Abwaan xamse nour

Abwaan xamse nour Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abwaan xamse nour, Arts and entertainment, Jakarta.

15/09/2022

nolobaa danbaysee
qorsho yeelo aadmigu
waa doox iyo dabayle

Calanyahaw lulmanayeeLA ciyaaray calaydhka Caw yskaad dhalataa Ciiduba dhaqaadooCulimadu ducayseeHa ciir ciirin waligaa ...
15/07/2022

Calanyahaw lulmanayee
LA ciyaaray calaydhka
Caw yskaad dhalataa
Ciiduba dhaqaadoo
Culimadu ducaysee
Ha ciir ciirin waligaa
Rabi ciida kaa qaad

Calankayga bilicda le
Carshigiisu bilanyahay

Cudud cafimaad qabta
Ciida loogu taago
Calan lagu qotomiyoo
Colaad lagu AF. Jarayoo
Maxa calanka awgii
Ciilbadan lasoo maray
Oo aabe daacada
Laga dilay caruurtoo
Ceebla aan ladaldalay
Cadawgii dalkaygaw
Maan ilaawin ceebtii
Hablihii cudoonaa
Culaysbaan la jiifa
Cudurkay ahaataba
Caynkasta ooy iitahay
Ceeb waloo lasoomaray
Wali kuma canaanan
Balsa ceelka nabadiyo
Cududbaan ku noolahay
Hadii aan cisayn iyo
Kugu culay wanaag badan
Hay moodin ceebtii
Ina aan casaaniyo
Kaaga hadhay fulaynimo
Calankayga sharafta le
Tawxiidkaa Ku daabacan
Ceebla aan majarnaa
Collaadii ilaabee

Marka ciilka beerkiyo
Geesiyada ku caanbaxay
Inay ii catawaan
Intay ciil gadhoodheen
Ii curiyay nabadaw
Alle ciilka naaartiyo
Kaa hay cadaabaha
Alle kuma cabuuso
Kuma tuso cadaab kulul
Alle ceelka janadiyo
Ka caweeya fardawsana
Wali kuma aanan ceeb furin
Wali magac cisayn liyo
Calankaad na siisan
Kugu culay nasiivwacan
Alle ayaa mahad oo dhan iska leh

09/05/2021

Lafta dhuuxa qaadiyo
Sida dhuubka geedaha
Ee dheygag iyo yaab
Lagu dhararay laamaha
Dhuyuciyo madheedhkiyo
Jiridiyo dhud laacaha
Ama dhuuxa hoosiyo
Ubaxaa dharqanayee
Ishu dheygag eegmada
Ama dhalan cadceedoo
Dhud ka soo iftiintoo
Iyadoon is dhalan rogin
Dhulka siisay nuurkoo
Dhaxantii ka qaadoo
Dhag markaa falaadhaha
Webiyada is dhaafiyo
Dhijaamaa ku siisoo
Dhirta ubaxa hoosana
Dharabkii ka qaadoo
Qurux loo dhameeyiyo
Sida dhool guyoo da’ay
Waxaad tahay dhilow yahan!

Dhaqankii abkaa iyo
Hiddihii dhulkaagaad
Weli dhawrataayoo
Dhaaddan hooyadaabaa
Samo kuu dhammeysoo
Dhiisha kuu xambaartoo
Dhambaalkaad I tidhibaa
Dheygag uun ku yaaboo
Dhab markaan u faaqiday
Dhiiggaa istaageee

Dhulka jawharaad iyo
Hadii dheeman lagu qubo
Dhal dhalaalka dahabkiyo
Dhaayuhu wuxuu tabo
Adigaa ka dhiganoo
Sida midhaha dhuunyaal
Qayrkaa waxdheeroo
Waxaad tahay dhamaysiyo
Dhabeel uunka joogtee

