deeq bulshaawi

deeq bulshaawi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from deeq bulshaawi, Performance & Event Venue, Mogadishu.

16/08/2026

Madaxweyne qor qor “Aniga waan qanacsanahay, Guushayduna waa reer Galmudug oo Midaysan”.

15/08/2026

“Barxadaan waa in loogu magacdaro MW Qoor Qoor”.

Madaxweyne Xasan Sheekh.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO XARIGGA KA JARAY MASHAARIIC HORUMARINEED OO LAGA HIRGALIYAY MAGAALADA DHUUSAMAREEBDhuusama...
15/08/2026

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO XARIGGA KA JARAY MASHAARIIC HORUMARINEED OO LAGA HIRGALIYAY MAGAALADA DHUUSAMAREEB

Dhuusamareeb, Agoosto, 15, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray wajiga koowaad ee mashruuca dhismaha laamiga magaalada Dhuusamareeb iyo Taallada Cagaaran ee magaalada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay hoggaanka Dowlad Goboleedka Galmudug sida hufan ee ay u maareeyeen hirgelinta mashruuca, isla markaana u xaqiijiyeen in mashruucu u qabsoomo sidii loo qorsheeyay, iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo tayada iyo heerarka farsamo ee dhismaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in mashaariicdan ay astaan u yihiin horumarka kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicda magaalada Dhuusamareeb, isla markaana ay wax weyn ka tari doonaan isku socodka bulshada iyo koboca dhaqaale ee deegaanka, isaga oo uga mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya ee ka qayb qaatay qorsheynta, maalgelinta iyo hirgelinta mashaariicdan.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye dhaxalka dowladeed ee waaraya iyo taariikhda muhiim ah ee uga tagayo deegaanka, isaga oo bulshada Galmudug ugu baaqay in ay ilaashadaan mashaariicda iyo horumarka la xaqiijiyay, ayna sii ambaqaadaan dadaallada lagu horumarinayo deegaanka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

Waxaa la casriyeeyay calaamadaha Runway-ga iyo baakinka diyaaradaha ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, si loo xooj...
15/08/2026

Waxaa la casriyeeyay calaamadaha Runway-ga iyo baakinka diyaaradaha ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, si loo xoojiyo badbaadada, hufnaanta iyo habsami-u-socodka howlaha garoonka.

15/08/2026

Ardayda Kaalin Koowaad u galay Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad ayaa dareenkiisa farxadeed la wadaagay Warbaahinta.

15/08/2026

RW Xamse oo Taleefoon kula hadlay Saddexda arday ee kaalmaha h**e ka galay imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare ee Fasalka 12-aad

Maxamed Ciise Daahir  Yuusuf ayaa galay kaalinta 1'aad, Maxamed waxuu dhigtaa Dugsiga Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir. i...
15/08/2026

Maxamed Ciise Daahir Yuusuf ayaa galay kaalinta 1'aad, Maxamed waxuu dhigtaa Dugsiga Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir. isagogo keeenay 94.14.

Imtixaanka sanadkan waxaa u fariistay in ka badan 42,000 oo arday.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada, qiyaastii 40,000 oo arday ayaa ku guuleystay imtixaanka, halka in ka badan 2,000 oo arday ay ku dhaceen

Ardayda Kaalmaha 1 ilaa 10-aad ka galay imtixaanka shahaadiga ee qaranka.
15/08/2026

Ardayda Kaalmaha 1 ilaa 10-aad ka galay imtixaanka shahaadiga ee qaranka.

15/08/2026

DEG DEG: Ardayga galay kaalinta koowad imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare oo la shaaciyay.

15/08/2026

Natiijada imtixaanka Qaranka oo gor dhaw lagu dhawaaqayo iyo xarunta wasaarada waxbarashada oo ay ka bilaawaneyso munaasabad weyn.

Address

Mogadishu

Telephone

+252617948138

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when deeq bulshaawi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share