29/10/2025
Sheeko
Beri baa nin waxa uu u keenay nin weelasha qora geed weyn jirridii.
Waxa uu ku yiri. Waxaad geedkan iiga qortaa Mooye aan badarka ku tunto.
Ninka weelasha degmada u qora waxa uu ahaa nin xirfadiisa ku shaqeysta, laakiin aanay sancadiisu wanaagsaneyn.
Ka dib markii ay ninkii geedka watay lacagtii shaqada uu ku qaban lahaa ay ku heshiiyeen. Markiiba waxa uu billaabay inuu shaafo geedkii weynaa, si uu mooye ugu qaabeeyo.
Nasiib darro gudintii ayaa ka daftay geedkii. Markii uu labada dhinac ka eegayna waxa uu arkay in uu Mooye ka yaraaday.
Ninkii Mooyaha dalbaday oo agfadhiya ayaa inta uu eegay waxa uu ku yiri " Hadda mooye ma noqonayee sug waxaan kaaga dhigayaa dhiil dhawrto ah oo aad caanaha ku shubato.
Ninkii mooyaha dalbaday oo yaab indhaha la taagaya ayaa yiri " Haye bal wad."
Ninkii geeda qoraha ahaa xoogaa markii uu dhinac walba jirridii ka hoobiyey, ayaa inta uu sidaa u eegay waxa uu ninkii ku yiri " Hadda dhiil ma noqonayo oo wuu ka yaraadaye sug waxaan kaaga dhigayaa Dhakal aad geela ku maasho!
Ninkii Mooyaha dalbaday oo caro dilaaci raba, oo hadalkii ku dhegay ayaa madaxa u gundhiyey.
Ninkii geeda qoraha ahaa oo labada bowdyood markan qaawistay fadhigana suubsaday, isaga oo ka sheekeynaya qibradda uu u leeyahay weelal qoridda ayuu mar keliya sidaa u eegay wixii uu qorayey.
Ka dibna ninkii ayuu eegay waxa uu ku yiri; Dhakalna wuu ka yaraadaye. Bal sug waxaan kaaga dhigayaa Koor Aleel ah oo aad hasha hoorka ah ku xirto.
Ninkii Mooyaha rabay oo nin dulqaad badan ahaa ayaa qosol gariir ku dhuftay. Ka dibna madaxa gundhiyey.
Ka dibna ninkii geeda- qoraha ahaa waxa uu soo dhaweystay dhagaxii uu geedka saartay. Si qumaati ahna wuu u fariistay. Ka dibna inta uu ninkii geedka mooyaha iiga qor yiri sidaa u eegay, ayuu ku yiri " Maanta si bay wax naga yihiine Koorna wuu ka yaraaday. Sug bal waxaan kaaga dhigayaa Fandhaal, aad soorta ku cunto.
Markii ay halkaa mareyso ayaa ninkii mooyaha doonayey oo quustay fandhalkiisi labaxsaday