ah saliidaha caafimaadka leh, looska iyo saliidaha ay ku badan yihiin maaddada omega-3, sida saliidda kalluunka.

Waa muhiim in wax la cuno xilliyo kala duwan lana joojiyo wax cunitaanka markaad dheregsan tahay.

Jimicsiga jirka wuxuu hoos u dhigaa heerka sokorta jirka. Waaxda caafimaadka UK ee NHS ayaa ku talineysa 2.5 saacadood oo jimicsi ah toddobaadkii, sida socodka boobsiiska ah.

Miisaan caafimaad leh ayaa jirkaaga u fududeyn kara inay hoos u dhacdo heerka sokorta jirka. Haddii aad dooneyso inaad miisaan iska riddo, isku day si tartiib ah, inaad iska riddo inta u dhaxeysa 0.5 kg iyo 1 kg toddobaadkii.

Waa muhiim inaadan sigaar cabin aadna la socoto heerka dufanta jirkaaga si aad uga hortagto khatarta xanuunnada wadnaha.

Waa maxay xanuunka macaanka sidee ayaadna uga hortagi kartaa?Xanuunka sokorta ama macaanka waa waa xaalad qofka noloshii...
02/09/2024

Waa maxay xanuunka macaanka sidee ayaadna uga hortagi kartaa?

Xanuunka sokorta ama macaanka waa waa xaalad qofka noloshiisa daba socota waxaana sanad walba u dhinta in ka badan hal milyan oo qof - qof walba ayuuna ku dhici karaa.

Waxaa sababa marka jirku uusan burburin karin dhammaanta sokorta (glucose) ee dhiigga raacsan; waxyaabaha ka dhasha waxaa ka mid ah
> wadno xanuun
>wadno istaag
>indhi beel
> kilyaha oo howlgab noqda iyo qaarka dambe oo qofku howlgab ka noqdo.

Waana dhibaato - Qiyaastoo 422 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaa qaba xanuunka macaanka - waana tiro afar jeer ka badan intii ay ahayd 40 sano kahor, sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Marka laga soo tago khataraha, kala bar dadka qaba xanuunka macaanka ma oga inay qabaan.

Balse isbeddel lagu sameeyo hab-nololeedka ayaa ka hortagi karta xaalado badan oo xanuunka ka mid ah. Waana kuwan siyaabaha aad uga hortagi karto:

Maxaa sababa xanuunka macaanka?

Marka aan wax cunno, jirkeennu wuxuu burburiyaa waxyaabaha loo yaqaanno carbohydrates wuxuuna ka dhigaa sokor (glucose). Mid ka mid ah hoormoonnada qofka oo loo yaqaanno insulin, ayuu soo saaraa beer-yaraha, kaddibna wuxuu unugyada jirkeenna ku amraa inay nuugaan sokorta si ay tamar uga helaan.

Xanuunka sokorta ayaa qofka ku dhaca marka insulin uusan jirkeennu soo saarin amaba aysan sidii la rabay u shaqeyneynb, taas oo sababta in sokortu ay jirkeenna fadhiisato.

Waa maxay noocyada xanuunka macaanka?

Waxaa jira dhowr nooc oo xanuunka macaanka ah.

Nooca 1 ee macaanka, beer-yaraha ayaa joojiya soo saaridda maaddada insulin-ta, marka glucose ayaa raaca dhiiggeenna oo hoy ka dhigta.

Saynisyahannada ma oga waxa gaar ahaan sababay arrintan balse waxay rumeysan yihiin in laga yaabo inay tahay wax hiddaha qofka la xiriira amaba caabuq saameeya unugyada soo saara insulin-ta ee beer-yaraha. Ilaa 10 boqolkiiba dadku waxay qabaan nooca 1-aad ee macaanka.

Nooca 2 ee macaanka, beer-yaruhu ma soo saaro insulin ku filan jirka amaba hoormoonku uma shaqeeyo sidii laga rabay.

Tan ayaa caadiyan ku dhacda dadka da' dhexaadka ah amaba dadka waaweyn, balse waxay sidoo kale ku dhacdaa dadka uu miisaankoodu culus yahay, iyo dadka ka soo jeeda dalalka qaar, sida Koofurta Aasiya.

