21/08/2026
W/Q: Aisha Haji. Foolaad!
Magiciisa ayaan aad ula yaabbanaa, marki koowaad een arkay “Fool aad” ayaan u akhriyay, 3jeer ka badan oon hadba kor u qaaday oonan weli fahmin magiciisa, waxa ay maskaxdeyda. jeclaaneysaa akhrintiisa maalin dhaw, sabab kale maahan ee aniga ayaa jecel in aan akhriyo buugaagta Af-ka Hooyo ku qoran ee qof afka hadalkiisa iyo qoriddiisaba hibo u leh uu qoray, haddii aadan ogeen waayadaan waxaa aad innoogu badan; “Buug ayaan qoray, ama hebel ayaa buug qoray”, oo macnaha buugga iyo qoraalka buuggaba ay yihiin ujeeddooyin aad ukala fog, madaxaagana daalinnaaya, cilmina kuu kordhineyn, caqligaagina lumminaaya!
Ma iraahdaa qofka ayaan gaarin heer uu wax qoro, mise waxa aan iraahdaa, qoraalka ayuusan hibo u laheyn, mise waxa aan iraahdaa, ma uusan la kaashanin dadki kaga horreeyay qoraalka ee Af-ka Hooyo macnaha weyn u yeeli lahaa oo isaga ka qibradda badnaa, mise intaasoo dham inta aan iska dhaafo ayaan iraahdaa, ma uusan marsiinin akadeemiyada qoraalka afka iyo madbacadda Qaranka ee dib u sixid iyo dib u eegis ku sameyn laheyd buugaagta?! Aniga ayaaban fahmin oo waa sababta aanan u akhrin buugaagta hebel baa qorayda ah ee in uu i jaha wareeriyo mooyee aan cilmiga iyo taariikhdaba midna ii siyaadin, waana sababta aan dhowr jeer ugu noq-noqday akhriska magaca buuggaan aniga oo hadba inta kor u qaada misana dhigaaya, dhowr maalin oo kala duwan!! “FOOLAAD”!!
Waa Buug muuqaalkiisa guud aad loogu fara-yareestay oo su’aalo badan markiiba maskaxdaada dib ugu celinaaya, magaca buugga, qofka ku sawiran ee Cuudka iyo qoriga “AK-47”-ka. ku gadaal sawiranyihiin, isla markiiba waxa ay maskaxdaadu ku weydiineysaa maxaa isu keenay, Cuud iyo Qori, illeyn Cuudka waa aalad maskaxda lagu dajisto, halka qoriga AK-47-ka wax lagu gummaado?? Markale ayay maskaxdeydu halkaan i weydiineysaa; “waa maxay dhiigga ka da’aaya qoriga ee. dul hagoogtay qofka meesha ku sawiran?”! Waa macquul adigaba in aad isla su’aashaan is weydiineyso xilligan. Waa sababta xiisaha ballaaran iigu yeeshay ogaanshiyaha gudaha buuggaan jaldigiisu weydiiyay su’aalaha badan maskaxdeyda.! Nasiib wanaag bogga 4aad waxa uu buugga iigu sheegay in uu Abwaan Xasan Daahir “Weedhsame” gabay uu ka tiriyay xus loo sameeyay 25 sano guuradii kasoo wareegtay geerida Mooge, maansadaas oo uu ugu magac daray “Foolaad”, sidaasna uu ku qaatay qoraaga buugga, waa Xikmaawiye. MAANSADI WEEDHSAME:
Foolaad aftahankii,
Fanka lagu jihaadtamo,
Falkiyee jideeyoow,
Runtoo fiigo noqotoo,
Faq ku sheeg ha joogtee,
Nin dagaare soo tuba,
Dadku aanay filanayn,
Fannaankii ku heesee,
Xaya’ calal falaaxdii,
Deeddagooye farayoow!
Taariikh nololeedki abwaanka oo ay dadyow badan oo kala duwani ay tabinaayaan si aad u toolmoon weliba ayuu buugga 9ka baal iyo page-ka tobanaad ee ugu horreeyo kadib hordhacyada iyo afeefta buugga, halkaan aad ayay u xiisa badantahay waayo wariyayaasha qisada abwaanka waxaa ku jiro abwaan iyo aabbo aan aad u jeclahay qisooyinkiisa, oo marka aan dhageesanaayo hadalkiisa aanan jecleyn in aan maqlo hadal intuu rabo hala ekaadee, waa Hadraawiye, xitaa inta aan akhrinaayay qeybta uu hadalka ka leeyahay aan maleenaayay in uu iga dhax hadlaayo sida aan hadalkiisa iyo dhihidda weerihiisa iskaga doondoonaayay, inkastoo uu noolaay dhammeestirki buuggaan, hadda AUN Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame “HADRAAWI” waa uu geeriyooday, waxa aan rajeynaayaa dadka sideyda cml ah een aanan u helin jaaniska iyo nasiibka midna in ay taariikhda inti uu ka sheekeeyayna dhageestaan, inti uusan ka hadlinna dadyowgi uu kaga sheekeeyay ka dhageestaan, waayo waan hubaa in uusan la dhiman wax qalbigiisa ku jira oo qof wax u tari kara.
