24/08/2026
Hambalyada Dhalashada Nabigeene اللهم صلي وسلم وبارك على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
Suldaanka Guud Ee Somaliyeed isagoo Ku Hadlaya magaciisa iyo Ka Bahda Dhaqanka Somaliland Waxa uu hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, gude iyo dibadba, iyo guud ahaan ummadda Muslimka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan, munaasabadda qiimaha iyo sharafta badan ee dhalashada Suubbanihii Nabi Muxammad NNKH, oo ku beegan caawa 12-ka Rabiicul Awal 1448-ka Hijriyada.
Dhalashada Nabi Muxammad NNKH waxay ahayd iftiin iyo hanuun uu Alle SWT ugu deeqay ummadda Islaamka. Waxay sidoo kale ina xusuusinaysaa in aynu raacno sunnadii iyo dariiqii suubbanaa ee uu inooga tegay Rasuulkeennii Muxammad NNKH.
Bulshada Somaliland waxaan ka codsanayaa inay wayneeyaan xuska Nabigeena isla Markaaana La Badiyo saliga Nabigeena
Waxaan Alle SWT ka baryayaa in uu colaadaha innaga damiyo, aafooyinka iyo cudurradana ina garab mariyo, cirkana ino irmaaneeyo.
Alle Mahadle