Wiyeer-yare Show

Wiyeer-yare Show Palestine ๐Ÿ‡ต๐Ÿ‡ธ ๐Ÿ‡ต๐Ÿ‡ธ ๐Ÿ‡ต๐Ÿ‡ธ is not only an Arab country but it is part of the our Islamic religion โ˜ช๏ธ ๐Ÿ•‹ ๐Ÿ•Œ โค๏ธ Free Palestine Thank you! www.Facebook.com/Wiyeeryareshow
(6)

Wiyeer-yare Show, keep up with interesting entertainments and international events, follow and make it your companion, it is the link of the Somali community. Click this link below and share with other friends.

Meeshii Somaliland ahayd sanadba sanadka ka dambeeya way kasii daraysaa, xaaladda nololeedna way sii adkaaneysaa. Inanka...
23/08/2026

Meeshii Somaliland ahayd sanadba sanadka ka dambeeya way kasii daraysaa, xaaladda nololeedna way sii adkaaneysaa. Inanka yar ee gaadhiga yar ee Kiradda ku ah dhawr qoys kubiiliya, ee kiradii gaadhiga laga sugaayo ee halkii littir ee shidaalka ahaanna intaas laga qaaday saw aakhirka inuu tahriibo oo badaha isku miidaamiyo maaha.

Bal waa suaale danyarta yaa umaqan?.

Noloshaada Kubedel Xuska Illaahay, lasoodeg App-kan Cajiibka Oo Markasta Ku xasuusin Doona Xuska Illaahay.
23/08/2026

Noloshaada Kubedel Xuska Illaahay, lasoodeg App-kan Cajiibka Oo Markasta Ku xasuusin Doona Xuska Illaahay.

23/08/2026

ุญูŽุณู’ุจูู€ูŠูŽ ุงู„ู„ู‘ู‡ู ู„ุง ุฅู„ู‡ูŽ ุฅู„ู‘ุง ู‡ููˆูŽ ุนูŽู„ูŽู€ูŠู‡ู ุชูŽูˆูŽูƒู‘ูŽู€ู„ุชู ูˆูŽู‡ููˆูŽ ุฑูŽุจู‘ู ุงู„ุนูŽุฑู’ุดู ุงู„ุนูŽุธู€ูŠู….

(( ููŽุงุฐู’ูƒูุฑููˆู†ููŠ ุฃูŽุฐู’ูƒูุฑู’ูƒูู…ู’ )) ุชุทุจูŠู‚ ุฃุฐูƒุงุฑ ุงู„ู…ุณู„ู… ู„ู„ุงู†ุฏุฑูˆูŠุฏ https://goo.gl/BDLuFw ู„ู„ุงูŠููˆู† https://apple.co/33qsudl

15/08/2026

Astaamaha meelaha Dawlad la'aantu kajirto lugu garto waxaa kamid ah soogalootiga bilaa sharciga ah oo Waddankaas si joogto ah ugusoo dhex qulqulaaya.

Bal Magaaladdan yar ee Hargeysa fiiri waxaa buux dhaafiyey Itoobiyaan, Yamaniyiin, Suuriyiin iyo Ajaanob cadaan ah oo bilaa diin ah. Mid keliya oo Kaadh qaxoonti ah ama dal kugal sharci ah haystaana majiro.

Illaahayoow Dawlad la'aanta naga saar, Yaarabi?

Tijaabi aragaaga imisa Bisadood ayaa kuu muuqda asxaabta haye..
11/08/2026

Tijaabi aragaaga imisa Bisadood ayaa kuu muuqda asxaabta haye..

09/08/2026

Sheeg Shay Aannu Illaahay Abuurin?

03/08/2026

Afarta Arrimood ee Ugu Muhiimsan ee Aad Isku Qiimayn Karto (Self-Assessment)Afarta Arrimood ee Ugu Muhiimsan ee Aad Isku Qiimayn Karto (Self-Assessment)

Haddii aad rabto horumar dhab ah, si joogto ah isu weydii afartan su'aalood:

1. Aqoon (Knowledge)
Ma koray aqoon ahaan? Maxaa ii kordhay sanadkan? Maxaan weli u baahanahay inaan barto?

2. Khibrad (Experience)
Khibrad ma ii korodhay? Heerkee ayaan maanta ka taaganahay khibrad ahaan? Maxay waayo-aragnimadaydu i bartay?

3. Dabeecad (Behaviour & Character)
Ma horumaray dabeecad ahaan? Sideen ula dhaqmaa dadka? Ma leeyahay anshax, masuuliyad, iyo daacadnimo?

4. Dhaqaale (Financial Status)
Wax ma ii kordheen ama ma horumaray dhaqaale ahaan? Sideen u maareeyaa dhaqaalahayga? Ma ku socdaa jihada aan hiigsanayo?

Qofka si joogto ah isu qiimeeya, wuxuu u koraa si joogto ah. Horumarku wuxuu ka bilaabmaa is-ogaanshaha.

