Sahal Maxamed Baane

Sahal Maxamed Baane What's up: +252633879819

04/01/2026

Barlamaanka Ethiopia oo ka doodaya aqoonsiga somaliland

17/11/2024

Gudoomiye ku xigeenka somaliland ayaa ku dhawaaqay.....

17/11/2024

Habar awal oo keentay ninkii oofwareen noqon laha😅

17/11/2024

Hadii 7 sano nala aflagaadaynayay oonu dulqaadanay imika anaga aya leh hadanu habar awal nahay cidii xuman rabtay anaga aya ubilabi doona

16/11/2024

Muuse iyo ciro
Talaw yaa guulaystay
👇

14/05/2024

Gabay= INKAAR QABE

MA OGTAHAY RAG AAN EEDAY BAAN,AMAR KAQATAAYE
MA OGTAHAY ABEESAAN BAHNIMO ,UGU ADEEGAAYE
ASALKAYGA RUUX DIIDANBAAN,U OLLO ‘OLLEEYAAYE
ANFACADA NINKII IGA JARRAAN, ARI URAACAAYE
ADOOGEY NINKII TOOGTAYBAAN ,KU INDHA KUUSHAAYE
ARWAAXDAYDA RUUX WIIQAYAAN,DAN U ILLAALSHAAYE
SIDAAS AYAAN ADOONSIGA ,WALIBA KU ISTAREEXAAYE
SIDAAS AYAA ADUUNYADU U QABTAA IN AAN AHAADAAYE
BALSE IN AAN AYAAN DARANAHAY ,OON EEDAY TALLADAYDA
MA INKAAR QABAA LA IGU YIRI ,BADI AMAAN TIISA
EBTALLADA NINKII SIDAY MIYAA, WALIBA LOO IISHAY
ABAAJAHAL WALLAALKII MIYAA ,NOO ARIMINAAYA
INANKII FIRCOON DHALAY MIYAA ,WALIBA IIMAAM AH
ABRAHAM IYO KAN-CAAN MA ANIGAA, WALI ADEECAAYA
MA ANAA AFDUUBAHA BULSHADA, AABE QARAN MOODA
OO WALI UGAASNIMO UQIRA, WAA AMUUR KALLE’ E
MIDA KALLE WAXBAA AASAN ,OON UURKA KU HAYAAYE
AMUURAHA DAHSOON BAAN ,IN LA ARKA DOONAAYE
ALBAAB AAN FURMAYN BAA JIRO , AAN ABID GARAACAAYE
WAX UJEEDA LOO QARINAYAAN ,AAWAY LEEYAHAYE
EHELKAYGA WAX LOODIIDAY ,AYAAAN KU ANDACOODAAYE
ARJIBAAN QORRAA , DAN AAN NOO AHAANAYNE
AYADA OON LEY OGGEYN BAAN ,DANIGA SII ALKUMAYAAYE
HIDI DIILA AAN MUUQAN BAAN, SII ODOROSAAYE
ARINTAYDA OON SOCON ,AYAAN TALO ABUURTAAYE
AFKAARTAYDA OO LIIDATAAN ,MAANSA OLLOLAAYE
AROORTII KASTA IYO WAABARYAAN ,GABAY KU OOYAAYE
BULSHADAAN ABAABUL IS IRAA, OON KU OORIYAAYE
UMAD SEEXATAAN HAD IYO JEER ,WAX U INSHAARAAYE
ASXAABUL KAHFI BAAN IRAA ,TALO OGEYSIIYE
QOLO AWRKIRAAL NOQOTAY BAAN ,WAR ULA EEXDAAYE
AQLI LAGA DANBEEYAAN, WAXKALLE KU AQRINAYAAYE
DHAG HORTAY LASII OWDAYBAAN ,KU ADIMAAYAAYE
MIYAAN AARSAN KARI WAXAANBA NAHAY KOOX LA IIBSADAYE
TOLKYOW AAN IDIIN ISHAAREE, RAGAAN NOO ARIMINAAYA
ARXAN LAAWE YASHAAN WAQTIGU ,NOOGU ULLA DHIIBAY
AHBALKA , ABOODIGA DHARGAY IYO ,AABUQYADA NAAXAY
ABQARAAB YADAAN MIIDHAN ,EE OWLIYADU DIIDAY
ARQOOBYADA DHARGAY EE SHACBIGA ,CABAYA DHIIGIISA
NIMANKAAN ILLAA AAMANUU ,KA ASHTAKOONEYNAY
KUWA ABID NAGUUD FUUSHAN, EE NAGA INKAARQAATAY
ILAAHEY HORTII KOOXDA YAR EE ,NAGA IDLAAN WAYDAY
MID AAN UGU ILDUUFNAA, JIRTOO WAA ILMA ADEER

