Wax ka baro

Wax ka baro xikmado xul ah����

Permanently closed.
Qeeybo badan ayaa loo kala saaraa wakhtiga taas oo ku xidhan hadba meesha la joogo. Dunidan aan ku nool nahay waxaa la i...
10/09/2025

Qeeybo badan ayaa loo kala saaraa wakhtiga taas oo ku xidhan hadba meesha la joogo. Dunidan aan ku nool nahay waxaa la isku raacay qeeybahan hoos ku qoran:

Ilbiriqsi oo ah midka ugu yar.

Daqiiqad oo u dhiganta lixdan (60) ilbiriqsi,

Saacad waxay la mid tahay lixdan (60) daqiiqad,

24 saac oo ah habeen iyo maalin.

Todobaad sidoo kale loo yaqaan Usbuuc waa todoba maalin.

Bil waa sodon (30) maalmood.

Sanad oo ah marka dhulku hal mar ku soo wareegto qoraxda. Sanad waa 365.4 maalmood.

Qarni waa boqol (100) sanno oo wakhtiga dunidan aan ku nool nahay ah.

 Maqaalkan waa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawi Wikipedia in aad Wax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.

Waxaa qoray Hussein omar

Part twoDiimuha dhamaantood waxay in badan ka waramaan wakhtiga; ayadoo laga soo bilaabo horaantii wakhtiga, wakhtiyada ...
10/09/2025

Part two
Diimuha dhamaantood waxay in badan ka waramaan wakhtiga; ayadoo laga soo bilaabo horaantii wakhtiga, wakhtiyada soo socda sida aakhiro, qiyaamaha iwm. Cilmi Fallagu wuxuu in badan ka waramaa socdaalka meereyaasha Koonka iyo wakhtiga, sidii uu ku bilaabmey dhamaan koonku ayadoo la tixraacayo wakhtiga, sidoo kale waxay isticmaalaan halbeeg ku salaysan wakhtiga. Sidoo kale waxaa jirta firkad wakhtiyadan dambe aad u caan ah, Safarka Wakhtiga oo ah in qof ama shey loo safriyo wakhti ka duwan midka uu ku jirey ayadoo wakhtiga dib loo celinayo ama h**ey loo aadayo. Waa fikrad ku saleeysan in, tusaale ahaan, qof ku noqdo wakhti ka h**eeyay midka uu hada ku jiro ama u safri karo mustaqbalka. Ilaa hada ma jirto cid ay u suurto gashay in ay wakhtiga ku dhex safarto oo tegto wakhti kale.

Xisaabinta wakhtiga waxaa ka mid ah saacadaha taas oo loo isticmaalo si loola socdo kolba wakhtiga lagu jiro. taas oo ah lixdan (60) ilbiriqsi.

Part oneWakhtiWax ka badalKani waa maqaal ku saabsan "Wakhtiga". Maqaalo kale oo la xidhiidha noocyada kala duwan ee wak...
10/09/2025

Part one
Wakhti

Wax ka badal

Kani waa maqaal ku saabsan "Wakhtiga". Maqaalo kale oo la xidhiidha noocyada kala duwan ee wakhtiga ka fiiri Wakhti isticmaal kale.

Wakhti (Ingiriis: Time; carabi: زمن) waa cabirka iyo xisaabinta mudada u dhaxeysa laba goor kala duwan midaasi oo ka soo bilaabanta wax la soo dhaafay, imika (hada), iyo goor soo socota oon weli la gaadhin. Sidoo kale wakhtigu waa tirinta isbedelka saacada, habeenka iyo maalinta; maalmaha todobaadka, billaha, sanadka, qarniga iyo wixii ka badan intaas.

Wakhtigu wuxuu wax badan ahaa qodob ka mid ah diimaha, sayniska, taariikhda iyo filoosafi taasi oo si kala duwan loogu xusay dhamaantood.

In kastoo qodobka ah "wakhti" uu ku fadhiyo micno aad u weyn oo saameyn ku leh qodobo badan oo kala duwan, waxaa wakhtiga inta ugu badan loo isticmaalaa qiyaasta, la socoshada iyo xisaabinta in mudo ah oo noqon karta wax la soo dhaafay, mid hada la joogo ama mid soo socda. Waxaa wakhtigu leeyahay halbeegyo lagu xisaabiyo oo lagula socdo, kuwaasi oo loo isticmalo siyaabo kala duwan. Halbeegyada wakhtiga lagu cabiro waxaa ka mid ah saacada (Ilbiriqsi, Daqiiqad), maalinta iyo habeenka, Todobaadka, bisha, sanadka, qarniga iyo wixii la halmaala ee intaas ka badan.

Intaas waxaa dheer, wakhtiga waxaa lagu xisaabiyaa dhamaan ficilada iyo dhacdooyinka Sayniska. Tusaale ahaa, cilmiga Fisikiska marka la baarayo xawaaraha sheey ku socdo waxaa muhiim u ah wakhtiga. Sidoo kale, cilmga Filoosofiga ah waxaa rukun weyn u ah wakhtiga ayadoo loo cuskanayo marka laga soo bilaabo horaantii iyo dhismihii ugu h**eeyey ee Koonka.

