Dr.Shiine

Dr.Shiine Asc Saxiibyaaal Halkan Waa Pagkeyga Dr Shiine Waxaana Halkan Soo Geliyaaa Qodobo Ku sabsan Xaga Cafi

AFAR CUDUR OO AY BIYIHU KA HORTAG U YIHIINQaadashada biyo badan si maalinle ah ayaa caawimaad ka geysata caafimaadka nol...
28/12/2021

AFAR CUDUR OO AY BIYIHU KA HORTAG U YIHIIN

Qaadashada biyo badan si maalinle ah ayaa caawimaad ka geysata caafimaadka nolashaada iyada ka hortag u ah xanuunadaan soo socda.

In aad biyo badan cabto si joogta ah maalin walba ayaa kaa caawinaysaa in aysan calooshaadu aysan istaagin oo ay saxaradaadu ay ahaato mid jilicsan oo aan dhaawac iyo dhibaato kuu geysan.

Climi baaris cusub ayaa iyaduna shaaca ka qaadey dadka biyaha badan caba in aysan halis ugu jirin in ay ku dhacaan kansarada qayb kamid ah sida kansarka kaadi-haysta iyo kan mandhicirada.


Hadii aad joogteyso in aad cabto maalin walba biyo badan ayaa ka hortag weyn u ah in ay kilyahaagu ay ku sameysmaan dhagaxaan.


Sidoo kale qaadashada biyo badan ayaa meesha ka saaraya in uu wajigaadu uu yeesho finanka iyo in uu ahaado mid qalalan.

Hadaba joogtee maalin walba cabista biyo badan si aad u wanaajiso caafimaadkaada.

Gaarsii asxaabtaada aan biyaha badan cabin fariintaan ama halkaan ugu yeer.

SHARE SHARE SHARE

Elisia Montana waa Xaamilo 8bilood, waxa ay ka qeyb gashay tartanka orodada Gobolka Kalfornia waxa ay awood u yeelatay i...
19/07/2021

Elisia Montana waa Xaamilo 8bilood, waxa ay ka qeyb gashay tartanka orodada Gobolka Kalfornia waxa ay awood u yeelatay inay jarto 800M laba daqiiqo gudaheedi.

Waxa ay tiri "orodku xamaasad ayuu leeyahay, waana kuu boorinayaa haweenka Xaamilada ah iyo kuwa aan ahaynba inay orod sameeyaan, waayo faaido weyn ayaa ugu jirta hooyada iyo ilmaha caloosha kusido".

Dhakhaatiirtii dhacdadaan arkay ayaa ku taageeeray Warkaasi.

Adiga sidaan Camal yaad lajeclaan lahayd inay Sameyso noo So mention gareey Magaceeda adigoo Page ka Follow iyo Like Saaraya.
Shiine

Habka loo Maro Markad dooneyso inaad ka Qubeysato JANAABADA"الغسل من الجنابة؛Janabadu"الجنابة؛ ;  Waxey Ku timaada dhowr...
18/07/2021

Habka loo Maro Markad dooneyso inaad ka Qubeysato JANAABADA"الغسل من الجنابة؛

Janabadu"الجنابة؛ ; Waxey Ku timaada dhowr siyaalood , Tusaale , inaad Xaaskaga Xaalasha ah U galmooto , inaad gacanta biyo isaga keento"Siigeysi" Ama inaad Riyooto Oo Sidaane biyo Kaaga yimaadaan.
Dhamaan Xaaladahan Waxeey Waajib kaaga dhigayaan 'Qubeys"

Dadka qaarkood Musqusha Kaliya ineey galaan ayay Si Caadi ah U soo meeyrtaan" Qubeystan ; isla markaane Waxey U maleeyaan ineey daahir ka Noqdeen janaabadii Cusleeyd .!! Hadaba
Waxaa Kuu Muhiimsan inaad Sharciga raacdid Oo Sida Diinta Ku fareyso qaadatid:
Waana Kuwan Wadooyiinka laga rabo inaad marto hoos Ka aqriso:

1: Waa inaad Niyeysataa Inaad Ka Qubeysaneysid janaabo Weyn.

2: Dhaq labadaada gacmood.