Aan soo noqdo, waxyaabaha aan aadka ula yaabay ee uu Foolaad iisheegay welibana igu cusbaa waxa ay ahaayeen, geerida Mooge iyo in la dilay oo aad iigu cusbeed, waana tan sababta buugga jaldigiisa sawirka Mooge dhiig isaga oo wejigiisa ku hagoogtay ugu sawiranyahay, markale waxaa cajiib igu eheyd in uu arrimo siyaasadeed uu misana u dhintay iyo in uu jabhado dagaal ku lug yeeshay! Waxyaabaha qalbiga aan ku heestay wax kaduwan ayaan arkaa markaan mana rabo in aan kaaga sii sheekeeyo, maxaa yeelay ma doonaayo in aad ka caajisto qisooyinka buugga ee bal adigana soo akhri. Waxa uu markale buugga iisheegaayaa in M.Mooge uu. ahaay fannaankii ugu heesaha badnaa fannaaniita Soomaaliyeed ee joogtay xilligiisi AUN, waxa uu qaaday hees nooc kasta ay leedahay, aan idin xasuusiyee Mooge waxa uu ahaay macalin, oo waqtigiisa ugu badanna ku qaatay macallinnimo noloshiisa taas oo uu sharaf iyo maamuus badanna ku helay, waa macallinka qaaday heesta “Wahdiga Dugsiyada” ee badankeenna iskuullada loogu dhigay, oo uu buugga Foolaad iisheegay in uu qaaday Macalin Maxamad Mooge ee aanan horay u ogeyn.
Waxan ahay wahdiga dugsiyada,
Waxan ahay waanada macallinka,
Waagii beryaba,
Ubax laga waraabshoo,
Waxan ku werweraynaa,
Waddankiinna wax u barta,
U xanbaara waajibkiisa;
Wahsan mayno,
Waaban mayno,
Warwareegi maynoo,
Weecweecan mayno…
Waxa uu markale buugga ii sheegay in Mooge yahay fanaanka kaliya ee adduun iyo aakhiraba ka heesay…..
ADDUUNYO:
Kii i xaman lahaayaw
Ama xaasidkaygaw
Kaan xalay wanaajee
I хитееау maantaw
Murtidaydu waa xubin
Waa hadal aan soo xulay
Xanuun iyo dardaarana
Waa xujo e’ dadaw maqal
Xikmad weeye heestuye
Xifaalaha adduunyada!
Adduunyooy; adduunyoo,
Adduunyooy…Xaalkaa b’e.
AAKHIRO:
Maalinta xanuunkiyo
Xaq’qa mawdku soo galo
Xabaasha iyo ilkaan
Kugu soo xasuustaa
Xiddigaha cirkee sare
Inaad xubin ka mida tahay
Inaad hoos u xulantahay
Dhulka xero ku leedahay
Maannu helin xogtaadee
Aakhirooy xaggeebaad
Naga xigtaa; aakhirooy.
Waxa aan u maleeyay in aanan maqlin hees Soomaali ah weli, waayo intaan oo hees ahba haddii uu leeyahay Maxamad Mooge kaligiis, waxa ay ka dhigantahay in aanan waxba aqoon ah u laheyn heesaha Soomaaliga ah, waxa aan saas u leeyahayna waa in aan Moogahaba heesihiisa ka aqaannay 2ba hees oo Carabi ah oo labadooduba Suudaaniyiin kaga horreeyeen waa Wardi iyo Kaabiliye;
صبرت (محمد الورد)
عمر الزهور. عمر الغرام
عمر المنى. اتمني يوم تجمعنا
جنات حبنا. تبقى الأميره و البطيع قلبي انا
ماتقولى لي. مالى و ما ل الحب انا
نار الهوي الوقادة. والشوق و الضنا
وحلاوه الأحلام. وآمال الهنا
إية يجمعن غير ال 19 سنه اية يجمعن اية يجمعن غير التسعتاشر سنه……
و عبد الكريم الكابلي (اغنية حبيبة عمري)
قد كنت اعلم ان العيون
تقول الكثير المثير الخطر
فعلمتها كيف تخفي الحنين
تواريه خلف ستار الحذر
*********************
حبيبة عمري تفشى الخبر
وذاع و عم القرى و الحضر
وكنت اقمت عليه الحصون
وخبأته من فضول البشر.
