Cabdikariim Xikmaawi

Cabdikariim Xikmaawi Qoraa, suugaanyahan iyo cilmi-baadhe Soomaaliyeed. Curiyaha buugaagta Afshaxan, Foolaad, Looyaan, Saqalayn, Dahsoon iyo Likaaco.

Wuxu u heellanyahay horumarinta Afka, Fanka, Suugaanta iyo Dhaqanka.

28/08/2026

Guud ahaan Suugaanta marka aynu si caddaalad ah uga hadlayno, Habaarku waa jaad ka mid ah jaadadka laga gabyo, hal'abuurku na uu miciinsado marka ay ka fursan waydo. Sidaa awgeed, haddii xeerka Suugaanta aynu eegno 'Habaarku ma qaladbaa?' jawaabta oo kooban waa maya. Waa wax ka mid ahaa caadooyinka ay bulshada Soomaalida lafteedu hal'abuurka ku ixtiraami jirtay, iyaga oo odhan jiray, 'abwaanki Ilaahay agtiisa weji ayuu ku leeyahay, haddii uu ku habaaro na way dhacdaa, haddii uu kuu duceeyana waa la arkaa...'

Ragga diiwaanka Habaarka ugu caansan Soomaalida abwaan Dallaayad ayaa ka mid ahaa. Mar uu Cadan tagay Dallaayad, ayuu is yidhi niman tolkii ah shaxaad. Gabay uu ugu gooddinaayo, kuna cabsi galinaayo haddii wax loo dhiibi waayo in uu habaarkiisii miciisan doono ayuu kaftanka ku furfurtay. Judhiiba waxa uu hadal ka bilaabay:

"Rimay naaxday iyo goolal baan, raarta ka arkaaya
Rabbi mahaddii waa maalintaan, riixan jiray qaare..."

Raggu iskuma jiree, mid baa la sheegaa in uu ku yidhi hadal aan meesha qaban. Kii buu Xaaji Dallaayad yidhi waan u gabyayaa, gabay habaar ah oo cidaamkiisa aan ku cunsiiyo. Ninkii baa lagaga dhaartay in uu u gabyo. Waxoogaa faroqabsi ahna waa la iskugu soo dardaray abwaanka, ugu danbayn Hargeysa ayuu ku soo laabtay. Intii se aanu soo laaban, markii uu go'aansaday inuu iska soo noqndo, ninkiina iska daayo ayuu gabay kale tiriyay, gabaygaas na waxa ka mid ahaa,

"Dheri-jebiye gee baan lahaa, dhagaxda Laasgaale
Jiilaal dhacaayaan lahaa, gaajo haw dhimane
Dhuuntaa ka nuug baan lahaa, dhuuxa yuurura—e
Dhoollaha nuglaadaan lahaa, dhiigga ku adkeeye
Dharaarana masruufsaan lahaa, dhabarradiisaase
Anigoo dhulkii ka hinjiyoo, lana dhaqaaqaaya
Ayaanbaa tolkay way dhibee, igaga dhaarteenee
Magaaladan ninkii aan dhuftaba, layga dhicinaayo
Sow inaan dhabbada haarriyoon, dhaanka raro maaha"

Arrintaa waxa aan uga socdaa, Suugaanyahanku in uu habaartamaa ma aha wax caadodhaaf ah ama ugub ah. Balse marka uu suugaanyahanku murtidiisa ku raadsado dheef, ama xaalado gaar ah is yidhaahdo dantaada ku fusho, inta badan isaga ayay nusqaan iyo meel ka dhac ku noqotaa, ummadda oo dhanna in uu ceeb kaga korodhsado arrintaa mooyaane, marnaba sumcadda uu habaar ama cay shakhsiyadeed ku lumiyay uma soo noqoto abwaanka. Abwaan Dhoodaan oo sifaha murtida laba meeris ku soo koobaayay waa kii lahaa,

"Dirqi gabaygu kuma fiicna iyo, waan darrooryamiye
Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee ruux"

Sidaa awgeed, abwaan Jihiiye gabayga uu tiriyay waa utin ku taagnaan doonta inta magaciisu uu jiro, waxaana aan hubaa maanta nin walba isaga ayay kaga xanuun badanyihiin eraydaa afkiisa ka soo baxay. Balse wax walba oo abwaanku uu tix ku yidhi, loo qaadan maayo cay ama habaar caadi ah oo qof iska yidhi, ama hadal furan oo kale. Taasi markaa xalaalayn mayso in abwaanka tabashadiisii xadhig loogu daro. Boqolkiiba bolqol ayaan ka soo horjeedaa haddii abwaanka lagu haysto maxaad u gabayday oo u habaartantay. Gar iyo daw ninkii tixda uu tiriyay Jiheeya ku haysta waan la doodaynaa, xaqa suugaantana cidna ugaga gabban mayno.

