17/10/2025
Faa’iidooyinka Liin Dhanaanta:
1. Dheefshiidka (Digestion)
Waxay caawisaa burburinta cuntada oo ka dhigta mid si fudud loo dheefshiido.
Biyaha kulul iyo liin dhanaan subaxdii la cabo waxay yareeyaan calool-fadhi iyo barar.
2. Vitamin C Badan
Liin dhanaantu waa isha ugu weyn ee Vitamin C, kaasoo xoojiya difaaca jirka (immune system).
Waxay ka hortagtaa hargabka, qandhada iyo infekshannada fudud.
3. Nadiifinta Jirka (Detoxification)
Waxay ka caawisaa jirka inuu ka saaro sunta iyo wasakhda ku jirta dhiigga iyo kelyaha.
Waxaa loo isticmaalaa "detox drink" marka la rabo in jirka la daahiro.
4. Miisaanka oo yaraada
Liin dhanaantu waxay yaraysaa rabitaanka cuntada (appetite suppressant).
Waxay dedejisaa gubista dufanka, gaar ahaan marka lagu daro biyo diirran.
5. Maamulka Cadaadiska Dhiigga
Waxaa laga helaa potassium oo caawiya hagaajinta shaqada wadnaha iyo cadaadiska dhiigga.
6. Maamulka Maqaarka (Skin Care)
Vitamin C iyo antioxidants-ka ku jira liinta waxay yareeyaan finan, midabka maqaarka oo madow, iyo duuduubka (wrinkles).
Casiirka liinta waxaa lagu isticmaalaa si dibadda ah loogu nadiifiyo wajiga (laakiin waa in si taxaddar leh loo isticmaalo, sababtoo ah waa aash*to leh).
7. Ka hortagga cudurada afka iyo ilkaha
Waxay yareysaa urta afka iyo bararka ciridka (gingivitis).
Si kastaba, waa in aan si toos ah loo calalin liinta si aanay u dhaawicin enamel-ka ilkaha.
8. Ka hortagga cudurrada wadnaha iyo kansarka
Antioxidants-ka ku jira waxay la dagaallamaan “free radicals” oo sababi kara cudurro sida kansarka iyo xanuunka wadnaha