Saaka waan yaabay markii aan arkay in ay isku qiimo yihiin labadan daasadood ee kalluunka ah, iyadoo mid ka timi Berbera...
30/07/2026

Saaka waan yaabay markii aan arkay in ay isku qiimo yihiin labadan daasadood ee kalluunka ah, iyadoo mid ka timi Berbera, mida kalena laga keenay Thailand oo kumannaan kiiloomitir inoo jirta. Sida caadiga ah waxaan filayay in kalluunka Berberi uu ka jabnaado kan dibadda laga keeno. Markii aan quraacday safradiina iga ba'day ayaan yara baadhay sababta. Kadib waxaan garwaaqsaday in arrintu ay leedahay sababo dhaqaale oo macquul ah.

1. Waxsoosaarka baaxadda (Economies of Scale)ยน: Thailand waa mid ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee soo saara kalluunka daasadaysan. Warshadahoodu waxay soo saaraan malaayiin daasadood taas oo si weyn u yaraysa kharashka ku baxa calaa daasad. Halka warshadda Berbera ay weli leedahay waxsoosaar iyo suuq yar taas oo kordhinaysa uun kharashkii ku baxayey calaa daasad.

2. Agabka waxsoosaar: Thailand waxay leedahay silsilad warshadeed oo dhammaystiran. Daasadaha, saliidda, almuuniyamka, waraaqaha labelka ah iyo agabka kale badankooda gudaha dalka ayaa lagu sameeyaa ama si fudud ayay u heli karaan. Halka Berbera inta badan agabkaas dibadda aynu ka soo dejino taasina ay kordhinayso kharashka waxsoosaarka markasta.

3. Kharashka tamarta: Thailand waa dal warshadaysan oo korontadu ka jaban tahay. Somaliland se waxay ka mid tahay meelaha korontadu ugu qaalisan tahay, maadaama aynu kaliya ku tiirsan nahay korontada mashiinada shidaalka ku shaqeeya. Taasi waxay qaali inagaga dhigtay warshadayntii iyo qaboojintii kalluunka.

4. Qiimaha noolka maraakiibta: Inkasta oo kalluunka Thailand uu masaafo dheer soo maro, maraakiibta xamuulka ahi waxay hal konteenar ku qaadi karaan 40,000 afartan kun oo daasadood. Sidaas darteed kharashka gaadiidka ee ku dhacaya calaa daasad aad buu u yar yahay.

Ugu danabyn waxsoosaarka gudaha Somaliland waa guul mudan in la dhiirrigeliyo, balse si qiimuhu u sii jabo waxa ay u baahan tahay warshado waaweyn, tamar jaban iyo in qalabka waxsoosaarka si tartiib tartiib ah gudaha loogu sameeyo. Markaas uunbuu jabnaan doonaa kalluunka Berberi.

Economies of Scaleยน waa faaidada kharash ee ganacsigu helo marka uu badiyo waxsoosaarka, taas oo yaraysa kharashkii calaa shay. Oo tusaale hadaad dhari ku kariso kiilo baastaa ood iibiso, waxa laga yaabaa qof kale isla dhuxushii isla dharigii in uu kiile iyo badh baastaa ku kariyo sida cad tiisa ayaana kaa jabnaan doonta oo kharash ka yar kaaga ku joogta.

Qormadan kadib ha yaabin haddii aad waydo farqi qiime oo wayn oo u dhaxeeya alaabaha dibada iyo kuwa maxaliga ah.

Abdikarim Saed, MBA.

Maskaxdaada sifiican u isticmaal, oo sheeg Micnaha sawirkani xambaarsan yahay iyo wixii aad ka fahantey.Haddii aadna fah...
28/07/2026

Maskaxdaada sifiican u isticmaal, oo sheeg Micnaha sawirkani xambaarsan yahay iyo wixii aad ka fahantey.

Haddii aadna fahmin Illaahay haku fahansiiyo wll.

"Ethiopian Airlines ayaa soo xaraysay dakhli dhan $4.4 bilyan lixdii bilood ee ugu horreysay ee sanad-maaliyadeedkan 202...
28/07/2026

"Ethiopian Airlines ayaa soo xaraysay dakhli dhan $4.4 bilyan lixdii bilood ee ugu horreysay ee sanad-maaliyadeedkan 2025/26. Waa milestone ka sarreeya xataa hadafkii ay shirkadu dhigatay in ay ku gaadho sanadka badhkii. Tan ayaan ragannimo u aqaanaa anigu! Shaqo yaqaannimo, aragti cad iyo fulin dhab ah oo wada socda."

"Anaa laandheere ah, afar ehelkaaga ah oo ku daba yaaca, muuqaalo socod ah oo heeso bakh bakh ah lasoo dul saaro, waa kalkayagii haddii kale waa lagu kala tagi, dhulkeenna nimcaa fadhida iyo nacnacda lamidka ahi, car bal wakaase ha dhasho natiijo tan usoo dhaw xataa."

Waxaa qorey: Mohamed Omer

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wiyeer-yare Show posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Wiyeer-yare Show:

Shortcuts

Share