Dhudhumada is goobiyo
Dhildhilada gacmaha iyo
Dheegga waaxyahaagiyo
Sida dhamacda luulko ah
Midabkaagan dhiinka ah
Ilkahaagan dhuuxiyo
Sida dhurayga caanaha
Ka cadaaday dhaydiyo
Dibnahaagan dhuxushaa

Dhismahaa hubqaadka leh
Dhaqaaq socodka laafyaha
Dhexyaraanta lagu seday
San qaroorkan dheer iyo
Dheehaagan luulka ah
Markaan soodha waadee
Dhalanteedka muuqdiyo
Soo dhaafo hooskee
Dhaayaha ku siiyee
Dhab kusoo jaleecaad
Dhufataa qalbiga iyo
Xidid dhiigga qaadee

Raga looma dhuuntee
Bilicdaadu dheeraa
Ma dhul aan rafaad iyo
Dhiba loo arkuminbaad
Dhooleey ku nooleeyd

Dhinacyada qalbiga iyo
Dhuuxiyo jidhkaygaad
Ka dhex muuqataayoo
Marka aad sidii dharab
Qalbi dhiiri gelisaa
Naftu dhalan rogeedii
Kaa dhawrsataayoo
Dhugashada xasuusta ah
Kugu dhaadataayoo
Dhalgobeed inaad tahay
Dhabtii waan ugsoonoo
Dhalanteed ma saarnee
Dheygag ruux kunool iyo
Raga kii ku dheehdaa
Dheef muu liqeenoo
Hanti iyo dhaqaaliyo
Calaf muu dhureenoo
Dhaqan kaama xeesheen
Duunyo kaama dhawrteen
Habeen kuma dhaliileen
Dhibna kuguma eegeen
Dhulna kuuma quudheen
Cirna kuma dhigeenoo
Dhinacyada dalkaaguu
Kugu dhawran laayoo
Dhoof kaama aadeen
Dhaayahaad uroontee
Abid kaama dhuunteen
Hani dhalaal wanagaana
dhaqankaa waa jiree
waxad tayahy dhabeel dumar
oodhaqan wanaagsan
dhibta tii xalkeeda dhaayaheeda saarta
marna dhiiranaaantiyo qosol iyo ilaaqleh
marna dhalasho dhuuxa mida ila dhigaysa
ee dhab hadal dhawaaqda
waal dheeman baadtahay