3: Xubintada Taranka dhaq gaar ahaan hateerihiisa ilaa qeeybta dabada Nadiif ka dhig.

4: Madaxa biyo Ku shubo Sadax goor Adigoo timaha madaxa faraha gil gilanayo ilaa lafta madaxa ka soo taabato.

5: Ka dib jirkaaga intiisa kale biyaha ku shub Adigoo ka bilaawaya qeeybtada midig Ee jirkaaga ilaa qeeybta kale Ee bidixdada Ka dib
Biyahaa gaarsii Kil kilaha iyo Xundhurta.
6: Labada Gomadood dhaq Ugu dambeeyn.

" Ma Ogtahay Sababta Eey Waajib Kugu tahay inaad Qoraalkan Sii Share gareeysid .?!!

Qofkii Diinta Wax looga sheego is lamarkaane intuu bartay dadka kale gaarsiin Waayo Liijaamo Naareed ayaa qiyaamaha afka loo gelinaa.

Dad Waxaa jiro Adiga Kaaga baahi badan Oo jecel ineey Wax badan Ka Ogaadan Qaabka looga Qubeysto janaabada
La wadaag Asxaabta
Dr.shiine

SIDEE LA ISKU CAYILIYAA?Codsi Ka Yimid AsxaabtaWuxuu ahaa qof caato ah waliba waligii qofna kuma fikirin in uu cayili do...
28/09/2020

SIDEE LA ISKU CAYILIYAA?
Codsi Ka Yimid Asxaabta

Wuxuu ahaa qof caato ah waliba waligii qofna kuma fikirin in uu cayili doono, xata dadka qaar waxay gaareen heer marka caato lasoo hadal qaado lagu soo halqabsado, hebel siduu ka yahay caatanimada waxay ahayd ereyga ugu badan ee la dhihi jiray marka qof kale oo caato ah laga sheekaynayo.

Fulay xantiisa ma mooga isagu wuu ogaa waxa dadku ka aaminsanaayeen balse awood uu isku cayiliyo ma hayn, waddo kasta ayuu raadiyay uu ku cayili karo, xitaa kaniniyaal ayuu isticmaalay balse wax is badal ah kuma arkin ilaa markii dambe uu iska dhaadhiciyay in aanba cayil loogu talagalin

Wajiga ayuu lafo lafo ka ahaa waana waxa ugu darnaa oo uu ka walwali jiray, waxaa wax walba uga darnaa ereyada dhagihiisa ku dhacayay sida bahal ayaa qabta, baabasiir miya ku haayo, iyo ereyo aan u rooneen dhagihiisa. Subax ayuu soo baxay si uu dhakhtar ula tashto waana subxda noloshiisa badashay, waa subaxda uu ogaaday in warka dadku u sheegayeen aysan waxba ka jirin, waa subaxda cagta uu saaray wadadii cayilka kana baxay wadadii caatanimada

Subxdaas wixii ka dambeyay wuxuu badalay ñoloshiisa wuxuu aad u cunayay waxyaabaha Burka laga sameyay sida canjeerda, rootiga, muufada, sabaayada, malawaxa, shuwermada, iyi pizzaha. Dhaktarka ayaa kula taliyay in waxyaabahabburka laga sameeyay aragti ku cuno mesha uu ku arkana uusan dhaafin waana u sameyay. Subaxdaas wixii ka dambeyay wuxuu aad u cunayay waxkasta oo protein leh sida digirta, hilibka, kaluunka iyo digaaaga, meesha uu bur wax ka samaysan ku arko iyo wax protein leh daqiiqad ma sugeen ilaa uu calooshiisa ku hubsado

Waxa uu bilabay in uu aad u cabo cabitaanada qasan, caano qasan inuù aad u cabo, in uu cabo cabitanada baashaalka loo cano sida Faantada, shaaniga iyo waxa la midka ah, biya qasan ayuu ka dhigtay joogto waxa uuna daremay in jirkiisa tartiib usoo kobcayo. Biyaha caadiga ah ayuu 5 galaas ka cabayay maalintii, ninki sidii h**e ma ahan, markii h**e socod ayaa looga maaro waayay balse mudooyinkaan dambe wa la is waydiyaa halka uu ka dhacay, qaar baa lahaa wuu is huurinaa, ereyo jeesjees u badan ayaa la dhahayay balse dhag jalaq uma siin oo taladii dhakhtarka ayuu samaynayay

