Abuu man deeq

Abuu man deeq Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abuu man deeq, Comedy Club, Cape Town.

19/08/2021
25/07/2021

Xaliimo qalif gaba dheda

Natiijada Shirkii Golaha Wadatashiga QarankaMuqdisho, Abril 7, 2021;‎بِسْمِ ٱللّٰهِ ٱلرَّحْمٰنِ ٱلرَّحِيمِSida aad lawad...
07/04/2021

Natiijada Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka

Muqdisho, Abril 7, 2021;

‎بِسْمِ ٱللّٰهِ ٱلرَّحْمٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Sida aad lawada socotaan bishii 7-aad ee Sannadkii h**e ee 2020-kii waxa soo bilaabmay doodda ku saabsan Nooca Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka. Dowladda Federalka Soomaaliya oo rabtay in ay dalka u hoggaamiso barnaamijka xisbiyada badan ayaa waxa qaar ka mid ah Maamul Goboleedyadu ku dhageen in ay joojiso hannaankii metelaadda shacabka ee hal qof iyo hal cod, iyo curashadii koowaad ee hannaanka xisbiyada badan oo rajadiisu muuqatay. Waxaana Dowladda lagu riixay in ay ka leexato jidkii qummanaa una janjeersato hannaanka doorashada dadban iyo metelaadda kooban.

Xilligaas waxa isu diiwaan geliyey hannaanka xisbiyada badan iyo ka qayb galka doorasho dadweyne oo hal qof iyo hal cod ah illaa 100 xisbi. Guddida Doorashooyinka Madaxa Bannaan ayaa shaqada diiwaan gelinta u waday si xilkasnimo ah oo howlkarnimo ka muuqato.

Laakiin Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland waxa ay diideen hannaanka xisbiyada badan iyo qabsoomidda doorasho hal qof iyo hal cod ah. Waxaanay ku adkaysteen in lagu laabto habraacii 2016-kii iyo doorasho dadban.

Nin faras dabadiisa ka degey meel uga toosan buu waayaye, markii Dowladdu ku waafaqday Madaxda Dowlad Goboleedyada heshiiskii doorashada dadban ee ay iyagu soo qorteen ee 17-kii September si dalka doorasho wadar oggol ahi uga dhacdo waxay sidoo kale Maamul Goboleedyadaasi dedaal badan ku bixiyeen in dhinacyadii kale ee ay qusaynaysay aanay waxba ka beddelin Heshiiska, sidaasna lagu ansixiyo heshiiskii 17-kii September.

Si loo dardar geliyo fulinta Heshiiskaas waxa Xukuumadda loo soo gudbiyey Guddiyadii Doorashada ee 3 Maamul Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Somaliland, laakiin nasiib darro mar kale Puntland iyo Jubaland waa ay diideen in ay soo magacaabaan Guddidii Doorashada.

Si loo dardar geliyo fulinta heshiiskii 17-kii September Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeeray kulamo badan oo is daba joog ah, laakiin Madaxda Jubaland iyo Puntland waa ka baaqdeen kulamadaas marka laga reebo kii Samareeb oo ay xujooyin cusub la yimaaddeen.

Ra’iisal Wasaaraha JFS wuxuu booqday inta badan Maamul Goboleedyada Dalka si doorashadu u bilaabanto. Laakiin nasiib darro Puntland iyo Jubaland way diideen in doorasho bilaabanto.

Haddaba;

Markii la sugayey labadaas Maamul Goboleed muddo 6 bilood ah oo intaas oo dhan lagu qancinayey fulinta heshiiskii ay saxeexeen ee 17-kii September

Markii la isugu tegey Garoowe, Samareeb, Baydhabo iyo Muqdisho si isfahan looga gaaro qabsoomidda doorashada

Markii ay dureen Ciidammadii Qalabka Siday si sharci darro iyo amni darro uga dhacdo Dalka

Markii Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay jid iyo jiho diid noqdeen si loo fuliyo heshiiskii ay iyagu soo qorteen dalkuna doorasho u aado

Markii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu in kabadan 5 jeer gogol u dhigay Maamul Goboleedyada doorasho diidka ah, taas oo uu kula baxay magaca “Tanaasul Badane”

Markii wax kasta oo ay codsadeen loogu oggolaaday is-fahankii Baydhabo ee 15-16-kii Febraayo si doorasho u dhacdo, laakiin mar kale ay Puntland iyo Jubaland diideen fulinta is af-garadkii ay ku soo saxeexeen Baydhabo.

Markii ergo Madaxweynuhu u diray Madaxda Jubaland iyo Puntland kana koobnayd Madaxweyneyaasha saddexda Maamul Goboleed ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ay kala soo laabteen gacmo maran iyo natiijo la’aan.

Markii illaa 3-dii April la wada fadhiyey Xarunta Avizione si xal loo gaaro, mar kale Madaxda Puntland iyo Jubaland waxay keeneen shuruudo cusub oo ay kamid ahayd in Baarlamaanku shaqada joojiyo oo la naafeeyo, Madaxweynuhu awooddiisa dastuuriga ah wareejiyo, Xukuumaddu noqoto magac-u-yaal, ajanebigu door ku yeeshaan talada Dalka iyo in shaqada laga fariisiyo Taliyayaasha Ciidammada Qalabka Sida. Arrimahaas oo marka la isu wada geeyo la macno ah “Dowlad la’aan”.

Markii uu noqday hal bacaad lagu lisay dhammaan dedaalladii ay sameeyeen dhinacyadii is xilqaamay ee kala ahaa Madaxweynaha Dalka, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada horu-socodka ah, odayaal waxgarad ah, culumada Soomaaliyeed, haweenka daneeya siyaasadda iyo dhab u heshiinta, ganacsatada iyo Saaxiibbada Beesha Caalamka, si ay Madaxda Jubaland iyo Puntland ugu soo qanciyaan in ay oggolaadaan in Dalku doorasho aado.

Ugu dambayn

Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.

Taliska NISA ayaa baddalay Taliyihii Ciidanka Dharcadda ee Xildhibaanadda golaha shacabka lagu dhex daadiyey.Taliyaha Ci...
29/03/2021

Taliska NISA ayaa baddalay Taliyihii Ciidanka Dharcadda ee Xildhibaanadda golaha shacabka lagu dhex daadiyey.

Taliyaha Ciidankaas oo magaciisa Shakiib lagu sheegay ayaa shaqadii laga eryey kadib markii Magaciisa warbaahinta iyo Xildhibaanaddu ogaadeen, waxaa loo sheegay in aan loo baahneyn shaqadiisa.

Waxaa lagu badalay nin kale oo sarkaal ah laguna magacaabo Mustaf Ufurey, si shaqada halkerda uu uga sii wado.

Cali Aadan Muumin

18/02/2021
13/08/2016
12/08/2016

Asc asxpta

Address

Cape Town
ADTHLON

Telephone

0630598750

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abuu man deeq posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category