Somali crazy funny videos

Somali crazy funny videos Kusoo dhawaada gacmo furan nala wadaaga waxaa heysiin noona soo dira.like iyo comment na noogu deeqa

14/06/2023

Huseen Iyo maxaa kala qabsaday kkkkkkkkkkkk

Sheeko igu dhacday baan kuu sheegayaa iyo xalka aan ku fikiray.Anigoo Garoonka Diyaaradaha ee Manama ee dalka Baxreyn ku...
23/04/2023

Sheeko igu dhacday baan kuu sheegayaa iyo xalka aan ku fikiray.

Anigoo Garoonka Diyaaradaha ee Manama ee dalka Baxreyn ku sugan, Makkana usoo socda cumrada darteed ayaa waxaa la dhahay halkan ayaan ku dhex xiranaynaa dharkii cadcadaa ee Ixraamka, si hadhoow diyaaradda dhexdeeda markii Miiqaatka korkiisa la marayo loo xirto Cumrada.

Wax walba okay ayay ahaayeen, dharkii waan watay, xataa meel lagu qubeysto waan ka helnay Garoonka Manama ee Baxreyn, lkn dacas ama kabo aanan daboolneyn oo aanan tolneen in la qaato waaye ayaa la dhahay, anigana dacaskaygii boorsada diyaaradda saaran ayay ku jireen, mana ogeyn isla markaas in loo baahan yahay.

Kedib dacas raadis ayaan bilaabay garoonka dhan, dacaska ugu qiimaha jaban aan halkaas ku dhex arkay $93 ayay ahaayeen, anigana waan waayay wax macluumaad iga siiya inaan kabahaas gato iyo inuu xal kale jiro.

Dad kala duwan oo garoonka jooga ayaan dacas dheeraad ah inay hayaan waydiiyay, maba aysan heyn.

Ugu danbeyn markaan go'aansaday inaan dacaskaas gato ayaan koow qubeys u aaday Hotel garoonka diyaaradaha ku dhex yaalay, qubeys kedib ayaga ayaan waydiiyay inay dacas aan qaadan karo hayaan iyo inkale. Laba dacas oo cusub ayayna isoo siiyeen. Mahad Ilaahay.

Aniga tan igu dhacday ee xog la'aanta ah waa mid iska yar, Soomaali badan baa jirta oo lacago badan soo bixiyay inay Cumrada ama xataa Xajka aadaan, lkn cibaadooyinkooda qaar sida loo sameeyo garan waayay, sidoo kalena aqoon waayay meelaha la siyaarto iyo taariikhahooda.

Sidaa daraadeed waxaan ku fikiray inaan sameyno web weyn oo macluumaadka Xajka iyo Cumrada ah, kaasoo Af-Soomaali ku qoran, wax walbana qoraal ahaan iyo cod ahaan ay ugu jiraan.

Ka bilaaw qofka Xajka ama Cumrada u socda boorsadiisa waxa uu ku qaadan lahaa, ku xiji qaabka loo niyeysto howlahaas, ducooyinka la aqriyo, meelaha la siyaarto, taariikhahooda iwm.

Website xog buuxda leh, qoraal ahaan iyo cod ahaan, tillaabo tillaabo sida ay wax isugu xigaan ay ugu jiraan, xataa qofka uu warqad ahaan qeybta uu rabo uga dhex daabacan karo ama cod ahaan uga dhex dhageysan doono.

Waa website dad badan saacidi doona insha Allah, waana bog Internet oo waqfi ah, wax lacag ah iwm laga raadineyn, keliya dadkeena inay macluumaad ka helaan bes.

Lkn gadaal danbe waxaan u baahnaan doonaa insha Allah dad ayagana Lillaahi aqoontooda halmar oo inta bogga xogaha lagu shubayo u sadaqeysta.

- Dad Web design-ka yaqaana (2 -3 qof)
- Dad Graphic design yaqaana (2 - 3 qof)
- Dad diinta yaqaana oo ducooyinka & waxa Xajka iyo Cumrada ku saabsan dhan ka warbixiya (2 - 3 qof)
- Dad qoraayaal ah (2 - 3 qof)
- Qof tifaftira waxa la qoray dhan

Bog Internet diyaarsan oo dadka macluumaadkii ay u baahnaayeen ay ka helaan.

War helaa, talo helaa ayaa la dhahay.

Insha Allah Jarmalka markaan ku laabto ayaan rajaynayaa howshaas inaan galno, dadka aan u baahanahay qaabkii aan isku heli laheenna anigaa soo qoraya markaas.

