Ahmednoor magabade

Ahmednoor magabade Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ahmednoor magabade, Cultural Center, Mogadishu.

Ciid wanagsan dhamaan muslimiinta. Gaar ahaan umadda soomaaliyeed. Rabbi hainaga aqbalo acmaasha wanagsan.
09/04/2024

Ciid wanagsan dhamaan muslimiinta. Gaar ahaan umadda soomaaliyeed. Rabbi hainaga aqbalo acmaasha wanagsan.

Dhiganahaan oo aan shaley bilaabay akhriskiisa "how to stop worrying and start living" 'sida loo joojiyo walbahaarka loo...
30/06/2023

Dhiganahaan oo aan shaley bilaabay akhriskiisa "how to stop worrying and start living" 'sida loo joojiyo walbahaarka loona bilaaba nolol cusub". Qoraalkiisa farshaxameysan, afkaarka nidaamsan ee habeeysan, talooyinka wax ku-oolka ee uu bixinaya marka laga yimaado waxaa aad iyo aad ii cajabiyay kalmad ku dhex jirtay oo udhigneyd sida tan:
"Umadda nabi Muxamad(S.C.W) ma dareemaan murugo sababtoo ah waxaa qalbigooda ku jira Quraanka".
Soo layaab ma ahan marka gaalku uu sidaas aaminsanyahay aadna arkeysid tiro muslimiin ah oo la dhiban murugo,stress ,walwal iyo jahwareer ka heysta amuuraha aduunka??
Waxaan maankeyga ku soo dhacay qowlka Eebe ee ahaa "الا بذكر الله تطمئن ". "Digriga waxa uu dejiyaa qalbiga".
Digriga Ilaahey qofkii badiya waxa uu dareemayaa; xasilloni iyo degenaan, sidoo kale waxa uu helayaa danbi dhaaf iyo kheer badan.
IYO KU DHAQMIDDA DIINKEENA RABBI HAINA WAAFAJIYO".

17/05/2023

Istaag maanta dhan baad Fb soo dhex-wareegtayee intaan samee oo qadka iska xiri 10 daqiiqo.
Maogtahay 10 daqiiqo oo kali ah inay kugu filantahay inaad sameysid camal aad ku heli kartid:
1. Danbi dhaaf
2. Kheyr iyo barwaaqo
3. Owlaad iyo maal badan
4. Irsaaqad waasac ah .
Camal kaasu waa 1000 istiqfaar.
10 daqiiqo kaa badan.
Mahadsanid.

Cultural Center

Doorashada erayada iyo luuqada saxda ah Nin oday ah oo indhoole ah ayaa wadada dhexdeeda la fariistay boor ay ku qoranta...
21/05/2021

Doorashada erayada iyo luuqada saxda ah

Nin oday ah oo indhoole ah ayaa wadada dhexdeeda la fariistay boor ay ku qorantahy i caawiya waxaan ahay indhoole/camoole.
Wiil dhalinyara ah ayaa arkay odaygii oo wax ku leexanaya aan laheyn qof walbaba eegaya iska dhaafaya.
Odaygii ayuu u yimid boorkii ayuu qoraalkii ka badalay wuuna iskaga tagay , odaygii wax yar ka dib lacag badan ayaa la siiyay .
Odaygii waa yabay markaasu yiri qoraalka boorka ku qoran ha lii akhriyo.
Waxaa lagu qoray"WAA MAALIN QURUX BADAN,WAXBAAD ARKEYSAA , ANIGU WAXBA MA ARKO"
Doorashada erayadeena iyo hadaladenaba waxey yeelan karaan saameyn taban ama togan .
hadan doorana erayada saxda ah waxaan si wanagsan ula xiiri karnaa dadka kale dareenkoodana soo jidan karnaa.
Hameen wanaagsan

Cultural Center

09/10/2019

HADAL QIIMA BADAN
Marna ma aqbali doono cid kasta oo is
hortaagta dib u-yegleelida Qaranimada Soomaaliyeed....