Talooyin Dahabi Ah1. Ku bilow wax kasta Bismillaah. Ka mahad-celi wanaag kasta. Ka toobad keen xumaan & dembi kasta. Car...
02/04/2025

Talooyin Dahabi Ah

1. Ku bilow wax kasta Bismillaah. Ka mahad-celi wanaag kasta. Ka toobad keen xumaan & dembi kasta. Carabkaaga bar Xuska Alle xilli kasta

2. U noolow si fudud si kastoo Derajadaada Aduunka u sareyso

3. Ha isu bedelin si dadka kuu Jeclaadaan. Ahow qofka aad tahay dadka saxda ah ayaa ku jeclaanaya

4. Dhoolacadee xitaa haddii Qalbigaagu murugeysan yahay

5. Si fudud ha u nicin dadka khalad ay kaa galeen darteed ama iyaga oo aan sameyn waxa aad sameyso ama u fakirin sida aad u fakirto

6. Cun khudaar iyo fruit. Cab Biyo badan. Sii jirkaaga waxa ugu wanaagsan aad heli karto si uu ugu shaqeeyo tiisa ugu wanaagsan

7. Cafi dadka kale, Qalbigaaga ha ku heyn Godob, ha ku fakirin aargoosi. Noqo mid dulqaad badan

8. Goortii aad Xiriir qof la wadaagto, ku dhaqan saddexdan Xeer: Been ha sheegin. Ha khiyaamin. Ha sameyn Ballan aadan fulin karin

9. Maalin kasta samee Jimicsi joogta ah. Ha ka caajisin. jirkaaga ayaa kuu Mahad celin doona

10. Hagaaji habka aad u labisato, u hadasho, u socoto & dadka aad la socoto, wuxuu kaa bixinayaa sawir ah qofka aad tahay

11. Ka fogow maandooriye nooc kasta uu yahay, waxay saameeyaan dabeecada & garashadaada

12. Waqti u hel qoyskaaga. Ogow caruurtaada la joogitaada ayay ka jecel yihiin Hadiyadaada

13. U maaree si wanaagsan lacagtaada. Ha ku Khasirin wax aad ka qoomameyn doonto

14. Ahow Deeqsi xitaa haddii uu dakhligaagu aad u yar yahay.

15. Marnaba ha u gefin dadka. Ha aflagaadeyn Qabiil. Caayda iyo ceebeynta ma aha hab wax lagu saxo. Dhaliishaadu ha ahaato mid wax dhista. Yaysan noqon mid sababta dhib & kala dheeraansho

16. Dhaaf Walbahaarka. Welwel marnaba ma hagaajin karo waayaha & wareerka Aduunka. Isaga baabi’i murugada inaad Alle ka rajeyso kheyr, Tukado Salaada. Ducadana badiso

17. Afkaaga bar in aad MAYA oran kartid mararka qaarkood, HAA badan iyo HAYE fudud halaag bay u horseedeen, hogna ku rideen kuwa badan

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

20/01/2024
Sidee U Hagi Kartaa Noloshaada?QEYBTII 2-AADInta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka ...
24/07/2022

Sidee U Hagi Kartaa Noloshaada?
QEYBTII 2-AAD
Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan

taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in Bulsha waynta somaliyeed, Gaar ahan dhalinyaradda ama qofkasta oo jecel in uu naftiisa dhiso , ama uu h**e umariyo si uu u noqdo qof maamuus leh, sidaas darted waxaan jecleestay in aad ila wadaagtaan Qormadii Labaad ee aan ka Qoray Arimaha kobcinta iyo dhisida nolol hagaagsan oo aan wax qodax ah lahayn. Qodobadiina waa Sidan:-

Qormadii tan ka horaysay waxa aynu kusoo aragnay 5-qodob oo hadii uu qofku ku dhaqmo noloshisa si fudud ugu hagi karo dhanka guulaha iyo horumarka.

Qormadeenana Maantana waxa aynu ku arki doonaa qofka ay ka dhabka tahay in uu naftiisa guulaheeda ku hagaa ma qof naftiisa dhaliila baa hadii ay wax ka khaldamaan mise waa qof bulsahda inta ku xeeran ee ka agdhow dhaliila.

Akhriste Ma Ogtahay in ay Jiraan Dad qaatay go’aan ah in ay faraha ka qaadaan waqtigooda iyo awoodahooda caqliyeed Maslaxad dadkale owgeed, kuwaas oo ku dhawaaqa is dhiibitaankooda, una Yeedha dadka kale si ay ula wareegaan afkaartooda.

Mase Ogtahay in dadkaasi marka ay arimuhu ku xumaadaan ay bilaabaan in ay dhaleecaynta oo dhan dusha ka saaraan ehelkooda iyo Dumarkoodaba ama ragoodaba, sidaa awgeedna waxaa hubaal ah in dadka noocaas ahi marnaba aanay maskaxdoodu kusoo dhacayn in Asalka mushkilada iyo guuldarada oo dhami tahay “Nafahooda oo ay Hagi Kari waayeen”.

Waxaan Kaa Rajaynayaa in aadan Noqon Dadka Nocaas ah :

Akhriste Hada isku Day inaad ka Jawaabtid bal Su’aalahan Kooban ee aan ku waydiin doono, Maxaa Yeelay waxay daliil u noqonaysaa Hagida Saxdaa ee Noloshaada, iyo Sidii ad u Fahmi Lahayd Naftaada sida ugu Wanaagsan.

