16/03/2024
Walaalihii Arda-sababa|Yared Negu iyo Saalax-Carab
Luuqadaha aadmigu ku wada hadlo, waxa baarka sare kaga jira LUUQADDA MIYUUSIGA. Fahmiddeeda fufud waxa ka xeeldheer wada-jacaylka aan dabayluhu qaadin. Kala duwanaanta dhawaaqyada Miyuusikada, mid waliba waxa uusiddaa dhaqan bulsheed oo xooggan. Sheekada Saaalax iyo Yared mar waa dedaal, marna waa deebaaq iyo run dacar ka qadhaadh oo innagu kooban. waa mid taabanaysa jiritaanka dugsiyada fanka oo dhan.
Labadan hoobal, waxa ay wadaagaan hal shaqo —oo ah Soosaaridda,tumista iyo ka shaqaynta wax-soosaar faneed oo weyn. waxaa kala faddiley dadka iyo deegaan nololeedkooda faneed. Saalax–Carab, waa hoobal Hooyadii Soomaali tahay, Aabbihiina
Carab Yamaneed yahay. Muddo waxa uu caan ka ahaa masraxyada fanka ee Soomaalida. ku barbaariddii dhulka Soomaalidu leedahay, barashadii af Soomaaliga kaddib, waxa uu xambaaray ummad dhan Saqaafaddeed, isaga oo dooniddiisu geyaysiisay in uu noqdo hoobal Soomaalidu wada taqaanno. Si weyn waxa inoo jeclaysiiyay xirafaddiisa faneed iyo codkiisa xurmada badan; kolkii heestii wacan luuqdiisa uu ku ballaysimay, haddii aanan qardajeexayn ereyada heestaas AHN —Cabdinaasir Macallin Caydiidbaa curiyay.
Sidoo kale, Yared Nagu, waa hoobal buuralayda sare ee Atoobiya ku abtirsada kuna heesa afka Axmaariga. Waxa aad loogu xasuusta, heestii Adimera, ee ay dhaleen heshiisyadii Atoobiya iyo Calateriya. Waxa aan anigu shakhsiyan aad u jeclaa heestiisii Sora-Sora. Waa barbaarkii Merkaato, marna derbijiif ku koray nolol rafaad leh, waa nal kasoo mudhay xaafadaha isku raranta ah ee suuqweynaha Merkaato. Dugsi xaafadaasi Saboolka ah ku yaalay ayuu wax ka dhigan jirey. Hal direys oo dugsiga loo xidho ayaa ka dhaxeeyay isaga iyo walaashii, oo way isu bixin jireen! Gelinka h**e isaga ayaa ku tegi jirey ka dambena walaashii.
Nolol xanuun iyo murugo leh ayuu kasoo dabbaashay, indhihiisana ka keentay ilmo kulul oo xasuustiisa rogaysa. Lodkiisa tuugannimadu waxay ka ahayd mubaax, halka uu isagu aad u karaahsan jirey falka xun ee tuugannimada. Jacaylkiisa miyuusiga waxa uu geyaysiiyay: in uu dhegaysto kuna raaxaysto miyuusikada noocyadeeda kala gedisan. Dancer/Jaasaa ayaa uu noqday kolkii uu madaxa la kacayba, koox-faneed Kaniisaddu leedahaybuu ka qayb noqday. Sannadkii 2018-kii waa marka noloshiisa faneed samada saloolatay, ee shucuubta Atoobiya ukala baratantay aragga iyo la kulanka fannaankan xiddiga noqday.
Kolkaan magaciisa iyo halgankiisa nololeed arko, waxa qub i gu soo yidhaahda jilaa Cabdi-Falaash, waa isku Sheeko dhaw yihiin. Cabdi-falaash, waa jilaagii riwaayaddii tigidh la'aan darteed looga celiyay albaabka masraxa, sanaddo door ah dabadeed jilaaga ka noqday! waa riwaayaddii —JEEL IYO JACAYL.
Yared iyo Saalax, hal goob ayey ka wada heesi jireen, yaanan odhan ka wada heeseene midkood tigidhkuu jari jirey, halka ka kalena masraxa saaran yahay.
Yared Negu, xilligaas waxuu ahaa Shaqaalaha Baar(Goob lagu caweeyo) Arda sababa ku yaalay, weliba kuwooda Kadinka/albaabka istaaga ee ka hubiya Saxnaanta iyo Sidashada tigidhka lagu galayo Show-yada ka socon jirey madashaasi. Halka Saalax uu ahaa heesaa masraxayada saaran oo codkiisa loo hamuun qabo. Kala nasiib badnaanta labadan hoobal, waa mid ay ibartay Sheekadii Saalax-Carab uu ka sheekeeyay mar Dayax-Show noloshiisa ka waraystay, waana halka igu dirqisay in aan qalinka u qaato qoraalkan.