Haweenka uurka leh qaarkood ayaa laga yaabaa inay ku dhacdo sokorta nooca gestational diabetes marka jirkoodu uusan insulin ku filan u soos aarin iyaga iyo ilmaha uurkaba.

Daraasado kala duwan oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 6 ilaa 16 boqolkiiba haweenka uurka leh uu la soo derso noocan xanuunka macaanka ah. Waxaa laga doonayaa inay xakameeyaan heerka sokorta jirkooda iyagoo ilaalinaya cuntada ay cunaan, sameynaya jimicsi.

Waxay sidoo kale dadka qaar la kulmi karaan nooca pre-diabetes - oo ah xaalad sababeysa inuu kordho heerka glucose ee jirka taas oo sababi karta xanuunka macaanka.

Gastritis ama ((gaass calooleeed)))Waa caabuq ama boog ku timaadda dahaarka caloosha. Waxaa uu u noqon karaa mid si degd...
08/02/2021

Gastritis ama ((gaass calooleeed)))
Waa caabuq ama boog ku timaadda dahaarka caloosha. Waxaa uu u noqon karaa mid si degdeg ah u dhaca (acute) iyo mid dabadheeraada(chronic).

Maxaa sababab gasric(gastritis)?

●Isticmaalka alcoholka
●In badan inaad mantagto
●Stress ka
●In aad in bdn gaajooto
●In aashatada calooshu ayna dheeli tirnayn
●In cuntada xawaashka badan la isticmaalo (spicy)
●Inaad isticmaasho daawooyinka layidhaah anti-inflammatory drug sida asprin ta.

Waxaa kaloo sababbikara loona aaneeyaa:
●Helicobacter pylori (H. pylori) waa bakhtitire (bacteria) ku nool xuubka (mucus) ku dahaaran caloosha. Haddii la daaweyn waayana caabuq ama humbuluuluq (infection) ayuu kuu horseedayaa boog ama nabar (ulcer) dadka qaarna cancer xagga caloosha ahi ayey ku sababtaa.

Pernicious anemia:

Waa dhiig la’aan timaadda marka calooshu ay weydo waxyaabihii dabeeciga ahaa ee looga baahnaa in si sax ah ay u soo nuugaan ama ay u burburiyaan vitamin B12.
Bile reflux: in bile-ka uu dib ugu noqdo caloosha, xanuun ayaana imaanaya.
Infection: ay keenaan bakhtire (bacteria) ama virus ayaa iyadana loo aaneeyaa.
NB: haddii la daaweeyn waayo gastric waxa imanaaya dhiigbax daarana waxaana saa’idayaa cancer calasha inuu kugu yimaado.

Calaamadaha lagu garto gaaska(gastritis)?

●labolabo,
●mantag,
●laabjeex iyo
●mantag dhiig la socdo.
●Inuu soo noqnoqdo xanuun xagga caloosha ah sidii nabar oo kale. ●Caloosha oo dibbirta, apitet xumo. Miisaanka oo yaraada.

Sidee lagu garan/ aqoonsan karaa magaca cudurka iyo astaanta saxda ah?

Waxaa la sameeeyaa baaritaan.

●Upper endoscopy: waa qalab (tuubbo afka k**arad ku wadata) bukaanka afka laga geliyo ilaa caloosha lagu dhaadhiciyo, waxaa hubinayaa in calooshuay leedahay wax caabuq ah ka dibna waxaa la sameeynaa biopsy waa hab lagu soo jaro sample yar oo tissue ah (wax yar ka mid ah hilibka caloosha ama gaskeeda) ka dibna shaybaadhka (laboratory) ayaa lagu baadhaa.
●Baadhitaan dhiig (Blood test): waxa la hubinayaa in unugyada dhiigga cas (red blood cell) uu ku yaryahay bukaanka uu yahay dhiig la’aan (anemic).
●Fecal occult blood test (stool test) (baadhitaan saxaro): waxaa lagu ogaadaa in saxarada bukaanka dhiig la socdo.

Daaweynta (treatment):

Marka la ogaado waxa sababay ama bakhtitiraha (bacteria) keenay, waxaynu u kala saaraynaa daawada dhawr nooc :
-Antibiotic medications to kill H. pylori.

