Runta.com

Runta.com Runta.com waa warbaahin qaxiiqda ka hadasha kala soco wararka ugu danbeeye calamka melkasto aad aduunka ka joogto kala soco Kala soco warar xaqiiqda Ku saleesan

Beesha Eriteria ee Somalia Xubno ka heleysa BaarlamaankaIyadoo inta badan Jaaliyadaha ku dhaqan dalka Somalia ay yihiin ...
12/08/2016

Beesha Eriteria ee Somalia Xubno ka heleysa Baarlamaanka

Iyadoo inta badan Jaaliyadaha ku dhaqan dalka Somalia ay yihiin kuwo farakutiris ah ayaa waxaa soo baxaaya in Nabadoonka Beesha Eriteria iyo Jaaliyadduba ay rajo ka qabaan in xuquuq ay ka helaan maamulada la filaayo in loo dhiso Goboladda Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo Gobolka Banaadir.

Nabadoon Cali Fikaak Cumar oo ah Nabadoonka Beesha Eriteria ee Somalia, ayaa sheegay in Eriterianka ku nool Somalia ay leeyihiin xuquuq la mid ah kan ay leeyihiin muwaadiniinta waxa uuna taasi sabab uga dhigay in intooda badan ay yihiin kuwo ay iska dhaleen Hooyooyin Somali iyo Aabayaal Eriterian ah.

Nabadoonka ayaa sheegay in Beesha Eriteria ee ku nool Somalia ay kor u dhaafayaan 700 oo ku kala nool magaalada Muqdisho iyo daafaheeda waxa uuna si cad u sheegay in deegaan ahaan ay degaan Gobolada Banaadir, Hiiraan iyo qeybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan magaalada Marko.

Nabadoonka waxa uu sheegay in rajo fiican ay ka heystaan dhanka dowlada Somalia waxa uuna cod dheer ku sheegay in maamulka loo dhisi doono Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ay xubno ka heli doonaan Baarlamaanka uu maamulkaasi yeelan doono maadaana ay degaan magaalada Jowhar.

Waxa uu sheegay in Eriterianka ay Hanti maguuraan ah ku leeyihiin magaalada Jowhar, waxa uuna cadeeyay inay ka qeybqaaten Horumarka magaalada Jowhar sida dhismaha Buundooyinka, Biyoxireenka loo yaqaano xeentooy, Warshadii Sokorta ee loo yaqaan Seys iyo Beeraha magaalada Jowhar.

Nabadoon Cali Fikak Cumar waxa uu sidoo kale sheegay in rajo wanaagsan ay ka leeyihiin in Baarlamaanka uu yeelan doono Maamulka cusub ee loo dhisi doono Gobolka Banaadir ay xubno ku yeeshaan, waxa uuna tilmaamay in dadaalka lagu gaari lahaa xubnahaasi ay kala hadleen dowlada Somalia, sidaana ay rajo ku qabaan.

Sidoo kale, Maamulka Jaaliyadda Eriteria ee Somalia ayaa sheegay inay jiraan taageero ay ka heystaan Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, waxa ayna sheegen in Wasaaradu ay dhowr jeer kala hadleen helida deeqaha ay Wasaaradu u qoondeysay Jaaliyadaha iyo dadka tabaaleysan, waxa uuna maamulka Rajo ka muujiyay helida deeqaha ay bixiso Wasaarada.

Dib usoo nooleynta Jaaliyadaha ka jira dalka Somalia, ayaa waxa ay ka turjumeysaa in Somalia ay ka jirto Nabad iyo Xasilooni.

Nabadoonka Beesha Eriteria iyo Maamulka Jaaliyada ayaa si isku duubni leh Mahad celin ugu jeediyay dowlada Somalia oo garab taagan.

Xafiiska Warfaafinta Jaaliyadda Eriteria

Heshiiska dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu saxiixay Madaxtooyada (Daawo Sawirada)Madaxweynaha Jamhuriyadda...
08/08/2015

Heshiiska dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu saxiixay Madaxtooyada (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo lagu saxiixayey heshiiska hannaanka maamul u sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo ay wada saxiixeen xubnaha golaha wasiirrada ee ka soo jeeda degaannadaasi, guddoomiyeyaasha labada gobol iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta ka hawlgasha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tallaabada siyaasiyiinta iyo madaxda gobolladan ay ku dhaqaaqeen ay tahay mid taariikhi ah oo mustaqbalka waddanka waxtar u leh.

‘’Waxaan maanta u wada fadhinaa tallaabo kale oo horumar ah, taas oo qeyb ka ah baahinta xukunka. Saxiixa heshiiska maanta waxaa uu soo afjarayaa goobihii weli harsanaa ee aan weli maamulka lagu baahin. Waxaa maanta kadib inoo bilowdey fursad cusub oo ah inaan helno mas’uuliyiin aan kala xisaabtanno taako kasta oo dhulkeena ka mida ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay garab istaagi doonto maamullada ka jira dalka oo dhan.

“Tallaabada tan xigta waxay noqoneysaa inaan u istaagno xoojinta maamullada jira. Waxaan dhiirigelinayaa in lagu tartamo horumarka , dib u heshiisiinta iyo wadatashiga, waddadaasi ayaana ah tan aan horumarka ku gaari karno. Waa in aan iska ilownaa wixii h**ey noo soo marey, khibradda aan ka dhaxalneyna aan u adeegsanaa inaan ku sameyno dib u heshiisiin waarta iyo nabad’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay beesha caalamka in Soomaaliya ay gashey marxalad cusub oo ka duwan tii h**e, isla markaana wixii haatan ka dambeeya ay maamullada cusub ee dhismaya si buuxda wax ugu leeyihiin talada siyaasadda, horumarka, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale ammaan u jeediyay beesha caalamka, ciidammada AMISOM iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku taageeraya dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab.

‘’Waxaan marka h**e tacsi u dirayaa dadka shacabka ah ee ku waxyeeloobay dagaallada dalka looga sifeynayo cadowga. Mar walba oo uu dagaal dhaco waxaa jira khasaare soo gaara dadka rayidka ah. Waxaan dhowr jeer kala hadley, mar kastana aan ku adkeeyaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM inay iska dhowraan waxyeelo shacabka la gaarsiiyo. Waxay labadan dhinac kulan degdeg ah oo aan la qaatey iigu xaqiijiyeen inay u hoggaansami doonaan sharciga, isla markaana la dhowri doono shacabka, lagana fogaan doono in waxyeelo ay soo gaarto.’’

Munaaabadda saxiixa heshiiska ayaa waxaa sidoo kale ka hadley Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, diblomaasiyiin iyo madax kale.

Waxaa sidoo kale kale munaasabadda ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxweynaha Maamulka KMG ee Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la filayaa in uu rasmi ahaan u furmo bisha September kowdeeda, lana soo gabagabeeyo 1-da December, ee sannadkan 2015, markaas oo lagu wado inay dhacdo xafladda caleema saarka madaxda cusub ee maamulka la soo dhisayo.

02/07/2015
Kkkkkkk kkkkkkk
27/06/2015

Kkkkkkk kkkkkkk

26/06/2015

Masiixul dijaal oo Israel ku dhashay dhawaan

Afur wanaagsan
26/06/2015

Afur wanaagsan

Address

Mogadishu
12345

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Runta.com posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Runta.com:

Share