16/06/2020
Mid ka mid ah dagaalladii dunida ka dhacay, askari ayaa dharkiisa laga helay warqad uu qoray ka hor dhimashadiisii, waxa uu na ku qoray sidatan:
"Haddii aan dhinto wax walba ha rumeysanina, haddii ay hooyadeey barnaamijka TV-ga ka tiraahdo: Wuxuu jeclaa inuu shahiido, waxa uuna oran jiray "Waan dhiman oo waan dhiman si uu dalka u noolaado" ha rumeysanina.
Aniga sidaa maan oran, idinka ayaana idinla mid ahay, waana jeclahay nolosha sida aad idinku ba u jeceshihiin, mana rajeynayo inaan dhinto laakiin wariyaha khamaarka cas xiran ayaa sidaa ku qancisay hooyadey in ay tiraahdo.
Saaxiibkeyga sawirkeyga ku dhagsaday gurigiisa ee ku dul qoray gabay uu ku barooranayo inaan shahiiday, ha rumeysanin waa munaafaq weyn, meeqa goor ayaan lacag deyn ah weydiistay balse waa uu iga dhuuman jiray.
Madaxweynaha xitaa ha rumeysanina marka uu xafladda aaska qaran kaga sheekeynayo dagaalyahan-nimadeyda iyo sidaan u jeclaa dalkeyga, ma aragtaa suudka quruxda badan ee uu xiran yahay waxaa uu ka iibsaday saadkii ciidamada loogu talagalay oo uu lunsaday.
Wax aanu nahay ilmihii fuqarada magaalada sidaas ayaan ku noqonay shidaalka dagaalada ay hurinayaan.
Ilmaha Madaxweynaha, dalka dibadiisa ayay ku baashalayaan baararka iyo meelaha lagu nasto.
Kuwaa xabadaha kor u ridaya si ay u iclaamiyaan tacsiyadeyda iyo baroordiiqdeyda, ma garaneysaan qolada ay yihiin?!!
Weligeey dagaal kuma arag sida ay sheegayaanna ma ihi geesi waxbana k**a garanayo geesinimada iyo xittaa astaamaha jaceylka wadanka.
Balse qorigan waa sida dumarka oo kale oo raganimo baas oo nacasnimo ah ayuu kaa soo saarayaa.
Hadda in aan xabad ama madfac agteyda ku soo dhacay ku dhinto iyo in aan qasab ku dhinto wax farqi ah uma dhexeeyo.
Ha rumeysanina wax aan ka aheyn baroorta iyo oohinta hooyadey marka ay kali noqoto ama niyad jabka Aabahey, ama ilinta gabar aan jeclaa oo aan wax badan u ballan qaaday in aan si wanaagsan ahaan doono.
Wax badan ayaan isweydiiyay maxay carruurta dadka saboolka ahi oo kaliya u shahiidaan?! Iyaga kaliya dalka u difaacaan, iyagoon xitaa hal mitirna dhulkan ku laheyn, iyaga oo qabrigooda xittaa loo iibiyo, maxaanan u maqlin geerida masuul, ama ilma uu dhalay oo u dhimanaya dalka?! Su'aalahan Jawaab maloo helay dhimashadeyda kadib?
Ugu dambeyn
Waan ka xumahay wadankeygiyoow adiga dartaa uma dhimanin, balse wax aan u dhintay si aan quud uga helo dal aan ii diyaarinin waxyaabihii ugu yaraa ee aasaaska u ahaa noloshan." 😭😭
-Hilaac media