Waxaad qaadanaysaa antibiotic waa hadduu yahay chronic gastric amoxicillin, clarithromycin (Biaxin), metronidazole (Flagyl) and tetracycline dawooyinkaas aya intabadan qaadankartaa.
-Medications that block acid production and promote healing.
Waxay xirayaan acidka ay calooshu sii dayso waxayna kor u qaadaan inuu qofka bogsado waaxaa ka mid ah daawooyinkaan.
■Omeprazole (Prilosec), ■lansoprazole (Prevacid), ■rabeprazole (Aciphex), ■esomeprazole (Nexium), ■dexlansoprazole (Dexilant) and ■pantoprazole (Protonix).

-Medications to reduce acid production.

Ku wani waxay yaraynayaan acidka waxaana ka mid ah:
●histamine (H-2) blockers, waxay yareynayaa acidka lagu soodeeynaayo marakin dheefsiidka iyo waliba xanuunka badan.

Sidookale kuwa acidka joojiya waxaa ka mid ah :

■ranitidine (Zantac), ■famotidine (Pepcid), ■cimetidine (Tagamet) ■and nizatidine (Axid).

-Antacids that neutralize stomach acid. ku wani waxay caadi (neutralize) ka dhigayaan acidka si deg deg ahna way kuu bogsiinayaan.

Sidee loo yarayn karaa khatarta gaaska?

Wuxuu u baahanyahay qofkasta oo qaba xanuunka gaaska inu qaato talooyinkan.

1) Qaado daawada gaaska adigoo la tashanaya shaqaale caafimaad / dhakhtarkaaga.

2) Qaado cunto baal leh (ama buunsho leh, diir leh, buushi leh, gal leh, qolof leh nin ba siduu u yaqaanno sida gallayda, garawga, hadhuudh yaryaraha ama masaggada oo aan laga qaadin qoloftii) ugu yaraan halmar maalintii sida shuurada, digirt iyo hadhuudhka.

3) U qaado si sax ah talada uu ku siiyo adeegahaaga caafimaad.

Haddii aad qaadatid talada dhakhtarka oo ay ku caawini waydo. Ha ka quusan Raxmadaa Allah ogow marwalba marka uu albaab kaa xidhmo, Allah albaab kale ayuu kuu furaa. Xasuuso marwalba inaad isku akhridid intii aad quraan taqaanid oo dhan kolba intii aad ka gaadhid. Quraanku waa shifa ugu wayn ee aad isku dawyn kartid. Haddana isku akhri 7 faatixo salaad kasta ka bacdi.InshaAllah waad fiicnaan, hanna iloobin adkaarta iyo ducooyinka una sabr inshaAllah.....

Diyaarintii Dr haaji

Faa'idooyinka ee uu Moosku leeyahay:1.  Mooska waxaa ku jiro markii laga reebo maadada muhiimka ah ee aan ko ku soo xasa...
14/01/2021

Faa'idooyinka ee uu Moosku leeyahay:

1. Mooska waxaa ku jiro markii laga reebo maadada muhiimka ah ee aan ko ku soo xasay ee bootaasiyamta, macdano kala duwan sida fitamiinada B6, C, macdanta magnesium, copper, protein iyo dufan.

2. Mooska aan safiican u bislaanin waxaa ku jirto maado loo yaqaano "Pectin" iyo "resistenat starch" labaduba waxay hoos u dhigaan sokorta dhiigga, sidaas awgeed cunnada kahor ama ka dib in la cuno ayaa lagu taliyaa, laakiin dadka macaanka qabo waa in ay ka fogaadaan mooska badan weliba kan safiican u bislaaday.

3. Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan maadada "Fiber-ta", taasoo calool fadhiga ka hortagto, dheefshiidkane u fiican.

4. Sidaan horay u soo sheegnay, mooska wuxuu u fiican yahay caafimaadka wadnaha maadaama maadada bootaasiyamta alga helo

5. Mooska waxaa ku jiro maadada sun-saarista oo xoogan, kuwaasoo kala ah "Dopamine" iyo "Catechins", waxayna u fiican yihiin caafimaadka maskaxda iyo beerka.

