Qeyr Faafiye Tv

Qeyr Faafiye Tv Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Qeyr Faafiye Tv, Arts and entertainment, Mogadishu.

"Maxay dantu ciishay wiilooDulqaad iyo deeq lahaayooDadkuna doqon moodayaan"~ Abwaan Gadhle.Ninkan dhallinyarada ah waxa...
21/09/2024

"Maxay dantu ciishay wiiloo
Dulqaad iyo deeq lahaayoo
Dadkuna doqon moodayaan"
~ Abwaan Gadhle.

Ninkan dhallinyarada ah waxaa ku dhacay laba musiibo oo kala xanuun badan, midba midii ka dambaysay waran xanuun badan ayay wadnaha u galisay.

Qofka Daahir Calasow midigtiisa fadhiya oo ay wada saaran yihiin TikTok live, waxaa la dhahaa Cabdinaasir, asaga oo ilmo yar ah ayaa looga dhax dhuuntay Isbitaalka SOS. Maamulka Isbitaalka ayaa qaaday oo koriyay oo barbaariyay, waxaana lagu daray carruurta waayuhu uu ka hiiliyay ee aan aabbaha iyo hooyada lahayn, ee lagu xanaaneeyo SOS Children's Villages in Somalia. Sida carruurta asaaggiisa ah Cabdinaasir nolol wanaagsan ayuu ku haystay xarunta SOS, xanaano wanaagsan iyo waxbarasho iyo hoy ayuu halkaas ka helay.

Sida uu C/naasir sheegay maalmaha noloshiisa ugu xanuunka badnaa waxaa ka mid ahaa in sanadkii 2009 ay shaqada xarunta SOS ka tagtay maamada asaga soo korisay. Wuxuu dhahay maamada waxaan u malaynayay hooyada aniga i dhashay inay tahay, markii ay baxaysay ayay ii sheegtay in aysan ayadu i dhalin. Seddex maalmood ayaan oynayay ayuu dhahay. Sida aan u fahmay maamadu waxay ka mid ahayd maamooyinka xarunta ka shaqeeya ee carruurta yaryar koriya.

Cabdinaasir xarunta SOS ayuu ku barbaaray ku waxbartay illaa dugsi sare ku dhameeyay. Sida nidaamka meesha ka jiro dhigayo qofku markuu dugsi sare dhameeyo xarunta SOS banaanka ayuu uga baxaa, jaamacad ayaa laga qoraa, qolna waa loo kireeyaa. Bil walba kirada qolka iyo cunadiisa iyo qarashka jaamacaddda hay'adda SOS maamusha ayaa ka bixisa. Yacnii qofka ilaa uu iskiis u madaxbanaanaado oo qof shaqaysta noqdo hay'adda SOS ayaa gacanta ku haysa. Cabdinaasir Jaamacadda Hormuud ayuu ku biiray waxa uuna baranayay Civil Engineering.

Sanadkii 2019 asagoo noloshiisa ka qasnayn, jaamacaduna u socoto ayaa waxaa Garowe ka soo wacday naag isugu sheegtay in ay tahay hooyadiis. Sawiradeeda ayay u soo dirtay, video call-na waa isku waraysteen. Waa qof dad la'aan ah oo waalidkii baadigoobayay wuxuu is dhahay hooyadaa waa heshay reerkaaga ayaadna la midoobi doontaa.

Cabdinaasir wuxuu u tagay maamulaha xarunta SOS, wuxuuna u sheegay in uu hooyadiis oo Garoowe joogta helay, una baahan yahay in loo oggolaado inuu baxo. Warqad ayaa jirta uu qofku saxiixayo haduu ka baxayo nidaamka maamul ee SOS, warqadii ayuu saxiixay lacag uu ku safrana waa la siiyay.

Waayuhu kala xanuun badan, waqtiguna kala wareer badan, Cabdinaasir waxaa nolol mugdi ah u bilaabatay markii uu Garowe u soo safray oo u yimid naagtii iskugu sheegtay inay hooyadiis tahay. Naagtu ma ahayn hooyadiisa, waxay rabtay in ay ku qaraabato oo lacag ku hesho. Naagtii markuu uu waydiiyay aabihiis, waxay ku tiri, anoo gabar yar oo 13 sano jiro ayuu aabahaa i sirsirtay, hal habeen ayaana kulannay, meel mugdi ah ayayna ahayd. Meelna kuma sheego. Sidoo kale anna reer ma lihi oo anoo yar baan cidayda ka soo lumay. Wuxuu dhahay bil markii ay ka soo wareegatay ayay naagtii i dhahday, gaaladii SOS kugu haysay wac oo waxaa ku dhahdaa lacagtii bisha ee hooyaday soo dira iyo lacagtii masruufkeena ahaa. Cabdinaasir yaab baa u bilawday!

Adiga yaan war kugu daalin, naagtii Cabdinaasir moobilkiisa iyo wixii yar uu haystay ayay ka xaday wayna ka dhuumatay, muddo shan bilood ah ayuu Garoowe darbijiif ku ahaa, asagoo daruufaysan. Ugu dambayn gabar yar oo 18 jir ah ayaa Ilaahay u soo bixiyay oo waddo ay isaga hor imaadeen, oo uu daruuftiis u sheegtay, moobil ayay u dhiibtay, Xamar ayuu lasoo hadlay lacag yar ayaa loo soo direy, gabadhii ayaa lacag kale ugu dartay oo Ticked Xamar usoo jartay, labiskiina waa ka badashay, sidaas ayuu Xamar ugu soo laabtay, asagoo waalidna aan soo helin, nidaamkii SOS ee gacanta ku hayeyna ka baxay. Maxaa yeelay Xamar markuu ku soo laabtay ayaan SOS tagay buu dhahay Cabdi laakiinse waxay igu dhaheen qofkii mar ka baxa gacanta SOS kuma soo laabto, nidaamkeena ayaa sidaas ah.

Cabdinaasir wuxuu yiri "SOS-tii hooyada iyo aabbaha ii ahaydna waa ka soo tagay, waalidkaygii saxda ahaana ma aanan helin oo meel dhaxaa ku lumay" waa hadal quus ah.

Hadda Cabdinaasir wuxuu ku daruufaysan yahay xaafad u dhaw SOS, qol yar oo jiingad ah ayuu $20 ku dagan yahay, waxaana ka bixisa lacagta kirada gabar ay carruurta SOS isla ahaayeen, marna cunto wuu helaa, marna wuu qadaa.

W/Q: Sakariye Cabdixaliim.

19/02/2024

Ka jawaab lacgta ku guuleyso💵💸

17/02/2024
17/02/2024

Geedka 2da jeer loo yeero sheeg

13/02/2024

Malinta caashaqa iyo sh. Mustafa Xaaji ismacil.

Fallow nasoo dheh wll si aad kheyrka nooga faa'ideysato☝️

11/02/2024

Su'aal kwrn hadii dumar wax la dhaho aysan jiri lahayn😂

11/02/2024

Ku sali nabigeena maxamed scw❤share dheh wll qaali bageka qeyrka follow so dheh🥰

10/02/2024

😱wtf

10/02/2024

Ka jawaaba asxaabey😂😂

06/02/2024

Wacdi iyo wax sheeg
Macalin Mohamud

Address

Mogadishu

Telephone

+252614493983

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qeyr Faafiye Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Qeyr Faafiye Tv:

Share