01/07/2020
Give me Liberty or give me death (Ama gobannimo ama geeri)!
Patrick Henry waxa uu ahaa siyaasi, falsafi, qoraa iyo sharciyaqaan reer Maraykan ah. Waa ninkii khudbad kasta uu jeediyaa noqon jirtay aragti si fudud uga gudubta xudduudaha gobolkii uu ku dhashay ee Virginia.
Kolkii nidaamkii Ingiriiska ee gobolka Virginia maamulayey bilaabay in uu meel mariyo sharciyo aan dan ahayn, waxaa bilowday dhaqdhaqaaqyo lagu diiddanyahay.
Shirwaynihii loo yaqiinnay Virginia Convention ee la qabtay Maarso 1775, waxaa laga doodday sida looga hortagi karo mashaqooyinka taagan. Ma hab dagaal mise mid nabdeed. Patrick ayaa halkaa ka jeediyey khudbaddii ugu caansaneyd, noqotayna tii go’aamisay halka loo jahaysannayo. Waxa uu ku soo gunaanaday give me Lberty or give me death ”Ama gobannimo ama geeri”!
Muddo gaaban kaddib, xabbaddii ugu horreysay ayaa qaraxday Henry waxa uu noqday hoggaamiyaha ciidankii Virginia. Wuxuu iska casilay lix bilood kaddib. 1776 ayuu doorashooyinkii ku guulaystay oo waxa uu noqday Barasaabkii ugu horreeyey ee gobolka Virginia.
Ugu dambeyn waxa uu ka mid noqday khuburadii salka u dhigtay dastuurka iyo dowladnimada Maraykanka, xorriyadda iyo madaxbannaanidana kula naalootay dadkooda.
Waxaa isoo xasuusiyey, khudbaddii uu xalay 1-Luulyo-2020 jeediyey hoggamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame oo gunaanadkeedu ahaa ”Ama doorasho ama darbiga”.
Waxa uu diiday in lagu siro xubno la yiri Aqal saraa lagu daray, doorasho qof iyo cod ah ayaa la qabanayaa iyo dheelallow kale oo u eg qarow iyo riyo maalmeed. Waxa uu qeexay muhiimadda in la isu yimaado, la tashado, meelna la isla dhigo hannaaanka ugu habboon ee looga gudbi karo marxaladdaan kal-guurka ah.
Si wanaagsan ayuu u macneeyey taariikh, sooyaalka iyo maalmihii tagay wixii la mutay iyo wixii la soo maray. Si wanaagsanna waa uga digay wax aan macquul ahayn oo kooxda Villa Somalia mashxarad iyo muusig ku qarinayso!
Ugu dambeyn hoggaanka isbaddeldoonka ah , aragtida togan iyo falsafadda dowladnimo ee ka soo horjeedda aragtida caqli carruurka ah ee mutaxan waa siyaasi CCW.
Xigasho
Ali ahmed ali