Maad iyo maaweelo

Maad iyo  maaweelo Entertainment

04/08/2022

Ciyaal iskuul🤣😅

04/08/2022

Wll like ii page plz ii caawi

ر مضا ن كريم Soonqaad wanaagsan
01/04/2022

ر مضا ن كريم
Soonqaad wanaagsan

20 Waxyaabood Oo U Baahan In Uu Ogaado 20 jir walbaMarka aad tahay labaatan jir waxaad isku aragtaa qof weyn sababtoo ah...
30/03/2022

20 Waxyaabood Oo U Baahan In Uu Ogaado 20 jir walba

Marka aad tahay labaatan jir waxaad isku aragtaa qof weyn sababtoo ah waad weynaatay, qofba qofka kale inta uu ka hor barto cahsrada adag ee nolasha wuu kaga dhawyahay guusha iyo helitaanka nolasha uu rabay.

Dhamaanteen waxa aan maqalnay “20 jir inta uu ood ka boodo ayuu arin ka boodaa”, haa waa run, halkani waxa aan idinku soo gudbin doonaa 20 waxyaabood oo muhiim ah in aad ogaato inta aadan ka bixin 20 jirkaada.

1-BARO IN AAD AQBASHO NAFTAADA

2-BARO IN AAD IS KALSOONI LEH U DHEHI KARTO “MAYA”

3- OGOW IN RIYOOYINKAAD KAGA BAAHANYIHIIN “NAF HURNIMO”

4-BARO WADAHADALKA IYO HESHIISKA

5-BARO CAFISKA

6-ISKA JOOJI “ISBARBARDHIGGA”

7- HA KA CABSAN GUULDARRADA

8-BARO SIDA LOO XANAANEEYO NAFTAADA IYO JIRKAADA

9-BARO SIDA LACAG LOO KEYDIYO.

10-BARO DULQAADKA IYO IN AAD WAQTI SIISO WAXYAABAHA AAD QABANEYSO

11-ISKA YAREEY HORFADHIGA SHAASHADAHA

12-BARO SIDA BALAMAHA LOO ILAALIYO

13-BARO AQRISKA

14-JOOJI CABASHADA

15-ISBAR HOWL BADAN IYO HADAL YAR

16-QALAD SAMEEY LAAKIN QALADKA HA KU SOO CELININ.

17-BARO RUNTA

18-CAAWIN RAADSO MARKA AAD U BAAHANTAHAY

19-BARO XIRFADO CUSUB IYO LUUQADO KALE

20-NAFTAADA JECLOOW

Waad ku mahadsantahay aqrinta iyo lasocoshada pagekeyga.Mahadsanidiin

Fadlan la wadaag asxaabtada kle si ay uga faa iideestaan.

17/12/2021

Ku salli xabiibkeena muxamed صل الله عليه و سلم

"Xaasidku waligii ma aflaxo" XAASIDKAWaa Qof Xanuunsanaaya Oo Ka Xun Nimcada Ilaahay Dadkiisa U Qaybinaayo Ama Siiyey , ...
12/12/2021

"Xaasidku waligii ma aflaxo"

XAASIDKA

Waa Qof Xanuunsanaaya Oo Ka Xun Nimcada Ilaahay Dadkiisa U Qaybinaayo Ama Siiyey , Qofka ‪Xaasidka‬ Ahi Waxaa Uu Nacbeystaa Marka Uu Arko Qof ALLAH Nimco Siiyay Sida Cilmi, Qurux, Mansab Iyo Maal, Waxuu Ku Dadaalaa sidii ay uga tagi lahayd, yuusan isaguba helinbee.

Qofka xaasidka ahi waa qof ka dheer iimaanka, qalbigana kuma kulmaan xaasidnimada iyo iimaanku, hadaba aniga oo jecel inaan wax kaaga sheego xaasidka iyo xumaantiisa waxaan soo qaatay qisadan:-

Iblays Ayaa Maalin Soo Garaacay Albaabka Guriga Fircoon, Dabadeedtana Fircoon Ayaa Waydiyey Waa Kuma, Iblaysbaa Ku Yidhi Waa Aniga, Ilaahnimo Ayaad Sheeganaysaa Markaasadan Garanayn Cida Albaabkaga Soo Garaacaysa!! Cajiib, Hadaad Fircoonow Ilaaha Dhabta Tahay Waad I Garan Lahayd buu Yidhi, Dabadeedtana Fircoon Ayaa Ku Yidhi Soo Gal Iblaysoow Bilaa Barako Ayad Tahay Oo Khayr Ma Lihidee.