Duhur wanaagsan 😊

Qosol iguma harin maxaa ka leedahay ninkaan 🤣🤣
05/04/2023

Qosol iguma harin maxaa ka leedahay ninkaan 🤣🤣

Maxaa ka xanuun badan in awlaadii aad dhashay ay gacmahooda kugu ciqaabaan😱🙄Maxamed Daauud 2008 ayuu mareynkan galay isa...
03/04/2023

Maxaa ka xanuun badan in awlaadii aad dhashay ay gacmahooda kugu ciqaabaan😱🙄

Maxamed Daauud 2008 ayuu mareynkan galay isagoo tahriib iyo silac ku tagay halkaas isla markaana muddo badan ka shaqeenayay dalka mareynkanka.

Kadib caruurtiisa oo somaliya joogeen ayuu soo watay, wuxuuna keenay dalka Itoobiya halkaas ayuu kasii waday wuxuuna geeyay dalka Mareynkanka balse nasiib darro gabadhiisa iyo wiilkiisa oo dadka ku direen ayaa xabsi geeysay way dacweyeen aabahooda waxaana lagu xukumay 8 sanno iyo 3-Bilood oo xabsi ah.

Aabe Maxamed intuu xabsiga kujiray dabaq sadax Biyaano ah ayuu iska soo tuuray isagoo maskaxdiisa aan joogin wuxuuna ka jabay lugaha iyo gacmaha waxaana u sabab u eheed murugadii iyo xanuunkii uu ka qaatay dadka uu sheegay in caruurtiisa ku direen.

Aabahan ayaa dowladda maraykan kala Noqotay wax waliba oo sharci oo uu haystay xittaa inuu shaqaysto looma ogola waxa uuna ku dayacanyahay wadooyinka Hoy iyo meel ku harsado midna ma haysto lkn waxaan iswaydiinayaa aaway soomaalidii joogtay maraykan maxay ugu kici la'yihiin aabahan...!!

Aisha iyadoo 12 sanno jir ah ayaa maxkamad la keenay Aabaheed ayay ku marqaati furtay sidaas ayaana Aabaheed xabsi lagu xukumay iyadiina habaarkii Aabaheed ayay la dhimatay kadib markii isdishay isla markaana Baabuur isku dhigtay iyadoo dalka Sweden joogta.

Aan u wada duceyno waa bil Ramadaan inuu Alle qalbigiisa u dajiyo Noloshiisana u qurxiyo I.A

Waalid xaqa uu nagu leeyahay allaha na fahansiiyo Aamiin Aamiin.🤲🤲🤲

Isku day su.aashan in aad garato
29/03/2023

Isku day su.aashan in aad garato

Iyadoo qadka uga sheekeyneyso ayey seexatay markaas ayuu sawir gacmeed ka sameeyay! Hadduu Soomaali ahaan lahaan inta ba...
29/03/2023

Iyadoo qadka uga sheekeyneyso ayey seexatay markaas ayuu sawir gacmeed ka sameeyay! Hadduu Soomaali ahaan lahaan inta baxo ayuu saaxiibtiis labaad u sheekeyn lahaa.😂😂😂🤣🤣

Bilashada bishan barakaysan ee Ramadaan awgeed, waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta o...
23/03/2023

Bilashada bishan barakaysan ee Ramadaan awgeed, waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhammaan muslimiinta adduunka oo idil.

Alle waxaan ka baryayaa in uu ina waafajiyo khayrka Bishani ay wadato ee cibaadada, daryeelka masaakiinta, garab istaagga danyarta iyo agoonta iyo guud ahaan acmaasha wanaagsan ee mar walba laga rabo in ay ku tilmaamnaadaan dadka Islaamka ah.

Ilaahay, fadliga bishan awgeed, hanooga yeelo dalkeenna mid barwaaqo ah oo nabad iyo horumar ku tallaabsaday.

Ramadaan Mubaarak.

Deg Deg : Alle haw naxariisto C/Laahi  Cali Axmed tarabi (Cali quule) reer   Daarood Harti Dhulbahante Barahasame ayaa x...
21/03/2023

Deg Deg : Alle haw naxariisto C/Laahi Cali Axmed tarabi (Cali quule) reer Daarood Harti Dhulbahante Barahasame ayaa xalay lagu dilay hargaysa. Maydka Marxuumka ayaa hada yaala hospital Guud ee .

C/Laahi Cali Quule oo nin dhalinyaro ahaa ayaa ku dhashay kuna barbaaray Hargaysa wuxuuna ka tirsanaa ciidanka Police ka . Marxuunka la dilay wuxuu xaga hooyo kala walal yahay caruur ka waawayn oo Ciida-gale ah.