26/04/2021

AFARAY DII IGU DHEERAYD IYO 13 abwaan
* Murti Gole Ka Baan keeda iyo Gabayga Jiibtiisa
Geeraarka Subiciisa iyo Guulo Lagu Faansho
Gammaan Lagu Ammaaniyo Fardaha Gees U Xaradhkooda
Gaagaalayaashaan U Nacay Hadal La Gawdhgawdhay
Kanaaaaaaaan Dagay¤¤¤¤
XasanDaaci Abiib Faarax
Gabannada Caruurta ah Murtida Garan ba Maayaane
Gugoodaan Fogaanine Cabdoow Garasho Waa Muushe
Intay Gaadhayaan Aan Sugnee Gabayga Haw Diidin.
Kanaan Dagey !! Lool
Abdijibaar Aadan Gaas
Iyagoon Guyaal Badan Lasugin Gagina Loosaarin
Oo Gaasabixin Bay Rabaan Inay Ku Goohaane
Awrkuba Markuu Guuxayee Geela Lagu Daayo
Waa Inuu Guyaal Soo Cartamo Geedo badan Jiidho
Aniguna Geddaasaan Rabaa Waanay Garanayne
Kanaaaan Dagy
Samawade Siciid Awcali
Garaad curiya sugan milgole gab ayo maamusle
Waa garasho eebuhu baxshoo cid u gudbooneyne
Idinka ku gaamurey Murtida gole Ka fuulkede
Xasan Iyo cabdaw toosiyo garasho deeqsiya
Kanaan dagay
XasanDaaci Abiib Faarax
Alleylehe Gaddaasay Rabaan, Garasha Dheeroowe
Waxay Goobayaan Gaabsi Iyo , Guudka-sare-Xaadis
Balse Ruuxa Goohaaya ee , Maanso Garanaynin
Haddii Aan Gacmaha Qabanna Oo , Gaarna Ula Shawrno
Oo Aan Kitaab Gabay La Dhaho, Galino Laabtiisa
Talow Gacalku Wow Baahanyee, Barasho May Gaadhi ?!
Kanaan Dagey, DIG
Abdijibaar Aadan Gaas
Giddigeedba Suugaantu Waa Guuyoiyo Maale
Garanwaana Baranmaayo Oo Waa Ka Garanuuge
Cashar Laysu Geeyana Kawayn Barasho Geesteeda
Xigmad Weeye Guulluhu Baxshoo Laabta Galiyaaye
Budhku Garasho Maahiyo Khasbiyo Gole Kamaag Uuune
Kanaan Dagay
Cadceed Cadeysey
Murti Guusha, Gabay Miida Iyo Garasho Meelaysan
Sarbeeb Gaanan Suugaan Gigtiran Gododna Loo Saantay
Inaan Gaafka Kala Toosayaa waa Ged La Hubaa
“” Tanaan Degey “” 3 iyo Irmaan
Abdijibaar Aadan Gaas
Gaabsiga Murtida lagumagayo waana shay gobaha
Sidii Rarayga geel lagu Daraye Roorsi Garab Booday
Bankaqooq Gaddiisii miyaa Guudka Laga fuuli
Tanaan Dagaye makaguratydhe
XasanDaaci Abiib Faarax
Sxbkay
Ayadoo Golaa Loo Dhan Yahay, Guurti Talinayso
Geedkiyo Shaxdana , Gole-ka-Fuulaayo
Anaa Goba , Anaa Geesiyiyo, Guulo Kuba Tookha
Godkaas Hadal Ma Joogee Abtoow, Yarehe Gaagaabso !
Abwaan Abdijibaar Aadan Gaas
Gabyaa Sare Inaa Tahay Anaa, Gooyay Waa’ Hore’e
Isagoon Gadhkaagiyo Caddaan, Timaha Guudkaagu
Oo Aan Gugaaguna Fogaan, Gadaha Aad Joogto
Misna Gool Inaad Dhalin Wallee, Waa Hubaal Go’ane
Af Gobaadsi Maahee Midhkaas, Gobo’di Weeyaan Dhe .
Gees Kale Haddaan Eega Oo , Yarehe Gool-baadho
Murti Geedka Loo Waabo Oo, Gaaxda Lagu Maalo
Oo Tix-maal Gaboobiyo Nin Daran, Kala Gorfaynaayo
Waa Soojireen Gaamuroon, Cidi Giriifeyne
Balse Maanta Gaankaa Kiciyo, Gaban-magaaloodku
Garan Maayo Suugaantan Iyo , Gaasa-bixinteede
Miyaan Qalinku Waa Guul-wadee, Dunidu Guubaabin ?!
Xigmad Lama Garoocdee Miyaan, Laguba Gaadheen ba ?!
Kanaan Dagey . FOORAD dhe ! loolz
Shuriye Aw Jama Shuriye
Gooshaarka Maansada Murtida Kala Gorfaynteeda
Guuluhu Ninkii Aan Barani Goolka Dhalin waayey
Gaagixis Nin ay Ugu Baxdoo Godol ka maalaynin
Ayuun baa Gujeeyey Ka waa Gaawe Buuxsamaye
Gar Alle Dilaal baa u baxay Gudhiyay Suugaanti
Tanaan Degey
