Burjaan Media

Burjaan Media Burjaan Media Waa Hoyga Madadaalada iyo ilaalinta dhaqanka suuban

Fariintii ugu dambeysay ee saxafiga reer Falastiin ‎  oo qoraalkan diyaariyay intrigued uu noolaa, balse  codsaday in la...
25/03/2025

Fariintii ugu dambeysay ee saxafiga reer Falastiin ‎ oo qoraalkan diyaariyay intrigued uu noolaa, balse codsaday in la faafiyo kaddib geeridiisa:

"Haddii aad farriintaan akhrinaysaan, waxay la micno tahay in la i dilay – sida ugu badan ee suuragalka ah, si kas ah – gacanta ciidamada gumeysiga Israa’iil.

Markii uu dagaalkani bilaabmay, waxaan jiray 21 sano oo kaliya – arday jaamacadeed ah oo riyooyin leh sida qof kasta oo kale.

18-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaan u huray noloshayda daqiiqad kasta si aan ugu adeego dadkayga. Waxaan si joogto ah u diiwaangelinayay xasuuqa ka dhacaya Waqooyiga Qaza, anigoo go’aansaday inaan dunida tuso xaqiiqda ay isku dayayeen in ay aasaan.

Waxaan seexday wadooyinka, iskuullada, iyo teendhooyinka – meel kasta oo aan awoodi karo. Maalin kasta waxay ahayd halgan nololeed. Waxaan la ildarnaa gaajo bilo badan, haddana marnaba k**a tegin dadkayga.

Ilaahay baan ku dhaartaye, waajibkaygii saxaafiga ah waan gutay. Waxaan khatar u galay wax kasta si aan runta u gudbiyo.

Hadda, ugu dambayn, waan nastay – waayo 18-kii bilood ee la soo dhaafay ma aanan helin nasasho. Waxaan sidaas u sameeyay anigoo aaminsan qadiyadda Falastiin. Waxaan aaminsanahay in dhulkan uu noo yahay, waxaana ii ahayd sharafteyda ugu weyn in aan ku dhinto anigoo difaacaya. Dhulkaas iyo dadka degganba.

Waxaan idinka codsanayaa: Ha joojinina ka hadalka Qaza. Ha u oggolaanina adduunka inuu ka jeesto oo iska indha tiro. Sii wada halganka, sii wada sheegidda sheekooyinkeenna – ilaa Falastiin ay xorowdo.

15/07/2024

MARXALADAHA ISKUULKA EE 1980s ILLAA 2024.

Sacuudi Carabiya🇸🇦 waxa ay soo saartay ku dhawaad ​​Seddex-laab xaddiga Qamadiga Kenya 🇰🇪 soo saartay sanadkii 2022. Taa...
14/07/2024

Sacuudi Carabiya🇸🇦 waxa ay soo saartay ku dhawaad ​​Seddex-laab xaddiga Qamadiga Kenya 🇰🇪 soo saartay sanadkii 2022.

Taasi macnaheedu waxaa weeye, Sucuudigu waxa uu soo saaray 800,000 MTs Qamadi ah sanadii 2022, halka Kenya 🇰🇪 kasoo saartay isla sanadkaas 270,000 MTs.

Sacuudi Carabiya ma laha wabiyo joogto ah, waxayna heshaa qiyaastii 150 mm oo roob ah sannadkii (marka laga reebo gobollada koofur-galbeed oo hela qiyaastii 500)

Dhinaca kale, Kenya waxay leedahay wabiyo badan oo joogto ah, waxayna heshaa ugu yaraan ​​700 mm oo roob ah sanadkii , Mararka qaarna gaari kara illaa 2,000 mm , haddana waxaad dareemi kartaa farqiga wax soo saar ee labada wadan u dhexeeya.

Afrika oo ah qaarad qani ah, Nimcooyin badan Alle isugu daray, dadkoodu dhalinayaro u badanyihiin, leh shaqaale jaban, haddana wax soo saarkoodu aad buu u liitaa.

11/07/2024

Fulaynimadii oo qof ah.

Noloshaada gaarka ah ka dhig mid  adiga kuu gaar ah. 1. Guurkaaga ha ku xayeysiin baraha bulshada  2. Ha ku xayaysiinin ...
06/07/2024

Noloshaada gaarka ah ka dhig mid adiga kuu gaar ah.

1. Guurkaaga ha ku xayeysiin baraha bulshada

2. Ha ku xayaysiinin guulaha carruurtaada baraha bulshada

3. Ha ku xayeysiin wax waxyaabaha qaaliga ah ee soo iibsato baraha bulshada

Xaqiiqadu waxay tahay...

1. Qof kastaa kuma faraxsana adiga guulahaaga.

2. Inta badan faallooyinka lagaa bixinayo ee aad hesho waa kuwo runta ka fog.

3. Waxa kaliya oo aad adiga iyo qoyskaagaba u soo jiidan doontaa isha xaasidka.

4. Waxaad u soo jiidaysaa noloshaada dadka xaasidka ah.

5. Ma garanaysid cidda sawirkaaga kaydinaysa oo berri ka maalin si qalad ah u isticmaali karta.

6. Runtii waxaad u baahan tahay inaad joojiso waxyaabahaas , sababtoo ah waxay burburin karaan noloshaada, tan qoyskaaga, guurkaaga iyo waliba shaqadaada.

Baraha bulshada waxaa la dhihi karaa waaba indhaha, dhegaha iyo afka shayaadiinta ee ha ku dhicin dabinka shayaadiinta.

