11/11/2023
Hada ka hor ayaa wiil wuxuu waxbarasho u aaday wadanka Jarmalka caasimadiisa Baarliin... Mudo ka dib wiilkii wuxuu Aabihiis u soo qoray Warqad uu kaga sheekeynaayo noloshiisa Baarliin iyo sida ay dadka ku nool u wanaagsan yihiin... İntaas ka dib wuxuu u raaciyay in uusan jecleysan maalin kasta inuu jaamacada ku tago gaari Range Rover halka ay macalimiintiisa soo raacaayaan Tareen.... Mudo yar ka dib wiilkii wuxuu helay bashqad ay ku jirto Jeek Lacageed iyo warqad yar oo ay ku qoran tahay wiilkeygiyow lacagtaas waxaad ku iibsataa Tareen Dadkaas Ajaanibta hanagu hor ceebeynine!!!