Wasaaradda Warfaafinta Puntland

Wasaaradda Warfaafinta Puntland Puntland Ministry of Information telecommunication Culture and Heritage

Wasiiru-dowlaha wasaaradda oo ka qaybgalay kulan madaxwayne ku xigeenka Puntland ku Qaabilay Qayb kamid ah Qoyska AUN Ab...
18/08/2026

Wasiiru-dowlaha wasaaradda oo ka qaybgalay kulan madaxwayne ku xigeenka Puntland ku Qaabilay Qayb kamid ah Qoyska AUN Abwaan Jamac Kadiye.

Garoowe: 18,agoosto 2026: Wasiiru-dowlaha wasaaradda warfaafinta Puntland Mudane Najiib Barkhadle Warsame warsame ayaa ka qaybgalay kulan uu Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ku qaabilay qayb ka mid ah qoyska Alle ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye. Sidoo kale, kulanka waxaa qayb ka ahaa Xildhibaan Faysal Maxamed Dalmar.

Xubnaha qoyska Abwaanka ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala hadlay sidii loo xoojin lahaa bandhigga dhiganaha iyo diiwaanka AUN Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi, kaas oo h**e loo qorsheeyay in la qabto 17-ka Agoosto 2026, balse dib loo dhigay horaanta bisha September ee soo aadan sababo la xiriira baahida loo qabo in si mug iyo miisaan leh loogu diyaar garoobo qabashada bandhiggan taas oo ay horay is kula qaateen Guddigii Qaban qaabada Dhiganaha Diiwaanka Abwaanka.

Arrintan ayaa sidoo kale lagu caddeeyay warqad ay h**e u soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Puntland, taas oo ku taariikhaysnayd 15-ka Agoosto 2026.

============DHAMMAAD===========
XAFIISKA BAAHINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA WARFAAFINTA DPL.
Email: [email protected]
Website: moitt.pl.so
Facebook: https://www.facebook.com
Twitter: https://x.com/moittpuntland
Youtube: www.youtube.com/

‎’’Waxaad horay u sheegtay laba Xisbi kaliya inay dalka ka jiraan (JSP IYO SHABAAB)  oo waxaad muujisay inaysan argagixi...
16/08/2026

‎’’Waxaad horay u sheegtay laba Xisbi kaliya inay dalka ka jiraan (JSP IYO SHABAAB) oo waxaad muujisay inaysan argagixisadu cadaw ahayn, dhalinyarada Soomaliyeed ee maanta xananbuure joogta oo aad hasoo cararina lahayd, waa kuwa aad cadawgooda heshiiskiisa ku shaacisay shabeellada dhexe.

dhallinyaradaasi kaama dhagaysanayaan warkaa, waxay sugayaan dawlad xogtooda iyo xeeladooda ilaalisa oo aysan uga baqayn taliyaha labada Ciidan (cadaw iyo ciidanba)

‎Fariintaadu ciidanka kuma socone cadawgaad lahayd haka baqina oo yaysan culays idin galin.’’

Farxaan Cali Xirsi-xaad
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland

Bandhigga dhiganaha Diiwaanka Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi ayaa dib loo dhigay bandhigiisa si loo weyneeyo
15/08/2026

Bandhigga dhiganaha Diiwaanka Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi ayaa dib loo dhigay bandhigiisa si loo weyneeyo

06/08/2026

Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda oo Akhriyey War-saxaafadeedka Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland, 6 Agoosto 2026

05/08/2026

Madaxwayne Denni '’Waxaan Farriintayda ugu danbaysa ku celinaya, in dadka arrimahaas ku lugta leh ee gobollada kale ee Puntland jooga inta aan tallaabo laga qaadin in ay u degdegaan awwaamiirta Dowladda…’’

‘’siyaasad qoriyaysan, oo ciidamaysan suuragal ma ahan… maamumulka dowladda puntland waa mid, Hayaddihiisa Dowliga ah waa mid, Dadkiisu waa mid…’’

05/08/2026
03/08/2026

بونتلاند تحيي الذكرى السنوية ال28 لتأسيسها، 28 عاما من الاستقرار والنماء والتطور

03/08/2026

''Naga giija naga giija
Laandheerayaal giija
Kalkeedii galnee giija
Calankana kor wada geeya
Gurxanka iyo faraxeena
Ha gariiro nacabkeenu
Gocoshada ha ladi waayo''

KOOXDA PUNTBAND 1-da agoosto 2026

03/08/2026

''Dab meel lagu shido Puntland ka Da’wayn,
Horgalo loo diro Puntland ka Da’wayn,
Dan gaara nin leh Puntland ka Da’wayn.''

Kooxda PUNTBAND 1-DA AGOOSTO 2026

Address

Former Presidential Place/Main Street/1st August Village/Garowe Puntland/
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Warfaafinta Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Wasaaradda Warfaafinta Puntland:

Shortcuts

Share