Mubarak Hugur

Mubarak Hugur Halkani waa goob waxbarasho

23/09/2026

Asxaabtaadu marka ay ganacsi yar bilaabaan, dhiirrigelinta ugu fiican ee aad siin kartaa waa inaad macmiil u noqoto, kana dalbato adeegga ay bixinayaan.

Arrintani Soomaalida dhexdeeda way ku yartahay. Xataa haddii saaxiibkaa kuu yimaado, mararka qaar waxa uu doonayaa inuu dhulka kula galo, oo aad alaabtii kaga iibiso qiimo aanay xataa adigu kugu taagnaynba!.

Kollayba qof aanad garanayn ayaad lacagta siinaysaa, maxaad saaxiibkaa ugu diidaysaa inaad dhiirrigeliso?

Taageeradaas yari waxa ay qofka ku abuuraysaa rajo iyo dhiirrigelin uu hawsha ku sii wado, gaar ahaan marka uu ganacsigiisa cusub bilaabayo.

23/09/2026

Waa Maxay "AI" si Kooban?

20/09/2026

Tani waa Aragti xoog badan.

20/09/2026

Buuq kasta oo socda hadaad dhex qaado waa waali.

Cid kasta oo is haysata in lala kala safataa muhiim ma aha. Mararka qaar waa inaad daawataa adigoo kooxba aan la safan.

20/09/2026

Ficilka maalinlaha ah ayaa keena awoodda ugu badan.
..
.
..
..
..
..
.
.
.
..
..
..
..
.

20/09/2026

Jaamacadaha waddanka intooda badani lacagtuun bay kaa dhamaynayaan, aqoon tayo lehna kuma barayaan, marka laga tago in ay ku siiyaan warqad uu magacaagu ku qoranyahay.

Waxa ay noqdeen goobo ganacsi, suuq-geyntooda ugu weynna waa in tayada waxbarashada hoos loo dhigo, si aan ardayda culays badan loo saarin, loogana dhigo mid si fudud u sii wata waxbarashada, hadhowna lacag badan looga shubto

Waxbarashadu kuma koobna in ardayga shahaado la siiyo; balse waa in la siiyaa aqoon, xirfad iyo karti uu nolosha iyo suuqa shaqada kula tartamo.

Too sad!

10/09/2026

Isbeddalka YouTube & Sida Lacag Looga Samaynayo 2027 . ...
..
.
.
..
..
.
.
.
..
..
.
.
.
.

10/09/2026

Qaababka loogu noolaado caasimadaha waxa ka mid ah inaad samaysato ilo dhaqaale oo kala duwan, xitaa haddii ay yaryar yihiin.

Tusaale ahaan: Shaqo yar oo meel aad kasoo tuurato ,ganacsi yar oo aad leedahay oo wareega ,mararka qaar dillaalnimo ama commission ,adeegyo (services) kala duwan oo aad bixiso Iyo fursado kale oo yar-yar oo dakhli kusoo galiya.

Sababtu waa in nolosha caasimaduhu inta badan qaali yahiin, qofkuna aanu si fudud uga bixi karin kharashaadka nolosha haddii aanu lahayn farsamooyin uu dakhli uga samayn karo.

09/09/2026

Marka aad Soomaaliya joogto si shaqo laguu siiyo ,waa in wajigaaga iyo cida aad tahay la gartaa ugu horraynba ,ka dib ayaa aqoontaada iyo shahaadooyinkaaga la eegayaa. Balse caalamka waxaasu kaama shaqeeyaan .
Marka qofka lagu qanco aqootiisa,khibradiisa iyo waxbarshadiisa ayaa la raadiyaa tixraac laga heli karo macluumkiisa, si hadii hadhow uu dhib gaysto loola xidhiidho .

Sidaa daraadeed waxa aad ku qasbantay in meel walba ay kuugu jirto cid aad is waji garanaysaan .

Arrintani waxay kaa caawinaysaa in hawl aad saddex maalmood ku dhammayn lahayd ay kuugu soo dhammaato saddex daqiiqo gudahood.

Address

Islamabad

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mubarak Hugur posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Mubarak Hugur:

Shortcuts

Share

Category