Miyaad Tahy qof dadka kale ku dhaliila khaladaadkiisa, Dhankii uu naftiisa inta uu la fadhiisto waydiin lahaa dhanka uu khaladku ka yimid?
Miyaad Tahy qof go’aamadiisa u qaata isagoo ku base garaynaya waxa uu shakhsi ahaan rumaysan yahay, mise sida ay dadku rumaysan yihiin baad go’anka ku qadataa?
Miyaad tahay qof aamin san in doodu iyo muranku tahay mid bilaa faa’ido ah.
Miyaad tahay qof markasta ka fekera arimaha Taban, sida dhaawaca, Xanuunka, fashilka, dadka iyo khaladaadkaaga? Mise tahay qof u arka markasta cabsida inay tahay caqabadiisa koobaad inbadan intaad ka fekeri lahayd arimaha dhanka togan?
Miyaad tahay qof noloshiisa hadaf cayiman u sameeya, mise waxaad tahay qof maalaha u daaya meesha ay geeyaan?
Miyaad tahay qof u jeediya dhaleeceenta naftiisa, mise tahy qof iksu daya oo si xeel dheer uga fekera Ogaanshaha wixii ka ka naaqusan noloshiisa?
Miyaad tahy qof shaki ka qaba awoodaha qarsoon ee Naftiisa?
Hadaba akhriste isku day inaad su’aalahaas oo dhan uga jawaabtid si run ah adiga iyo naftaada, si aad u aqoonsatid qofka aad tahay iyo awoodahaaga qarsoon, iyo weliba dhinaca uu u socdo fikirkaagu.

Hadii aad ogaatid inay jiraan wax khaldan dhanka fikirkaaga ah, hasugin balse isku day inaad la fadhiisatid naftaada oo aad doontid xalka.



Hadaba Akhriste waxaan kula wadaagayaa Waxyaabaha ugu Muhiimsan ee kaa caawin kara Idinka Alle inaad ka faa’ideesatid Hibooyinkaaga iyo awoodahaaga, iyo aragtidaada caqliyeed :

Marka h**e aqoonso awoodahaaga Qofeed iyo Caqliyeedba.
U tus dadka inaad badanaa ahmiyada u siinaysid dhanka bini aadam tinimada iyo shakhsiyadooda, oo anad u eegayn hantidooda iyo meqaamkooda awoodeed.
Wadada ugu wanaagsan e aad qalbiyada dadka ku kasban kartaa waa adigoo dareensiiya inay qiimo agtaada ka leeyihiin, maxaa yeelay qof kastoo inaga mid ah waxa u jecel yahay in la dareensiiyo in ay jiraan dad u arkaya in uu yahay qof faaido leh oo wax laga faaidi karo.
Ogsonow markasta in iska dhaga marka ama iska kabaynta aad shakhsi gooni ah iska kabaysaa ay dhalinkarto cadaawad adag.
Isku day inaad noqotid qof qarin kara siraha dadka kale ee uu ogyahay.
Markaad arin ku fashilantid ha eedayn dadka kale balse meel fadhiiso xisaabi naftaada oo qiimee halka u khaladku kasoo galay adoo naftaada xisaabinaya,
NB:Qormadii ugu Danbaysay Mowduucan Lasoco Week soo Socda Insha Allah

Hadaba Akhristoow Hadii aad Tahay qof Jecel in uu Naftiisa Horemariyo am uu noqdo qof ay bulshadu wada jecelyihiin , oo noloshiisa development waxa loo yaqan ku sameeya. Isku day inaad ka faaidaysatid qormadan lana wadaag asxaabtada inta aad isku fekerka tihiin.

Gabagabadii maqaalkayga oo noqondoona mid taxanaa aanan uga hadlidoono insha alah nolosha qeebheeda kala duwan sida(Siyaasada, Waxbarashada,guurka,jacaylka,iyo sida uu qof kasta oo inaga mid ah u dhisi karo noloshiisa hadaba heerka uu karaba isagoo marnaba ka tagayn Tawakalka Ale.

Waad Mahadsantihiin

Mahbuub Hussein IsmailEmail:

[email protected]

Cuntooyinka aan u fiicneyn caafimaadka dheefshiidka:Cuntooyinka xun:Cuntooyinka ka samaysan labeenta caanaha sida farmaa...
24/07/2022

Cuntooyinka aan u fiicneyn caafimaadka dheefshiidka:

Cuntooyinka xun:
Cuntooyinka ka samaysan labeenta caanaha sida farmaajada iyo caanaha ayaa ah kuwa keena calool istaag. Hadii aad arintaan ogaato waxaad isku daydaa inaad yareyso ama joojiso cunnooynka ka samaysan labeenta caanaha.

Cunooyinka fudud ama marwalba diyaarsan (fast Food)
Cunooyinkaan ayaa ah kuwo dadku ay cunaan inta badan xiliyada ay mashquulka yihiin oo aysan ka gaari karin cunnada kale, waxaa laga yaabaa inay u wanaag san tahay ilaalinta waqtiga iyo shaqada qofka, balse maahan mid u wanaag san dheefshiidka, waxayna hoos u dhigtaa dheefshiidka maadama uu ku yaryahay faybarku. Waxaa ka mid ah cunnooyinkan beegarrada, sandwich-yada iyo baradhada shiilan ee chips-ta loo yaqaan

Cuntooyinka shiilan:
Cunnooyinka shiilan waa cunooyin macaan oo dhadhanka ku wanaag san balse waxay u xunyihiin guud ahaan caafimaadka gaar ahaan kan dheefshiid, waxaa cunnooyinkaan ku badan dufinka, kaasoo hoos u dhiga heerka dheefshiidka. Cunooyinka shiilan ayaa ka qayb qaata in saxaradu ay qofka ku dhagto.