"Waxaan naga go'an inaan dhageysano cid kasta oo wax tabaneysa, waxaan naga go'an inaan garowshiyo siino cid kasta garowshiyo leh, waxaan naga go'an inaan raali galino cid kasta oo raali galin mudan waxaan naga go'an inaan ka mira dhalino dib u-heshiisiin waarta oo ka hirgasha dhammaan gayiga Soomaaliyeed laakiin marna ma ogolaan doono inaan dib u laabano marna ma ogolaan doono inaan aqbalno wax qaranimada ka yar,marna ma aqbali doono cid kasta oo is hortaagta dib u-yegleelida Qaranimada Soomaaliyeed"ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
MADAXWEYNAHA QARANKA MUDANE FARMAJO
XIGASHO HORN CABLE TV

28/07/2019

Buug free ah wax lacag lagaama rabo
Daabacadii 2aad ee buugan qaytii 1aad h**e aan idinkugu soo bandhigay inta nasiib u yeelatay way heshay hada halaga fa'ideysto

same wade madasha buugagta xulka ah

shuruudahan fuli si aad u hesho buugaan
like saar pageka
like saar postiga
share dheh postiga

massengerka nagala soo xiriiir

23/06/2019

XIKNAAMDAH MAANTA
1.Calaamada Qaangaarnimada dhabta ah waa markii qof
ku dhibaateeyo ka dibna aad isku daydo in aad
xaaladooda fahanto iyo waxa ay sidan u sameynayaan inti
aad isku dayi lahayd in aad ka aargoosato

2.Maalintu in ay kuu noqoto mid kheyr oo danahaaga
kuu wada qabsoomaan waxay ku xiran tahay subixi
markaad hurdada ka toosto wixi aad ku bilowdo; halki
aad ku bilaabi lahayd fb fiirin, email ka jawaabid, war
dhageysasho, ku bilow Allihi ku siiyay fursada labaad
nolosha in aad u sujuudo, xusto, ku shugrido, aadna
duceysatid

3. Ha murugoon hadii dad aad abaal badan u gashay
kugu jisaaraan ama cadow kugu noqdaan. Xusuuso, Alle
oo dadkan abuuray, nimco badan siiyay, ayay in badan ku
caasiyeen, aysan adeecin awaamiirtiisa. Maxaad filaysaa
adigoo ah maskiin daciif ah?
Ahmednoor magabade

21/06/2019

Saddex maan laawayaal
Hadda ka hor nin ayaa naag Soo doontay, wuxuuna leeyahay 10 geel ah bes. Waxaa lagu yiri 10 geel ah bixi gabadha waad heleysaa. Isjiid jiid dheer ka dib wuu bixiyay geelii. Gabadhiina wuu watay. Wakhti ka dib aabahii gabadha dhalay ayaa reerkii usoo martiyay oo uu isaga xaalufiyay, wax la siiya ayaa laga waayay. Gabadhii ayaa waxay utagtay nin aay deris ahaayeen oo ugaarsata ahaa, waxeyna tiri wax aan abaahey caawa siiya igu caawi oo hilib ugaar ah. Ninkii ugaarsatada ahaa waxuu yiri waa diyaar ee aan hal mar kaa helo waxaan raba. Way diiday xaafadeydii ayey iskaga labaatay ayadoo Fara maran . Ka dibna waxeey tiri " waxaa tihiin saddex maan laawayaal, ninkeyga waa maan laawe, aabahey wa maanlaawe, deriskeygana waa maanlaawe.
Ninkeyga xoola waxuu lahaa ayuu igu bixiyay waa maanlaawe
Aabahey waa maanlaawe xoolahii oo idil ayuu ninkeygay ka qaatay hadana wuu noo Soo martiyay asagoo og inan waxba heysan.
Deriskeygana waa maanlaawe wax toban geel laga bixiyay ayuu rabaa inuu sagaara ku helo.
MORAL: GABDHAHA YAAN XOOLA BADAN LAGA QADANIN SI NINKEEDA UUSAN UNOQON FAQIIR .
HADAA KA QAADATANA HA USOO MARTININ.
WAX TOBAN GEEL LAGA BIXIYAY INAAD BILASH KU HESHO HA ISKU DAYIN