Cabdimalik Xareed Mrf
goofaadhiglah bay nirguhu maraqa gooyaane
ama aygujeeyaan horaad maraq ku gaydhnaaye
afgaroocna meel gaaban buugabay la aadaayetanaan degay
Abwan Zerar Yusuf Zeeraar
Gaban waliba gortuu dhashaa loo gu tiriyaaye
garab qabasho iyo koolin paa lagu gardaadshaaye
guulguulka adinkaa wade gapayga aashaaya
keeraaan dagay
Daadax Halyay Carafad
geedkeenan caankeen murtida laguba gaadhaynin
abwanadu garwaaxeen hadhkee loo gogladay maanso
iyo golahan loo wada dhanayahay gabiga soomaali
gadh cadaa haldooriyo intaa gaban.ku meegaarsan
markay gabay bilaabaan runtii way gilgilayaane
god abees dhex yuururo intaad gacan ulaa laadin
miyaynan gudboonayn inaad geesyar uga baydho
Tanaan dagay
Abdijibaar Aadan Gaas
Xassanoow Garsooraatihiyo Gabayga tiirkiiase
Irmaantana Ragbaa Soogaliyo Wada Gabyaa Wayne
Gaaashaanlleyaal baayimiyo Gabay ku Muusoode
Aniguna Waxaan Goynayaa inay Gorfeeyaan
Tanaan Dagay Iyo GalinDanbe
Smacil Ali
Guuguu lahaa siday Cabdoow warkaad galabta keenteene
Mana aan giriifine runtii maanka wuu galaye
Inse loo gudiyaa haboon gabayga iimoobay
Dabadaan qaaday
Hassan Bulhan
Nin aan gabidhaclayn gooshka h**e baarka guran waaye
Gad-gaddoonka waa lagu yaqaan gaatin socodkaahe
Markuu gaamuroo madaxa sare ay cirradu gaadho
Gunta nuxurka wuu heli murtida gaawe waw culane
War gurboodka yaan layga didin wuu gardaadsamiye.
Dhexdaasaan qaaday mise waaba irmaan
Abdijibaar Aadan Gaas
Geediga Markii Aan Raraye Gadawgu Jiiqleeyay
Waaabari Guduudkii Markaan Caynka Ugu Giijay
Een Gibisha Saariyo Lammada Midab Guduudleey ah
Dhul Fog Buu Garaadkiyo Ahaa Gabi U jeedkaygu
Dhexdaan Qaaday
Daadax Halyay Carafad
Geediga intii aan lararin xadhka loo giijin
Gurgurshaaga aan loo horqaban gara hogaankiisa
Gagi xaaluftoo waa horaba lagu galaa yuusay
Gamaahiir inaataad furi lahayd gaasow taladayda
Sahanbaa gudboonaan jiraye garo dhextaalkaana
Labajaraan ulaabay
Smacil Ali
Gaasoow ujaadada hadaan gacan togaaleeyo
Fuleybaa gur guurtee hadaan gawba kaga siiyo
Gaashaan qaad ambaday waa waxaan laga garaabayne
Godka aad maagan tahay waan arkaa garina meesheede
Gudban iyo irmaanbaan u xidhay laba geesoode
Keen ha dhigine
Cabdisalan X Olol Mclin
shaxlagurey hadaan soogodloo golaha feerarsho
gafmiyaa hadaan golaha dhoho guri dhigii keena
Abwaan Sidiiq Yaasiin
Gacaloow murtidan gaamurtee goobta kacadaatay
abwaanada geeraarka iyo maansadiyo gabaygan miisaaman
abwaanada godladey oosiidii guga uhooraaya
oo gole kafuulkaw guntadey guule mahadiise
gugooduna yar yahay waygudaan guurtidii h**e,e
ugargaar ilaahoow xigmadi waagob dhaqan,keede
garashona,badhkood wawqabaa gabano weeyaane
markay gaamuraan ooyihiin gedaha aan joogo
madaxdii gobaysane dhashiyo geeshkii kah**eeyey
markay geeriyoodeen kuwuu gabay agoomoobey
garashiyo.aftahamada raggii guule ugudeeqay
geyigeena soomaaliyeed godanbixii haystey
gaabis laguma sheegee raggii gacanta lootaagey
gool dhalinta godadkay degaan laguma gaadhayne
qaarkiina wuu ila gudaa giimkan caawaahe
waxbadan oolodkay,gani gabaad gudan lahay deene
suugaanta lama gaasiree siigalgaal bixiya