Maanso "Quudhsi-diidQuluubta dadkaan dhisaaQaynuun rasmiyaan dhidbaaWaxaan qeexaa waxaanQoraal  lagu  koobi karinXaqiiqd...
26/04/2024

Maanso "Quudhsi-diid

Quluubta dadkaan dhisaa
Qaynuun rasmiyaan dhidbaa
Waxaan qeexaa waxaan
Qoraal lagu koobi karin

Xaqiiqda ma qaaddacee
Runtaan qaban qaabiyaa
Waxaan qiil uga dhigaa
Qubkaa meerha ragbaa
Qummaati u soo arkee
Nafyahay qiirada illoow

Cad quudheed hooda iyo
Haloosiga qoolka badan
Qabarka lagu sabo dan yare
Ha qaadan waxaanad gayin
Qab Soomaalaa i faray

Qaniimadu waa kashee
Quwiilaa igu galladay
Hankaygani qarada wayn

Qardoofuhu waa cashare
Wixii shalay aan qarribay
Anoo qun u sii dhugtoo
Ku qaabila feejignaan
Ayaan qaladkii saxaa.

Tifnaantiyo qolada iyo
Qudhgooyada reernimiyo
Qabyaaladdu waa balee
Waxay qarannimadu tahay
Anoo quwad saarayaan
Tiraabaha qoor-qabka ah
Ahaadaa duul qarsada

Haddaan qow loolliyeed
Qarkaa kaga soo malmalo
Sidii leeb qaanse riday
Qaboonaan joogsadaa
Halkuu qaayibo dabcigu

Filkay qanibaan u ahay
Biyaha roobkeen qabtaa
Qarkiyo laaggiyo toggiyo
Dhijaantiyo qaydarrada
Xareedda qanjaha marshoo
Waxaan qamandiyo hadhuudh
Sarreen gelley iyo qudaar
Ka qaashaartaa sabool

Ma hiigaan quwad lihiyo
Intaan dirir soo qalcaday
Qayoodkiisii mar furin
Amaba daydadu qotomin

Qayrkay uma baahdo oo
Kufkay uma qayshadee
Dahabka ku qarsoon dhulkiyo
Kalluun badda laga qabtiyo
Qodaalkiyo beerihiyo
Qorshaa ii taabba galay

Samaantaan quudiyaa
Xumaha waan qaadhiyaa
Macabka waan quudhsadaa
Qataarka colaadda iyo
Qaskana wiil kuma dhashee
Markay qamac iyo lur tahay
Hayaay iyo qiiqa tajay
Qudhayda ma baajiyoo
Cadaawuhu ima qatalo

Haaddaan se wamaagu quban
Walaalnimo qaydan tahay
Oo aannaan nala qodqodin
Qareenbaan nabad u ahay

Qaaradda hodontooyadiyo
Qormada laandheerahaan
Ka qaadaa dhaantadoo
Dastuur qoran baa i xukuma

Quruumaha h**e u maray
Libinta way ii qireen
Il-qoodhay igu hayaan
Waxay qoollaaliyaan
Qoorriga badda iyo berriga

Abwaan sahal baane

Address

Mogadishu
0636942366

Telephone

+252633879819

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sahal Maxamed Baane posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Sahal Maxamed Baane:

Share