19/04/2026
Somaliland waxa ka taagan arrin ku saabsan in ay musuq-maasuq ku kacayaan mas’uulliyiinta xilka muddada gaaban hayay ee madaxweyne Cirro ugtay.
Ma jiro baadhitaan rasmiya oo la sameeyay balse waxa la xaqiijiyay tiro gaadhaysa ilaa 10 mas’uul in ay muddadaa kooban Hargeysa kaga dhisteen guryo waa weyn oo lacag badani ku baxday.
Guryaha oo inta badan isku nashqad ah ama isku qaab ah ayaa u badan G+1.
Garyaqaan Guuleed Dafac oo ah garyaqaan Hargeysa degan ayaa arrintan ku baraarujiyay bulshada.
G+1 muxuu yahay, qiimihiisu waa imisa ?
G+1 waa dhisme ka mid ah qaab dhismeedyada casriga ah ee wax looga dhisto dhulka magaalooyinka ah.
Waa guri deegaan oo laga dhiso goobaha xaafadaha ah ama loogu tala galay in ay qoysasku degaan oo lagu noolaado mana aha dhisme ganacsi ama waxbarasho loogu tala galay.
G+1 ama ( Ground + First Floor) waa dhisme ka kooban qayb hoose iyo hal dabaq oo sare, kaas oo loo sameeyey gaadhi galkiisi. Waxa laga dhisi karaa dhul kooban oo deyr leh iyo dhul furan oo aan xayndaab lahayn labadaba.
Dhul ahaan waxa badanka laga dhisaa baloodh bedkiisu uu yahay 18M×24M, kaas oo yeelan kara deyrkiisi oo ku wareegsan haddii loo hayo dhul fidsan.
Waa qaybta hoose oo noqonaysa qolal iyo goobihii adeegga iyo qaybta sare oo sidoo kale laga dhigayo qolaal degsimo.
Qiime ahaan waxa ay u kala bixi karaan laba dhinac, waxayna ku xidhan tahay dhulka, qalabka dhismaha, magaalada laga dhisayo iyo duruufaha deegaanka ku xeeran.
Marka aad dhulka haysato waxa lagu dhisi karaa 150,000 ilaa 180,000 ( boqol iyo konton kun ilaa boqol iyo siddeetan kun) wayna ka badan kartaa sida suuqyada dhismaha lagu yaqaanno.
Haddii qanad dhulka haysan way ka duwan tahay qiimuhuna waa mid intaa ka badan.
Tusaale ahaan Hargeysa oo lagu xisaabiyo meelaha dhulkeedu qaaliga yahay haddii aanad dhulka haysan waxa ku dhisaya lacagta dhulka oo u dhaxayn karta 40 kun ilaa 60 kun oo dhulka ah oo lagu daray qiiimaha dhismaha ku baxaysa.
Guud ahaan dhismaha G+1 waxa lagu dhisi karaa dhul iyo dhismeba 240,000 ilaa 260,000 oo Dollar taas oo noqonaysa lacag rubuc milyan gaadhaysa.
Xogtan waxa aannu ka xaqiijinnay khubaro kala duwan oo dhinaca dhismaha la shaqaysa isla markaaana bixiyey macluumaadka la xidhiidha dhismaha G+1 oo muddooyinkan si weyn hadal hayntiisu u badatay.
Guryaha mas’uulliyiinta ayaa qaarkood hadda socdaan halka kuwe kale dhammaadeen.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in xukuumaddiisu musuqa la dagaallamayso balse waxa ay u muuqataa in aanay kala war hayn isaga iyo mas’uulliyiintiisu.
Gallaydh TV