06/02/2026
“Waxaa la yiri Wadaad baa Gabdhaha Quruxsan aad u jeclaa, kuwa quruxsan ee dhegta magaca iyo dhabanka qurxoon leh ayuu aad u raadin jiray baa la yiri, isagoo baadi goobka ku jira ayuu maqlay Gabar fidno loogu yeerayo, Magaci fidno ahaa ee gabadha loogu yeerayey wuxuu u qaatay in ay qurux darteed tahay oo qofkii fiiriyaba uu ku fidnoobayo ayaduna Dumar tii ugu foolxumayd bey ahayd”
“Waqtiba k**a soo wareegan isagoon gabadha arkin ayuu doonay deedna waa lagu daray oo lasiiyey, waa lasoo diyaariyey gabadhi baa aqalka loo keenay, markuu indhaha saaray ayuu dib dambe u fiirin waayey gabadhi,cabaar buu u sheekeeyey, markey seexatay ayuu kabahiisi qaatay oo Gurigi carar uga baxay”
“Asagoo sii ordaya ayaa Gabadhi Hooyadeed oo isagana sodoh u ah ka hor timi, waxay weydiisay Aaaway fidno, markaas buu ugu jawaabay Fidnadi wey hurudaa qofkii soo kacshana nacaladi haku dhacdo”
Shekh Xasaan