Ukunta:
Ukunta waxaaa ka buuxa borootiiin balse waxaa ku yar faybar, mana ahan mid u wanaag san habka dheefshiidka, hadii aad cunnayso ukun isku day inaad ku lifaaqdo cunnooyinka faybarka leh sida inaad ku kariso yaanyada.

Hilibka Solan:
Hilibka solan waxaa ku badan borotiinka iyo dufinka mana lahan xataa xadi yar oo faybar ah. Solaygu uma wanaagsana dheefshiidka, waxaana marwalba oo la cunayo solay haboon in lagu cuno cunooyinka ka kooban faybarka si looga hortago calool istaagga.

Macmacaanka:
Macmacaanka sida doolshada iyo shukulaatada waxay hoos u dhigaan heerka dheefshiidka. Isku day inaad ku badasho booskooda caanaha garoorka ah iyo miraha noocyadooda kala duwan. Waxaa hubaal ah inay kor u qaadayaan heerka caafimaadka dheefshiidkaaga.

Canjeelada laga sameeyay burka cad kaliya:
Rootiga cad ama Canjeelada ka samaysan burka kaliya. Dheefshiidka way ku culaystahay inuu u shaqeeyo habka loo baahan yahay marka ay timaado cunnooyinka ka samaysan burka oo kaliya. Isku day inaad cunto canjeelo ama rooti ka samaysan iskudar qamadiga burka ama galaydaba. Cunooyinkaan waxay ka kooban yihiin faybar waxayna kor u qaadayaan dheefshiidka

Kafeega:
Waxaa la faham san yahay in dadka caba kafeega ay la noolyihiin calool istaag walow qaarkood aysan lakulmin xalaadaan, yareynta cabida kafeega ama in lala cabo biyo ayaa ah mid u wanaag san dheefshiidka.

Qiimaha Gabadhu Ma Ahan Da’deeda Ee Waa….Qiimaha gabadhu ma da,deedaa? Ma inay gabar tahay baa oo aanay ahayn garoob(car...
24/07/2022

Qiimaha Gabadhu Ma Ahan Da’deeda Ee Waa….

Qiimaha gabadhu ma da,deedaa? Ma inay gabar tahay baa oo aanay ahayn garoob(carmal)? Bulshadeena soomaliyeed waxaa jira maahmaahyo badan oo kala duwan qaar yihin Yasid qaar yihiin dulmi qaarna yihiin wax diintaba ka hor imaanaya maaha in la dhaqan geliyo sidii diintana loo weyneeyo.

-maahmaahyada khaladka ah waxa ka mida (gabar baartay garoobaa ka roon) sidoo kale mida dhahaysa (gabar guri hakaaga jirto ama god)) Diinta in markii dan la leeyahayna la yiraahdo hala guursado oo la isku booriyo waa diinta barked guurku marka kalena qof walalkaa ah aad ku yasto da,a uu gaaray ama garoobnimo, waa cadaalad darada dhaqanka jaahiliga ah ee bulshadeena.

Qiimaha gabdhu waa akhlaaqdeeda, diinteeda, dhowrsananteeda, gabdha isku aragta hadeeey gaarto da,a gaar ah inay tahay midaan qiimo lahayn ha ogaato sideey isku aragto inay bulshaduna u arkayso inkastoo gabdho badan ay ku qasabto inay u dabcaan dhaqanka xun ee bulshadeena qaarkeed, daryeelmagazine.com ayaa ku leh qiimahaaga waxaad ka dhigtaa shaqsiyaadaada diintaada aqoontaada, kartidaada. marna haku fekerin waa weynaadee wixii ila hadlaba waa inan Ok dhaho, wuxuu yahayba , almuhim yaan la i oran waa guumeysoowday, waa baartay.il yasitaana la igu eegin.

-Waxaad ogaataa inuusan ku qiimayn doonin kaad isku tuurtay maalin maalmaha ka middana ku dhihi doono anaaba ku asturee yaa ku rabay waa haduu kaa dareemo inaa is qiimo tirtay tustidna inuu Gallad kugu leeyahay haduuba ku guursaday oo ku asturay .waxaa laguu abuuray waa cibaadada Allah guur kaliya laguuma abuurin….

-Gabadh kastoo isku aragta in qiimaheedu ku xiran yahay waqti go,an ha ogaato inay tahay mid diidan Qadarka Alle haka yeelin waxaad isku mashquuliso kana fekerto 24 saac maxay dadku i oran doonaan hadaan gaaaro cumrigaa anoo wali guursan ?waqtigiisa k**a hormarayo k**ana dib dhacayo calafku waxaad isku mashquulisaa cilmi aad kororsato.

-Ninka caqliga u saaxibka ah waa kan aan u eegin gabadha qiimaheeda gabar ama garoob mid weyn iyo mid yar wuxuu eegaa gabdhaan ma tahay mid kuu qalanta ma tahay hooyo ubadkaaga berri si fican u tarbiyayn karta . ma tahay mid leh akhlaaq ,diin, dhowrsanaan. Waxasoo dhan ayuu ku fekeraa ee kuma fekero sida caadooyinka iyo dhaqanka jaahiliga qaarkii kuwaasoo loo weyneeyo sidi inay yihin sharcigii Alle!

