Afdhowr

Afdhowr Madasha Afdhowr waa madal u taagan ururinta taariikhda, dhaqanka iyo guud ahaan xogaha Soomaalida.

BISMILAAHKhamiis, 2 Janaayo, 2025, waxaa noo qabsoomay mid ka mid ah kula madeenii wacyigelinta ahaa, kuna saabsanaa dha...
04/01/2025

BISMILAAH

Khamiis, 2 Janaayo, 2025, waxaa noo qabsoomay mid ka mid ah kula madeenii wacyigelinta ahaa, kuna saabsanaa dhaqanka. Kaas oo uu ciwaankiisu ahaa "Kaalinta Dhaqanku uu ku leeyahay Nolosha Aadanaha".

Ujeedka barnaamijka ayaa ahaa, sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed. Kulanka oo lagu qabtay aaladda fogaan aragga ee Google meet, ayaa waxaa noo soo jeediyay bare Maxamed Cismaan Maxamed. Isaga oo halkaas kula wadaagay cashar aad u qiima badan intii nasiibka u yeelatay.

Ma noqon doonto markii ugu dambaysay ee madashu halkan idin kula wadaagto casharro dhaxalgal ah muhiimna u ah bulshada Soomaaliyeed, balse waan sii wadi doonnaa sidii caadada inoo ahaydba.

Afdhowr waxa ay u taagan tahay dhisidda wacyiga iyo aqoonta dadka Soomaaliyeed.

๐—ง๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ณ๐—ฑ๐—ต๐—ผ๐˜„๐—ฟMadasha Afdhowr waxa ay qabanaysaa kulan ku saabsan Dhaqanka, cinwaankiisuna yahay, "Dowrka dhaqanku k...
29/12/2024

๐—ง๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ณ๐—ฑ๐—ต๐—ผ๐˜„๐—ฟ

Madasha Afdhowr waxa ay qabanaysaa kulan ku saabsan Dhaqanka, cinwaankiisuna yahay, "Dowrka dhaqanku ku leeyahay noolasha" kaasoo uu noo bixin doono Ustaad Maxamed Cismaan Maxamed. Kulanku waxa uu qabsoomi doonaa 2 Janaayo, 2025, 8:00PM (habeennimo), waxa uuna ku qabsoomi doonaa aaladda fogaan aragga ah ee google meeting-ka.

Ka soo qaybgalku waa bilaash, waana u furan yahay cid kasta, oo danaynaysa barnaamijkan.

Haddaba, si aad uga qaybgasho guji link-gan hoos kaaga muuqda:
https://chat.whatsapp.com/LQgb1TDxk5AG6yoyfqflOj.

BISMILAAHSabti, 28 Sebteember, 2024, waxaa madasha Afdhowr u qabsoomay mid ka mid ah kula madeenii wacyigelinta ahaa, ka...
29/09/2024

BISMILAAH

Sabti, 28 Sebteember, 2024, waxaa madasha Afdhowr u qabsoomay mid ka mid ah kula madeenii wacyigelinta ahaa, kaas oo ciwaankiisu ahaa "Kaalinta akhrisku uu ku leeyahay hormarinta aadanaha".

Ujeedka barnaamijka ayaa ahaa, sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga akhris iyo muhiimadda uu u leeyhaya bulshada Soomaaliyeed. Kulanka oo lagu qabtay aaladda fogaan aragga ee Google meet, ayaa waxaa noo soo jeedinayay bare sare Maxamed Cali Barre. Isaga oo halkaas kula wadaagay cashar aad u qiima badan intii nasiibka u yeelatay.

Ma noqon doonto markii ugu dambaysay ee madashu halkan idin kula wadaagto casharro dhaxalgal ah muhiimna u ah bulshada Soomaaliyeed, balse waan sii wadi doonnaa sidii caadada inoo ahaydba.

Afdhowr waxa ay u taagan tahay dhisidda wacyiga iyo aqoonta dadka Soomaaliyeed.

Tababbarka AfdhowrMadasha Afdhowr waxay qabanaysaa kulan ku saabsan horumarinta akhriska oo cinwaankiisu yahay, "Kaalint...
24/09/2024

Tababbarka Afdhowr

Madasha Afdhowr waxay qabanaysaa kulan ku saabsan horumarinta akhriska oo cinwaankiisu yahay, "Kaalinta akhrisku uu ku leeyahay hormarka aadanaha" kaasoo uu bixin doono Bare sare Maxamed Cali Barre. Kulanku waxa uu noo qabsoomi doonaa 28 Sept, 2024, 8:00PM (habeennimo), wuxuuna ku qabsoomayaa aaladda fogaan aragga ah ee google meeting-ka.

