13/08/2022
Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ayaan xilka Wasaaradda ku wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaaradda Mudane Farah Sheikh Abdulqadir
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo goob-joog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta ayaa tilmaamay ahmiyadda ay wasaaraddani u leedahay dalka, isagoo sheegay in wasiirka cusub looga fadhiyo shaqo culus oo h**ey loogu marinayo waxbarashada dalka, bogaadiyayna meesha ay mareyso wasaaradda
Waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Cusub Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka , waxaan alle oga baryayaa inuu u fududeeyo howshaa loo igmaday.
Waxaan u mahad celinayaa Wasiir dowlihii h**e ,Wasiir k/xigeenka h**e , Agaasimaha Guud , Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan , howl wadeenada , shaqaalaha , La taliyayaasha, Farsamayaqaanada , Madaxda iyo shaqaalaha hey, adaha raacsan wasaaradda sidii wanaagsaneyd oo hagar la, aanta aheyd oo ay iila soo shaqeeyeen mudadii aan xilka hayay , dhamaantiin guul ayaan idin rajeynayaa
Wax barta aan Barwaaqo gaarnee