Wuxuu yareeyay socodkii faraha badnaa, wuxuu ahaa mid aan guriga ka bixin talada dhakhtarku siyay ayuu intaas oo dhan samaynayay waxa uu ahaa 20 daqiiqo xita mid aan socon maalintii oo dhan, dhafarkii ayuu joojiyay, cishaha marka laga so baxo sida uu u seexdo salaada subax ayuu soo toosi jiray, 8 saac oo xiriir ah ayuu jiifan jiray. Marka h**e wuu Socod boobsiin jiray balse dhakhtarka ayaa ku yiri tariib isaga soco sababto ah socod boobsiisku wuxuu ridaa miisaanka wuuna iska luudayay.

Wuxuu wax cunayay 3 waqti quraac, qado iyo casho balse dhakhtarka aya ku yiri quracda iyo qadada inta u dhaxayso wax cun sambuus, bur, doolshe iyo ukun. waa qasab in aad wax af gashi ah cunto, cun quraacda 07:00 subaxnim0 af gashi ka daba mari 10:00 subaxnimo. Cun qadada 01:00 duhurnimo, af gashi ku xiji 05:00 galabnimo ka dibna cashada 08:00 habeenimo sidaas ayuuna 5 waqti wax ku cunayay. Macmacaanka oo dhan ayuuna si joogta ah u cunayay sida shukulaatada, jalaatada, doolshaha, xawlada iyo buskudka

Laba bil oo xiriir ah ayuu sidaas waday, qof kasta oo taqanay ayaa is waydisay meesha uu kusoo duugay caatanimadii, waa la wayay qof aaminta in waxyaabo dabiici ah sidaan uu ku noqday. Isagu noloshisa caadiga ah ayuu watay ila qof walba dhaho maxaa samaysay?

Maxaad u baahan tahay si aad u cayisho

1. Waxyaabaha burka laga sameyay inaa cunto sida canjerada iyo rootiga iyo in aadan maalintii socon 30 daqiiqo ka badan inta aad ka cayilayso
2. Waxyabaha Macmacaanka ah in aad cunto sida xalwada, buskudka, doolshaha, jalaatada iyo shukukatada
3. In aad cunto 3 waqti cunto ah iyo 2 cunto oo af gashi ah sheetare oo qadada iyo quracda u dhaxeeya iyo qadada iyo cashada shaatare u dhaxeeya
4. In aad hurudo 8 saac ugu yaraan iyo socodka in aadan boobsiin oo tartiib u socoto
5. In aad biyaha cad badiso, waxyabaha proteinka lehna cunto sida ukunta, caanaha, hilibka, digaaga iyo kalluunka

Waxan rajaynayaa inaad gaarsiin doonto walalaha kale si inta caatada ah uga faaidaystaan

Shiine Cabduqaadir

05/09/2020
Taxanaha CaafimaadkaQaybta 6aad1. Waxyaabaha dabiiciga ah ee yareeya caabuqa iyo infectionka dhiiga raaca waxaa ka mid a...
27/08/2020

Taxanaha Caafimaadka
Qaybta 6aad

1. Waxyaabaha dabiiciga ah ee yareeya caabuqa iyo infectionka dhiiga raaca waxaa ka mid ah cunista timirta subaxdii adigoo baahan, cun ugu yaraan saddex timir ugu badnaan todobo timir adiga oo aan gowska ku ruugayn carabka oo kaliyana ku calalinaya timirtu waxay dhiiga ka sifaynaysaa infectionka

2. Faaiidada moosku leeyahay waxaa ka mid ah in uu daweeyo kalastaroolka sidoo kale in miisaanka qofka ama cayilka uu yaraado ayuu ka qaybqaataa, cun 2 xabo oo moos ah subax kasta adiga oo baahan si jirkaagu uga faaiidaysto mooska maadooyinka ku jirta