Ninkii tixdaa ka saari kara anshaxa Suugaanta ee odhanaaya waa Deelqaafna dooddaada soo dhiso baan leeyahay. Jiheeye wixii sumcaddiisa dhaawacaya ama cid kale sumcaddeeda dhaawacaya isaga iyo ciddaas kale ayay ka dhaxaysaa. Wixii uu tabanaayo gar iyo gardarroba cidda uu ka tabanaayo iyo isaga ayay u taallaa. Balse waxan cod dheer ku leeyahay Habaarka, Guhaanka, Awaadhka iyo Lagaaddaduba waa jaadad ka mid ah Suugaanta, mana jiro wax gaar ah, oo si gaar ah loogu qabso karo tixdaasi abwaanka. Iga dhan.

Inta Qaran dhiskiisiyo, Dhidibkiisu taagnaaDheeraad nin dooniyo, Nin ku dheggan xaqiisooDhacsanaayay baa jiray!" -Hadaaw...
24/08/2026

Inta Qaran dhiskiisiyo, Dhidibkiisu taagnaa
Dheeraad nin dooniyo, Nin ku dheggan xaqiisoo
Dhacsanaayay baa jiray!" -Hadaawi AHUN

W/Q: Aisha Haji. Foolaad!Magiciisa ayaan aad ula yaabbanaa, marki koowaad een arkay “Fool aad” ayaan u akhriyay, 3jeer k...
21/08/2026

W/Q: Aisha Haji. Foolaad!

Magiciisa ayaan aad ula yaabbanaa, marki koowaad een arkay “Fool aad” ayaan u akhriyay, 3jeer ka badan oon hadba kor u qaaday oonan weli fahmin magiciisa, waxa ay maskaxdeyda. jeclaaneysaa akhrintiisa maalin dhaw, sabab kale maahan ee aniga ayaa jecel in aan akhriyo buugaagta Af-ka Hooyo ku qoran ee qof afka hadalkiisa iyo qoriddiisaba hibo u leh uu qoray, haddii aadan ogeen waayadaan waxaa aad innoogu badan; “Buug ayaan qoray, ama hebel ayaa buug qoray”, oo macnaha buugga iyo qoraalka buuggaba ay yihiin ujeeddooyin aad ukala fog, madaxaagana daalinnaaya, cilmina kuu kordhineyn, caqligaagina lumminaaya!

Ma iraahdaa qofka ayaan gaarin heer uu wax qoro, mise waxa aan iraahdaa, qoraalka ayuusan hibo u laheyn, mise waxa aan iraahdaa, ma uusan la kaashanin dadki kaga horreeyay qoraalka ee Af-ka Hooyo macnaha weyn u yeeli lahaa oo isaga ka qibradda badnaa, mise intaasoo dham inta aan iska dhaafo ayaan iraahdaa, ma uusan marsiinin akadeemiyada qoraalka afka iyo madbacadda Qaranka ee dib u sixid iyo dib u eegis ku sameyn laheyd buugaagta?! Aniga ayaaban fahmin oo waa sababta aanan u akhrin buugaagta hebel baa qorayda ah ee in uu i jaha wareeriyo mooyee aan cilmiga iyo taariikhdaba midna ii siyaadin, waana sababta aan dhowr jeer ugu noq-noqday akhriska magaca buuggaan aniga oo hadba inta kor u qaada misana dhigaaya, dhowr maalin oo kala duwan!! “FOOLAAD”!!

