04/06/2026
WAQOOYI BARI- MUQDISHO: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Waqooyi Bari Mudane Axmed Maxamed Ciise (Ahmed Senda), ayaa magaalada Muqdisho kaga qayb-galay aqoon-is-weydaarsi iyo wadatashi ku saabsan Maareynta Khayraadka Dabiiciga iyo Nabadda (Peace-Positive Natural Resources Management), kaas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowlada Federalka Soomaaliya, UNP iyo Machadka Nabadda ee Yurub (European Institute of Peace -EIP). Kulanka waxaa ka soo qayb galay Wasaaraddaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo Daneeyasha Deegaanka iyo qaar ka mid ah Hay’adaha Caalamiga ah.
Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu diiradda saarayaa falanqaynta isbadalka cimilada iyo colaadaha iyo loolanka ka dhasha dhul-daaqsameedka, biya-yaraanta, saxarowga dhulka iyo habab wax-ku-ool ah oo lagu hirgelinayo qorshayaasha wax looga qabanayo dhibaatooyinka iyo colaada ay keento isbeddelka cimilada (Abaaraha iyo Daadadka soo noqnoqda).