Keynaan media

Keynaan media page aad kaga bogato muuqaalo xiiso leh iyo macluumaad kale

27/05/2025

Sidaan ayaa talented ah wax kle waye ragaan๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘

26/05/2025

Kaama yeelin burciidow๐Ÿ˜€๐Ÿ˜€๐Ÿ˜€๐Ÿ˜€

25/05/2025

Wax kale waye arooskaan ๐Ÿ˜€๐Ÿ˜€

Anigoo yar ayaa aabbahay waxaa dilay reer kale oo aan degaan wadaagnay. Markaan soo hanaqaaday ayaa maalin reerkeennu sh...
13/05/2025

Anigoo yar ayaa aabbahay waxaa dilay reer kale oo aan degaan wadaagnay. Markaan soo hanaqaaday ayaa maalin reerkeennu shiray. Waxaa la yidhii dhiggii Xuseen lama illaawi karo. Aniga iyo saddex nin ayaa hub nala siiyey oo naloo sheegay in ninka aabbahay u dhigma uu yahay nin aabahay abti u ahaa. Ninkii gurigiisii ayaan waqti Casar gaab ah nimi. Wuu na gartay oo gogol fiican noo dhigay oo markiiba wan weyn noo qalay.

Dibedda annagoo weli fadhina ayaa roob yimi. Wuxuu noo dhisay aqal laba daryaale ah oo aan roobka ka galno. Xooggii roobka ayaa aqalkii soo dhaafay oo wuu soo darrooray. Wuxuu haddana noo keenay hargo iyo gogol qurxoon oo dusha naga saaray si aan maryuhu nooga qoyin. Dhulku baraago ma lahayn oo biyuhu ma qabsoomayn marka xoolihii ayaa biyihii lagu sii daayey si intaanay dhulka u gelin ay u cabbaan.

Waxaan is nidhi waa waqtigii ugu habboonaa oo aad ninka dili lahaydeen. Anigaa qoriga xabbaddu iigu jirtaa oo qorshuhu ahaa inaan gacanta lahaado. Markaan soo kacnay ayaan idhi โ€œWar ma ninka darroor noo quudhi waayey ayaan xabbad quudhnaa, haddaanse dilo, aabahay ma ii soo noolaanayaa!โ€ Nin ayaa igu yidhi nacasnimada awalba waa kugu ogaa. Nin kalena wuxuu yidhi mayee wallaahi adigaa naga caqli badan. Aqalkii ayaan ku noqonnay.

Casho iyo hurdo wanagsan ka dib, subixii ayuu caano geel na siiyey. Waagaas shaah lama aqoon. Waan u tegey oo waxaan idhi awal waxaan u socdey inaan ku dilo oo qoriga xabbadu waa iigu jirtey. Laakiin markaad darroortii noo quudhii weydey ayaan annaguna xabaddii kuu quudhi weyney. Hadda waxaan doonayaa inaad gabadh i siiso oo aad aabbe ii noqotid. Wuu i dhunkaday oo gabadh markaa labo jir ahayd i yidhii waa ku siiyey.

Markaan guryihii ku noqonnay dadkii na soo diray waa nagu raaceen in sida aan yeelnay ka fiican tahay dilkii. Gabadhii markay 17 sano jirsatay ayaan is guursannay. Waxay ii dhashay 14 carruur ah.โ€

Waa Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo cimrigiisa ku dhammaystay inuu nabad ka shaqeeyo. Maantoo kale 10-May- 2019kii ayuu ku geeriyooday Hargeysa. Ilaahay ha u naxariisto.
Maxaad ku dari lahayd qisadan taabka maanka ah

12/05/2025

Sidee looga hortagi karaa burburka eey geystaan roobabka?

11/05/2025

Birmade xassan sheikh wax ag hee wadankii waa kaa!!!

11/05/2025

Muqdisho waa taas yaa umaqan!๐Ÿฅฒ๐Ÿฅฒ

11/05/2025

Walalnimadu waa wehel๐Ÿ’ช

Address

Town
Nairobi

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Keynaan media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category