Ka soo qaybgalku waa bilaash, waxa uuna u furan yahay cid kasta, oo danaynaysa ka qaybgalka barnaamijkan.

Haddaba, si aad uga qaybgasho guji ningaxa hoos kaaga muuqda:
https://chat.whatsapp.com/LQgb1TDxk5AG6yoyfqflOj

23/09/2024

Af Maldaha

Si ay murtida maansadu xambaarsan tahay u yeelato micna kooban, qurux iyo xiisaba leh, maansaagu wuxuu si habsan u adeegsadaa qaybaha af maldaha, oo ah af loo adeegsado ereyo ama weero si ka duwan micnahooda asaleed. Inkastoo qaybaha af maldaha lagu adeegsado xataa afka caadiga ah, haddana marka maansada lagu isticmaalo raadka ay maskaxda ku reebaysaa ka qoto dheer kan caadiga ah. Shardi ma aha in beyd waliba laga helo qaybahaas, sida miisaanka iyo qaafiyadda. Saas ay tahay haddii maanso laga waayo qaybaha af maldaha, hodannimada maansadaasi way wiiqantaa.

Qaybaha af maldahu aad bay u fara badan yihiin, dhowr ka mid ah ayaan halkaan ku taxaynaa.

1-Ekeeye (simile): Waxaa la adeegsadaa marka laba wax oo kala duwan isku ekaantooda la isu qiyaasayo. Marka lays barbar dhigo labada shay oo meel isaga eg (ekeeye iyo loo-eke), waxaa shardi ah in laga dhex helo ereyadan midkood: sida, oo kale, la moodaa iwm. Tusaale:
Xaliima way dheer tahay, sida Cali dheere.
Eke. / Waxa la isaga eg yahay/ ekeyn /loo eke

2-Ereg (metaphor): Waa xubin ah isgarab dhig ka dhexeeya waxyaalo sal ahaan kala duwan. Waxaana shardi ah in aan laga dhex helin ekeeyaha iyo loo ekeeyaha ereyga ekeynta oon horay u soo aragnay (sida, oo kale, la moodaa) iyo waxa la isaga egyahay oo dahsoon. Marna loo ekeeyaha falkiisa ama astaantiisa keliya ayaa laga soo ergadaa. Tusaale:

(Daraawiishi waa jibindhawgiyo jowga soo baxay dheh) Sayidka
(Dhubbadow nin maansada beryahan maalayaan ahaye)Saahid
Kubka miyaan ka jabay biixidaan laan kabaya loo haynin)Raage Ugaas
(Ninka ila biyo leh soo arkoo oomman baan ahaye )
Raage Ugaas

3-Qofayn (personification): Waa marka shucuur ama astaamo aadamiga u gaar ah lagu sheego ama la siiyo xayawaan ama waxaan nooleen. Tusaale:
Fiinyahow adaa ololayoo oohin ciirsaday e-Cali Xuseen
Guuguulihiiyow haddaad guga u ooyayso Ismaaciil Mire

4-Buunbuunin (hyperbole): Waa hawraar wax run ah sheegaysa iyadoo sida ay wax uga sheegeyso aad loo naaxnaaxiyo. Tusaale:
Wadnihii miyaa kaw i yidhi kalimaddii yeedhay?
Raage Ugaas

Kuma koobna intaan oo keliya qaybaha afmaldahanayaasha, hayeeshee way ka badan yihiin.
Ustaad Xasan-Albasri
Xubin: Afdhowr

Waxaa maalintii shalay, taariikhduna ahayd Arbaco, 28 Agoosto, 2024 noogu qabsoomay hoolka jaamacadda Green Hope, tababb...
29/08/2024

Waxaa maalintii shalay, taariikhduna ahayd Arbaco, 28 Agoosto, 2024 noogu qabsoomay hoolka jaamacadda Green Hope, tababbar cinwaankiisu ahaa Taariikhda Af Soomaaliga iyo heerarkii uu soo maray. Kaas oo uu noo soo jeedinayay Xoghayaha guud ee guddiga Af Soomaaliga, qoraa Maxamed Cabdulqaadir Daa'uud (Stanza).