3. Caanaha geela waa mid ka mid ah waxyaabaha adkeeya lafaha inteena badan taas waan dareensahay balse faaiidada kale ayay leeyihiin. Caanaha geela waxay ka hortagaan in hooyadu dhasho ilmo maskaxiyan xanuunsan ama qoorta aan ceshan karin waayoo waxay ka qayb qataaan in ilmaha uurka ku jiro maskax ahaan iyo lafo ahaanba uu noqdo mid adag oo caafimaad qaba

4. Daraasado badan oo la sameeyay waxaa la xaqiijiyay in haweenka cuna timirta uurka ka hor iyo bila ugu dambaysa ee uurka aysan ku dhibtoon foosha, timirtu waxay yaraysaa xanuunka foosha, sidoo kale waxa ka hortagtaa waxa soomaidu u taqaan fool diinka

5. Canbaha wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dabiiciga ah ee liishe ka dhiga maqaarka wuxuuna maqaarka ka dhiga mid jilcan oo aan xarfad iyo adayg lahayn, sidoo kale wuxuu yareeya cayilka isagoo qofka ka dhiga jirkiisa mid isu dheelitiran, cun isbuucii 2 ama 3 cambo oo an wax sokor ama biyo ah lagu darin si jirkaaagu u noqdo mid isu dheelitiran

Qodobkee Si Gaar Ah Kuu Taabtay

Gaarsii Walaalaha Kale Si Ay Uga Faaiidaystaan



Shiine cabduqaadir

24/08/2020

GURIGAADA ADIGA OO JOOGA CAADADA SAXO ISKANA YAREE XANUUNKA CAADADA

BABAYGA

Babaygu waxa uu dhiiri galiya qulqulka dhiiga caadada in uu si xiriir ah ay u hesho haweynaydu cabitaanka babayga oo si xiriir ah aad u wado dhowr bilood ayaa kaa caawinaysa in ay kuu saxanto caadadu xanuunka caadadana ay kaa yareyso, balse ma fiicna in la cabo babayga xiliga ay caadadu ay kuu joogto.

SANJABIISHA

Kululeeyso galaas biyo ah oo sanjabiil ku dar sonkor yarna ku darso kadib isku qas sadexda waqti cuntada kadibna cab,
Tani ayaa kaa caawinaysa in aad si xiriir ah u hesho caadada waqtigeeda sidoo kale kaa caawanaysa in ay kaa yareyso xanuunka caadada.

QORFAHA

kaliya in lagu carfiyo cuntooyinka looma isticmaalo balse waxa uu saxaa caadada sidoo kale waxa uu meesha ka saara xanuunka caadada,
Qaado galaas caano ah oo aan qaboobeyn ku darso qaado haafkeed oo qorfo tuman ah kadib cab.

ISKA YAREE WEL-WELKA AMA STRESSKA

Stress ku ama welbahaarku waa waxa ugu badan oo sababa in ay caadadu qaldanto fadlan isku dey in aad ka fogaato waxkasto oo welbahaar kuu keenaya hadii aad dumar tahay,
Sida welbahaarka la iskaga baabi'iyo waxaad ka heli kartaa iyadoo qormo ah page ka hoos u raac ama linkiga qaybta comments ka yaala ku dhufo.

MIISAANKAADO HADUU HOOSEEYO FADLAN CUNTO NAFAQO LEH CUN

Waxyaalaha keena in ay caadadu qaldanto waxaa kamid ah in uu miisaankaadu hooseeyo fadlan cuntadaada joogtee hadii aad heli karto,

Hana isku dayin in aad miisaankaada kor ugu soo qaado daawooyinka la isku cayiliyo ee Vitimiinaadka ah waayo iyagaa qatar kale oo weyn keena.

HADII MIISAANKAADU SARREEYO AMA AAD CAYILANTAHAY FADLAN HOOS U DHIG

Waxyaalaha keena caado wareerka ayaa kamid ahaa cayilitaanka saaidka ah fadlan iska dhim si ay caadadu kuugu saxanto baruurta adiga oo sameynaya jimicsi cuntada culus oo habeenkii ahna iska yareenaya.

SIYAABAHA KALE EE DHAKHTARKA

Hadii caado wareerku ay kuu keentay dheecanada taranka oo aan isku dheeli tirneen ama ay dhibaato ka jirto ka jirto qanjirka Thyroid waxaa qasab ah in aad booqato dhakhtarkaada si uu kuu baaro kadibna uu kuu siiyo daawooyin isku dheeli tira dheecaanada taranka.

