Heledi Cultural Council

Call Directions Contact the establishment

Heledi Cultural Council cultural council cultural council of heledi clan

Kulan Soo Dhaweyn ,Duco  iyo Balan Qaad  Wada Shaqeyn :- Golaha  Dhaqanka Ee Beesha Heledi ayaa waxa ay Maanta Gelinkii ...
20/07/2026

Kulan Soo Dhaweyn ,Duco iyo Balan Qaad Wada Shaqeyn :-
Golaha Dhaqanka Ee Beesha Heledi ayaa waxa ay Maanta Gelinkii Danbe ay Ka Qeyb Galeen kulan ay ku Marti Qaaday Wasiir ku Xigeenadda Cusub ee Wasaaradda Deegaanka iyo is bedelka Cimilada ee Dowladda koonfur galbeed Soomaaliya.
Odayaasha Dhaqanka ee Beesha heledi oo ay maanta kula Kulantay Degmada Baydhabo Wasiir ku xigeenadda Cusub ee Wasaaradda
Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Dkgs Drs Faatima Aweys Osman oo Ah wasiiradda Ku meteli Doonto Dkgs Xukuumadda Cusub Ee Dkgs oo uu Dhawaan soo Dhisay Hoggaamiye Sheikh Aden Mohamed Nuur Madoobe ee dhawaan la ansixiyay oo lana dhaariyay ayaa waxaa hoggaaminayay malaaqa guud ee Beesha Heledi Malaaq Cusmaan Malaaq Ebdiyoow Eenoow isaga oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Nabaddoonada Beesha Heledi ee ka sharciyeysan Wasaatadda Arimaha Gudaha , dib u heshiisiinta iyo Dowladaha hoose ee Dkgs .
Kulanka ayaa ku Bilowday duco iyo hambalyo bogaadin iyo is barasho oo loo jeediyay ama dhex maray odayaasha dhaqanka Beesha Heledi ee dkgs iyo Malaaqa guud ee Beesha heledi oo dhinac ah iyo Wasiir ku Xigeenadda Cusub Drs Faatima Aweyz Osman oo dhinaca kale aheyd.
Isbarasho ka Dib ayaa Waxa ay malaaqa Guud ee Beesha Heledi iyo Nabaddoonadiisa Ay Si Wada jir ah kula Dardaarmeen Wasiiradda iney ku dadaasho Xoojinta Wada shaqeynta u dhaxeysa iyada iyo Dkgs , wada Shaqeynta u Dhaxeys a iyada Iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada / Shacabka Beesha Heledi iyo Siyaasiinta Beesha Heledi ee kuwii horw iyo kuwa hadda jooga intaba si loo ilaaliyo midnimada Beesha Heledi , iyo iney kasoo dhalaasho Metelaadda Beesha ay ku Metesho Xukuumadda iyo Baarlamaanka Kgs .
ugu Dambeentii Malaaqa Guud ee Beesha Heledi iyo nabaddoonadiisa ayaa u balanqaaday Wasiiradda Drs Faatima Awys Osman. iney si joogto ah ula shaqeyn doonnaan inta ay Xilka ka Heyso Dkgs oo ay beesha Meteleyso Sidoo kalena ay ku farax sananyihiin metelaadda ay Beesha ku meteleyso Dkgs iyo Baarlamaanka Kgs.
iyada oo ay Wasiiradda u Balan Qaadday Dhankeeda iney Diyaar U tahay iney Si Wanaagsan ula Shaqeyso / Shaqeyn Doonto Malaaqa Guud Ee Beesha Heledi , Nabadoonadiisa iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Beesha Heledi ( Shacab iyo Siyaasi intaba ).
Wabillaahi towfiiq

Golaha dhaqanka ee Beesha Heledi Waxa ay Hambalyo iyo bogaadinba u dirayaan Wasiir ku Xigeenka Deegaanka iyo  Is bedelka...
16/07/2026

Golaha dhaqanka ee Beesha Heledi Waxa ay Hambalyo iyo bogaadinba u dirayaan Wasiir ku Xigeenka Deegaanka iyo Is bedelka Cimilada dowladda kgs Soomaaliya Miss Hon Fatima Aweis Osman oo maanta Nasiib u yeelatay iney ka mid noqoto Wasiiradii ay ansixiyeen maanta baarlamaanka 3 aad ee kgs ka dibna laspo dhaariyay si ansixintooda ka dib kuwàasoo uu dhawaan soo dhisay Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe kuwaasi oo ay wasiiraddeenana qeybta aheyd.
golaha dhaqanka beesha heledi waxa ay leeyahay Hon fatima aweis osman hambalyo hambalyo hambalyo alle hakugu asturo masuuliyadda culus ee maanta laguu dhaariyay waxa aan ku leenahay alle hakuu fududeeyo oo kuguna guuleeyo waajibaadka culus ee laguu igmaday oo aad u soo dhaaratay maanta .
golaha dhaqanka ee beesha heledi waxa ay kuugu duceynayaan inuu alle kaa dhigo mid kasoo baxda waajibaadka laguu soo dhaariyay maanta aamiin aamiin aamiin.
ugu danbeentii golaha dhaqanka beesha heledi waxa ay ay kula dardaarmayaan wasiirad hon faatima aweis osman iney si fiican ula shaqeyso hoggaamiyahii aaminay ee soo magacaabay, wasiirkeeda , Wasiirada kale ee saaxiibadeeda ah iyo dadka ay ku meteleyso kursigaasi oo ah beesha heledi qeybaheeda kala duwan meel waliba ay joogaan, sidoo kalena
golahani aad bey ugu mahad celinayaan uguna taageersan yihiin Hoggaamiye Sheekh Aadan inuu u soo xulay gabar Aqoon yahanad ah jaamici ah oo wax soo baratay .
wabillaahi towfiiq.

Address

Baydhabo
00252

Telephone

+252613124079

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Heledi Cultural Council posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Heledi Cultural Council:

Shortcuts

Share