Markii Uu Soo Galay Ayuu Fircoon Ku Yidhi Iblays, Miyaad Garanaysaa Cida Aduunka Korkeeda Ku Nool Ee Inaga Shar Badan; Adigu Iblaysoow Waxaad Diiday Inaad Adoonkii Ilaahay Nabi Aadan U Sujuudo, Aniguna Waxaan Sheegtay Ayuu Yidhi Fircoon Ilaahnimo.
Markaas Ayuu Iblays Ugu Jawaabay Fircoon Haa! Wuu Yaabay Fircoon, Wuxuu Ku Yidhi Waa Kuma Kaa Inaga Sharka Badani, Dabadeedtana Wuxuu Ugu Jawaabay Waa Xaasidka.
Iblays Wuxuu Yidhi Anigu Waxaan Adoonkii Ilaahay Ugu Sujuudi Waayey Xaasidnimo, Tusaale Ayaan Ku Siinayaa Ayuu Yidhi Fircoonow, Waxaa Uu Uga Sheekeeyey Sheeko.
Wuxuu Ku Yidhi Fircoonow Waxaan Lahaa Saaxiib, Wax Kasta Oo Shara, Oo Aan Ku Yidhaa Samee Wuu Samayn Jiray, Wax Kastoo Xun Oo Aan Ku Yidhaa Samee Wuu Samayn Jiray,
Kadibna Maalin Ayaan Ku Yidhi Saaxiib Wanaagsan Ayaad Tahay Ee Maxaad Iga Codsan Lahayd Aniga, Kadibna Wuxuu Igu Yidhi Nin Jaarkayga Ah Ayaa Hal Sac Leh Ee Ka Dil, Iblaysbaa Yidhi Waar Saca Anigu Dili Kari Maayo Oo Awood Uma Lihi, Ilaahaybaa Dili Kara Ee Ka Waran Adiga Hadaan Ku Siiyo Toban Sac, Dabadeedtana Ninkii Aya Yidhi Maya! Anigu Waxaan Doonayaa In Ninkaa Aad Sacaa Ka Disho, Boqol Sac Hadaad Xitaa Isiiso Dooni Maayo .

Iblays Ayaa Yidhi Bal Ka Waran ‪Xaasidnimadaa‬, Nin Sac Kaliya Leh Buu U Quuri La'yahay.
Markaas Ayaan Ogaaday buu Yidhi Iblays In Xaasidku Aniga Iyo Adigaba Inaga Shar Badan Yahay.

Gunaanad

Xikmada ku jirta Qoraalkan waa inaad iska ilaaliso, ka dheeraato‪ xaasidnimada‬, soomaliduu waxay tiraahdaa ‪ xaasidku‬ waligii ma aflaxo.
walaalkaa/walaashaa u hibee, u ogolow wanaaga, sareynta, muujina dulqaad iyo ixtiraam, noqona qof deeqsiya, una hur xoolaha iyo maalkaba dadka u baahan, u fidi gargaar dadka danyarta iyo dadka baahiyeysan, aakhiro meel wax u dhigo, xijaab ayey kuu noqotaa sadaqadu maalinta aakhiro waana ku badbaadee inshaaallah.

Waadku mahadsan tahay aqrinta qoraalkan, waxaana rajeenaa in aad wax badan ka faa'iiday.

Maxaa ku qeexi leheed aqriste xaasid. Fikirkaaga waa ii muhiim ee qaybta commentiga igu reeb.
Mahadsanidiin

Jimco wanaagsan asxaabta ku xiran  pagekan. Caawa waxan ku jimceesaneenaa qisadaan. Fadlan lawadag asxaabtada, waxa ka f...
09/12/2021

Jimco wanaagsan asxaabta ku xiran pagekan. Caawa waxan ku jimceesaneenaa qisadaan. Fadlan lawadag asxaabtada, waxa ka fahantay qisadan commentiga inagula wadaag. Mhdsanidiin QISO CAJIIB AH.

