02/07/2026
JACAYL DAACAD NOQON WAAYAY💔
Jacayl daacad noqon waayay
Waa lagu duloobaaye
Hadmuu keenu door yeelan?
Inkastoo dareenkaygu
In aan dalacno mooyaan e
Inu damo ka dhawraayay
Doonistaydii noqon waydey
Darajadii ka gudbi waayay
Anigoo ku dacal jooga
Qalbigayga kuu dayray
Dhana kaaga durki waayay
Waxad igu dagaalayso
Daw waan u heli waayay
Anoo uunka kaa doortay
Oo dayaca kaa dhawray
Dalabkaaga helistiisa
Dagdag kuugu wada heelan
Amaantaada ku da’daala
Adna cadhada dayn waydey
Anigoo ku deeqsiiya
Dooddihiyo hadalkayga
Weedh dabacsan mooyaane
Duris aan ku maqashiinin
Aduu dayro ii yeeshay
Dabnahaygu haasaawe
Iyo hadal wax deeqaaya
Maad u hurin dareenkaasi
Marku daalo maankaygu
Nasiimadaan la doonaayay
Ruuxdaydu dagi waydey
Dagannaanta hiban waayay
Marka aan dabiibaayo
Halka adiga damaqaaga
Adna boogta i daloosha
In aad dooxdo mooyaan e
In aad duubto garan waydey
Markan dawo ku siinaayo
Adiguna deebaaqyo
Dabnahayga seemaashay
Marka aan ku doonaayo
Si aan kuugu dayo raali
Adiguna dagaal baaqdey
Markaan kuu ducaynaayo
Adna eed i daba qaaday
Markaan daacad kuu haaday
Adna dabino ii oo qooshay
Markaan dugsi ku siinaayo
Adna dhaxanta ii daysay
Markan magac la doonaayo
Maamuuska dunjigaaga
Darajiyo hufnaan geeyo
Ana kayga dahrigiisa
Dal’daloolo ii yeeshay
Markaan dayax kuu saaro
Daruuraha samada jooga
Xidigaha dalxiiskooga
Cadho durugta mooyane
Duco kaama soo yeedho.
Markaan fuliyo dookhaaga
Fidmo iyo dar mooyaane
Farxad ilama doon-doontid
Anigoo dulqaadkayga
Dusha kugu hagoogaaya
Adna dacwedo igu oogtay.
Anoo mudni la doonaaya
Maansada dabuubtayda
Maamuus ku deeqsiiya
Adna meesha doogtayda
Dab ku shiday itaalkaaga
Muxubada daraaddaada
Anoo Malab ku deebsiiyay
Adna Dacar i leefsiiyay
Si aan kaaga dudo weeyi
Marka aan ku dacal joogo
Si duruufta dhinacaaga
Kaaga duwo dabaysheeda
Waxad mooday doorkayga
Doqoniimo ii gaara
Marka aan ku doonaayay
Danayntayda kuu saaran
Dabnahayga kuu heelan
Daciifnimo ku miisaantay
Waxaad adigu doonayso
Marka aan ku dagdagaayo
Dadaalkiyo hanayntayda
Dayac baad is tidhi weeyi
Daacadnimo markaan joogo
Deelqaafka kaa dhawrey
Doqoniimo iga moodday
Dabcigiyo wanaagayga
Dirnaantiyo hufnaantayda
Danna laawe igu sheegtay
Adigoon hankay doonnin
Si aan kuugu dalacsiiyo
Markan darajo gaadhsiiyay
Dardartiyo awoodeyda
Ducufnimo ku maamustay
Halkaad adigu doonayso
Guusha aan la doonaayay
Waxa aad isaga daysay
Da’daalkayga qarintiisa
30/11/2025