Waa Buug muuqaalkiisa guud aad loogu fara-yareestay oo su’aalo badan markiiba maskaxdaada dib ugu celinaaya, magaca buugga, qofka ku sawiran ee Cuudka iyo qoriga “AK-47”-ka. ku gadaal sawiranyihiin, isla markiiba waxa ay maskaxdaadu ku weydiineysaa maxaa isu keenay, Cuud iyo Qori, illeyn Cuudka waa aalad maskaxda lagu dajisto, halka qoriga AK-47-ka wax lagu gummaado?? Markale ayay maskaxdeydu halkaan i weydiineysaa; “waa maxay dhiigga ka da’aaya qoriga ee. dul hagoogtay qofka meesha ku sawiran?”! Waa macquul adigaba in aad isla su’aashaan is weydiineyso xilligan. Waa sababta xiisaha ballaaran iigu yeeshay ogaanshiyaha gudaha buuggaan jaldigiisu weydiiyay su’aalaha badan maskaxdeyda.! Nasiib wanaag bogga 4aad waxa uu buugga iigu sheegay in uu Abwaan Xasan Daahir “Weedhsame” gabay uu ka tiriyay xus loo sameeyay 25 sano guuradii kasoo wareegtay geerida Mooge, maansadaas oo uu ugu magac daray “Foolaad”, sidaasna uu ku qaatay qoraaga buugga, waa Xikmaawiye. MAANSADI WEEDHSAME:

Foolaad aftahankii,
Fanka lagu jihaadtamo,
Falkiyee jideeyoow,
Runtoo fiigo noqotoo,
Faq ku sheeg ha joogtee,
Nin dagaare soo tuba,
Dadku aanay filanayn,
Fannaankii ku heesee,
Xaya’ calal falaaxdii,
Deeddagooye farayoow!

Taariikh nololeedki abwaanka oo ay dadyow badan oo kala duwani ay tabinaayaan si aad u toolmoon weliba ayuu buugga 9ka baal iyo page-ka tobanaad ee ugu horreeyo kadib hordhacyada iyo afeefta buugga, halkaan aad ayay u xiisa badantahay waayo wariyayaasha qisada abwaanka waxaa ku jiro abwaan iyo aabbo aan aad u jeclahay qisooyinkiisa, oo marka aan dhageesanaayo hadalkiisa aanan jecleyn in aan maqlo hadal intuu rabo hala ekaadee, waa Hadraawiye, xitaa inta aan akhrinaayay qeybta uu hadalka ka leeyahay aan maleenaayay in uu iga dhax hadlaayo sida aan hadalkiisa iyo dhihidda weerihiisa iskaga doondoonaayay, inkastoo uu noolaay dhammeestirki buuggaan, hadda AUN Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame “HADRAAWI” waa uu geeriyooday, waxa aan rajeynaayaa dadka sideyda cml ah een aanan u helin jaaniska iyo nasiibka midna in ay taariikhda inti uu ka sheekeeyayna dhageestaan, inti uusan ka hadlinna dadyowgi uu kaga sheekeeyay ka dhageestaan, waayo waan hubaa in uusan la dhiman wax qalbigiisa ku jira oo qof wax u tari kara.

Aan soo noqdo, waxyaabaha aan aadka ula yaabay ee uu Foolaad iisheegay welibana igu cusbaa waxa ay ahaayeen, geerida Mooge iyo in la dilay oo aad iigu cusbeed, waana tan sababta buugga jaldigiisa sawirka Mooge dhiig isaga oo wejigiisa ku hagoogtay ugu sawiranyahay, markale waxaa cajiib igu eheyd in uu arrimo siyaasadeed uu misana u dhintay iyo in uu jabhado dagaal ku lug yeeshay! Waxyaabaha qalbiga aan ku heestay wax kaduwan ayaan arkaa markaan mana rabo in aan kaaga sii sheekeeyo, maxaa yeelay ma doonaayo in aad ka caajisto qisooyinka buugga ee bal adigana soo akhri. Waxa uu markale buugga iisheegaayaa in M.Mooge uu. ahaay fannaankii ugu heesaha badnaa fannaaniita Soomaaliyeed ee joogtay xilligiisi AUN, waxa uu qaaday hees nooc kasta ay leedahay, aan idin xasuusiyee Mooge waxa uu ahaay macalin, oo waqtigiisa ugu badanna ku qaatay macallinnimo noloshiisa taas oo uu sharaf iyo maamuus badanna ku helay, waa macallinka qaaday heesta “Wahdiga Dugsiyada” ee badankeenna iskuullada loogu dhigay, oo uu buugga Foolaad iisheegay in uu qaaday Macalin Maxamad Mooge ee aanan horay u ogeyn.