6. Mooska wuxuu qofka dareensiiyaa dharag, sidaas awgeed dadka cayilan oo cunanda xak**ayn karin waxaa lagula taliyaa inay cunaan moos aan safiican u bislaanin.

7. Mooska waa faakiho ama khudrad caafimaad badan laga helo, laakiin waxay cilmibaarayaashu isku waafaqsan yihiin in midka aadka u bisil uu ka waxtar yar yahay midak biseelka billaabi rabo ama xoogaa cayriinka ah.

Sidaas awgeed haddii aad mooska caafimaad ahaan u cunaysid, cun moos aan safiican u bislaanin.

Lawadaag asxaabtaada

XASAASIYADDA ISKA DAAWEE ADIGA OO GURIGAADA JOOGA.WAA MAXAY XASAASIYAD?Xasaasiyadda waxa ay dhacdaa marka   habka difaac...
27/10/2020

XASAASIYADDA ISKA DAAWEE ADIGA OO GURIGAADA JOOGA.

WAA MAXAY XASAASIYAD?

Xasaasiyadda waxa ay dhacdaa marka habka difaaca jirka ay walax shisheeye ah soo gasho oo caadi ahaan waxyeello u lahayn jidhka,
balse difaaca jirka uu umaleeyo walaxdaas mid dhib ku ku ah jirka sidaasna uu ula diriro,

Dabadeed dagaalkaas uu difaaca jirku qaadey ayey ka dhashaan inta badan calaamadaha xasaasiyada ee aad aragtàan.

CALAAMADAHA XASAASIYADA.

- Cun-cun sanka iyo indhaha ah.
-duuf kulul iyo ilmo kulul.
- Jirka oo ku cun-cuna,xoqma oo dhiiga

- Nabro yar-yar oo guduud ah oo maqaarka kaasoo yaaca oo cun cun badan bararna leh.

- Barar sanka carabka iyo indhaha ah.
- hindhiso ama neefta oo ku dhibta.
- qufac saaid ah mararka qaar.

MAXAA SABABA XASAASIYADDA?

Cilmi-baadhayaashu Ma caddeen wali sababta habka difaaca jidhku uu u sababo fal-celin xasaasiyad leh marka walxaha caadiga ah ee aan khatarta lahayn ay soo galaan jidhka.

Xasaasiyaddu qayb ka mid ah ayaa la socota hiddo-wadayaasha waalidiinta. Tani macnaheedu waxaa weeye waalidiinta ayaa u gudbin kara carruurtooda xasaasiyadda.

Xasaasiyad gaar u ah waalidiintada k**a dhaxli kartid Tusaale ahaan, haddii hooyadaadu xasaasiyad ku leedahay Digirta, macnaheedu maahan inaad adna digirta ay qasab tahay in aad xasaasiyad ku yeelato balse waxyaalo kale ayaad xasaasiyad ku yeelan kartaa oo aad ka dhaxli kartaa.

WAXYAALAHA UGU CAANSAN OO KICIYA.

1= CAYAYAANKA: Qaniinyada kaneecada,in aad caaro taabato ama baran-baro.
2=CUNTADA: Hilibka kaluunka, looska, caanaha,digirta,ukunta iyo qaar kale oo badan.
3=DAAWADA: sida Penicillin ama sulfa iyo qaar kale.

Qof walbana xaasaasiyada waxaa ku kiciya shey ama dhowr shey oo kuwaan kamid ah,
Waana muhiim qofku in uu ogaado waxa ku kiciya xasaasiyada si uu uga dheeraado.

DAAWADA XAASAASIYAD.

Habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo xasaasiyadda waa in laga fogaado wax kasta oo kugu kicinaya xasaasiyad, Haddii aysan suurtagal ahayn, waxaa jira fursado daaweyn ah oo la heli karo.

Daawada xasaasiyadda waa in laxiraa dheecaanka histamine oo ah kan kiciya xasaasiyada si dheecaankaas loo xirana waa in la qaataa daawada antihistamines ka ah.

SIDEE ADIGA OO XAAFADAADA JOOGA AAD ISKAGA DAAWEYN KARTAA XASAASIYADA?