Nin Reer Miyi ah ayaa Maraayay Meel Buur Agteeda ah, Waxuu arkay Nin Waayeel ah oo Buurta Agteeda Fadhiya, wuuna Indho la’aa, waxaana Ninka Jirkiisa ka Muuqday inuu Qabo Cuduro aad u badan. Waxay u Ekayd in Odaygu aanu sii Noolaan doonin. Qaybo Jirkiisa ka mid ah Dareen ma lahayn, sidaa darteed, Hal Dhinac oo Keliya ayuu u Fariisan karay. Marka Ninkii Reer Miyiga ahaa uu Odayga in yar Gudbau (Dhaafay), ayuu Maqlay Odaygii Maskiinka ahaa oo leh: Ilaah ayaa Mahad leh, Allahii iga Badbaadiyey Cuduro badan oo uu Dadkiisa ku Imtixaamay, Runtiina Alle wuxuu iga Doortay qaar badan oo ka mid ah kuwa uu Abuuray.

Ninkii Reer Miyiga ahaa ayaa ku soo noqday Odaygii, wuxuuna ku yiri:- Walaal, ma wax Alle kaa Badbaadiyay ayaa jirta? Ilaah ayaan ku Dhaartaye Cudur Jirkaaga ka Maqan ma jiro, ee Bal Ilaah ka Bari (Tuug) inuu ku Caafiyo.

Odaygii ayaa Isagoo Dhinac isku Tiirinaayo Ninkii ugu jawaabay:- Walaal, Haddaan heysto Af iyo Carab aan Ilaah ku Xuso, iyo Qalbi aan Ilaaheey ku Xiriiro, maxaa kaloo iga Maqan, Nolosha Qiimaheeda waaba intaas, intaasba Dad aan heysan ayaa Jiro.

Erayadaan ayaa Badalay Ninkii Reer Miyiga ahaa, oo ahaa Nin aan Diinta ku Fiicnayn, Ilaah SW, ayuu u Towbad keenay, oo Dembi Dhaaf Weydiistay, mudadaas ka dibna waxuu ahaa mid Alle ku Xiran.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW NAXARIISTAADA NA SII, YAA RABBI

By khalid moalim                                                            Sheeko dhax martay lamaane:Wiilka: ma ogtaha...
08/12/2021

By khalid moalim Sheeko dhax martay lamaane:

Wiilka: ma ogtahay in sharaftu ay lab tahay!
Gabadha: ma ogtahay in karaamadu ay dhadig tahay.

Wiilka: ma ogtahay in gabayga uu dhadig yahay.
Gabadha: ma ogtahay in dareenka uu lab yahay.

Wiilka: ma ogtahay in cilmiga uu lab yahay.
Gabadha: ma ogtahay in garashadu ay dhadig tahay.

Wiilka: waxaan maqlay in khiyaanadu ay dhadig tahay
Gabadha: waxaan maqlay in tuuganimadu ay lab tahay.

Wiilka: waxaan maqlay qarintu ay dhadig tahay.
Gabadha: waxaan maqlay in beentu ay lab tahay.

Wiilka: doqonimadu waa dhadig.
Gabadha: dabaalnimadu waa lab.

Wiilka: mid baa igu yiri: jariimada waa dhadig.
Gabadha: midbaa igu tiri: danbiga waa lab.

Wiilka: ma maqashay in fool xumadu ay dhadig tahay.
Gabadha: ma laguu sheegay in araga uu lab yahay.

Waa uu badalay sheekada oo waxuu yiri:

Wiilka: dabeecadu waa dhadig.
Gabadha: quruxdu waa lab.

Wiilka: farxadu waa dhadig.
Gabadha: jaceylku waa lab.

Wiilka: waalidu waa dhadig.
Gabadhu: xanuunka waa lab

Wiilka: adigu waxaa tahay dhadig.
Gabadha: adigu waxaa tahay lab.

Wiilka: wada jirkeena waa aduun.
Gabadha: kala tageenu waa aakhiro

Sheekada waa ay socotaa................?

Address

Jaale Ziyaad Road
Mogadishu

Telephone

+252616691115

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maad iyo maaweelo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Maad iyo maaweelo:

Share