Waxan ahay wahdiga dugsiyada,
Waxan ahay waanada macallinka,
Waagii beryaba,
Ubax laga waraabshoo,
Waxan ku werweraynaa,
Waddankiinna wax u barta,
U xanbaara waajibkiisa;
Wahsan mayno,
Waaban mayno,
Warwareegi maynoo,
Weecweecan mayno…

Waxa uu markale buugga ii sheegay in Mooge yahay fanaanka kaliya ee adduun iyo aakhiraba ka heesay…..

ADDUUNYO:

Kii i xaman lahaayaw
Ama xaasidkaygaw
Kaan xalay wanaajee
I хитееау maantaw
Murtidaydu waa xubin
Waa hadal aan soo xulay
Xanuun iyo dardaarana
Waa xujo e’ dadaw maqal
Xikmad weeye heestuye
Xifaalaha adduunyada!
Adduunyooy; adduunyoo,
Adduunyooy…Xaalkaa b’e.

AAKHIRO:
Maalinta xanuunkiyo
Xaq’qa mawdku soo galo
Xabaasha iyo ilkaan
Kugu soo xasuustaa
Xiddigaha cirkee sare
Inaad xubin ka mida tahay
Inaad hoos u xulantahay
Dhulka xero ku leedahay
Maannu helin xogtaadee
Aakhirooy xaggeebaad
Naga xigtaa; aakhirooy.

Waxa aan u maleeyay in aanan maqlin hees Soomaali ah weli, waayo intaan oo hees ahba haddii uu leeyahay Maxamad Mooge kaligiis, waxa ay ka dhigantahay in aanan waxba aqoon ah u laheyn heesaha Soomaaliga ah, waxa aan saas u leeyahayna waa in aan Moogahaba heesihiisa ka aqaannay 2ba hees oo Carabi ah oo labadooduba Suudaaniyiin kaga horreeyeen waa Wardi iyo Kaabiliye;
صبرت (محمد الورد)
عمر الزهور. عمر الغرام
عمر المنى. اتمني يوم تجمعنا
جنات حبنا. تبقى الأميره و البطيع قلبي انا
ماتقولى لي. مالى و ما ل الحب انا
نار الهوي الوقادة. والشوق و الضنا
وحلاوه الأحلام. وآمال الهنا
إية يجمعن غير ال 19 سنه اية يجمعن اية يجمعن غير التسعتاشر سنه……
و عبد الكريم الكابلي (اغنية حبيبة عمري)
قد كنت اعلم ان العيون
تقول الكثير المثير الخطر
فعلمتها كيف تخفي الحنين
تواريه خلف ستار الحذر
*********************
حبيبة عمري تفشى الخبر
وذاع و عم القرى و الحضر
وكنت اقمت عليه الحصون
وخبأته من فضول البشر.
Waxaa saddex iigu eheyd labadaan hees, heesta “Axaddii” oo iyadoo meel Qaaci kaban lagu tummaayo 2018di uu live kaga qaaday Abwaan ka tirsan kooxda “Hiddo” ee golaha Abwaannada Soomaaliyeed, sidaasna aan ku bartay oo dhowr jeer aan markaas kadibna dhageestay.

AXADDII...
Waa la ii addimay
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda taan
Ku il doogsadaay
Ma ilawsantahay
Axdigaad martivo
Meeshaad i tidhi
Waan imanayaa.!

Markale buugga waxa uu sheegay in Mooge uu wax ka qaaday heeso wadar iyo kaliba ah, heeso subcis ah, waxna ka dhigay riwaayado badan oo ay kamid yihiin,1-Aqoon iyo afgarad 2-Gaaraabidhaan, 3- Laacaa aragtaye, laagga ma ogtahay? Iyo 4- Caashaq iyo caddaalad! Hubaal badanka dhallinyarada hadda nool in aysan helin nasiibka ay heleen dadkii u dhawaa ama la da’da ahaay M.Mooge xagga amniga, dhaqaalaha, aqoonta, afka iyo ilbaxnimada, hammiga iyo jaceylkaba, waase ninba waayihii joog. Heeskaan waa heesaha ay qaadday Hooyo Hiba Nuura, heesta aan ugu jeclahay waxaa markale iiga warramay “Foolaad” in uu qaadi jiray Mooge inta aysan Maama Huddoon reedhiyoowga ka duubin:

Siday tahay naftaydiyo
Lama socotid hawlaha
Sannadahan i haystee
Sasabiyo waxsheeg iyo
Samir waan ka quustoo
Waa inaan sal gaadhee
Adna sibig ku dhaaf iyo
Salaan guud ha joogtee
“Sideed tahay” imaad odhan
Intad soo dhawaatee;
Sabab kala ha mooddine
Suntaadii habeennadan
Waan ka seexan waayoo
Seedahaad i goysee….