Hadii aad leedahay sonkoroow waxa uu keenaa caado wareerka waa in aad la tashataa dhakhtarkaada si uu kuu xaliyo.

Fadlan hadii aad dhiikar ama Sonkoroow leedahay ha isku isticmaalin
Cunooyinkan waxaa macquul ah in ay kugu kiciyaan.

Gaarsiiya asxaabtiina sida aan idiin soo gaarsiiyey SHARE u dhaha ama halkaan uga waca si ay uga faaiideystaan gabdhaha.

Xagasho Abdikadir Ibahiim Bulle

SHARE SHARE SHARE

F.G1. Ha raacin gaari, ama bajaaj adiga oo ay kaadi ku hayso, jugta bajaajta ama gaariga uma wanaagsana kilyahaagu sabab...
19/08/2020

F.G

1. Ha raacin gaari, ama bajaaj adiga oo ay kaadi ku hayso, jugta bajaajta ama gaariga uma wanaagsana kilyahaagu sababtoo kilyuhu marka qofka kaadi hayso si fudud ayay u dhaawacmi karaan

2. Haku qaban gacanta midig galaaska biyaha aad ku cabayso marka aad cuntada cunayso, galaaska dushiisa wasaq aadan dareemayn ayaa saarnaan karta, ku cab gacanta midig marka aad cuntada cunto ka dib.

3. Ka rushee guriga hortiisa ama dayrka biyo diiran, biyaha qabow ama biyo caadi ah marka ku rusheeyso jeermiska ma dhimanayo balse markaa biyaha kulul ku rushayso jeermiska ilma-aragtada ah ayaa dhimanaya

4. Caruurta ha bootbootin, bootbootinta caruurta waxay ka dhaxlaan cudurada neerfaha iyo wadnaha ku dhaca, jacaylka iyo hilowga caruurta inta naga bato yuusan dhib u keenin isla caruurta aan jeclayn

5. U mari caruurta saliid zaytuun inta aadan xafaayada u xirin, xafaayadaha qaar waxay caruurta ku keenaan wax la dhaho diaper rash oo ah finan yaryar oo ay xafyaadu sababtay, saliid zaytuunka finankaas ayay ka hortagta

Qodobkee Dareenkaaga Soo Jiitay
Uga Faaiidee Walaalaha Kale



Shiine cabduqaadir

Faa’iidada caafimaad-ka  : (lemon/lime)Liin-dhanaanta waxa kujiro qaybaha kala duwan ee nafaqada  waxay qani ku tahay oo...
17/08/2020

Faa’iidada caafimaad-ka : (lemon/lime)

Liin-dhanaanta waxa kujiro qaybaha kala duwan ee nafaqada waxay qani ku tahay oo aad ugu badan C sido kale wax ku jiro xaddi dhexdhexad ah fiitamiin Pantothenic acid (B5) , iyo Vitamin (B6) , Riboflavin (B2) iyo Folate (B9)
sido kale waxa laga helaa : iron
waxa nafaqo badan nooca jaalaha ah (lemon) marka la barbardhigo nooca cagaarka ah (lime)

1.waxay xoojisaa jirka : xaddiga aadka ubadan ee fiitamiinada kujiro liin-dhanaanta sida vitamin C waxay sare u qaadaan difaaca jirka

2.waxay yaraysaa -ka jirka iyo caabuqa : fiitamin C wuxu ka qayb qaataa ladagaalanka jeermiska sida bakteriya , feyruska iyo wax yaalaha sunta ku ah jirka

3.waxay ka hortagtaa :waxaa kujiro fiitamiinka Folate (folic acid) iyo macdanta iron oo ka qayb qaato samaysanka iyo kobcida unugyada dhiigga cascas

4.waxay ka qayb qaadataa bogsoobida : sida dadka leh cirid dhiigga iyo dhaawacyada aan buskoon

5.waxay u fiicantahay : vitamin c wuxuu caawiyaa samaysanka collagen oo ka qayb qaadato samaysanka iyo bad qabka maqaarka
Dadka ay u fiicantahay isticmaalka :
1.Dadka dhiig yaridu hayso (HB)
2.Dadka difaaca jirkoodu yaryahay
3.Dadka in infekshan-ka iyo caabuqa qabo
4.marka ay jiraan fayrus yada (virus) halistaa sida
..........

