24/10/2025
HEESKA JACAYL WADKII GALAY
Inkastuu walhanaayo,
Wadnahaygu boholyoow,
Inkastoon warwaraayoo,
Xasuusuhu i weydeeyeen.
May wakin ayaamuhu,
Naftaydaad kol wiiqdee,
Waxaan helay nasiibkii,
Wakhtigaygu ii sidey.
KOORAS
Waalaloow aduunyiyo,
Waan ka raystay murugo,
Wixii aan jab soo maray,
Weyne wayga mootiyay.
Inkastuu xiskii tebay,
Wajigiyo codkaagii,
Jacaylkii wadkii galay,
Ruuxna waabin maayee.
Adna wacadki tuurtaye,
Nabsi kuguma weecdoo,
Kuma qoomo waayuhu,
Kuu wacnaa ayaankaa.
KOORAS
Waalaloow aduunyiyo,
Waan ka raystay murugo,
Wixii aan jab soo maray,
Weyne wayga mootiyay.
Hal Abuur Colhaye 2025✍️✍️✍️