Magabade Ahmd NuurAhmednoor magabade

DARYEEL DUMARKADumar lama cadaadshooLagamana caroodoCidlana laguma tuuroCod naxariis leh iyo calool dabacsani baa lagu w...
18/06/2019

DARYEEL DUMARKA
Dumar lama cadaadshoo
Lagamana caroodo
Cidlana laguma tuuro
Cod naxariis leh iyo calool dabacsani baa lagu wadaa
Mar waa hooyo cisi lehee ha ciilin
Mar waa marwadaada ceeb la ha ciilin
Marwaa curadkaaga reerka ha ciilin
Ahmednoor magabade

15/06/2019

Nolol ay gabar ka maqantahay waa adag tahay
Oday waayeel ah ayaa yiri markaan xoogga lahaa waxaa ifka ugu jeclaa
" Wiil, geel iyo faras" . Waxaan ifka ugu necbaa " gabar, Ari iyo dameer".
Lkn markaan duqoobay wiilkan ifka ujeclaa ayaa igala waregay faraskan aduunka ujeclaa oo iga kaxeystay geelaan aduunka ujeclaa.
Gabadhaan ifka unecbaa ayaa igu qaaday dameerkaan aduunka unecbaa oo waliba ii listay arigaan aduunka unecbaa.
Ma isku raacnay inay gabar tahay tiirka ugu wanaagsan oo qoyska

Xigasho

23/05/2019

Gobol kasta oo soomaaliya ka mid ah wuxuu ka weyn yahay dalal badan oo adduunka ku yaal, iskaba daa 2 ama 3 gobol in la is raaciyo oo lagu magacaabo (DAWLAD GOBOLEED)!

Gobol kasta oo Soomaaliya, wuxuu ka khayraad badanyahay, ka fursad fiicanyahay, ka baaxad weynyahay, waddamo adduunka ugu hodonsan!

Keliya wuxuu u baahanyahay:
* iimaan iyo niyad
* caqli fayow iyo kalsoni
*aqoon diin iyo adduun,
*maamul hufan,
*hogaan wanaagsan,
*shaqo iyo aragti

Tusaale ahaan: Jubbada hoose keligeed, baaxaddeedu waa 42,876 sq.km, Galguduud waa: 49,258 sq.km, (Netherland (Holland) waa 41,453 sq.km), Belgium waa 31,688 sq.km.

Jubbada hoose iyo galguduud ayaa dalalkaas ka xoola badan, ka macdan badan, ka beera hodonsan, ka bad weyn, ka cimila wanaagsan.

Laakiin arrintu dhul iyo khayraad ma aha, waa dad! Waa Bani aadam! Waa Aqoon! Waa caqli! Waa hogaan! Waa shaqo iyo karti! Waa hufnaan iyo maamul!

War dhulka ilaahay idin siiyey ka shaqaysta, oo Ilaahay u shukriya, oo risiqiisa cuna oo ka dherga, oo dadka iimaanka iyo aqoonta leh hogaan ka dhigta, oo ka baxa: qabyaaladda! Dhacadiidka!! Caqli xumada! iyo is qab qabsiga aan macnaha lahayn!!

Waxaan nacay oo mar walba la yaabaa: dadka nicmadaa haysta oo habeen iyo maalin fagaarayaasha, iyo irridaha shisheeyaha la taagan: BEESHA CAALAMKU DEEQDEY BIXISAY QAYBTAYADII NALAMA SIIN!!

AFEEF: Dhalinyarada soomaaliyeed inta caqliga leh ayuu warkaygu ku socdaa, wixii aan caqli lahayn hadalkaanu ma khuseeyo!!

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahmednoor magabade posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share