W/Q: Najma Saciid

Qiimaha Waqtigaagu Waa Qiimaha NoloshaadaWaqtigu waa waxa ugu qaalisan ee uu qofka ibnu aadamka ahi haysto inta uu nool ...
24/07/2022

Qiimaha Waqtigaagu Waa Qiimaha Noloshaada

Waqtigu waa waxa ugu qaalisan ee uu qofka ibnu aadamka ahi haysto inta uu nool yahay, waana raasamaalka ugu faa’iidada badan haddii si wacan looga faa’iidaysto oo loo qorsheeyo

sida ay xikmaddani leedahay (waqtigu waa waxa nolosha laga sameeyo).

Nolosha qiimaheedu waxa ay ku xidhan tahay qiimaha waqtiga iyo ka faa’iidaysigiisa. Haddaba adigu akhriste ma is weyddiisay qiimaha waqtigaaga? Waa su’aal muhiim ah waana su’aasha ugu qaalisan su’aalaha loo baahan yahay inuu qofka caqliga iyo caafimaadka Alle (SWT) siiyay is weydiiyo oo uu garto jawaabta saxda ah ama ku habboon in lagu qeexo

Su’aashan jawaabteeda waxa si sax ah u helay in yar oo fara ku tiris ah oo dadkeenna ka mid ah, intaas heshayna waa inta yar ee waqtigooda ka faa’iidaystay ee gartay qiimaha uu u leeyahay kuwaas oo uga faa’iidaystay wax badan oo faa’iido u leh naftooda, if iyo aakhirana anfacaya, ha ugu horreeyaan khayrka iyo cibaadada suubbani’e.

Haddaba nolosha qiimaheedu waa waqtiga, dadkana waxay noloshoodu u kala qiimo badan tahay sida waqtigoodu u kala qiimo badan yahay. Waxa se is weyddiin leh waqtigu miyuu kala qiimo duwan yahay? Jawaabtu waa maya, waqtigu ma kala duwana waxa makhluuqa oo dhan ka siman yihiin waa hal waqti oo isku mid ah se waxa qiimihiisa kala duwaa waa insaanka iyo duruufaha noloshiisa.

Qof waliba isaga ayaa waqtigiisa qiimo gaar ah u yeela. Sida aan ka warqabno qof wal oo koonka saarani waxa uu haystaa ama ku xisaabtamaa sannad 12 bilood ah, bil 30 cisho ah, toddobaad 7 maalmood ah, maalin 24 saacadood ah iyo saacad 60 daqiiqadood ah. Sidaas ayaanu waqtigu weligiina iska beddelin oo waa ta Qur’aanka kariimka ahba inoogu cad in sannadku alle (SWT) agtiisa ka yahay 12 bilood. Taasi waxay kuu caddaynaysaa in insaanku mar walba waqti isku mid ah haysto se uu isagu qiimihiisa mid gaar ah oo aan lala wadaagin ama lagala sinnayn ka dhigan karo. Waxa keli ah ee ka la duwayaa waa sida ay u kala qiimeeyaan iyo faa’iidooyinka ay ka gaadhaan.

Marar badan ayaad arkaysaa qof yar oo 20 sanno jiray oo nolshiisu ka qiimo iyo faa’iido badan tahay mid 60 sanno jiray. Waxa aad markiiba is weydiinaysaa sidee qofkan 20-ka sanno jiray kan 60-ka jiray uga faa’iido badnaan karaa isaga oo kan 60-ka soo noolaa saddex laab inta uu nool yahay kan kale! Waxa uu uga faa’iido badan yahay kan yari waxa uu si wacan uga faa’iidaystay 20-kan sanno ee uu haystay lagaba yaabaa in aan daqiiqad keliya oo bilaa faa’iido ah ama maalaayacni ah laga helin waqtiga uu noolaa. Halka kan kalena waqtigiisa intii badnayd uu ku dhaafay faa’iido la’aan iyo waxaan dani ugu jirin kaas oo moogganaa qiimaha waqtigiisu leeyahay kadibna is arkay uun isaga oo 60-jir ah oo aan wax faa’iido ahna ka hayn waqtigiisii. (Qoraalkan waxa laga soo xigtay mareegaha Weedhsan.com).

Halkaa ayuu ka bilaabaa calaacal iyo murugo isaga oo iska qoomamaynaya khasaaraha uu naftiisa baday ee uu ka taagan yahay waqtigii iyo caqligii uu Rabi ugu deeqay iyo noloshiisan bilaa qiimaha ah taasina waa halkay Soomaalidu kaga maahmaahdo (nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raacdee). Halka kii yaraa hadduu 60 gaadho uu ku gaadhayo farxad iyo guul iyo nolol qiima leh ileen markii uu waqtiga haystey buu waqtigiisii qiimo u yeelee.

Waxaa mar walba innagu waajib ah inaan waqtigeenna uga faa’idaysanno sida ugu habboon kagana faa’iidaysanno waxa Alle (SWT) raalligelinaya, si aad adiguna ugu noolaato nolol aad raalli ku tahay.

Waxyaabaha aan kaga faa’iidaysan karno waqtigeenna maxaa ka mid ah?

1. Cibaado suubban oo aan Allihii ina abuurtay (SWT) ku caabudno oo aynu si wacan u garano sababta la inoo abuuray inay tahay in aan Alle keligiis (SWT) u caabudno waa ku Alle inoogu sheegay Qur’aanka (Jinka iyo insiga umaanaan abuurin inay na caabudaan mooyaane).

2. Innaga oo kaga faa’iidaysanayna cilmi aan baranno kaas oo noqonaya ka ina anfacaya nolosha adduunka iyo ta aakhira labadaba cilmigaas oo uu ugu h**eeyo barashada kitaabka alle ee kariimka ah.