Shiine cabduqaadir

❤ ❤

Bukaan in aad cadiifad darteed daawada uga joojiso waa dhaqan xumo aad u wayn.Waxaa isoo gaarayso warbixin sheegaysa in ...
12/08/2020

Bukaan in aad cadiifad darteed daawada uga joojiso waa dhaqan xumo aad u wayn.

Waxaa isoo gaarayso warbixin sheegaysa in gabar Soomaaliyeed una shaqayso xafiisyadda dowladda mid kamid ah in ay sannadkii h**e isku dhaceen madaxda sare ee isbitaal kamid ah isbitaaladda magaaladda Muqdisho.

Isku dhacaas oo jira ayaa gabadhu guursatay uurna qaaday kadibna waxa ku dhacay dhiig karka ku dhaca hablaha uurka leh loona yaqaan (eclampsia)

waxaa lageeyay isbitaalka uu madaxda kayahay wiilkii ay markii h**e isku dhaceen.

Kadib dhaqaatiirtii isbitalkas ayaa go’aansaday in ay kala badbadiyaan cunuga iyo hooyada waxa ayna usameyeen qaliin (C.section) iyada oo lagu guulaysay qalliinkii lagu sameeyay.

Intaas kadib ayaa waxaa kawar helay madaxa maaliyada ee isbitaalkaas oo ahaa ninkii gabadhu isku dhacsanayeen.

kadibna waxa uu shaqalaha amar kusiiyay in aan wax daawo ah lasiin karin.

Kadib ayay ogaatay kalkaliyayashuna waxa ay usheegen in dhanka maaliyada amar uga yimid dartiis uga joojiyeen daawada.

Hadii ay utagtay kuwii maaliyada waxa uu ku yiri wax daawo ah naguma lihid.

Hadii lagugu duro cirbad dambana waxaan kugu daraynaa sunn!

Halkaas marka ay marayso waxaa soo fara galiyay madax dowladeed waxaana la furay gal dacwadeed kadhan ah ninka saas ula dhaqmay bukaanka isaga oo lagu eedeyay Iskuday dil.

Waxa igu maqaalo ah in hada uu xiranyhy. Baarisna ku socoto balse waxaa lagu dayn raba damiin sida iminka socoto.

Baaritaankaas wixii ku sookordha waan idinla wadaagi doonaa (Insha Allaah)

Sawirkan ma ahan isbitaalka dhibku ka dhacay waxaan usoo qaadanay tusaalayn.

Xigasho Hiigsi developmental Org.

sheekada qeybtii 2aad.qeybti h**e waxay ku dhamatay ayada oo mareyso .xilligii balanta oo ay aheyd maalinkii caa,isha ay...
09/08/2020

sheekada qeybtii 2aad.

qeybti h**e waxay ku dhamatay ayada oo mareyso .

xilligii balanta oo ay aheyd maalinkii caa,isha ay imaan laheyd magaalada capetown. tallow maxaa dhacay markaa.

Waxaa la isa soo taagay Garoonka diyaaradaha eecape town international airport max,ed iyo asxaabtiisa kala qeyb qaadan laheyd soo dhaweynta ayaa goobtaa xaadir ku ahaa halka cali iyo saaxibadii ayagana ay halkaa diyaar ku ahaayeen wallow aysan is aqaan hadana soomaalinimo ayaa ay isku salaameen o isku xaal waresteen qofba qof kale waxa uu u sheegay in u ruux soo dhaweynayo inkastoo magac aysan isku sheegin.