Waxaa saddex iigu eheyd labadaan hees, heesta “Axaddii” oo iyadoo meel Qaaci kaban lagu tummaayo 2018di uu live kaga qaaday Abwaan ka tirsan kooxda “Hiddo” ee golaha Abwaannada Soomaaliyeed, sidaasna aan ku bartay oo dhowr jeer aan markaas kadibna dhageestay.
AXADDII...
Waa la ii addimay
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda taan
Ku il doogsadaay
Ma ilawsantahay
Axdigaad martivo
Meeshaad i tidhi
Waan imanayaa.!
Markale buugga waxa uu sheegay in Mooge uu wax ka qaaday heeso wadar iyo kaliba ah, heeso subcis ah, waxna ka dhigay riwaayado badan oo ay kamid yihiin,1-Aqoon iyo afgarad 2-Gaaraabidhaan, 3- Laacaa aragtaye, laagga ma ogtahay? Iyo 4- Caashaq iyo caddaalad! Hubaal badanka dhallinyarada hadda nool in aysan helin nasiibka ay heleen dadkii u dhawaa ama la da’da ahaay M.Mooge xagga amniga, dhaqaalaha, aqoonta, afka iyo ilbaxnimada, hammiga iyo jaceylkaba, waase ninba waayihii joog. Heeskaan waa heesaha ay qaadday Hooyo Hiba Nuura, heesta aan ugu jeclahay waxaa markale iiga warramay “Foolaad” in uu qaadi jiray Mooge inta aysan Maama Huddoon reedhiyoowga ka duubin:
Siday tahay naftaydiyo
Lama socotid hawlaha
Sannadahan i haystee
Sasabiyo waxsheeg iyo
Samir waan ka quustoo
Waa inaan sal gaadhee
Adna sibig ku dhaaf iyo
Salaan guud ha joogtee
“Sideed tahay” imaad odhan
Intad soo dhawaatee;
Sabab kala ha mooddine
Suntaadii habeennadan
Waan ka seexan waayoo
Seedahaad i goysee….
K**a daaleysid akhriska taariikhda, fanka, sheekooyinka iyo waxkasta oo ku yaalla buuggaan, xitaa waxa aan ka bartay erayo aanan weligeey horay u maqlin oo uu kamid yahay; “Dedda’gooye”= Magaca kabanki uu lahaa Mooge AUN, waakan leh;
“Roob igu da’oon,
U dul gaatay dhaxan;
Diiriyaha naftiyo,
Deddada gooyahaw
Maxan kula dal maray”!
Inkasta oo ay jiraan erayo kale oo badan oon qaarkood qoray, dib ayaan kasoo koobi doonaa iyagana, si aan dhammaan u wada baranno erayada Soomaaliga ee aynaan aqoonin.
Halkaan marka ay mareyso, waxaa marnaba macquul iga noqon karin in aan qoraal kusoo wada koobo, 400 oo page buug ah oo laga yaabo. amaba ay tahayba qoraal sanado badan kasoo qaatay dhigiddiisa, raadintiisa, iyo riyooyinka qoriddiisa qofki qoray Foolaad waa Xikmaawiye, tankale oo mudnaanta leh waxa ay tahay, in adiga qoraalkan akhrinaaya si uu macaani iyo mudnaanba kuula lahaado buugga in aanan kuu sheegin wax walba kuu dhaxdiisa ku jira, waayo weli aniga ayayba igu heysaa xiiso aad u ballaaran, oo haddii aan dhowr ka tiro jeer akhriyana aanan ka dhargeyn ee adiguna akhri oo yaan lagaaga sheekeyn kaliya.
Ugu danbeyn AUN Maxamad Mooge waxaa la dilay oo naftiisi sharafta badneyd la dhaafiyay, taariikhdu marki ay aheyd- “5-ti Juun-1984ti” isaga oo aad u dhallinyar, bal aan inyar halkan ku xasuusto beydad kamid ah maansada “Geeriyaay Xishood laay”, ee uu ka tiriyay AUN isaganee Abwaan Maxamad Xaashi Dhamac “Gaariye”, geeridi AUN Abwaan Cabdullahi Suldaan “Timacadde”. Dhammaantood Eebbe ha wada Janneeyo.