Tababbarka waxa ka soo qaybgelay xubno ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada oo isugu jiray arday, macallimiin iyo dadka daneeya taariikhda af Soomaaliga.

Kasoo qaybgelayaasha tababbarka, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay madasha Afdhowr sida ay markasta ugu taagan tahay horumarinta af Soomaaliga, iyaga oo aad ugu ammaanay shaqada ay u haydo bulshada.

Ugu dambayna, tababbarka oo socday muddo laba maalin ah, ayaa ku soo dhammaaday si guul ah. Iyada oo ka qaybgelayaashana halkaas lagu guddoonsiiyay, shahaadooyin caddaynaya ka qaybgalka tababbarka.

Madasha Afdhowr waxa ka go'an kor u qaadidda wacyiga iyo aqoonta afka ee bulshada Soomaaliyeed.

26/08/2024

Madasha Afdhowr oo aad uga barateen tababbarro lagu horumarinayo afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxa ay qabanaysaa tababbar cinwaankiisu yahay, "Taariikhda afka Soomaaliga iyo heerarkii uu soo maray". Tababbarka waxa noo soo jeedin doona, xoghayaha guddiga af Soomaaliga ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, qoraa Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud (Stanza).

Waxa uuna noogu qabsoomi doonaa haddii Eebbe idmo, Jaamacadda Green Hope, Arbaco, 28/08/2024, 3:00 galabnimo.

Ka qaybgalku waa bilaash, cidkastana waa u furan yahay.

Haddaba, si aad qayb uga noqoto dadka nasiibka u yeesha tababbarkaas guji ningaxa hoos kaaga muuqda.
Mahadsanidiin.

https://chat.whatsapp.com/LQgb1TDxk5AG6yoyfqflOj

Madasha Afdhowr waa madal u taagan ururinta taariikhda, dhaqanka iyo guud ahaan xogaha Soomaalida.

Shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd Arbaco, 21 Agoosto, 2024 waxaa noo qabsoomay qaybtii koowaad ee tababbarka Madasha A...
22/08/2024

Shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd Arbaco, 21 Agoosto, 2024 waxaa noo qabsoomay qaybtii koowaad ee tababbarka Madasha Afdhowr oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada. Tababbarka ayaa lagu qaatay cashar ku saabsan Hababka ugu fudud ee barashada afafka oo uu noo soo jeediyay bare sare Hassan Fiidow, halka ay dhankooda ka soo qayb galayaashu weydiimo la wadaageen baraha tababbarka.

Tababbarka ayaa maalintii shalay noogu qabsoomay hoolka jaamacadda Green Hope. Waxaana qaybta labaad oo ciwaankeedu yahay; taariikhda afka Soomaaliga iyo heerarkii uu soo maray qaban doonnaa haddii Eebbe idmo, maalinta Arbacada, taariikhduna ku beegantahay 28 Agoosto, 2024. Waxaana marti noogu ah qoraa, Maxamed Cabdulqaadir Daa'uud( Stanza).

Madasha Afdhowr waxa ka go'an kor u qaadidda wacyiga iyo aqoonta afka ee bulshada Soomaaliyeed.

Madasha Afdhowr, waxa ay bahda jecel barashada iyo horumarinta afkeenna hooyo ugu bishaaraynaysaa, in ay dhowaan qaban d...
13/08/2024

Madasha Afdhowr, waxa ay bahda jecel barashada iyo horumarinta afkeenna hooyo ugu bishaaraynaysaa, in ay dhowaan qaban doonto tababbar ku saabsan barashada iyo taariikhda afka. Kaas oo qayb ka ah hawlaha horumarinta iyo tayaynta af Soomaaliga ee Madashu u taagan tahay.

Tababbarka oo ay bixin doonaan khubaro ku takhasustay, aqoon durugsanna u leh Af Soomaaliga, ciwaannada ay bixin doonaan waxay kala yihiin:

1. Hababka ugu fudud ee barashada afafka.
2. Taariikhda afka Soomaaliga iyo heerarkii uu soo maray.

Si aad qayb uga noqoto dadka nasiibka u yeesha fursaddaas, la xiriir lambarkaan; +252770909499 ama raac link-gaan qaybata hoose kaaga muuqda:

https://chat.whatsapp.com/LQgb1TDxk5AG6yoyfqflOj
Afdhowr

Address

Waabari
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Afdhowr posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share