26/01/2022
Tiirarka Ilbaxnnimo ee Islaamku Seeska u yahay. (1).
Hordhac.
Wax ka qorista mawduuca ilbaxnnimada bulshooyinka, dhabbada ay u maraan helisteeda, walxaha ay ku sii taagnaadaan ilbaxnnimooyinku, ismaan dhaafka si u aragga ' waxa ay tahay ilbaxnnimo?', arrimaha ay ku dumaan ilbaxnimooyinku kuwaas oo bulshooyinka dib u dhac ku sababa dhinac kaste ah, qodobadaas iyo kuwa kale ee ku xeeran dulucdaasi, ma aha masaa'il ka faaloodkoodu hawl yar yihiin, waxa ay u baahan yihiin in loo noqdo kutub badan oo ka hadlaya Ilbaxnimada bulshooyinka, ka dibne la is barbar dhigo, gaar ahaanne marka la doonayo in aan looga sheekayn si dul mar ah, loo yeelo natiijo iyo god ay isugu soo shubanto xogtu, si qofka akhristaha ah uu wax uga qaato, ka dib marka uu ku qanco, qaybne loo bandhigo dhaliisha ay leeyihiin si uu uga tago.
Badda ka hadalka mawduucan mar waxa ay inala galaysaa inaynu eegno qeexitaannada Ilbaxnimada ay saareen mufakiriinta iyo falaasifada kasoo kala jeeda daafaha dunida, sidee ayay u fahmeen waxa ay tahay Ilbaxnnimo iyo sidee ayay u qeexeen horumar iyo dib u dhac bulsho. Mar kale waxa ay inala maraysaa in aynu eegno hab u aragga ilbaxnnimo ee bulshooyinka maxaa ay sees uga dhigeen qolo kaste, maxaa mideeya, maxaase kala geeya, maadama ilbaxnimo kaste oo dhulka guudkiisa ka curatay ay lahayd sees adag oo ay ka dhaqaaqdo, waxa qeexayay seeskaa hab u aragga ay nolosha iyo aduunka ka lahaayeen iyo hab u dhaqanka taa h**e ka dhalanayay, kaas oo laamaha nolosha oo dhan taabanayay. Mar kalane waxa ay inala galaysaa in aynu si guda gal ah u gorfaynno '' Tiirarka Ilbaxnnimo ee islaamku seeska u yahay '', taas oo ah qodobka aynu qormooyinkan rabno in aynu kaga lib keenno, innaga oo seeska iyo sallaanka koobaad ka dhiganayna fahamka quraanka iyo sunnada suubanaha.
Qormadan aynu ku eegno qeexitaanka Ilbaxnnimo, inaga oo dhawr meelood ka istaagayna.
Qeexidda ' Ilbaxnnimo'.
Qeexitaanka ereyga 'Ilbaxnnimo' waxa uu ku sar go'naanayaa hab u aragga aduun ee cidda qeexaysa, sida aynu h**e usoo xusnayba. Ummad kaste habka iyo caynka ay u aragto horumar iyo Ilbaxnnimo waxa qaabaynaya aaminaadaha bulshadaasi aaminsan tahay iyo tijaabooyinka ay dhaxashay. Tusaale ahaan qeexitaanka reer galbeed falaasifadooda qaar ka mid ahi ku qeexeen waxa ay tahay ilbaxnnimo, aad bay uga duwanaanaysaa culimada iyo mufakiriinta Muslimiimta ahi sida ay u dhigeen Ilbaxnnimo waxa ay tahay, sababtune waa seeska laga dhaqaaqayo sida uu yahay. [ waxa suure ah in natiijooyinka ka dhasha ilbaxnnimooyinku ay meelaha qaar iska shabbahaan, iyada oo la eegayo baahiyaha bani'aadamka ee meelaha qaar ka midaysan]. Waxa ay soo qaadan doonnaa afar qeexitaan, kuwaa oo mufakiriin afar ah ay kusoo gudbiyeen hab u araggooda ilbaxnnimada, mid kaste waxa aynu isku dayi in aynu ka eegno xaglo dhawr ah innaga oo midhiftirayna qeexitaankiisa.
1. Cabdiraxmaan Ibnu Khulduun Kitaabkiisa '' Hordhaca Ibnu Khuldaan'' waxa uu ku qeexayaa ilbaxnimada/xadaaraddu in ay tahay: heer sare oo laga gaadho ladnaanta iyo casar lulashada, qalab iyo aalado badan oo sidooda loo isticmaalo, nolosha fududaysane la helo.
Ibnu Khulduun ilbaxnimada qeexitaankaa uu saaray, ee ah in dheragga iyo ladnaanta oo h**e loogu sii dheeraaday ay tahay, waxa ay salka ku haysaa fikraddiisa uu u kala soocay bulshooyinka kuwa reer magaal ah oo ilbaxnimada u dhaw iyo reer miyi, nolol maaleedkooda dhacsanaya. Dhaliisha ay yeelan karto qeexitaankan uu Ibnu Khulduun saaray Ilbaxnimadu waxa ay noqon kartaa, in uu ka faaloonayo waxa ka dhasha ilbaxnimada oo ah ladnaan iyo faakihaysi, aanu se qeexitaankan koobsanayn lafta ilbaxnimadaas keeni karta ama ahaanshaheeda guud waxa uu yahay.
