Abwaan heello

Veibeskrivelse

Abwaan heello Kontaktinformasjon, kart og veibeskrivelse, kontaktskjema, åpningstider, tjenester, vurderinger, bilder, videoer og kunngjøringer fra Abwaan heello, Oslo.

⸻

🌿 Abwaan Heello – Dhaqan & Hal-abuur / Culture & Creativity
Halka dhaqanka Soomaaliyeed ku soo noolaado — suugaan, majaajilo & barnaamijyo wacyigelin ah oo dhiirrigeliya bulshada iyo farxadda. 🎭✨

*Xaragada aduunyada*Iyo xiiseheeduba *Waa xidhiidhka eebbiyo*Dadkoo aad xurmaysee *Haka tegin xaqiiqada*Xaqdhowr ruuxa k...
23/09/2026

*Xaragada aduunyada
*Iyo xiiseheeduba
*Waa xidhiidhka eebbiyo
*Dadkoo aad xurmaysee
*Haka tegin xaqiiqada

*Xaqdhowr ruuxa kaa mudan
*Xumaatiyo ha kula kicin
*Xanaf aanu kaa geyin

*Xaqqa waalidkaa gudo
*Noqo ruux xasuustoo
*Xidhiidhiya qaraabada
*Dantaadana u xaydnoow

*Adoo xaaja qaadiyo
*Xeer beegti lagu biday
*Ha xayuubin sharaftiyo
*Xiska aadmi lagu yahay

*Xakamee naftaadoo
*Yay ka bixin xuduudiyo
*Xadkii loogu tala galay

22/09/2026

Gabay Cusub “Ma Is Fardaaminaa!” Iyo Abwaan Maxamuud Waraabe.”

21/09/2026

“Abwaan Waraabe Iyo Heesaha Geela.”

“SHinbirkan nala wadaag magaca looga yaqaan deegaankaaga?.”
19/09/2026

“SHinbirkan nala wadaag magaca looga yaqaan deegaankaaga?.”

18/09/2026

“Marmar baa islaamii cawaray caadiga ahaa!.”

Hadaanan daacadeey ku darajaynKaa door bidin been dad kuma jiroDantaydaay hadaan dib kuu gaboKu daayaco anaa danbiile ah...
17/09/2026

Hadaanan daacadeey ku darajayn
Kaa door bidin been dad kuma jiro

Dantaydaay hadaan dib kuu gabo
Ku daayaco anaa danbiile ah.”

mabruuk❤️🙏.”

17/09/2026

“Ayeeyaa kuu soo ducaynaysay ku lahaa😂.”

“Abwaan Dawlad  iyo kulan awliyo.”
17/09/2026

“Abwaan Dawlad iyo kulan awliyo.”

15/09/2026

“Sooryadiisa laguma kala baxo ku lahaa😂.”

14/09/2026

*Waa fitin aduunyadu
*Laga faaruqaayoo
*Fowdo loogu daw galay

*Fooraha dabayshee
*Hadba fool u dhacayaa
*Fariimay sidaan culus

*Maalmaha fakanayaa
*Casharay ku farayaan

*Fikir k**a midaysmiyo
*Fir dabeeca aadmigu
*Faro laga sinnaan waa

*Mar baa taajir faafiyo
*Ruux magac ku faanaba
*Faqiir nolol ku dhaamaa

*Xor hadaa u fooftaan
*Rag firaaqadaa gabay
*Oo farsamo socdaa jira

*Xoolaha faraa badan
*Fayo dhawrka ruuxdiyo
*Farxad kuuma gooyaan

*Guusha loo fadlinayaba
*Fureheedu waa diin

*Faa’iidada aduunkiyo
*Waxa janna hantiyo foos
*Ruux u faydan aakhiro
*Farxadina la kulantaa

*Faralkiyo sunnaa oog
*Dantaadana u foognoow

*Tagto ha isku faaqidin
*Joogtana ku xilo ficil
*Fiiro dheer timaadana
*Sida fiinta u lahoow

*Dadna kala fan weeyee
*Sirtu waa is fahankee
*Sifo fiican kula dhaqan

Adresse

Oslo
0655

Nettsted

Varslinger

Bli den første som får vite det: Vi sender deg en e-post når Abwaan heello legger ut nyheter og kampanjer. E-postadressen din brukes ikke til noe annet formål, og du kan melde deg av når som helst.

Snarveier

Del