3. Ina aan nafaheena ku waajibino samaynta wanaagga, wanaaggaas oo aynu usamaynayno nafeheenna iyo walaalaheenna kaleba innaga oo ku caawinayna walaalaheen wax kasta oo wanaag ah sida (innaga oo wax wanaagsan farna, sadaqo siinna, dhib haysatey uga gargaarna, ka bukaanka ah soo booqanna, i.w.m.).

Waa in aan muhiimadda koowaad ka dhignaa saan waqtigeenna wax anfac inoo yeelanaya if iyo aakhiraba ugaga faa’iidaysanno. Ma ogtahay in imaamkii weynaa ee Bukhaari uu cilmigiisu ka badnaa cimrigiisa; taasna uu ku mutaystay dedaalkii badnaa iyo sidii wacnayd ee uu qiimaha waqtigiisa u bartay.

Qofka bani’aadamka ahi waa maalma yar inta uu nool yahay iyo waqtiga uu haysto hadduu ka faa’iidaysto wuu guulaysan haddii u garan waayana wuu khasaari. Xikmad baa tidhaahda (ogow ibnu aadam waxa tahay maalmo is daba socda mar kasta oo maalmahaa mid ka mid ahi tagtana waxaa tegay badhkaa).

Nolosha oo dhami waa saddex maalmood:

1. Shalay: Waa maalin tagtay oo aan kugu soo laabanayn waxii ay guul iyo khasaareba lahayd way la tagtay, mana soo ceshan kartid. Waxa se laga yaabaa haddii aad tahay qof dhugasho leh inaad haddana si dadban uga faa’iidaysato maalintaa ku dhaaftay ee aan soo noqoshada lahayn. Waxa su’aashu tahay, sidee ayay suurto gal u tahay inaad tidhaa waqti tagay ayaan ka faa’iidaysanayaa? Way fududdahay, waxaana garan kara kaliya qof caqli u saaxiib ah. Ugu horrayn, waa inaad dareento wixii ku seegay shalay kuna dedaasho in aanay dib u dhicin si ay dawo ugu noqoto soo noqnoshada marxaladda caynkaas ah.

2. Maanta: Waa maalinta ugu qaalisan cimrigaaga waana raasammaalka ugu weyn ee aad haysato. Waa maalinta ugu qaaalisan noloshaada qiimaha noloshaada oo dhamina waxay ku xidhan yihiin saacadaha yar ee ku jira noloshaada, qiimaheeduna waxa ay noqonaysaa sida aad hadba ugu faa’iidaysato oo keliya waayo manta markaad ka faa’iidaysato berrina waad ka faaidaysankartaa iyo cimrigaaga oo dhanba laakiin se hadaad maanta lumiso beritana waad lumin sidaasaanad ku lumisay noloshaadii oo dhan waxaa la yidhi (qofka waxa jooga aan garani waxa soo socda ma garto).

3. Berri: Berriyeey maxaa tahay? waa maalin maqan mana garan kartid waxa ay kuu sido waxay noqon inaad gaadhi iyo in kale alle (SWT) ayaa keligii og berri iyo waaayaheeda mana aha inaad ku xisaabtanto waxanad garanayn wax ay noqon (haddaad waa bariisato ha sugin in aad galabaysato hadii aad galabaysatana ha sugin in aad waa bariisato) Waayo ma ogid inaad subax leedahay iyo in kale, laakiin maanta ka dhig maalinta guushaada camalkaaga iyo hawlahaagana u samee sida ugu wacan ee ugu quruxda badan hammigaaga iyo dadaalkaagana isugu gee saad manta u guulaysan lahayd) taasina waa sirta nolasha sarraynta iyo farxadda waxa aa la yidhaahdaa (qaamuuska waqtiga kelmed keliya ayaa ku jita kelmedaasina waa – iminka ama hadda – macnihii waa daqiiqadaa aad hadda joogto oo keliya). Taasina waxa ay kuu caddaynaysaa in waxa aad haysataaba yahay daqiiqaddaa aad joogto oo keliya, qiimaha noloshaaduna waa hadba inta ku soo marta sida aad uga faa’iidaysato.

Waqtiga qiimihiisa in badan baa diinteennu innagu boorirsay ka faa’iidaysigiisa kaas oo aan ka soo qaadan karno Xadiiskii shariifka ahaa: shan ka faa’iidayso shan ka hor. Waxaa ka mid ahaa shanta: ka faa’idayso firaaqadaada mashquulkaaga ka hor. Carabtuna waxa ay ku maahmaahaan: qof waliba waa ina maalintii in ka badan inta uu yahay ina aabbihii.

Xikmado iyo meelo badan oo diinteena ka mid ahba waxaa kaaga muuqanaya oo ay ina farayaan waa qiimaha waqtigu leeyahay inagana sida inagu waajibka ahi waa in aan ka faa’iidaysanaa maalmaha nolosheena si aan ifka sharaf iyo cisi ugu noolaano aakhirana camal wanaagsan oo ina anfaca aynu u kasbano, waa in aad noqotaa qof noloshiisa iyo naftiisa toona aan faa’iido la’aanta iyo maalaaa yacnigu boos ka lahayn oo aanay uga bannaanayn.

