Baraavo

Directions

Baraavo Kuso dhawaaw ( Baraavo )
kunaso so biiri fikir ama Video ado mahadsan
Thanks dhamaan🥰

Saakay anigoo cashar diyaarinaayo ayaan kusoo gaaray aayad iga yaabisay, iguna qasabtay inaan cabaar ku dul fakaro. Waan...
10/11/2026

Saakay anigoo cashar diyaarinaayo ayaan kusoo gaaray aayad iga yaabisay, iguna qasabtay inaan cabaar ku dul fakaro.

Waana aayadahaan:

فَلَوْلَا أَنَّهُ كَانَ مِنَ الْمُسَبِّحِينَ ۝ لَلَبِثَ فِي بَطْنِهِ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُون

Ilaahey wuxuu leeyahay “hadii uusan Nabi Yunus CS, uusan ka mid ahaan laheyn kuwa tasbiixda badan la yimaada, wuxuu ku jiri lahaa caloosha Malaygii/nibirigii laqay ilaa maalinta qiyaamaha laga gaari doonno”.

Meeshan waxaan ka fahmeynaa tasbiixda badan inay ka hortagto dhibaatooyin badan oo kugu dhici lahaa kuguna soo socday.

Nabi Yunus waxaa u qorneyd inuu ilaa qiyaamaha calooshaas nibiriga uu iskaga jiro lkn ilaahey wuxuu kaga badbaadiyay maadama uu ahaa qof tasbiix badan, markii uu is arkay inuu ku jiro caloosha malaaygaasna oo 3 mugdi hoostooda ah wuxuu dhahay:
لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنتَ سُبْحَانَكَ إِنِّي كُنتُ مِنَ الظَّالِمِين

“Ilaah xaq lagu caabudo ma jiro Adiga mooyee. Waad ka nasahan tahay wax kasta oo aan kuu qalmin. Runtii waxaan ka mid ahaa kuwa gefa”.

Markaas ayuu ilaahey kasoo saarey calooshii uu ku jiray.

Culimada tafsiirka waxay sharxeen in “ka mid ahaanshaha kuwa tasbiixda badiya” ay la xiriirto inuu ahaa qof Alle xusa oo caabuda ka hor inta uusan dhibku ku dhicin. Sidaas darteed, tasbiixdiisii iyo cibaadadiisii h**e waxay noqdeen sabab ka mid ah sababihii Alle ugu samatabixiyay.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la fahmo: ma aha oo keliya inuu markaas, markii uu dhibka galay, yiri tasbiixda. Aayaddu waxay leedahay:

كَانَ مِنَ الْمُسَبِّحِينَ

“Wuxuu ahaa / ka mid ahaa kuwa tasbiixda badiya.”

Taasi waxay tilmaamaysaa xiriir joogto ah oo uu Alle la lahaa ka hor dhibka.

🤲 Casharka weyn ee aan ka baraneyno:

Qisada Yuunus (CS) waxay ina baraysaa in marka qofku Alle ku xirmo waqtiga uu faraxsanyahay, oo wax culees ah ama murugo ah aysan heyn, In Alle u garab istaagi karo waqtiga uu qofkaas dhibtoodo ama culeesyo kale soo wajahaan.

W/Q: Mohamed Abey

Nabsigu waa yaabCali Mukhtaar wuxuu asal ahaan ka soo jeeday Soomaaliya wuxuuse ku dhashay Sucuudiga laakiin maadaama aa...
10/11/2026

Nabsigu waa yaab

Cali Mukhtaar wuxuu asal ahaan ka soo jeeday Soomaaliya wuxuuse ku dhashay Sucuudiga laakiin maadaama aan jinsiyad iyo tacliin sare midna uusan fursad u helayn ama ayba aad u adagtahay wuxuu fursad u helay in uu UK ama Ingiriiska uu tago.

Isaga oo garoon xaafadeed ku ciyaaraya ayaa waxaa arkay nin caddaan ah wuxuu dareemay in uu laacib yahay kaddib wuxuu geeyey naadi markiiba wuu ka soo dhex muuqday.

Sucuudiga ayaa ogaaday in uu dalkooda ku dhashay waxay ka codsadeen in uu xulka Sucuudiga u cayaaro oo ay jinsiyad iyo lacag badanba siiyaan isna wuu ogolaaday.

Xalay ayuu Qatar ka reebay tartankii Khaliijka isaga oo gool ka dhaliyey.

Tani waaba ciyaare maxaa maskax u haajiray dalalka reergalbeedka oo haddii dalalka muslinka ahi ay haysan lahaayeen wax badan ku soo kordhin lahaa!.

Qoflii aan dadka sharfin oo dayaca nabsi ayaa ku soo wareega oo ka adeegta.

Aduunyo
09/21/2026

Aduunyo

08/29/2026

Heeeey what’s up?

Ninkani waa gechow andergachow, madaxweyinihii h**e ee Amxaarada, wasiirkii h**e ee Arimaha dibadda, Lataliye h**e ee Ab...
08/26/2026

Ninkani waa gechow andergachow, madaxweyinihii h**e ee Amxaarada, wasiirkii h**e ee Arimaha dibadda, Lataliye h**e ee Abiyi. Waxa ay kaamaradu qabatey isaga oo ka shaqeyna meel baabuurta la dhigto(parking). Muqaalkaas ayaa baraha bulshada aad ugu baahay.

Bal waxa aad barbardhigtaa qof Soomaaliya oo kaliya saddexdaas xil midkood ama ka hooseeya soo qabtey? Waxa uu dhacayaa lacag intuu dhici karo, shaqo xalaala oo rasmiya inuu qabtana haka yaabin.

08/11/2026

Habeendanbe wan ku daawayna waliba 90 ka

After comment ka fiiri
08/04/2026

After comment ka fiiri

Kusaliya suubanaha scw Like 👍🏾 wa free
08/04/2026

Kusaliya suubanaha scw

Like 👍🏾 wa free

Maxkamad diiddey in yaxaasyo la geliyo xabsiyo ayku xiran yihiin Falastiiniyiinta u xiran Israa'iiil!Mid kamid ah ficill...
08/03/2026

Maxkamad diiddey in yaxaasyo la geliyo xabsiyo ayku xiran yihiin Falastiiniyiinta u xiran Israa'iiil!

Mid kamid ah ficillada yaabka leh ee madaxda nidaamka Yhd-da ayaa maxkamad ku taal isla Israa'iiil hor istaagtey, waxaase ka yaab badan sababta ay u hor-istaagtey (Ma aha in Falastiiniyiinta loo turay)!

Wasiirka amniga nidaamkaas Itam Ben-Gvir ayaa qorshayey in xabsiga Ketzion Prison lagu magacaabo ee Falastiiniyiintu ku xiran yihiin lagu xereeyo Yaxaasyo (Crocodiles) si loogu ciqaabo maxaabiista.

Hase yeeshee maxkamad ayaa diiddey kadib markii codayn maxalli ah oo ay samayeen dadka xuquuqda xayawaanka u dooda loogu codayey in tallaabadani xawayaankaas waxyeeli doonto! Ma aha iney maxaabiista waxyeeli doonto, yaxaaska bed-qabkiisa ayaa loo turay! - Al-Jazeera..

07/19/2026

Argentin aya aaadaysa kobkaan waliba 2-1 meel ku qora

Address

Windermere 22 Triq San Tumas
Ohio City, OH
LQA1933

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Baraavo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category