Dilka ayaa waxaa gaystay Askari kaasoo maalmo ka hor laascaanood lagu dilay aabihii iyo walal kiis oo habar jeclo ah. Dagaalka laascaanood ayaa ah mid salka ku haya isir sifayn Iyo jabka laascaanood kasoo gaadhay
Halbeeg Media Inc

Inalillah wainaah illahay rajicuun allaha u naxariisto amiiin  hooyo aamino abduulahi illahayow jannadi fardawsa ka wara...
18/03/2023

Inalillah wainaah illahay rajicuun allaha u naxariisto amiiin hooyo aamino abduulahi illahayow jannadi fardawsa ka waraabi ameen dhamaan fmly dhan samir iyo iiman allaha naga siiyo amiiin hodan abdirahman abaayo samir iyo iiman fanaand qaraan 😭🤲🏽

Jacaylka dad badan ayaa Nafahoodii isku dhaafiyey dadkii ay jeclaayeen dartooda, dad badan ayaa u waashay, Aabe Xasan Xi...
13/03/2023

Jacaylka dad badan ayaa Nafahoodii isku dhaafiyey dadkii ay jeclaayeen dartooda, dad badan ayaa u waashay, Aabe Xasan Xirsina ayaa ag dagay qabriga xaaskiisii geeryootay😳😰

Aabe Xasan xirsi Faraax oo ah Aabe 90 jir ah wuxuu muddo ka badan 30 sanno agjiifaa qabriga xaaskiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho. Xasan xaaskiisa oo u dhashay 7 caruur ah dhamaantood way dhinteen, wuxuuna wehel ka dhigtay qabriga jeceelkiisa h**e oo dhimatay.

Oday Xasan wuxuu qabriga xaaskiisa ku ag diyaarsaday God kale oo uu doonayo in marka waqtigiisu dhamaado isagana lagu aaso. Oday Xasan oo ay ka muuqatay daruuf adag ayaa wali ka samri la' jeceelkii Xaaskiisa geeriyootay.

Jacayloow Maxaad dad badan Naafaysay😭😰

Ugu h**eyn waxa dhacay aad ayaan uga xumahay geerida Drs Cayuush Abuubakar, waxaana uga tacyeenayaa waalidkeeda. waa fal...
21/02/2023

Ugu h**eyn waxa dhacay aad ayaan uga xumahay geerida Drs Cayuush Abuubakar, waxaana uga tacyeenayaa waalidkeeda.

waa fal argagax leh aadna looga naxo, gabar intaasoo sano wax lasoo barayay oo loo han weynaa ayey aheed Rabbi naxariistiisa ayaan u rajeynayaa, ehelkeeda oo hooyadeed ugu h**eysana qalbiga Allaha u qaboojiyo.

Kiiskaan waxaa ku eedeysan walaal Maan Cabaas oo aan hal xaafad kusoo wada kornay, aqoon fiicanna aan u leeyahay. Maan waxaan ku aqaanaa, qof kastoo yaqaanana uu kuu sheegayaa inuu yahay shaqsi af gaaban, xishood badan oo dabeecad wanaagsan. Isaga kaliya ma ahane qoyskiisa yar iyo weyn waa dad muxtaramiin ah oo ah dad weligood dhowrsanaan lagu yaqaanay.

Waxaa dhalay hooyo iyo aabe aad u wanaagsan nabadana jecel, waxaana ka garan kartaa neenaasta aabihiis loo yaqaano oo ah “Cabaas Peace” Waxaana hubaa in aabe Cabaas iyo hooyo Tiriig ay sida Cayuush waalidkeeda uga naxeen geerida gabadhooda oo kale iney uga welweleen una xanuujisay falkaan wiilkooda loosoo xiray.

Walaasheey Marxuumad Cayuush aqoon uma lihi laakiin waxey asxaab ahaayeen oo jaamacada Banaadir ay iskala baxeen gabar aan ilmo adeero nahay. Dadka yaqaanay iyadana wanaag badan ayey ka sheegeen Ilaahey u raxmadee.

Geerida Caaisho iyo Falkaan wuxuu noqday mid laga wada naxay. Sababtana waxey tahay gabadha geeriyootay oo aheyd gabar aad u qiimo badan iyo qofka loosoo xiray oo ah shaqsi intii garaneysay ey wanaag uun ku yaqaaneen LAAKIIN waa bini-aadam gaf ka dhici karo.

Kiiskaan hada waa mid baaritaan ku socdo, cid war sugan ka heysa ma jirto, waxaana wanaagsan in aan la hor dhicin oo dowlada Masar laga war sugo, insha Allah wax kastana wey kala cadaan doonaan.

Waxaan arkay dad kiiskaan dano gaar ah ka raadinaya sida iney ummad iska hor keenaan, kuwaas Ilaahey haka cabsadaan ayaan leeyahay, dadka waa dad wada dhashay oo aan marnaba kala go’een, xaqana ma qarsoomayo.

Waxaan mar kale u tacsiyeenayaa ehelada marxuumada iyo guud ahaan intii ay ka baxday. Ilaahey ha u naxariisto walaasheen.
Xaqana Allaha soo iftiimiyo.

Iyaah 😂😂😂😂 marna waa raga marna waa dumarka
14/02/2023

Iyaah 😂😂😂😂 marna waa raga marna waa dumarka

Address

Muqdisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali crazy funny videos posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Somali crazy funny videos:

Share

Category