Waxaa soo cago dhigtay diyaaradii siday Caa,isho waxa aysoo gaartay goobtii soo dhaweynta durba waxaa si isku mid ah dhankeedii u dhaqaaqay cali iyo max,ed oo aan is aqoon balse mid walba waxa uu muuqaal garanayaa gabadha caa,isho ah lkn is ma yaqaanaan max,ed oo war moog ah ayaa salaan ku boobay,

caa,isho balse waxa ay ugu jawaabtay yaa taqaan waryaa oo yaa aheyd adiga waxaa ay usii raacisay cali gacaliye wiilkan ma adiguu kula socdaa ? iyo erayo kale max,ed waaga ayaa ku baryey suuro gal ay la noqon weyday waxa is yari suuro gal ma ahan tani lkn waxaa uu quustay markii ay gacanta is qabsadeen cali iyo caa,isha isla markaana gaarigii ay wada raacen max,ed istaagii ayuu ka dhacay isla markaana suuxay waxa lagu sii qaaday gaarigii ay saxibadii wateen

mudo kadib ayuu soo naaxay asoo ku qeylinaya alle caa,isho waan ku jeclahay maxaan sidaan iigu gashay ma dhaci karto iyo erayo kale max,ed iminka waa maqane jooge saaran sariir gabadhii caa,isho aheyd na waxa ay la aqal gashay cali.

sheekada halkas ayee ku dhamatay.
wax waad ka fahanten qisadas wax yaabo badan oo qibrad ahna waad ka heshen.

laso qeybo kale oo sheekoyin cusub.
like saare pagka
share dheh pagka
nagu so biir nala shekeyso

Dr.Shiine

Dawadda ilmaha kala dheereyso wax ka ogoowYasmin waa dawo macruuf ka ah waddankeena Soomaaliya  waxaana loo isticmalaa k...
07/08/2020

Dawadda ilmaha kala dheereyso wax ka ogoow

Yasmin waa dawo macruuf ka ah waddankeena Soomaaliya waxaana loo isticmalaa ka hortagka ilmaha, si aysan hooyadda u qaadin uur.

inta badan dawaddan waxaa loo qoraa hooyadda lagu soo qalo ilmaha sidoo kale waxaa loo qoraa qofkii raba in uu kala dheereeyo ilmaha waa haddii uu jiro daruuf dhanka nafta ah iyo bad qabka cafimaad ee hooyadda iyo ilmaheeda

Yasiimin waxay ka kooban tahay labo hormoon oo kale ah ethinyl estradiol iyo drospirenone waana raxanno ka tirsan Estrogen iyo progestin oo lagu daweeyo daruufaha aan kor ku soo xusay

Maxaa loo isticmalaa Dawaddan Yasmiin (indication)

1-Ka hortagga ilmaha
2-sixidda dhiigga caadada
3-ka hortagga fininka wajiga ka soo baxa
4-sixida hormaanada ukunta qarxiya sida FSH IYO LH

Dawaddan waxaa laga qataa afka (oral intake) waxaayna qaas u tahay dumarka ma isticmaali karaan ragga.

Cillad nocee ah ayey leedahay Dawadda Yasmiin
(Side effect)

1-Misaanka oo kordha inta baddan dumarka isticmaala dawaddan waxaa lagu arkaa in uu kordho misaankooda.

2-Timaha oo gurma ama daad'ta,caaddiyan dawadan waxaa loo isticmaalaa yareenta korniinka Timaha waana sababta lagu arkay dadka isticmaala dawaddan in uu timahooda jarma

3-Wareer joogta ah oo dhanka madaxa ,waa astaan lagu arko dadka isticmaala dawaddan

4-Naaso xanuun

5-Qal qal ku yimaado dhiiga caadada

6-Lalabo joogta ah

7-Dhiiga caadada oo ka soo hormara waqtiggii lagu talla galay

8-Dhiig xaddhaaf ah oo yimaadda mararka qarkood

9-Mattag

FG: inta aadan qaadan dawaddan waxaa muhiim ah in aad la tashatid dhakhtarka dumarka ama kan kugu dhaw si aad u heshid dawo kugu habboon midna ogsoonow dawo aadan aqoon u laheen qaadashadooda waa khatar ee la tasho dhatarkaada .

Horay ma u aragtay dawaddan mise horay ma u isticmaashay dawaddan

garee oo gaarsii asxaabtaada si ay uga faaiideystaan.

Shiine

Address

Shiine788@gmial. Com
Baydhabo

Telephone

0615751799

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Shiine posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Dr.Shiine:

Share