30/07/2026
Taliyihii h**e ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,
/Gaas_Yuusuf_Xuseen Dhuumaal, ahna Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlada Jubbaland, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, /Guuto_Ibraahim Maxamed Maxamuud.
Wasiirka ayaa si weyn u ammaanay mowqifkii qaranimo ee uu Taliyuhu ka muujiyay shirkii ka dhacay magaalada Kampala ee dalka uganda, halkaas oo uu diiday inuu ku hadlo ama ku istaago magac aan matalin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo si cad u adkeystay inuu matalayo qaranka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku baaqay in dhammaan masuuliyiinta matala Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay mar walba ilaaliyaan magaca, sumcadda iyo astaamaha rasmiga ah ee qaranka, isla markaana ay muujiyaan mowqif mideysan oo difaacaya madax-bannaanida iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.