Mid kamid ah jidadka Caasimada dalka guunka ah ee Atoobiya ayuu saqaafinayaa, isaga oo gacmaha wadhfinaaya Saalax-Carab, dabcan qofku keligii marka uu socdo noloshiisa ayuu faaqidaa oo ka fikiraa, waa isla maahsanaan aan daruuraha ka sokayn. Markan baaladaymoodku waa gar, haddii dareen ku galo. Gaadhibaa ka daba tumay hoonka ama dhawaaqa digniinta. Maaddaama meeshu jid tahay, in hoonka la tumaa qariib maaha, Saalax kolkan darernkiisu waa soo jeestay, waxa ay u eegtahay in gaadhigani isaga ubaaqayo. Soo fuul Saalaxoow iyo halkan dhawbaan ku socdaa ayaa lays dhaafsaday. Xaalwareysi ka bacdi, intii wadahadalkoodu oogganaa waxa hareeraha isa soo tubay shacab badan, oo aqoonsaday Yared, waa gartood in ay ku xoomaan, waxa se hadal ka joogaa Miskiinka lugaynaya ee cawlan waxa geyaysiiyay in qof Shacbiyadiisu cirka saloolatay uu dartii isu taago! Yared dhaqaaq oo furaha gaadhiga haabay, Saalax iyo Dadkiiba isku soo hadhay.
Waaryaa Soomaali sideed ku baratay ninkan aanu la'anahay annagu? Noo sheeg, sheeg dee iyo handadaadbaa layskugu daray Saalax. Ogoow, Saalax war ka ma hayn xilligaas Yared in uu Xidig u noqday Shucuubta Atoobiya, ma filayn in Maqalle, Hawaasa, Adhama,Arbaminji iyo Dhabuubkaba sacabka looga tumo Saaxiibkiisii Duruuftu badday Albaabka baar uu ka ahaa xiddig sannado badan.
Catowgiisu waxa uu daarnaa daryeel la'aanta fannaanka Soomaaliga ah iyo daranyada nolosha ee ku gadaaman sebannadan dambe. Burburkii bulsheed ee nolosheenna la sara kacay nolosha guri walba wuu taabtay, dugsiyada uu cidaamkooda ruugay ee dambaska ka dhigay, waxaa u gu h**eeya dugsigii fanka iyo suugaanta. Dugsi aan mooral iyo manfac toonna lahayn buu noqday.
Fanku waa dawlad ku nool, waa ilmo abaydin ah oo aan Hooyo la'aanteed hanaqaadayn. Waa xaqiiq Qadhaadh oo fankeena dul hoganaysa, maalmo ka qadhaadh waa soo harraatiyeen, saw Cabdiweli Jaambiir buuggiisa maad akhrin sida uu u nafbaxaayo fannaankii weynaa ee Maxamed-dhabarlow? Qabow iyo qayoodbaa dilaaya isaga oo nolol uraadsanaaya Koonfur Afrika, qaar kalena waaba kuwii macaluul u god galay abaarihii waddanka ka dhacay.
Waxa kale oo muuqaalladan aan daawaday duruus ahaan aan uga la dhex baxay; habka shaqada iyo diyaargarowga, oo tayo-samaanta oo dhami ku uruursan tahay.
Kala fogaanta xirfadeed ee labadan nin, waxay keentay in Yared hal bil iyo badh ku diyaariyo heesta Sora-Sora, ee uu Dubaay ku sameeyay muuqaalkeeda, hanti door ahina kaga baxday, halka Saalax habeen keliya uu tumi karo hees, ereyadeeda iyo laxankeeda xilligaas la falkiyay, subaxana kanalada fanka lasoo gelin karo! Balse waxa kala sarraysiiyay dawladnimada iyo fahanka bulshooyinku ka kala haystaan fanka— gaar ahaan heesaha casriga ah.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Ruqo ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo". Qof soomaali ah, oo iibsanaaya hees fanaan qaaday haddii uu jiro ma la heli karaa? ogaalkayga kooban waa maya. Amazon-ka qaybta miyuusigga ayaa bilaabay iibinta heesaha tuman, oo Yurub Geenyo iyo Cali-Dhaanto heeso door ah oo ay leeyihiin baan ku arkay, mase hubo in la iibsan karo; maxaa yeelay fannaanka iyo bulshada xadhig Naar ka soohan baa dhexdooda ku xidhan.
Ogoow haddaba, boqolka milyan ee Atoobiyaanka ahi waa gadan karaan Albannadaas oo kale. Dhawaan maalmo aan fogayn, waxa uu Albaabbada u furay meherada hilibka iyo canjeerada lagu budliyo, waa mudalab iyo dabbaakh shaqaysanaya. Waa Yared, oo Firfir, Dibsi iyo Bay'aanat laba roggaya! Shaqooyin badan oo tabarucaad u badan buu hadda gacanta ku hayaa, oo ay ugu weyn tahay xarun lagu xannaanayn doono Darbi-jiifka.
Gunaanadkii, halkan cashar baa ku jira, keliya fannaanku in aanu noqon falad iyo shaxaad ku noole ku shidaaliya Shilimaadka bandhig-faneedyada uu qabto, balse uu tamartiisa geliyo waxyaabaha kale ee ilihiisa dhaqaale korin kara. Badiba fannaaniinta Soomaalidu, waa fadhi-ku-dirir baxdo iyo dhacdo.
Sidaa darteed, waa in ay jidka shaqada iyo xoogsiga qabtaan, haddii aanan been sheegayn Hibaaq-Gobaad, Asma-Loof iyo fannaaniin door ah ayaa hadda furay hilinkaas, waa mid yididdiilo wanaagsan muujinaya, oo fanka iyo fannaaniintaba ka saari kara faqriga iyo foolxumooyinka dayaca iyo dawlad la'aantu dhashay. Bulshada soomaaliyeed, waxaa la gudboon in ay talo, tilmaan, tulaase iyo taageerid ba u muujiyaan fankooda iyo fannaaniinta ka shaqeeya farxaddooda.
Dhammaad.
W/Q Jamaal Ibraahim Dasuuqi