K**a daaleysid akhriska taariikhda, fanka, sheekooyinka iyo waxkasta oo ku yaalla buuggaan, xitaa waxa aan ka bartay erayo aanan weligeey horay u maqlin oo uu kamid yahay; “Dedda’gooye”= Magaca kabanki uu lahaa Mooge AUN, waakan leh;
“Roob igu da’oon,
U dul gaatay dhaxan;
Diiriyaha naftiyo,
Deddada gooyahaw
Maxan kula dal maray”!

Inkasta oo ay jiraan erayo kale oo badan oon qaarkood qoray, dib ayaan kasoo koobi doonaa iyagana, si aan dhammaan u wada baranno erayada Soomaaliga ee aynaan aqoonin.
Halkaan marka ay mareyso, waxaa marnaba macquul iga noqon karin in aan qoraal kusoo wada koobo, 400 oo page buug ah oo laga yaabo. amaba ay tahayba qoraal sanado badan kasoo qaatay dhigiddiisa, raadintiisa, iyo riyooyinka qoriddiisa qofki qoray Foolaad waa Xikmaawiye, tankale oo mudnaanta leh waxa ay tahay, in adiga qoraalkan akhrinaaya si uu macaani iyo mudnaanba kuula lahaado buugga in aanan kuu sheegin wax walba kuu dhaxdiisa ku jira, waayo weli aniga ayayba igu heysaa xiiso aad u ballaaran, oo haddii aan dhowr ka tiro jeer akhriyana aanan ka dhargeyn ee adiguna akhri oo yaan lagaaga sheekeyn kaliya.

Ugu danbeyn AUN Maxamad Mooge waxaa la dilay oo naftiisi sharafta badneyd la dhaafiyay, taariikhdu marki ay aheyd- “5-ti Juun-1984ti” isaga oo aad u dhallinyar, bal aan inyar halkan ku xasuusto beydad kamid ah maansada “Geeriyaay Xishood laay”, ee uu ka tiriyay AUN isaganee Abwaan Maxamad Xaashi Dhamac “Gaariye”, geeridi AUN Abwaan Cabdullahi Suldaan “Timacadde”. Dhammaantood Eebbe ha wada Janneeyo.

Geeriyeey xishood-laay,
Xejiyaay fogeeyay!
Xaasha e af tahanimo,
Hadii uu xabaal galay,
Abwaankii xidigin jiray,
Murtidii xag loo dayo,
Xulashada ahayd iyo,
Xarragada higaadii
Ayaa xarafkii hoos dhabi?

Waxaa jirtay suugaan aad u badan oo laga tiriyay dilkiisi uu soo koobayo buugga, sheekooyin gaagaaban iyo sawirro uu qoraagu kusoo qatimaayo qalinkiisa Foolaad 6da baal ee ugu danbeysa buuggiisa, waa buug kulansaday dareen farxadeed, mid murugeed, xasuuso fara badan oo dareenkaaga hadba dhinac u qaadaaya, shucuuro kala duwan hadba mowjad kuu qaadeysa, rajo iyo yididdiilo qurux badan, haddana niyad jab kaa tusineysa dhanka kale maaddaama ay Soomaalidu weligeedba iyada lafteeda haldoorkeedi hana-qaadaba ay rubadda goyneysay, taasna ay ka wada simmanyihiin dhammaan Qowmiyadda Soomaaliyeed ee dagta geeska Afrika, illaa maalinti ay dunida usoo shaac baxday taariikhdeeda, iyo maanta oo qarniga 21-aad aynu joogno, oo weli waa isla dabcigi oo aan ka duugoobeen kana dabar go’’ayn…!

