Suugaan-dhaadhi iyo Saynis-yaqaan Xamse S. Bigile

Suugaan-dhaadhi iyo Saynis-yaqaan Xamse S. Bigile Suugaanta Somalidii h**e iyo Sayniska Casriga ah

03/09/2021

Jiifkan jiifbaa kaaga h**eeyey
--------------------------------------------------
Waxa la yidhi nin socota ah baa u yimi nin geed hoos jiifa markaasuu ku yidhi maxaad u jiiftaa? Ninkii jiifey baa yidhi oo maxaan sameeyaaa? Dee shaqee ayuu ku yidhi ninkii socotada ahaa. Ninkii jiifey baa yidhi oo maxaan helayaa hadaan shaqeeyo? Socotadii baa ugu jawaabey Xoolo(hanti). Ninkii jiifey baa yidhi Dabeedna maxaan helayaa? Ninkii socotada ahaa ayaa ugu jawaabey waad guursan oo ubad iyo oori baad dhaqan?
Ninkii jiifey baa isagoo weli jiifa weydiiyey oo dabadeedna maxaan heli?
Ninkii socotada ahaa ayaa ku yidhi waad jiifsan ku raaxaysan oo waad nasan!!
Ninkii geedka hoos Hurdey baa yidhi oo imikaaban jiifaaye maan iska jiifo oo ku raaxaysto, nasiibkayga iyo wixii lay qoray sugo.

Dhawr iyo labaatan sano kadib ayaa nin kale oo socota ahi la kulmay ninkii geedka hoos jiifey isagoo macaluul la kici kari waayey. Markaasuu salaamayoo ku yidhi " war bal iska waran sideee tahay? Ninkii jiifey baa yidhi《war dhafoor buu ku yaaal》
Isagoo uga jeeda waad i aragtaa xaalada xun ee xoolo la'aanta iyo wehel la'aanta ah an ku jiro.
Ninkii socotada ahaa baa intuu dhaqaaqay ku yidhi《 Wallee jiifkan jiifbaa kaaga h**eeyey》

Dulucda sheekadu waxa maxay?

09/02/2018

Dhimashadu xabaashiyo
Ajashoo ku dhaaftiyo
iil dhexdiisa maahee
sharafkoo dhantaalmiyo
dheg-xumaanta weeyaan

04/01/2018

"Tol xabiiba xidid kuu tudhiyo hooyo ku xanbaartay.

Xurmo waalid wuu garanayaa wiil xalaal ahi"

13/11/2016

Sow ma tihid ilayskiyo
iidaanka noloshiyo
iimaanka lahashada
Sidaan kuu ilaawaa

Address

Burco

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Suugaan-dhaadhi iyo Saynis-yaqaan Xamse S. Bigile posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Suugaan-dhaadhi iyo Saynis-yaqaan Xamse S. Bigile:

Share