24/01/2021
Qodobbadani waa sharuuc bulsho oo aan qorneyn, kaana caawin doonta dadka in aad kula macaamisho nidaam wanaagsan:
1) Qofna ha wicin laba mar waxii ka badan, waxaa dhici karto in uu ku mashquulsanyahay howl aan u saamaxeyn in uu ka jawaabo wacitaankaaga.
2- Haddii uu qof ku marti qaado kuuguna martiqaado Hoteel, Makhaayad ama waxii la mid ah ha dalban wax ka badan qofkaan ku martiqaaday waxii uu dalbaday ama ka qaalisan.
3- Qofna ha wayddiin weydiimo aanan kuu muhiim ahayn, iskana ilaali qof in aad weydiiso su'aalahaan qaarkooda sida Maxaad u guursan weydam Maxaad u dhali weyday carruur? Maxaad guri u iibsan weyday? IWM.
4- Xushmee qofka kaa aragtida duwan una ogalow in uu cabbiro ra'yigiisa ama ra'yigeeda.
5- Hala fariisan dad sheeko gaar ah leh haddii aanay ku wicin hana ka dhex galin hadalka dadka.
6- Adeegso ereyadan marwalba caadana ha kuu noqoto waad mahadsantahay, iga raali noqo, fadlan...
7- Dadka oo dhan isku si u ixtiraam adoonan u eegeyn magaca ay leeyihiin maalkooda, iyo mansabkooda.
8- Marka aad la fadhiso saaxiibadaada ha uga mashquulin Aleenka gacanta, waqti sii iyaga haddii aad rabtid in aad ka jawaabto farriima ama aad qabato wacitaanka weydiiso oggolaansho.
9- Mar walba wax ka eeg dhinaca wanaagsan adoo rog rogeysid arinka .
10- Howl aad dhammeysan karto qabsan kartid qofna ha u dirsan hana ku dhibin.
11- Ku qaabil bulshada qaybaheeda kala duwan dhoollacadeyn.
12- Dadka ugu yeer magacyadooda oo saxan iyo naaneysaha ay jacalyihiin in loogu yeedho.
13- Haddii aad ballan gasho balanta sideed ku oofi.
14- Qofna ha u ballanqaadin wax aadan awoodin in aad u sameyso.
15- La wadaag maalmaha farxada hambalyada asxaabtaada, qaraabadaada, jaarkaaga/dirskaaga iyo dadka aad shaqa wadaaga tihiin.
16- Talo aan lagaaga baahneyn ha bixin iyo talo aan joogin waqtigeeda.
17- Shaqsina ha ugu sheegin waano aad dooneysid in aad u sheegto meel lawada fadhiyo ugu sheeg si gaar ah .
18-Ha adeegsan hoonka gaadhiga adoonan u baahneyn.
19- Wax walboo aad maqasho inta aad hubineysid cidna hala wadaagin.
20- Dhageyso dadka dareenkaaga oo dhan sii qofka kula hadlaaya.
Xigasho; Abuubakar Ducaysane.