01/02/2021

amal muxubadeedi
waa mawjad garoo
adamaha dhamantii
malin qudha qiyaasayn
miday aniga ila tahay
meeriskaygan maantana
amalbaa nasiib uleh
mida sharaf asluubmudan
amusnaanta maankiyo
qalbigeedu waa middoo
waa mahadho waynoo
waa boqorad maantiyo
baritoole maamuli
maankaa ragoo dhan
hobigeedu waa meel
dumarkaba dhamantood
anu malin soodhigan
maskaxdooda soo galin
marna laba qiyaasayn
waa marin dugsoono
waa mida dhaxan dhacaysiyo
mahigaan intuu da.o
ama mawdaga halstaa
mida dumar uroonoo
muuqedaad ka garataa
amaleey ilyeesey
mudantii haweenkaay
mawjadii jacaylkaay
midab dahab la moodayay
muhashada dareenka leh
mida dumar usi da taay
mawlaha ilaahbaan
kuu tugay mantee
maantaba saree abid
misaanka akhro
macbuudkaa kusiinoo
ada koonka maamuli

01/02/2021

cirka sre dushiisiyo
cad ceediyo ifyiinkaba
xidigaha agtoodiyo
ceryaan daruuraha
caynkastoo la haybiyo
dahab iyo calaydhkaba
waxan kugu cumaamadaw
ku ag dhigo cajiibeey
wali koonka muu calafan
cishaday adunyadu
culayskeeda aan luro
calaashoo cantuugo
mida iga casuuntee
faraxdayda cabirta
shayma qaali weyaan
waa camira farxadayda jeceloo
intay dunida ciisha
iyo ceeshka nabada
inta carab calaalisa
yadaan u jecelee
cisi iigu noolow shayma qali bad tahee

hoyooy adunyadu waa halista aadmiga maxad halista gaajada iga hiishay hooyointaad heeso soobtidhi geesi weeye hanada mar...
07/11/2020

hoyooy adunyadu
waa halista aadmiga
maxad halista gaajada
iga hiishay hooyo

intaad heeso soobtidhi
geesi weeye hanada
marna lama hawaysto
intaad hadal macaniyo
i habsiisay hooyo
marna lama higaadsho

hadalkaygan maantana
huqda beerka laabtiyo
halistaa agteedaan
ka haleelay maanta

hoyo naarta jahanama
rabi kaaga hiili
hooyoy adunyada
inta aan ku noolahay
hanka aan ka leeyahay
hubaashii waxay tahay
aadamaha dhamaantii
inan kuu hogaanshoo
hormood kaaga dhigo
ilaa hakista aan galo
ama aan hilaabto
hamigaygu waa kaa
hooyo adamaan ahay
ilahbaa awooda leh
rabi naarta kaa hay
i fudaydi allahayaw
Hamigaygan maantana
hooyaan la jecelee
alahayaw adaa wayn
hooyo noo sameeyoo
huga nooga dhigayee
aduunyada badhaadhiyo
hibo noogu daa abid
ilaahaw adaa wayn
culayskay ahaataba
hooyo nooga qaado
noogu hiili alahayaw
hooyo waa ilayskii
hooyo waa iftiinkii
hooyo waa albaabada
guusha lagu hawysto
ilahaw adaa wayn hooyo noo badbaadi badbaadi

