Somali pedia

Somali pedia Somali Pedia = Somali encyclopedia
waxa aad ka heleysaa qormo kasta oo somali ah

13/05/2023

Muuqaalkaan wax kaa yaabiya ayaad ku arkeysaa...

Halkani waa Sudan, dadka alaabta la kala ordaa waa dad bililiqeysanaya ganacsiyo iyo xaruumo dawladeeda, lkn sheyga cajiibka ah waa Odayga salaada u weyseysanaya ee aan marnaba ku fikirin inuu wax qaato!

24/03/2023

Somalia waa dad cajiba

21/03/2023

I am back my friends
Kadib waqti badan oo aan hawada ka maqnaa is ku solabasho wacan 🤝

Geeri ka badan!Somali hadaan nahay maalinkasta dadkeen kuwa ugu qiimaha badan ayaan duugnaa, waa barooranaa kadibna waa ...
30/10/2022

Geeri ka badan!

Somali hadaan nahay maalinkasta dadkeen kuwa ugu qiimaha badan ayaan duugnaa, waa barooranaa kadibna waa ka soconaa!

Waa xaqiiq in wax nafta bini-aadan ka weyn aysan jirin, qaraxyo ayaa dhaca, dad badan ayaa ku dhinta, allaha u naxariisto inta dhimatay, sheekaduse intaas kuma eka ee dhinacyo kale oo aan la arag ayaa jira:

1. Inta naafowda
Dad badan ayaa qaraxyada ku waaya mid ama qaar ka mid ah lixaadyaha jirkooda, sida: indhaha, lugaha, gacmaha, ama xitaa garaadka jug gaartay awgeed.

Dadkaas waxa ay u dhintaan si nafsiyan ah (ugu yaraan kalsoonida ayaa ka dhunta), oo noloshooda maanta lama mid ahan tii qaraxa ka hor..

2. Caruurta ku ogoontooma
Caruur badan ayaa maalmaha madow ee soo mara Somalia ku waaya waalidki u iftiimin lahaa nolosha, caruurtaas wixi maalintaa dhacay waxey ka daba jiitami doonaan noloshooda inta ka dhiman.

Waxaa laga yaabaa iney gacanta u galaan dad aan arxan leheyn ama iney darbi jiif noqdaan!

3. Hantida ku lunta
Maalinta qaraxu dhaco waxaa burbura waxkasta oo ku hareereysan, dad iyo duunyada.

Ganacsi ay ku tiirsanaayeen dad badan ayaa gebi ahaanba qadka ka baxa maalintaas, lagana yaabo in caruur badan habeeno badan baahi ku seexdaan qaraxaas awgiis.

Waxaa jira wiil dhalinyaro ah oo inta bank lacag ka deynsaday, ku furtay gamacsi, ganacsigiisa ku dadaala, qorsheynayana iney deynta iska bixiyo balse qarax dhacay awgiis meeshi waa duntay, wax laga ceemin karana ma leh oo waa burburtay dhamaanteed, lkn waxaa kasii daran in bangigi uu ka sugayo lacagti deynta eheyd, bal ninkaas noloshiisi soo ma kharibmin!

4. Caqliga guuray

Waxaa jira dad tayo leh, bulshadana wax badan usii kordhin lahaa, balse marki ay arkeen xaalka magaalada, go'aansaday iney iskaga tagaan wadanka.... Hadda waa dadki soo saari lahaa jiil dalka samata bixiya, balse nasiib darro caqligoodi waa hayaamay!

Waa sax in dadkaas ay ka nasiib badan yihiin kuwa dhintay, maadama noloshu ay mar labaad fursad ku siin karto!

Balse ha hilmaamin in markasta kuwa danbe ay tiro ahaan badan yihiin.

Waa nasiib darro in maalinkasta bulshadeena kooxba maalin la kaxeysto, waxaa kasii daran inaan laga dhiidhin, oo aan xitaa damiirka ka geeriyoonay, sheekadu GEERI ka badan ee waa geeriyaal!

Somali pedia

10/03/2022

Qaabka ee yaanyurta/mukulaasha ama bisadda u ugaarsato🤔subxanallah🙄

Wiilkan waxa uu u dhashay dalka Iran, waa ciyaaryahan dheela Chess-ka ♟️  kuna matala qarankiisa!Sanado ka hor ayuu ka c...
05/03/2022

Wiilkan waxa uu u dhashay dalka Iran, waa ciyaaryahan dheela Chess-ka ♟️ kuna matala qarankiisa!
Sanado ka hor ayuu ka cararay wadankiisa kadib marki dawladiisa Iran ay u diiday in uu la dheelo ciyaaryahan matalaya Israel, isagu waxa uu aaminsanaa in siyaasadda iyo sports ka aan leysku qasin!

Xilligaas waxa uu garab istaag kala kulmay galbeedka, France ayaana sharci siisay, uguna yeertay inuu matalo dalkeeda.

Shalay ayey dowladda France ka hor istaagtay in uu la dheelo ciyaaryahan matalaya Russia!

