Maantiyo wixii gara ee kula gudboon yeel

Maantiyo wixii gara ee kula gudboon yeel Education

24/12/2021

Gabaygan waxa tiriyay (AU) abwaan Axmad Muuse Dugsiiye (Laangadhe) sanadkii 1993kii. Abwaanka oo ka waramayay tafaraaruqa lasoo darsay reer Awdal wakhtiyadii dambe siiba inta ay jirtay dowlad lagu sheega Somaliland, saamigoodiina la duudsiiyay iyagoon danta guud ilaaway oo ay noqotay qof walba dantiisa uun.

Abwaanku isaga oo dadka la hadlaya wuxuu yidhi:

Nin seexdow sacaa dibi dhal
oo saamigaa dhimaye
sidri daa ma jiidhee
waxaan saadiyaa dhacay
saddex qolo intaan nahay
ee laysku soofeeye
een saw ku kale qaybsanahay
ee qaarba dhan u soofo
Sumadii gumaystaha intaa
laygu kale sooco
nin waliba sidii rabo
intuu noo salaxanaayo

Ninka subula joogaa
intuunan saylac hibanayn
ee aanu sokeeyaha u qabin
cadawga saameeyey
saba saba amxaar iyo
intuu samada eegaayo
badhna siliga lagu ooday
eey dani ku seetaysay
sodon sano uu socotada ku
yahay eenu saami gudanaynin
SANDULAHA AY BOORAMA KU
TAHAY SAAXIL INAY RAACDO
dhan waliba intaan sidig
ka nahay saamigeen dhimaye

Inta uu suldaankeenu yahay
saaqi la ciyaarka sidii
loogu taliyaba in tuu
sacab ku taageero
sandeera been ah intuu
nacas la boodaayo ee
uu sabadka aageenu yahay
seeraha iyo booto
sahankeenu uu gudaha yahay
saamigeen dhimay

Inta saami meel kale
ku maqan laysku seegaayo
nin waliba nin uu sudhan yahay
uu sibirta gaynaayo
een saawa saawa ku
ku jiro saamigeen dhimay

Umada samaha jecel baan
nahay iyo admigoo siman
hadaad sidig namoodeen
waan kaa sal dheernahay
soomaliwayn baan u nahay
seere nabadeede
sabi iyo caruur kumaan
layn suuqa boorama
sidaan doono noo furan
wakhtigu waa na saacidaye

Dambiyada la noo gaystay
iyo dayis la,aan taydan
dalkaygani la kale qaybsaday
een cidi u doodaynin
ee qaar u soo duuban yahay
una dilaalaayo
Falastiin dalkeedii sidii
looga diray maalin
iyagaba dabacsanaan laga
arkay ayaa loogu soo dagaye
haday duul walaalo ah yihiin
oo doc u wada jeeda
illaahay ma dalan dooliyeen
mana duleeyeene
doofaar yuhuudi ahi
kabcada kuma dulmeereene

Waxaan uga dan leeyahay
een midaa dooda ugu leexshay
nin rag

Maxaa ka qaldan
15/12/2021

Maxaa ka qaldan

15/08/2021

Xaalad walboo kula soo deristo ha iska lumin rajada waayo marka ay qoraxdu dhacdabo xidigaha ayaa soo baxo, dadkaan la hadlayaa dhagax dixeede mandamqanayaan dhaguhuna uma daloolaan

05/06/2021
25/10/2020

Address

Harawa
Borama

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maantiyo wixii gara ee kula gudboon yeel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Maantiyo wixii gara ee kula gudboon yeel:

Share

Category