Bal mar noqo mid booqda akhriska buugga “Dal Dad waayay iyo Duni Damiir Beeshay”! Oo AUN Dr Maxamad Daahir Afrax kaaga sheekeyn doono inta aan kuu sheegaayo iyo inkale oo aad uga xanuun badan oo ay Soomaalidu usoo joogtay welina u joogto. Ugu danbeyn akhriste kaalay markale nagula safar doonida akhriska buugga “Foolaad” oo aan marar badan oo kale nafteyda u ballamiyay akhriskiisa, waana hubaa in aadan ka daalin amaba ka caajisi doonin akhrintiisa, mahad ka gaarto qoraaga buugga “Cabdikariim Xikmaawi” , oo runtii juhdi nooc walba uu yahay dul dhigay qalinkiisa, kuna laray taariikhyo kala duwan oo ay buuggaan dhaxdiisa ku tabinaayaan boqolaal dad ah oo nooc walba oo bulsheed leh oo taariikhda Mooge iyo taariikhya kale oo xiisa badan si sharaf leh ugu sheekeenaaya isla buugga dhaxdiisa, kolleey qof ahaan buuggaan waxa uu ii noqday buug kamid ah buugaagta Af-ka hooyo ku qoran een akhriyay inti aan naadiga akhriska dhax joogay buug tilmaan toolmoon ii leh, buug dhankasta xiiso badan iiga abuuray, buug aad iyo aad loogu taagtaagsaday oo kugu abuuraaya rajooyin iyo himmilooyin wanaagsan xagga akhriska iyo qoraalkaba.

Ma ahan in aan dhammeyn karo taariikh nololeedka aabbihii, macalinkii, fanaankii 40ka sano ee uu nolosha nasiibka u yeeshay nooc walbo dunidiisa ugu safray, ee macnaha aadka u ballaaran naftiisi iyo noolihi ka danbeeyayba u yeelay, se qoraalkii aan ka akhriyay buugga “Foolaad” halkaas ayay igaga istaagtay ee bal adiguna maanta billaaw in aad ku dhax safarto 4taan boqol ee KM masaafada ah ee u eg 400- oo waraaqood. Sanad cusub oo wanaagsan ayaan u rajeenaayaa qofkasta oo akhrisay qoraalkaan, Ilaaheey idankiisa sanadkaan kiisa kale nabad iyo barwaaqo ha innagu wada gaarsiiyo, waxa aan idinku macasalaameynaayaa heestan — —

Waan ku heybineynee
Ilaahay hakaa dhigo.
Adna hogol da,aysiyo
Habeen dhalad barwaaqiyo.
Nimco la harsan dooniyo
Hawo lagu heshiiyee.
Kii noo hagaagee,
Noqo loo han weyn yahay.

AUN Tubeec, Mooge, Hadraawi, iyo dhammaan fanaaniintii, iyo abwaannadii Soomaaliyeed ee naga geeriyootay, waxa aan rajeynaayaa in la helo sidoo kale dad badan oo sidan si lamid ah buugaag badan kaga qorta nolosha fannaaniitii iyo fankii Soomaaliyeed ee sii horreeyay.
Nabad ahaada.🤍

20/08/2026

Magacyada laba buug qeexiddooda, sifaynta jaldiyadooda, soo koobidda mawaadiicda ay sidaan, baraarujin kooban iyo mahadnaq ayaan halkan idiinku soo gudbinayaa saaxiibbayaal..

20/08/2026

Kastamarka hayga didin yaan wakhtigu, Kaaha ii qabane
Oo Kaahin hay badin mid aan, kaadsan baad tahay!

Akhris wanaagsan👋
19/08/2026

Akhris wanaagsan👋

‘Waxan arkay in waddanka Maali uu aad ugu badanyahay Xirsi-xidhku, waxa ay gaadheen heer illaa dhibta qof kale u gaysan lahaa uu iskaga xijaabo qofku!

Safarro, xusuuso, dhacdooyin, qar-goosi buug, guud mar, falanqayn suugaaneed, heeso sharraxan, aragtiyo koobkooban iyo s...
18/08/2026

Safarro, xusuuso, dhacdooyin, qar-goosi buug, guud mar, falanqayn suugaaneed, heeso sharraxan, aragtiyo koobkooban iyo sheekooyin xiiso leh baan halkan idinkula wadaagi doonaa iA. Dadka akhriska jecel na soo raaca ayaan leeyahay, hawshan laftayda waxa igu tashkiiliyay Aidrous Hussein Muhumed, anna waanigaa xalay ka hillaacay. Waar bal aad ii sii wadwada waakaas.