coming son

19/09/2020

UGBISHA DAAWIYO
DOORKA WEEYE NOLOSHEE
DAADIHISAY MAANKII
DARUURAH DUSHOODIYO
DAYAXAY LA JOOGTAA
MISNA DABAR ADAYGIYO
DURBA LAABTA SOO SUDHAY
QURUXDEEDA MAAN DHIGAN
MISNA DUUNYO LAMA HELLEE
DIBNAHAYGA AAN LURO
QIRUXDEEDA WACNI
WAA NIN IYO DAFTIISEE
SUNIYAHA DABOOLKA LEH
SIDA DAYAXA DOOJA
INDHO DOLLAROO KALLA
MISNA DAHAB LA MOODO
DIBNO DHEEMANOO KAL
MISNA QURUX LA DAWADO
TIMO DUKHUL MADAWOO
MISNA DHABARAKA DAADAGA
ILAMA CUDUDAHA
CAGTA CAARADEEDII
WAA DAWLAD GAROO
DADKU WADA BOGAADHAAN
ANA DARAJADAYDII
WAA ANI DANTAYDA

amraneey walaaleey mida dumar urooneey mawajadii haweenkee midabkeedi dahabiyo mariin dhalaal yahay xushmadiyo karaamiyo...
23/08/2020

amraneey walaaleey
mida dumar urooneey
mawajadii haweenkee
midabkeedi dahabiyo
mariin dhalaal yahay
xushmadiyo karaamiyo
walaalnimo dhaman baan
maankayga galiyee
aan muxiba heesee
iga hoo amaantan
mawlihii ilaahbaa
sharaf kugu casuumoo
makhluuqaba dhamantii
waxad maanta dheertahay
midhadh yar aan kasheego
misanka hadalkaagu
waa mid igu dhamaadoo
talabada muraadka leh
marba gees jaleeciyo
midigtiyo talaabda
qosol maanka soo maray
amraneey ilahay marti kaga dhigaye
mahad sanid raxmaanaw
ada dunida maamula
amaran noo sameeyo
sharaf nagu amuulo
kol ay tahay masuul sare
mar ay atahy amaan wada
kol ay tahay miskiin yaroo
xumahana ka caagan
marlabaad mahad weeye eebe
amraneey aduunyada
midab jaadba jaadiyo
mas xabaal sidii
maanta kaaga digaya
walaal nimaan dhamaane
kuu miray kuu muday
kula miiray laabtyda
kalay maanta soo dag
meelnaba ha aadin
amreeney udugiyo udgoney
cadaw ma hadhdiisa
yuu hadal macaaniyo
kugu sabin amaan badan
raga waa mas iyo bus
midba dabin kula raba
midba dadka kuugu jecel
midbaa duli.kula raba
midba nafta kula sida
midba diir naxa lahayn
midba dadka kaa dugsada
intuba waa wada miduune
maxa lagu kala yaqan
midii maskax lagu casuumay
haweenka filkeeda jooga
misna maankeeda raacda
ayaa maantaba badbaadey
midaa inoqo walaaley
mawlihii ilahbaa
dumarkaba ku dhaafshay
mankaaga taa gali
marka love lasheegaba
mililico jacybaa maankayga kicisa
misna garawsho lowaa
mida dumar cudoonee
mirtiraha qaaday
amran weeye mandhaw
wa dawlad malaba
ninka maamula
aanu dhiba marayn
markaad socoto jaale
misna daalku soo dhaco
mojad weeye daganoo
guri lagu nastaa wa amarnoo
waa mayadii qalbiga dajin layd
marwa sharaflaa ildhalatayoo
micinkaygiyo garabkayga
ii matashayoo maba baahni
oo ma dawrsado
amran bilan baa ila jogta oo
ceeb iyo xumaan
kaba maydhanoo
muran aan aqoon
amaran quruxeey
qayb iga midaay
markad maqanthay
maba lada oo maba seexdo

22/04/2020

ASC WAAN IDIN SALAMAY ZAXIIBAYAAL KANI WAA BARKULANKAYGA SAXDA AH MAANTA LAGA BILAABO ILA SOCDA ZAFARKEENA DABAYSHII JACAYLKA IYO SHEEKOOYINKII QISOOYINKA XAMBAARSANAA QAYBOHOODA HORDHACA AH

Address

Jakarta

Telephone

+62634790589

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan xamse nour posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Abwaan xamse nour:

Share