Geeriyeey xishood-laay,
Xejiyaay fogeeyay!
Xaasha e af tahanimo,
Hadii uu xabaal galay,
Abwaankii xidigin jiray,
Murtidii xag loo dayo,
Xulashada ahayd iyo,
Xarragada higaadii
Ayaa xarafkii hoos dhabi?
Waxaa jirtay suugaan aad u badan oo laga tiriyay dilkiisi uu soo koobayo buugga, sheekooyin gaagaaban iyo sawirro uu qoraagu kusoo qatimaayo qalinkiisa Foolaad 6da baal ee ugu danbeysa buuggiisa, waa buug kulansaday dareen farxadeed, mid murugeed, xasuuso fara badan oo dareenkaaga hadba dhinac u qaadaaya, shucuuro kala duwan hadba mowjad kuu qaadeysa, rajo iyo yididdiilo qurux badan, haddana niyad jab kaa tusineysa dhanka kale maaddaama ay Soomaalidu weligeedba iyada lafteeda haldoorkeedi hana-qaadaba ay rubadda goyneysay, taasna ay ka wada simmanyihiin dhammaan Qowmiyadda Soomaaliyeed ee dagta geeska Afrika, illaa maalinti ay dunida usoo shaac baxday taariikhdeeda, iyo maanta oo qarniga 21-aad aynu joogno, oo weli waa isla dabcigi oo aan ka duugoobeen kana dabar go’’ayn…!
Bal mar noqo mid booqda akhriska buugga “Dal Dad waayay iyo Duni Damiir Beeshay”! Oo AUN Dr Maxamad Daahir Afrax kaaga sheekeyn doono inta aan kuu sheegaayo iyo inkale oo aad uga xanuun badan oo ay Soomaalidu usoo joogtay welina u joogto. Ugu danbeyn akhriste kaalay markale nagula safar doonida akhriska buugga “Foolaad” oo aan marar badan oo kale nafteyda u ballamiyay akhriskiisa, waana hubaa in aadan ka daalin amaba ka caajisi doonin akhrintiisa, mahad ka gaarto qoraaga buugga “Cabdikariim Xikmaawi” , oo runtii juhdi nooc walba uu yahay dul dhigay qalinkiisa, kuna laray taariikhyo kala duwan oo ay buuggaan dhaxdiisa ku tabinaayaan boqolaal dad ah oo nooc walba oo bulsheed leh oo taariikhda Mooge iyo taariikhya kale oo xiisa badan si sharaf leh ugu sheekeenaaya isla buugga dhaxdiisa, kolleey qof ahaan buuggaan waxa uu ii noqday buug kamid ah buugaagta Af-ka hooyo ku qoran een akhriyay inti aan naadiga akhriska dhax joogay buug tilmaan toolmoon ii leh, buug dhankasta xiiso badan iiga abuuray, buug aad iyo aad loogu taagtaagsaday oo kugu abuuraaya rajooyin iyo himmilooyin wanaagsan xagga akhriska iyo qoraalkaba.
Ma ahan in aan dhammeyn karo taariikh nololeedka aabbihii, macalinkii, fanaankii 40ka sano ee uu nolosha nasiibka u yeeshay nooc walbo dunidiisa ugu safray, ee macnaha aadka u ballaaran naftiisi iyo noolihi ka danbeeyayba u yeelay, se qoraalkii aan ka akhriyay buugga “Foolaad” halkaas ayay igaga istaagtay ee bal adiguna maanta billaaw in aad ku dhax safarto 4taan boqol ee KM masaafada ah ee u eg 400- oo waraaqood. Sanad cusub oo wanaagsan ayaan u rajeenaayaa qofkasta oo akhrisay qoraalkaan, Ilaaheey idankiisa sanadkaan kiisa kale nabad iyo barwaaqo ha innagu wada gaarsiiyo, waxa aan idinku macasalaameynaayaa heestan — —
Waan ku heybineynee
Ilaahay hakaa dhigo.
Adna hogol da,aysiyo
Habeen dhalad barwaaqiyo.
Nimco la harsan dooniyo
Hawo lagu heshiiyee.
Kii noo hagaagee,
Noqo loo han weyn yahay.
AUN Tubeec, Mooge, Hadraawi, iyo dhammaan fanaaniintii, iyo abwaannadii Soomaaliyeed ee naga geeriyootay, waxa aan rajeynaayaa in la helo sidoo kale dad badan oo sidan si lamid ah buugaag badan kaga qorta nolosha fannaaniitii iyo fankii Soomaaliyeed ee sii horreeyay.
Nabad ahaada.🤍