Cabdikariim Xikmaawi — Qoraa, suugaanyahan iyo cilmi-baadhe Soomaaliyeed. Curiyaha buugaagta Afshaxan, Foolaad, Looyaan, Saqalayn, Dahsoon iyo Likaaco. Wuxu u heellanyahay horumarinta Afka, Fanka, Suugaanta iyo Dhaqanka.

18/08/2026

Mid baan intan BACDA kaga furayaa shakisan😂

16/08/2026

Maalintii dhawayd waatan idinkala hadlaayay arrinta ku saabsan dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali. Horta aad baad ugu mahadsantihiin in farriintii aad meel dheer gaadhsiiseen, arrintaasina ay dad badan fadhiga ka soo kicisay, xaqiiqadana aynu mar kale indhaheenna ku aragnay iyada oo argagax leh. Haddaba, waxa aan rabaa arrin aynu ka sii digaynay oo durtaba dhacay iyo arrimo kale oo isla dugsigaa iyo xaafadda uu ku yaallo la xidhiidha inaan idinla wadaago. Ugu horrayn, waxa aan qoraalkii h**e ku sheegay in silsilado iskuxidhiidhsan oo dano kala geddisan lihi in ay yihiin kuwa ardayda kiciya xilliga ay u baahdaan. Arrintaa waxad mooddaa in durba la danbabasayo, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ardayda dugsigaasi kaliya ay ka kacday xilliga dugsiga la furaayo, xiisaduhana ay bilaabmayaan. Dabcan arrimaha loo adeegsado kicinta ayuu qodobkaasi ka mid yahaye, ma aha kacdoonka laftigiisa iyo salka u weyn ee sababa. Taasi waa qodob.

Midh kale oo xaqiiqo ah aan ku daro, taas oo inyarna macaan, boqolkiiba sagaashanna argagax iyo naxdin leh. Dugsiga Maxamuud Axmed Cali waxa uu ka mid yahay dugsiyada ugu badan ee soo saaray macallimii tayo leh oo badankoodu Hargeysa wax ka dhiga. Mar arday ahaan ayuu macallimiinta u soo saaraa dugsigu, oo rag tayo leh, dibna aqoonta ka sii fidiya ayuu soo barbaariyaa, marna macallin dhallinyar oo bilaa khibrada ayuu ka dhigaa jirrid weyn oo aqooneed, kaas oo ku hubaysan waayo-aragnimo, adkaysi, dulqaad iyo aftahamo yaab leh. Waxa kale oo intaa raaca in dugsigaas ay ka soo baxaan qaar ka mid ah ardayda ugu ixtiraamka, saaxiibtinimada iyo dad la dhaqanka fiicani. Si kale kuma garatide, waa warshad weyn oo iskeed u daaran, waana hannaan dimuqraadi ah oo qof waliba uu ka soo bixi karo isaga oo ah ka uu isagu doortay in uu noqdo. Midi waa runtaa kooban ee dhadhanka sonkorta leh.

Ta kale ayaa ah, in dugsigaasi uu yahay warshadda ugu weyn ee xaafaddaa ku taalla, soona saarta habsanka, musuqa, balwadda, dhaqanxumada, jaxarnimada, qishka, nidaam la'aanta, fawdada, xishood yarida, imtixaan qishidda, dhicista, eexda, balwadaha, waalidcaasiga, ugu danbaynna waddada dheer ee tahriibta. Saxaraha, Liibiya, badaha, Talyaaniga iyo wixii kale ee Alle ku danbaysiiyoba. Waa warshad daaran oo halis weyn oo muuqata iyo mid mustaqbalba xaafadda ku haysay muddo badan. Degmooyinka Axmed Dhagax, Maxamed Mooge, Gacan Libaax iyo Maxamuud Haybe, dhammaanba arday walba oo ku saaqiday dugsiyada ku yaalla ee kale, ama laga soo eryay oo si wanaagsan wax u baran waayay, waxa uu u soo wareegaa Doonta shiraacan ee xabaalaha If iyo Aakhiro dhex gawdiidda. Waaba dhab shaw; meeshuba waa if iyo Aakhiro caadi ah!