1= MOOSKA

moosku waxa ku jirta maado layiraahdo antioxidant taas oo aad faa'iido ugu leh in ay baabi'iso dhamaan bararka iyo nabarada ay keentey xasaasiyadu.
Sidoo kale waxaa ku jirta patashiyum oo isku dheeli tireysa biyaha dhecaanada jirka ay saameysey xasaasiyadu.

Hadii aad cun-cun faro badan maqaarka ku leedahay soo qaado diirka mooska kadib si fiican ugu xoq meelaha ku cun-cunaya ama nabarada iyo bararka leh.

2= CABITAABKA LIINTA.

In aad cabto mar walba cabitaan liin rasiin ah ayaa kaa caawineysa in aad ka hortagto xasaasiyada jirka,
Kumiiro galaas barkiis oo biyo ah liinta kuna darso qaado malab ah cabna aroor walba.
Taas ayaa ka hortag u ah xasaasiyada daawana u ah jirkana kasaari doonta sunta.

3= SANJABIISHA

Sanjabiisha waxa ay qani ku tahay Antihistamin oo awood u leh in ay xir-xirto unugyada Soo saaraya Histaminta kicisa xasaasiyadda

Ku isticmaal sanjabiisha in aad shaah kulul ku darsato dabadeed aad cabto ama caadi aad u ruugto oo aad cunto maalin walb.

4= BABAYGA

Hadii aad xasaasiyad jirka ah leedahay iyo cun-cun siyaado ah babaygu waa daawo muhiim ah oo aad ku raysan karto hadaad isticmaasho,

Soo qaado babayga si fiican u mar-mari meelaha aad xasaasiyada ku leedahay daawo wanaagsan oo aad ku raysan karto ayuu leeyahay babaygu.

5= TOONTA

Toontu waxay hormarisa difaaca jirka sidoo kale waxa ay koontaroosha elerjiga waxayna daawo utahay caabuqyada kala duwan,madax xanuunka iyo Hindhissada.

Xoogaa toon ah iyo caano isla kululeyso kadib cab maalin walba inta aad ka caafimadeyso.

4= CABIDDA BIYO BADAN

Hadii aad leedahay xasaasiyada waa in aad cabtaa biyo badan maalin walba waxay kaa caawinayaan biyaha badan jirka in laga qashin saaro sunta iyo waxyaalaha xasaasiyada kicinaya,waxayna dheeli tiraayaan caafimaadka jirkaada iyo murqaha.

Maalin walba isticmaal ku dhawaad 2 liitar oo biyo ah ama kabadi.

TALLO

Hadii mid kamid ah daawadan aan idiin soo xusey aad markaad isticmaasho aad xasaasiyad ka sii qaado amaba aad horey u ogeed midkood in aad xasaasiyad ku leedahay fadlan iska jooji.

Xanuunkan daawadiisa ugu muhiimsan waa in inta aad ogaato waxa kugu kiciya xasaasiyada aadna ka dheeraataa waxyaalahaas.

Intaan daawo allaha idinkaga dhigo.

Fadln U gareeya walaalihiin ama halkaan ugu wac asxaab muhiim kuu ah oo xanuunkan la ildaran si ay uga faaiideystaan.

Fg: xuquuqda casharka waxaa iska leh

Dr Amen

SHARE SHARE SHARE

Share

  1-Maxaa sababa in inta badan caruurta la keeno ibitaaalada ee dhamaantood ama badankood ka cabanaayaan caabuqa ku dhac...
13/10/2020



1-Maxaa sababa in inta badan caruurta la keeno ibitaaalada ee dhamaantood ama badankood ka cabanaayaan caabuqa ku dhaca dhagaha ama dhagaha dilaacaan oo dheecaan ama malax ka keenaan dhagaha ???

2-Maxaa sababa markii laga daaweeyo dhaga dilaaca inuu soo laab laabto dheecaanka oo markale dhagta dilaacdo ???

3-Maxaase ku badiyay caruurta dhaga dilaaca oo dadka waaweeyn ugu yartahay dilaaca dhagaha ??