2. Qeexitaanka Labaad, waa Will Durant qeexiddii uu saaray Ilbaxnnimada buuggiisa '' Qisada Ilbaxnnimada '. Waxa uu Will Durant ku qeexayaa Ilbaxnnimadu in ay tahay: '' Nidaam bulsheed ka caawinaya qofka in uu dhaqan ahaan, aqoon ahaan iyo fikir ahaanba hodon noqdo ''.
Wiil Duranta aragtida uu ku leeyahay in Ilbaxnimadu bani'aadamka u siyaadiso hodonnimada dhaqan, fikir, aqoon iyo soo saarista kale ee bulshadaba, waxa ay aragtidaasi dhaliil ku yeelan kartaa, in aanay ahayn mid koobsanaya dhammaan laamihii ilbaxnnimadu taaban jirtay, kaliyane ku koobsanaysa nidaamka bulsho, nidaamka bulshadane yahay qayb ka mid ah walxaha ilbaxnnimada guud.
3. Qeexitaanka Saddexaad waxa ay kasoo qaadanaynaa buugga '' Ilbaxnnimadii islaamka, carab iyo soo koobid Ilbaxnnimooyinka ummadihii h**e '' kaas uu qoray Dr shawqi, waxa uu dr shawqi ku qeexayaa ilbaxnnimadu in ay tahay: Isku dayada bani'aadamka, hal-abuur, curin, ka fikir, nidaamin iyo ka shaqaynta waxa yaalla dabeecadda, si bani'aadamku ugu noolaado nolol tii h**e ka san. Waan qori isku dhiib iyo bulshaba bulsho kasoo gaadh.
Qeexitaanka Dr shawqi, wax badan ayuu ku mudan yahay, balse waxa uu keliya xoogga saaray dhanka itus i taabsiida ah ee ay Ilbaxnnimadu leedahay, ' hal-abuur, curin, ka fikir, nidaamin...', Ilbaxnnimada qeexitaankeedune intaa kuma koobna, waxa uu leeyahay dhan fikir oo qorta qaabaysane dhankaa maadiga ah ee la arki karo.
Qeexitaanka afaraad, waa qeexitaanka aad dareemayso in uu ugu waafisan yahay, kana faa' idaystay qeexitaannadaa h**e oo idil, isaga oo waliba u noqday markuu diyaarinayay mawduuca, waxa uu quraanku ka yidhi ilbaxnnimada/xadaaradda bulshooyinka. Waa diraasada uu diyaariyay Ustaad Cammaar Badawi '' waxa ay ku istaagaan Ilbaxnnimoyinku iyo waxa ay ku dumaan, marka lagu eego indho quraanku sees u yahay '', waxa uu dr cammaar diraasadaa ku qeexayaa Ilbaxnnimadu in ay tahay: Sawirka nool ee hadda jooga, kaas oo bani'aadamku kasoo dheeganayo waxa uu ka aaminsan yahay kawnkan iyo nolosha aduun.
Qeexitaankaasi waxa uu isku fuuqsanayaa labada dhinac ee ilbaxnnimo kaste isku saaran tahay, kaas oo ah dhan fikir/aaminaadeed iyo dhan dhisme 'dhinacyada nolosha oo dhan'
Maalik binu Nabi, in kaste oo aanu qeexitaan toos ah siinin waxa ay tahay Ilbaxnnimo, haddane waxa uu sheegay saddex walxood oo tiirar u ah ilbaxnnimo kaste si ay u istaagto, ''Bani'aadamka+waqtiga+dhulka= Ilbaxnnimo''. Bani'aadamka oo la dhiso lagune tabco, waqtiga oo sidiisa looga faa'ideeyo iyo dhulka oo wixii khayraad ah ee ku jira laga faa'idaysto, saddexdaas oo isa saaran baa ilbaxnnimo keenta. Saddexdaa walxood waxa oo uu salli ay ku wada fadhiyaan uga dhigayaa, helista diin ay ka dhaqaaqaan oo sees adag u ah. ( dabcan halkaa akhlaaqdii ayaa kasoo galaysaa oo ilbaxnnimada iyo horusocodka muhim jiddan u ah).
Si kooban; Ilbaxnnimadu waa wax ka dhasha ummadu waxa ay aaminsan tahay, diin, dhaqan, akhlaaq iyo aaminaado kalaba leh. Aaminaadahaasi waxa ay dhalaan in bani'aadamku ka shidaal qaato ka dibne kaga hawl galo nolosha hor taalla, dhismane ka gaysto dhinacyada noloshaa. Labadaas oo isa saaran ayay Ilbaxnnimo bulsho kasoo baxdaa.
Maygaag Maxamuud Sheekh.