Si haddaba aad u xaqiijiso arrintan waa in aad habeen kasta intaa aanad seexan xisaabtantaa oo xisaab xidh ku samaysaa waqtigii aad maanta soo qaadatay iyo waxa aad kaga faa’iidaysatay, waa in aad ogaataa saacad walba iyo halka ay kaaga baxday iyo waxa aad ku qabatay, adigoo iskale mid dhigaya sidii nin meherad leh oo kale oo habeenkii xisaabinaya meheradiisa si uu u ogaado waxa uu faa’iiday iyo waxuu khasaaray iyo weliba waxa uu berri la shaqa tagayo intaba.

Taasi waxay kuu fududaynaysaa inaaad ogaato waqtigaagii iyo sida aad manta ku qaadatay haddii maxsuulku kuu sooboxo guul aad baan kuugu hanbalyaynayaa waxaanad tahay qof noloshiisa guul ka jooga, hadii kalena waad khasaartay ee nafta ku dhiiri geli in aanad dib u khasaarin oo aad khasaarahaga guul ku bedesho sida ugu dhaqsaha badan allena (SWT) talo saaro keligii ayaa awooda inuu wax hagaajiyo’e.

Maskaxdaadana ku hay xikmada odhanaysa (maalintaadu yaanay kugu dhaafin faa’iido la’aan maalkaagana ha dhigin wax ku qabad la’aan waayo cimrigu wuu ka gaabanyahay in dhammaado faa’iido la’aan, maalkuna wuu ka yaryahay in la dhigo wax qabad la’aan).

Ogow oo ogow qofka caqliga badani suura gal k**a aha inuu waqtigiiisu maala yacni iyo faa’iido la’aan ku dhaafo, maalkiisana ku lumiyo wax aan faa’iido lahayn iyo khayr toona.

Ugu danbayntii waa in aad uga faaidaysataa waqtigaaga sidii qof berri dhimanaya oo kale adiga oo fulinaya wax kasta oo waajib ku saran ah ugana soo baxaya habka ugu habboon una dhammaystiraya haday cibaado tahay iyo hadday camal adduunyo oo wacan tahayba kuna xisaabtan in marka aad xasilo oo siday tahay aad uga soo baxdo meelaysana arrintaada aakhiro uu ka adduunkuna isaga oo khasban kuu imanayo.

Waxa cirka lagu gaadhay waa waqti laga faa’iidaystay iyo buuraha figtooda, badda gunteeda waxaas oo dhana waxaa kasii saraysa janada fardaywasa ee ku dadaal saad if iyo aakhiraba ugu guulaysan lahayd kana faa’iidayso daqiiqada aad haysato.

Eng. Axmed Ismaaciil “Gaashaanle”

Email: [email protected]

ISLAAMKU WAA DIINTA NOLOSHAIslaamku waa diin isu miisaanta nolosha adduunka iyo nolosha Aakhirada, waayo adduunku waa be...
20/07/2022

ISLAAMKU WAA DIINTA NOLOSHA

Islaamku waa diin isu miisaanta nolosha adduunka iyo nolosha Aakhirada, waayo adduunku waa beer uu ku beerto qofka Muslimka ah khayraadka xagga dhammaan dhinacyada nolosha si uu u gurto abaalka arrinkaas adduunka iyo Aakhiradaba. Beerta iyo abuurkanina wuxuu u baahan yahay inaad ku qaabisho nolosha nafsad kheyrka rajeysa uu ka buuxo dadaal iyo go’aan adeyg, arrinkaasina wuxuu ka muuqdaa waxyaalahan soo socdo:

Camiraadda arlada
(هُوَ أَنشَأَكُمْ مِنَ الأَرْضِ وَاسْتَعْمَرَكُمْ فِيهَا) (هود: 61)
Allaah Kor ahaaye Wuxuu yiri: “Wuxuu idinka abuuray dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan” (Huud: 61)
Allaah wuxuu nagu beeray arladan oo na amray inaan camirno oo ku hormarinno ilbaxnimo iyo dhismo u adeegeysa aadmiga, oo aan ka hor imaaneyn shareecada Islaamka ee sahlan, balse wuxuu ka yeelay camiraaddeeda iyo hormarinteeda waxyaalaha ay dooneyso shareecada iyo cibaadooyinka xitaa waqtiyada lagu jiro duruufta adag iyo marka uu xaalka murugsan yahay , sidaas awgeed buu Nabigu  ku baraarujiyey qofka Muslimka ah in haddii qiyaamuhu dhaco isagoo gacanta ku haya abuur uu doonayo inuu beero,markaa waxaa saaran inuu ku dhaqsado beeritaankeeda, hadduu karo si ay ugu noqoto sadaqo. (Axmad 2712)

Dhex galka dadka
Islaamka wuxuu ku baaqaa in lagala qayb qaato dadka xagga dhismaha iyo sameynta ilbaxnimo iyo wax hagaajinta, iy in la dhex galo dadka oo lala xiriiro si edeb iyo dabci san leh si kastaba ha u kala duwanaatee dhaqammadoda iyo diimahooda, wuxuuna Islaamka nagu baraarujiyey in ka dhex bixidda iyo ka fogaanshaha dadka aanay ahayn dowga dadka diinta ugu yeera iyo kuwa wax hagaajiya, sidaas awgeed buu Rasuulkii Ilaahay  ka yeelay in qofka dadka dhex gala oo ku sabra waxa ka soo gaara oo dhibaato iyo gef ah uu ka fiican yahay qofka ka gooni noqda oo ka fogaada (w.w. Ibnu Maajah 4032)

