Keydka Taariikhda soomaaliya

Keydka Taariikhda soomaaliya ❤️ cigaal ina daahir cabdalle 🇸🇴

Taariikhda Maxamed Jaamac Ciise Xiirey AUN Maxamed Jaamac Ciise Waceys, oo loo yiqiin “Xiirey”, wuxuu ahaa shaqsi Soomaa...
21/08/2026

Taariikhda Maxamed Jaamac Ciise Xiirey

AUN Maxamed Jaamac Ciise Waceys, oo loo yiqiin “Xiirey”, wuxuu ahaa shaqsi Soomaaliyeed oo door muuqda kasoo qaatay maamulka, siyaasadda iyo amniga Soomaaliya, isagoo soo maray xilal muhiim ah xilliyo kala duwan oo taariikhda dalka ah.

Intii uu jiray maamulkii Talyaaniga ee Soomaaliya, wuxuu noqday Madaxa Karaaniyada Koonfurta Soomaaliya, xilkaas oo Talyaani ahaan loo yaqaanay Capo dei cancellieri dell’Amministrazione della Somalia Italiana. Waxa uu sidoo kale door weyn ku lahaa deegaamaynta Kismaayo ..

Xiirey wuxuu kasoo baxay Garoowe, wuxuuna noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee Baarlamaanka Soomaaliyeed kasoo baxa Garoowe, isagoo sidaas ku noqday mid kamid ah shaqsiyaadkii h**e ee deegaankaas matalayay heer qaran.

Khibraddiisa dowladeed ayaa sidoo kale gaarsiisay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, isagoo ka qayb qaatay hawlaha maamulka iyo dowlad-dhismeedka dalka.

Taariikhda Maxamed Jaamac Ciise Waceys “Xiirey” waxay isku xiraysaa Garoowe, Kismaayo, maamulka, siyaasadda iyo amniga qaranka Soomaaliya, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah.

Alle ha u naxariisto ..

Yaasiin Nuur Xasan Bidde waa wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya 1967-1969.Wuxuu ka mid ahaa 17-kii wasiir ee xukuumadd...
21/08/2026

Yaasiin Nuur Xasan Bidde waa wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya 1967-1969.

Wuxuu ka mid ahaa 17-kii wasiir ee xukuumaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee askartu ay inqilaabtay.

28 jir ayuu ahaa markii uu xilka wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya qabtay, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyaradii qaabeeyey Jamhuuriyaddii Soomaaliya 1960 ilaa 1969.

Waxaa lagu naasaysi jiray "The Third Man" wuxuu ahaa ninka saddexaad ee awood ahaan ku soo xiga Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

28 jirka Soomaaliga ah ee maanta waxar jaban ma lagu aamini karaa iskadda inuu wasiir qaran noqdee?

Yaasiin wixii 1969 ka dambeeyey wuxuu ku noolaa Zambia 🇿🇲 wuxuuna ku aasan yahay Lusaka.

Cigaal Ra'iisul Wasaarihii jamhuuriyadda soomaaliya 1967-1969 ..Alle ha U Naxariisto
21/08/2026

Cigaal Ra'iisul Wasaarihii jamhuuriyadda soomaaliya 1967-1969 ..
Alle ha U Naxariisto

19/08/2026

40 sano kadib, weli hadalkiisa waxaa ka dhadhamayo in boogtii jacayl aysan weli bogsan; ..
Abwaan Barre Fiidow ✍️

1960-1969 Xildhibaankii ugu mudada dheeraa oo tiro 3 jeer lasoo doortay waxaa noqday Ganacsade Ibraahim Cismaan Abokor U...
18/08/2026

1960-1969 Xildhibaankii ugu mudada dheeraa oo tiro 3 jeer lasoo doortay waxaa noqday Ganacsade Ibraahim Cismaan Abokor Uunlaaye ..

Kismaayo 1960-1969 Diputatiyalkii ama xildhibaanadii laga soo doortay ..1- Ibraahim Unlaaye ( Majeerteen Cali saleebaan)...
17/08/2026

Kismaayo 1960-1969 Diputatiyalkii ama xildhibaanadii laga soo doortay ..

1- Ibraahim Unlaaye ( Majeerteen Cali saleebaan)
2- Amb Ibraahim xaaji muuse ( Majeerteen Ciise maxamuud)
3- maxamed xaaji shaacir ( Gaaljecel Doorwaaq )

1964
1- Ibraahim uunlaaye ( Majeerteen cali saleebaan)
2- Maxamed ciise Dhalacade ( Majeerteen Ciise maxamuud )
3- Ismaaciil xaaji Warsame ( Majeerteen ciise Maxamuud )

1969
1- Ibraahim Unlaaye ( Majeerteen
2- Cabdfiqaadir shirwac Teacher ( Majeerteen Cismaan Maxamuud )
3- Xaaji Maxamed Mire Muuse ( Majeerteen Ciise maxamuud ) ...

Kismaayo in 1976 ..Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo Taliyihii Ciidanka Badda  Admiraal Maxamed Cumar Cismaan oo wada ...
16/08/2026

Kismaayo in 1976 ..
Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo Taliyihii Ciidanka Badda Admiraal Maxamed Cumar Cismaan oo wada saaran dusha sare ee markabka dagaal, ee nooca Osa-II ah, oo ay lahaayeen Ciidanka Badda, xilli uu ku sugnaa xeebaha magaalada Kismaayo ...

💔 Ma tago oo ma talaabsado naftana ma Sagootiyo ..Miisaanka erayadaan iyo macnaha ay xambaarsan yihiin waxay u dhigmaanM...
11/08/2026

💔 Ma tago oo ma talaabsado naftana ma Sagootiyo ..

Miisaanka erayadaan iyo macnaha ay xambaarsan yihiin waxay u dhigmaan

Markaan adiga kaa fikiraayo waxaan noqdaa dhowr qof , Mar waxaan dareemaa jaceyl igu soo cusboonaaday, marna waxaan ka xanaaqaa tagistaadii. Mar waxaan go'aansadaa inaan ku sugo anigoo rajeynaya inaad is bedesho, marna waxaan go'aansadaa inaan kaa tago oo aan naftayda badbaadsado ,
Ugu dambayn waxaan aqbalay inaan noqday dhowr ruux oo hal jir ku wada nool mid ku jecel, mid ku tabaya, mid kuu xanaaqsan , iyo mid la harjadayo inuu ku iloobo 💔

Cajiib

Address

Calanleey
Kismayo

Telephone

+252618276676

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Keydka Taariikhda soomaaliya posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share