03/09/2026
🌿📚 MUNAASABAD QURUX BADAN OO CILMI IYO AQOON AH 📚🌿
Maanta waxaa gudaha Masjidka Tawbah, oo ku yaalla Xaafadda Sideedaad ee magaalada Godey, lagu qabtay munaasabad qiimo badan oo ay soo qabanqaabisay Mu’asasada Itqaanul Culuum, taas oo lagu soo bandhigay midhaha dadaalka iyo waxbarashada ardayda da’da yar. 🌹
Munaasabadda ayaa ahayd mid si gaar ah loogu muujinayay arday yar-yar oo dhammeystay kutub muhiim ah oo cilmiga Diinta ah, isla markaana lagu imtixaamay aqoontooda iyo fahamkooda, iyadoo ay ka qayb galeen culimo iyo macallimiin qiimo badan.
📖 Kutubta ay ardaydu dhammeysteen waxaa ka mid ahaa:
🔹 Al-Arbacīn
🔹 Ar-Risaalatul Jaamica
🔹 Alfiyyatu Ibnu Maalik – qaybta koowaad
🔹 Al-Jazariyyah
🔹 Tuxfatul Atfaal
Ardaydan da’da yar oo waqtigooda u huray barashada Qur’aanka, Xadiiska, Afka Carabiga iyo culuumta kala duwan ee Islaamka, waxay maanta tusaale u noqdeen jiilka soo koraya. 🌱📚
👳♂️ Culimada ka qayb gashay munaasabadda waxaa ka mid ahaa:
▪️ Gud Ku-xigeenka Golaha Arrimaha Islaamka – Macallin Khaliif C/Hi
▪️ Sheekh Mahad Cabdullaahi
▪️ Sheekh Shaafi Maxamed Salaad
▪️ Sheekh Deeq Maxamed Cabdi
iyo culimo iyo macallimiin kale oo ka tirsan culimada magaalada Godey.
✨ Munaasabaddani waxay xambaarsanayd farriin muhiim ah: jiilka maanta haddii lagu barbaariyo Qur’aan, cilmi iyo akhlaaq wanaagsan, wuxuu noqonayaa hoggaamiyihii bulshada berri.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardayda dadaalka badan, waalidiintooda, macallimiintooda iyo dhammaan maamulka Mu’asasada Itqaanul Culuum.
🤲 Alle ha u siyaadiyo cilmiga, fahamka iyo xifdiga, hana ka dhigo culimo bulshada anfaca.
Sidoo kale waxaan mahadnaq u jeedinaynaa culimadii iyo dhammaan dadkii ka qayb qaatay munaasabaddan qiimaha badan.
“وَقُلْ رَبِّ زِدْنِي عِلْمًا”
“Oo dheh: Rabbiyow, ii kordhi cilmi.” 🤍
📚 Cilmigu waa iftiin, jiilkuna waa mustaqbalka ummadda.
’aanka