06/07/2025
[ وَٱسْتَعِينُوا۟ بِٱلصَّبْرِ وَٱلصَّلَوٰةِ ۚ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلَّا عَلَى ٱلْخَـٰشِعِينَ ]
"Kaashada samir iyo salaad; salaadduna waa ay ku culus tahay addoom aha kuwa khushuuca mooyaane. "
Tani waa adduunyo oo waa hoyga falashada ee maaha hoyga hanashada. Waa hoyga imtixaanka ee maaha ka abaalmarinta. Imtixaannada uu Alle mariyo addoomihiisa waxa ka mid ah; inuu ku sallido musiibooyin; kuwii aynu jeclayn oo aynu waynaa waa musiibo, hanti la'aantu waa musiibo, deriska xun,lammaanaha liita iyo maamulaha dulmi falaha ahina waa musiibooyin. Qofka adkaystaa waa uu ku guulaystaa tijaabada, ka cadhoodaana waa uu ku dhacaa imtixaanka. Lama soo helayo qof ka badbaadaya hadimooyinka adduunka, Nebiyada ayaana ugu imtixaan. badnaa. Taariikhyahannad ayaa soo wariyay: Dulqarnayn ayaa aad u bukooday mar uu tegay magaalada Baabila. Nin weyni wadkii waa uu yaqaannaaye waxa uu garwaaqsaday in ay is-hurran yihiin geeri. Hooyadii ayaa uu xusuustay, waxaanu jeclaystay in uu u dhiso niyadda.Wan weyn ayaa uu u diray, waxaanu u dardaarmay: "hooyo marka aan dhinto, gaurac wankan, hilbihiisa kari, kadibna ugu yeedh qof aan waligii balaayo ku habsan, ama aan waayin qof uu jeclaa." Ammintii uu Alle oofsaday, hooyadii dardaarankii ayay u fulisay, balse waa ay waxa fajiciso ku nogotay in aanu qofna u iman waayo; lama soo helayo guri ka badbaaday balaayo. Hooyadii fahantay dhambaalkii wilkeeda, yada oo u ducaynaysana waxa ay tidhi: "Alle hakuu naxariisto e, waa aad ii samafashay if iyo aakhiraba."
📚Dhambaallada Qur'aanka📩