Noloshaada gaarka ah ha ahaato mid gaar ah.

05/07/2024

Fannaanka Saalax Sanaag ayaa hees jawaab ah kaga soo jawaabay heestii Xadgudubka ahayd ee Hargeisa laga qaaday 26-kii Juun 2024.

Ereyada qaar waxaa kamid ah :

Walaana Garoowe iyo
Gabiley aan kala jeclayn
Oo aan Guriceel Cartiyo
Godeey ii kala sokeyn
Gaarisa waa ii Sanaag
Gaarisa waa ii Berbera

Waxay geba-gebadu tahay
Gobyahay Soomaalidaa
Xigtiyo gacal baad tihiin
Geed iyo xidid baa tihiin
Guuleystoo wada jiroo
ILAAH garabkiinna joog

Xuquuda Muuqaalka : Youtube-ka Fannaanka.

TELL ME ABOUT YOURSELF? Su'aashan wareysiyada shaqada caadiga ah waxay u badan tahay inay tahay waxa ugu horreeya ee aad...
04/07/2024

TELL ME ABOUT YOURSELF?

Su'aashan wareysiyada shaqada caadiga ah waxay u badan tahay inay tahay waxa ugu horreeya ee aad maqasho kadib salaanta.

Dadka wareysiga kaa qaadaya (Interviewers) ma xiisaynayaan taariikhda dhalashadaada , xaaladda guurkaaga, meesha aad daggantahay iyo tuulada aad ka timid. Waxay rabaan inay maqlaan waxa kaa dhigaya qofka saxda ah ee shaqada ku habboon.

Waxaad u baahan tahay inaad horay u sii diyaargarowdo. Sharaxaad ka bixiso sida xirfadahaaga (Your skills), shahaadooyinkaaga (Your qualifications), iyo waayo-aragnimadaada (Your experience) ay waafaqayaan filashada Hay'adda/shirkadda ee shaqada aad ka dooneyso .

Si fiican isugu diyaari su'aashan adiga oo si kooban u diyaariyanaya jawaabtaada, oo ay ku jirto dhacdooyin xiiso leh oo ku saabsan waxa aad soo qabatay, waxa aad hadda qabato, iyo sida marxaladda shaqada ee xigta u waafaqeyso waxyaabaha shaqada aad codsatay laga doonayo. U qaabey jawaabtaada mid ku dhisan waxqabadkaagii shalay, midka maanta, iyo mustaqbalka. Jawaabahaaga waa inaad si kooban ugu soo koobi kartid 1-2 daqiiqo gudahood.

Jawaabaha si qaabeysan u diyaarso, si fiicanna muraajaco ugu sameey. Ha isku dayin inaad xifidiso jawaabaha oo aad meesha ka aqriso, haddii kale waxaa laga yaabaa inaad qalqasho, isku dhexyaacdo, jawaabahaagana dhadhan fiican yeelan waayaan. Waxaa suurta gal in suaallo lagaa dhex weydiiyo jawaabtaada, sidaa darteed waa inaad si guud fahan uga haysataa waxa aad sheegi doonto ee aadan kaliya xifdin.

Haddii suaashaas aad si fiican oo isku dheelli-tiran uga dabalaato, waxay u badantahay inaad si fudud uga gudubtid su'aalaha kale ee xiga.

Jawaabta waafaiga ah ee su'aashaan waxay kalsooni galineysaa naftaada iyo in dadka ku wareysanaya kalsooni gasho ah inaad tahay qofkii ay doonayeen.

Mudane,CODSI SHAQO DALBASHOAniga oo tixraacayaa geeridii dhawaan ku timid xisaabiyaha xafiiskiina,  waxaanan halkan ka c...
02/07/2024

Mudane,

CODSI SHAQO DALBASHO

Aniga oo tixraacayaa geeridii dhawaan ku timid xisaabiyaha xafiiskiina, waxaanan halkan ka codsanayaa booska beddelka xisaabiyaha dhintay.

Mar kasta oo aan shaqo soo dalbado waxa la iigu soo jawaabaa boos ma bannaana , balse markaan waan idinku qabtay oo wax cudur daar ah ma heleysaan , sababtoo ah aniga oo magaaladayda fasax ku jooga ayaan maqlay warka farxadda leh oo ku saabsan geerida xisaabiyaha. dhaqso ayaan dib ugu soo deg-degay si aan uga qayb galo aaska aniga oo hubinaya in uu run ahaantii dhintay ka hor inta aanan codsan booska uu banneeyay.

Codsigeyga waxaa ku lifaaqan nuqul ka mid ah CV-gayga iyo caddayn muujineysa geeridiisa iyo jagada bannaan.

Markaan iima dhuuman kartaan ee shaqada I siiya.

Mahadsanidiin

30/06/2024

Waddan aan Masjid laga oggoleyn, Dad caabudaya dad kalana ku noolyihiin.

Itaal Media

29/06/2024

Wariyaha : Meeqa caruur ah ayaad leedahay?
Odayga : 84 Carruur ah iyo 17 xaas ( dabcan waqtiyo kala duwan)
Wariyaha : Hambalyo
Odayga : Adiga Meeqa xaas ayaad leedahay?
Wariyaha : Kaliya hal xaas
Odaygii inta la yaabay ayuu qosol is celin waayay 😮😮

Address

Makah Almukarama Road
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Burjaan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Burjaan Media:

Share