Waa Diin (tixgelin iyo mudnaan siisa) Cilmiga
Ma aha arrin kedo ku timid in kelmedda ugu horreysa ee ka mid ah Qur’aanka ee lagu soo dejiyey Nabiga  tahay: Iqra (Akhri),
Waxaa halkaa lagu caddeeyey inuu Islaamka dhiirrageliyo dhammaan noocyada culuunta nafaca u leh aadmiga ilaa uu ka dhigay dariiqa uu maro qofka Muslimka ah isagoo cilmo doon ah uu yahay jid uu u hayo Jannada, sida uu Nabigu  yiri: “Qofkii qaada waddo uu ku dalbayo cilmi, Allaah wuxuu ugu sahlaa waddo ka mid ah waddooyinka Jannada.” (Ibnu Xibbaan 84)

Islaamku ma yaqaan dagaal ka dhexeeya diinta iyo cilmiga sida diimaha kale, bal si ka duwan taasi si dhan, diinta waa baaqa cilmiga waana taageeraha iyo ugu yeeraha dadka barid iyo barashoba maadaama uu ugu jiro khayr aadimiga
Sidaas awgeed buu Allaah u maamuusay qaddarka caalimka ee bara dadka khayrka oo u yeelay darajooyin sare, wuxuuna Nabigu  sheegay in dhammaan uunanka ay u duceeyaan macallinka bara dadka khayrka. (At-Tirmidi 2685)

19/07/2022

Sunnayaasha💆‍♂️❌

Murti Iyo Hal-Haysyo Xikmad Weyn Xambaarsanwaa qormo gaaban oo aynu akhristayaasheenna ugu soo aruurinay erayo murti iyo...
31/03/2022

Murti Iyo Hal-Haysyo Xikmad Weyn Xambaarsan

waa qormo gaaban oo aynu akhristayaasheenna ugu soo aruurinay erayo murti iyo xikmad balaadhan xambaarsan.

Ka faa’idaysi wacan:
– Marka qofka laga xaarrimo nolosha uu doonayo, jidka keliya ee u furani waa in uu sharciga iyo kala dambaynta la dagaalamo.
– Qofka oo naftiisa ka hela, qabkiisana ku qancaa waa tilmaamta liidashada lagu garto.

– Sirta noloshu ma’aha in aad samayso waxa aad jeceshay, balse waa in aad jeceshay waxa aad qabanayso.

– Qaraabada iyo ehelka cunto iyo cabbitaan la wadaag, laakiin abidkaa shaqo ha la wadaagin.

– Karaamada iyo weynida qofka waxa lagu qiyaasaa illaa xadka uu diyaar u yahay in uu u naxariisto kuwa xaqqiisa qaladka ka gala.

– Haddii aad caado ka dhigato in aad ka cadhooto wax kasta oo ku raalli gelin waaya, abidkaa nolosha ku xasili maysid.

– Haddii aad doonto Khayrka minjo u noqo, laakiin sharka madax ha u noqon.

– Marka aad walaalkaa ka caawiso in uu buur fuulo, waxa aad ogaataa in aad tahay qofka ugu dhow eek u xiga isaga fanashada buurtaas.

– Qofka oo cadhooda marka la canaantaa, waa astaan muujinaysa in uu mudnaa canaantaa.

– Marka aad taariikhda dib u raacdo waxa aad ogaanaysaa in runtu mar walba tahay mid aan la faafin.

– La fadhiiso dadka caqliga badan, xitaa haddii ay yihiin cadawgaaga, waayo caqligu caqliga ayuu la hadlaa.

– Badanaa walaal aanay hooyadaa dhalin.

– Cadawgaaga mar keliya ka feejignoow, laakiin saaxiib la moodkaa badan ee qofka aad la saaxiibayso kun jeer ka feejignoow. Immisay dhacday in saaxiib cadaw isu rogay uu xog’ogaalnimo boqonta ku jaray ruuxii aaminay.

– Immisuu lacag iyo hanti ururiyey nin aan calfanayn, immisaa qof cunay xoolo iyo hanti aanu ururin.

– U Sabir xaasidkaaga, waayo sabirkaaga ayaa dilaya, soo ma ogid in haddii uu dabku waayo wax uu cuno isagu is cuno aakhirka.

– Qofka xoolihiisa u foofiya kaymaha habar dugaag hoyga u ah, ee ilaashan waaya iyaga ayaa ka dammaanad qaada ilaaladiisa.

– Sharafta iyo karaamadu dhib la’aan kuma waaraan illaa dhiig lagu sadqeeyo.

– Dadka xiqdiga iyo calool xumada badan u noqon sida geedka timirta ah ee marka dhagax lagu tuuro rocob timir ah soo daadiya.

– Geesinimadu waa qofka oo cabsidiisa xakameeya, ee ma’aha cabsida oo qofka ka guurta.

– Maalin aad sida libaaxa u noolaato ayaa ka wanaag badan boqol sano oo aad sida gorayada u noolaato.

– Geesinimadu xoog ma’aha, waayo kaneecaduba waxa ay ka dhiijisa sanka libaaxa.

– Yeydu waxa ay ku xad gudubtaa qofka aan Ey lahayn.

– Geesinimadu waa qiimaha keliya ee lagu iibsan karo nabadda.

– Tijaabada ugu weyn ee lagu qiyaasi karo geesinimadu waa qofka oo la eego sida uu ugu adkaysto guuldarrada iyo jabka, lana hubiyo in aanay ku ridin niyad jab iyo mooral xumo.

Xishood https://www.daryeelmagazine.com/

Address

Erigavo

Telephone

+252637087040

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wax ka baro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category