Abdirashiid Hassan Moha

Abdirashiid Hassan Moha Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdirashiid Hassan Moha, Arts and entertainment, Mogadishu.

Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, saakay iyo imtixaanaadka fasalka 12-aad ee dalka.
22/06/2024

Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, saakay iyo imtixaanaadka fasalka 12-aad ee dalka.

21/06/2024
Diyaarad siday Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12aad oo ka timid Xamar ayaa goordhow kasoo dagtay garoonka magaalada La...
21/06/2024

Diyaarad siday Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12aad oo ka timid Xamar ayaa goordhow kasoo dagtay garoonka magaalada Laascaanood

Thabit Cabdi Maxamed, duqii h**e ee Muqdisho oo ka digay is hor taagga hanka Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan. ---------...
20/06/2024

Thabit Cabdi Maxamed, duqii h**e ee Muqdisho oo ka digay is hor taagga hanka Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.
-----------------------------------------------------
Xildhibaan Marwo Fawziya Yusuf X. Aadan, Raisulwasaare ku-xigeenkii h**e ahaydna Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya si dareen, taariikh iyo gobonnimo leh ayay u garnaqsatay shirkeedii jaraa’id ee maanta.

Aabahay iyo Hooyaday AUN iyo jiilkooda waxay marqaati u ahaayeen Aabaha Marwo Xil. Fawziya, Halgamaa AUN Yuusuf Xaaji Aadan iyo AUN Halgamaa Gen Abukar Maxamed Liibaan Aftooje seyga Marwo Xil. Fawziya qiimaha ay Qaranka Soomaaliyeed ku leeyihiin.

Waxaan aniguna marqaatiga nool u ahay wadaninimada, kartida, aqoonta, waayo-aragnimada iyo dal jacaylka ay Marwo Xildhibaan Fawziya Yusuf X. AAdan u heyso Qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliyeed wuxuu waajib ka saaran yahay una dhaaratay inay mudnaanta koowaad siiso muwaadinkeeda hanka sare leh ee u tartamaya Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ee 2025-2029 ee markan loo qoondeeyay Bariga Afrika, ahmiyad weyna u leh danaha iyo karaamada Soomaaliya iyo midda guud ee qaaradda Afrika,

Marna ma filanayn in Marwo Xildhaan Fawziya oo ah daljire, xildhibaan, aqoonyahanad dalka wili u adeegeysa, kana soo jeeda qoys ummadda Soomaaliyeed qiimo weyn ku leh si lama filaan ah hankeeda laga hor istaago iyadoo markii h**eba dowladda Soomaaliya garab istaag u muujisay.

Haybadda, sharafta iyo karaamada Qaranka waxay ku jirtaa in go’aannada dowliga ee mandaqadda Afrika iyo caalamkaba ahaadaan kuwo sugan oo u adeegaya danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed haddii mar qoraal lagu diiwaan geliyayna aanan si sahlan looga laaban illeen xeerka diplomaasiyadeed ee mandaqadda iyo caalamkaba waa sugnaanta diiwaanka qoraalada dowliga ah.

Waxaan ka codsanayaa ummadda soomaaliyeed iney sii labba jibaaraan garab istaagga Marwo Xildhibaan Fawziya haddii ay noqon laheyd dhaqaalo iyo dhiirogelinba, waxayna maanta joogtaa inaan ka dhabeyno erayadii heestii “SOOMAALIYEEY TOOS, TOOSOY ISKU TIIRSADA” ee uu tiriyay AUN Halgamaa Yuusuf Xaaji Aadan oo ah Aabaha Marwo Xildhibaan Fawziya Yusuf X. AAdan.

Waxaan Labbada Aqal ee BJFS ugu baaqayaa iney taageeradii h**e ay labba jibaaraan maadama Marwo Xildhibaan Fawziya ay tahay Xildhibaan ka mid ah Golaha Shacabka BJFS wilina u taagan tahay Musharraxnimada Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika.

Agaasimaha NISA Sanbalooshe oo la hadlaya beeshiisa ayaa yiri “walaal waxaa lagu yahay in ninka qaldan gacanta la qabto,...
20/06/2024

Agaasimaha NISA Sanbalooshe oo la hadlaya beeshiisa ayaa yiri “walaal waxaa lagu yahay in ninka qaldan gacanta la qabto, ninka garleh la garabgalo, kan baahanna la gargaaro”

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu sheegay in beeshiisa ay ku fashilantay in Hiiraan gaar ahaan Beladweyne laga dhiso Xarumihii dowladda, sida, Xarunta degmada, Saldhigga Booliska, Garoonka diyaaradaha, wadooyinka iyo dhamaan adeegyada muhiimka u ah bulshada. Sidoo kale waxa uu sheegay in beeshiisa ay isku wadi waysya dhamaan beelaha kale ee la dagi Hiiraan, ayna qasab tahay in markaan talada loo dhiibo jufooyinka kale ee walaalaha la ah ama ay codsadaan fursad kale oo ay qaladkooda ku saxaan.

20/06/2024
20/06/2024
Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan”Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Xamse Cabdi Barre ayaa iga codsaday inaan u tanaasu...
20/06/2024

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan”Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Xamse Cabdi Barre ayaa iga codsaday inaan u tanaasulo Jabuuti,, Iyado oo shaaca ka qaaday inaysan ka taanaasuli doonin Kursigaas isla markaana ay Soomaaliya galayso.

Xildhibaan Fowsiya oo Shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa daaha ka rogtay in goor sii horaysay Sanadkii 2016, Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay inay Kursigaa u dayso Kenya iyadoo arrimo badan oo kursiga ku saabsan daaha ka rogtay waxay sheegtay inaysan marna ka tanaasuli doonin Kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika isla markaana ay Soomaaliya ku mateli doonto.

Kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika waxaa ku loolamayey Dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.

Mucaaradka Soomaaliya iyo Dadka Siyaasada Soomaaliya falanqeeya ayaa goor h**e sheegay in Madaxda ugu saraysa Dowladda Soomaaliya ay dhabarka ka jabinayaan Gabadhan doonaysa Kursiga ugu sareeya Midowga Afrika.

20/06/2024

Gabadha aroosada ah ee miyiga intasaa lagula dardaarmaa 😁

Sadex adigu iska ogow

Nin ku qaba qardoofkii
Caano geel qudh qudhintood
Qosol badan iska ogow

Sadex Adhiga ka ogow

Tuuryada
Tantoomadda
Tiro la’aanta ka ogow

Sadex wiilka ka ogow

Cabdi oo socdaal tagay subaxdii dan buu yimid sara jooga hadalka
Soor aan dabooleyn
Go’gol aan la saxar tirin

Sadex ubadka ka ogow

Saqda dhex ha rawrawin
Siqi qire wax ha u siin
Saqajaanka yuu baran
-miye ∆

19/06/2022

Duhur wngsn manta mxaay taktay hebel ayaa madaxweyne ah AAA !

Address

Mogadishu

Telephone

+252618374334

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirashiid Hassan Moha posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share