Maxaa ka fahantay?

Sidee ayaa loo dhaqmi karaa weerar Nukliyeer ah haddii uu dhaco?Waxaa jiro Bog Internet ah oo Dowladda Mareykanka ay arr...
03/03/2022

Sidee ayaa loo dhaqmi karaa weerar Nukliyeer ah haddii uu dhaco?

Waxaa jiro Bog Internet ah oo Dowladda Mareykanka ay arrintaasi u sameysay.

Waxay dheheen:

- Isla markii aad Bambada maqashid meel guda ah ama guri ah gal si aad shucaaceeda iyo waxyeellada caafimaad ee keeni karto aad uga fogaatid.

- Dharkii aad wadatay iska bixi, jirkaaga qeybtii awal h**e banaaneydna iska dhaq.

- Indhahaaga, sankaaga iyo afkaagana gacanta haku taaban.

- Meesha aad gashid muddo 24 saacadood ah ku jir, haddii ay dowladda ama maamulka meeshaas awaamiir kale bixiyaanna raac.

- Qoyskaaga gadaal danbe ayaad ka kulmi kartaan, lkn koow ka fogoow si aad shucaaca iyo saameynta bambada uga nabad gashid.

- Lana soco meelaha aad xogaha rasmiga ah ka heli kartid iyo waxa ay qoraan, kuna tasho Internetka iwm xataa inuu go'i karo.

Bambada haddii aysan ku dilin xataa, shucaaceeda iyo cudurka ay kuu keeni karto ayaaba waali ah.

Subxaanallaah. - La wadaag walaalaha kale.

Ahmed kadiye

Inta lagu guda jiray dagaalkii 2aad ee aduunka, askari ruushka u dhashay ayaa helay fasax si uu usoo booqdo qoyskiisa, m...
25/02/2022

Inta lagu guda jiray dagaalkii 2aad ee aduunka, askari ruushka u dhashay ayaa helay fasax si uu usoo booqdo qoyskiisa, marki uu gaaray gurigiisa waxa uu arkay gawaarida waaweyn ee askarta oo ay saranyihiin boqolaal qof oo dhintay, waxa uuna fahmay in la duqeeyay xafadiisa.

Askarigii ayaa hor istaagay gawaaridii ay saarnaayeen dadka dhintay si uu uga fiiriyo in bal qoyskiisa ku jiraan iyo in kale, nasiib xumo waxa uu arkay xaaskiisa oo ka mid ah dadka dhintay ee saaran gawaarida, waana uu naxay.

Lkn askarigii waxa uu go,aansaday in xaaskiisa aysan qeeb ka noqon duugtaan/aaskaan wadarta ah, waxa uuna codsaday in xaaskiisa loo soo bixiyo si uu ugu tuugto/aasto si qurux badan meedkeeda, lkn waxa uu arkay in ay nooshahay lkn ay neefteeda yartahay, waxa uuna ula cararay isbitaalka si uu u badbaadiyo oo loo daaweeyo.

Xaaskii ayada oo nool la aasi rabay wa la badbaadiyay oo waa noolaatay waana caafimaaday.
sanaddo ka dib dhacdadaan, xaaskii waxa ay yeelatay uur waxa ayna dhashay wiil la dhaho Vladimir Putin, madaxweynaha ruushka ee hada, kaas oo hada dagaalka uu ku qaaday Ukraine laga cabsi qabo in uu isku bedelo dagaalka sedexaad ee aduunka.

Sheekada jimcaha😂

Maxey kula tahay adiga?

#

Siyaasadaha wareersan iyo dagaalada dad badan baa ka faa'iida.Media-ha ayaana ugu horreeya qolyahaas!Waana sababta ay Al...
24/02/2022

Siyaasadaha wareersan iyo dagaalada dad badan baa ka faa'iida.

Media-ha ayaana ugu horreeya qolyahaas!
Waana sababta ay Aljazeera afar bil oo xiriir ah Live ugu jirto!

21/02/2022

Dadkaan yaab ayey leeyihiin!

Nin lagu magacaabo Axmed cabdu maahir ayaa post soo dhigay Twitterka isagoo leh: " gabdhaha indha-shareerka xiran waxay ...
15/02/2022

Nin lagu magacaabo Axmed cabdu maahir ayaa post soo dhigay Twitterka isagoo leh:
" gabdhaha indha-shareerka xiran waxay u egyihiin sheydaanka...
Isagu waa na arkaa annaguse ma aragno"

Sheeekha daaciga ah ee Maxamud Xasanaat ayaa Comment ahaan ugu jawaabay sidatan:

" haddii gabadha indhashareerka wadataa ay tahay sida sheydaan isagu noo jeeda oo aanan annagu u jeedin...Annaguna sidoo kale waxaan adiga kuu aragnaa inaad dameer tahay, ileen dameerada uunbuu alle awood u siiyey iney sheydaamada arkaane...."

✍ Xagasho : mustaf

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali pedia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Somali pedia:

Share