14/08/2021
Sawirka hoose waa waa ustaad maxamed As-saciidi oo ah maamule iyo macalin luuqada carabiga ka ah mid kamid ah dugsiyada Yemen.
Maalin ayaa waxaa u soo dhacday fariin u qorneyd sidan (مت شهيدا يامدير) oo macnaheedu yahay (shahiid-nimo ku dhimo maamule!)
Maamuluhu isagoo ka sheekeynaya dhacdada ayuu yiri: fariintan markay ii soo dhacday kadib hal isbuuc ayaan guriga ku jiray anagoo banaanka ka baqaya, fuundi ayaan wacay si uu albaab bir ah guriga iigu sameeyo.
Albaabka si walboo loo soo garaaco ma furi jirin, marka aan u baahdo inaan banaanka u soo baxo waxaan iska dhigi jiray oday waayeel ah anigoo ka baqaya in kuwa fariinta ii soo diray ay i dilaan.
maalin anigoo sidii u dhuumanaya ayaan suuqa u soo baxay, waxaa i gartay oo igu soo leexday arday ka mid ah ardayda iskuulka, wuxuu igu yiri: Halkee ka baxday maamule, maxaa dhacay maxaad iigu soo jawaabi weyday fariinteyda?
Waxaan ugu jawaabay: fariintee ka hadleysaa?
Wuxuu yiri: fariintii aan kuu soo diray ee aan ku lahaa (متى الشهادات يا مدير) oo macnaheedu yahay (goormee shahaadada na siineysaa maamule?)
Qoraalka oo qaldamay ayaa maamulaha waxaas oo dhibaato ah marsiisay.
Laga soo bilaabo maalinkaa maamulihii wuxuu bilaabay inuu qori Ak 47 soo qaato uuna xaadiro xisooyinka luuqadda carabiga si uu u cabsi geliyo ardeyda si aanay mar dambe qoraalka carabiga ah u qaldin🤣