Anoon ku sii fogaanin qodobkaasna, taasina waa xaqiiqada qadhaadh, cabsida iyo argagaxana leh, qof maanta og oo dafiri karaana aanu jirin. Waxan marag ka ahay inta qof ee hebal iyo hebal aan u garanaayo, markii dugsiyada ay dhiganayeen ku qabsadeen akhlaaqxumo, timo qaab daran, habsan, dagaal, telefoon fasalka lagu dhex isticmaalo, macallin lala dagaallamo, aflagaaddo iyo macangagnimo, in dhammaantood rag iyo dumarba ay isku soo shubi jireen M. Axmed Cali! Dabcan waa meel aan nidaam ka jirin, fawdo ah, Doontaa dhex taagan If iyo Aakhiro na qof waliba waxa uu rabo uu ka dhex samayn karaayo, kaliya waxa laga rabaa qofkaasi in uu lacagta bisha uun iska bixiyo! Taa lafteeda marka aad dhawr bilood is gaadhsiisid, waxa aad heli kartaa qiimodhimis; wixii aad haysid ayuunbaa lagaa qaadayaa. Jaantaa-rogan bay Doonnidani ku shiraaqantay! Tani waa xaqiiqo aanan cidna u marag-gashanayn oo qayb aan ka soo noqday. Mar laftaydu Doonta aan saarnaa oo sidaa aan ula meeraysanaayay kirada iyo mar aan shaqaalaha doonta ka mid ahaaba, waa meel aan war igu seegganayn!

Haatan iyo dan maxaa xal ah? Waxa xal ah, in Degmada uu dugsigu ku yaallo, una soo saaraayo ubaxa sumaysani ay tashi adag iyo mustaqbal ummadeed ka yeeshaan dugsigaa. Ma rumaysni wasaarad waxbarasho oo nidaamkiisa sixi kartaa inay jirtee, guddi anshax, mid dhaqaale iyo mid kormeer oo iskugu dhafan lafdhabarka xaafadda iyo dadka labeenta ah ee lexejeclada ka leh mustaqbalka ummadda ayaa hawshaa xallin kara. In la sameeyo dallad ay ku jiraan xubno arday h**e ah, maamulka marba jooga, xubin wasaaradda waxbarashada ah, iyo guddi arday ah oo ka kooban fasalka koowaad illaa afraad. In loo sameeyo qiimayn bille ah, wacyigalin joogto ah, Isla xisaabtan maalinle ah, beddal iyo eris aan jixinji lahayn, ilaalinta habsanka, xakamaynta saacadaha xiisadda, sugidda amniga goobta oo lagu soo kordhiyo ciidan shaqaale ah iyo kor-u-qaadista mushaharka macallimiinta, tayaynta, aqoontooda, nadaafaddooda iyo ilaalinta wakhtigooda.

Arrintani waa xaalad halis ah, maraysana meel aan sidaas lagu sii eegan karin. Kuma xallismayso in kolba dabdamis lagu qabto hawsha oo maaweelo cusub ardayda loo daaro. Waxa dhab ah in dugsigaasi uu dhib weyn ku hayo dhammaan dugsiyada degmooyinka ku hareeraysan. Wax kale ma aha, bal sawiro arday subax walba kallahaad, nidaam, maamul iyo islaxisaabtan uu u yaallo, iyo kan saaran doonta If iyo Aakhiro ee jaantaa roganta ah! Wadnaha ayaan ka nixi jiray marka baska agmaraya dugsiga islaamaha saarani ay arkaan arday 11:00 subaxnimo dugsiga sii galaaya, ka dib na ay isku yidhaahdaan, "Naa kani dugsi ma aha—e waa kharaabad dabaajiirta magaalada lagu soo uruuriyay..." Hadalkaasi marka uu iga nixinayo, waxan ogahay xaqiiqo inta ay malaynayaan ka fog, iyo tirada ardayda ah ee saddexda kun dhaafaysa, halkaana mustaqbalkoodii igaga ololaayo! Mar kale waxan cod dheer ku leeyahay, gurmad dhab ha loo galo ardaydaa iyo mustaqbalka noloshooda!

Address

The Realm Of Ideas
Hargesa

Telephone

+252634636663

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cabdikariim Xikmaawi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category