Sadaxdaan suaal ayaa ubaahan jwb sax ah in loo helo si xal looga gaaro dhaga dilaaca ku badan ilmaha insha allaah ....
Si fudud ku ogoow ?? Si fududna uga hortag
insha allaah ....

1- Maxaa sababa in inta badan caruurta la keeno ibitaaalada ee dhamaantood ama badankood ka cabanaayaan caabuqa ku dhaca dhagaha ama dhagaha dilaacaan oo dheecaan ama malax ka keenaan dhagaha ???

waxa ugu badan ee sababa ayaa ah masaasada jiifka caanaha lagula siiiyo ama cunuga asaga oo jiifo in masaasad afka loo geliyo laguna seexiyo waa waxa ugu badan ee keeno daga dilaaca ilmaha...

💗Sidee ku keeni kartaa ???
..ogoow hadiii cunuga oo jiifo aaa caaano masaasad afka ugiliso ineeey toos dhagta ugalaaayaaan caanahaas maadaaama qaaab dhismeedka duleelka ama tubada udhaxeeyo dhagta iyo cunaha ee loo yaqaano ( eustachian tube ) eetahay mid toos ah ama si jiiif jiif ah ufuran ( horizontal ) taas oo keeneeso hadii cunuga jiif lagu siiyo caanaha ineey galaan dhagta kadib maalmo kooban eee meeshaas ka dhalato caabuq ama infection ( otitis ) ku keeno in cunuga dhagaha dilaacaan marka hooyo ka ilaaali in cunugaaada aaa jiiif ku siiiso caanaha si aaad uga hortagto dhibaatadaaaas ...insha allaah

2- -Maxaa sababa markii laga daaweeyo dhaga dilaaca inuu soo laab laabto dheecaanka oo markale dhagta dilaacdo ???

dheecaanka caabuqa inuu soo laablaabto waxaa sababa hadiii markii aaadka daaaweeyso caabuqiii ku dhashtay meesha aa hadana dib usiiso masaasadii caanaha cunaga oo jiifo , markalana dib ugalaaan dhagta sidaas ayaana ah sababta keento in caabuqa uu soo laablaabto marka hoooyo kadaa ama ka ilaali in cunuga aaa jiif ku siiso caanaha masaasada...

3- Maxaa ku badiyay caruurta dhaga dilaaca oo dadka waaweeyn ugu yartahay dilaaca dhagaha ??

waxa dadka waaweeyn ugu yartahay ayaaa ah- dadka waaweeyn dhagtooda eeysan ugu furneen dhagtooda cunaha si tooos ah ama jiif jiif ah ( horizontal ) lkn waxeeey ufurantahay si dadban ama joogjoog ah ( vertical ) taaas oo keeeneeyso xitaaa haduuu jiif wax ku cabo sida biyo iyo wax la mid ah in waxiii uuu cabay ugudbin dhagaha maadaaama qofka marka uuu weeynaado qaaab dhismeedka dhagta is badaleeyso..

Ugu dambeen waxaa jiro wax yaabe kale oo kooban oo sababi kara sida qunfaca badan ooo dilaacin kara xuubka dhagaha marka hooyo asna hadaaa ku aragto qunfac geeey goobta caafimaad ee kuugu dhaw insha allaah ..
💗 cunugaada caanaha haku siinin jiif adiga oo isticmaalaaayo masaasada...

gareey si dadka dhan uga faaideestaaan insha allaah...

Gaaarsiii asxaabta adiga oo mahadsan.....

"Salliga Nabiga (Scw) Faa’iidooyinka laga helo waxaa ka mid ah in laguu Danbi dhaafo, in wixii ilaahay waydiisatay lagu ...
09/10/2020

"Salliga Nabiga (Scw) Faa’iidooyinka laga helo waxaa ka mid ah in laguu Danbi dhaafo, in wixii ilaahay waydiisatay lagu siiyo, in murugada lagaa qaado, in ilaahay kugu saliyo(naxariisto) iyo in malaa’gtuna kugu saliso( Alla kuu baryaan), Haye aan ku Sallino xabiibkeenii ﷺ

Jumca wanaagsan akhyaareey

Address

Pretoria

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Latalin caafimaad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Latalin caafimaad:

Share