Abwaan Dayib - Qoodh

Abwaan  Dayib - Qoodh Wacadkaan aqaan mana ihi wad-waad

07/08/2026
04/08/2026

Waxaan u kuu haynaa adeega furista computerada password ku xidhmo Windows iyo Mac labadaba --

Ku xidhnow
Ka soo horjeedka Garoonka Timacade

27/07/2026

CAYNAASHE QUEEN’s HAMBALYO👑❤️

Anigu waan yaabanahay!!! Waxaan layaabanahay 9-kan qodob ee hoos ku qoran:1.  Hoos udhaca kusocda dhaqaalihii dalka iyo ...
13/06/2026

Anigu waan yaabanahay!!!

Waxaan layaabanahay 9-kan qodob ee hoos ku qoran:

1. Hoos udhaca kusocda dhaqaalihii dalka iyo qorshe la,aanteena.

2. Lacagta adag ee Qaadka aynu kubedelano iyo sababta aynu kaluun iyo milix ama iwm aynu ugu bedelanwaynay.

3. Abaaraha soonoqnoqda ee galaafta lafdhabartii dhaqaalaha dalka (xoolaha) iyo sida aanay laba caliba wax iskagawaydiin had iyo jeer.

4. Lacagta bangiyadeenu dalka debedda soo dhigtaan, sida jabuuti iyo dubia, oo dhaawac ku ah in dalka laga saaro.

5. Lacagta badan ee ajaanibtu ka saaraan dalkeena iyo siyaasad la,aanteena arinkaas.

6. Khayraadka dhulkeena ceegaaga(shidaal, macdan, beero) iyo maalgalin la,aanta ina haysata.

7. Tayo xumaanta badeecadeena iyo waxyeelada ay ku hayso jeebkeena, (The effect of poor quality products)

8. Suuqii ugu waynaa ee dhaqaaleheena oo aynu siyaasad ahaan isku dhacnay arinkii ictiraafka (sacuudiga) iyo sida suuqyo kale oo bedel noqonkara aan loo raadinba, werwerna aanay inagu haynin.

9. Lacagta adag ee dpworld dalka kasaarto, iyo qorshe la,aanteena maalgalineed.

Hadaba Adiguna ma yaaban tahay Akhriste Mise waa igu kali yaabku?

By aqoonyahan mustafe Rayaale

MA AHA CASHUUR CUSUB ( GST).Sanadkii 1996 ayay aheyd markii u horeysay ee la jideeyay cashuurta Iibka Sales tax lana abu...
07/06/2026

MA AHA CASHUUR CUSUB ( GST).

Sanadkii 1996 ayay aheyd markii u horeysay ee la jideeyay cashuurta Iibka Sales tax lana abuuray xeerka Sales Tax Act 84/96, Hadana sanadku Markuu ahaa 2011 Waxa lagu sameeyay Waxkabadal Act 84/96 Iyadoo la kordhiyay Tacriifadda.

Markuu sanadku ahaa 2016 waxa si guud dib u habeyn loogu sameeyay dhamaan cashuurahii oo dhan waxana la sameeyay xeerka guud ee dakhliga xeer 72/2016, Xeerkaas oo cutubkiisa 5aad lagu dhaqangaliyay cashuurta Iibka oo magacii laga badalay loona bixiyay GST, Islamarkaana lagu salbalaadhiyay badeecadaha iyo adeegyadda cashuurgalka ah.

Bilowgii Sanadkii 2021 waxa bilaabmay dadaaladda lagu casriyeynayo cashuurta GST iyadoo la bilaabay isticmaalka Mishiinadda EFD, ku darista cashuurta nidaamka POS iyo API integrationka, Islamarkaasna waxa la sameeyay Xeernidaamiyaha Mishiinadda cashuurta GST 03/2021, Xeernidaamiyahaas oo ujeedadiisu tahay in wasaaradu ka caawiso Adeegbixiyaasha / Badeecad iibiyasha inay si casriya ugu daraan qaansheegta cashuurta Iibka ee ay siinayaan macmiilka, taas oo kor u qaaday dakhliga iyo isla xisaabtanka.

Ugu danbeyntii dhamaadkii Sanadka 2025 waxa waxkabadal lagu sameeyay xeerka dakhliga cashuuraha lagana dhigay 72/2025 - Waxkabadalkaas waxa ugu mudan in la salbalaadhiyay adeegyadda iyo badeecadaha cashuurta GST ( Cutubka 3aad Qodobadiisa 177aad ilaa 198aad).

MUXUU DAARANYAHAY GOAANKA MASIIRIGA AH EE WASAARADDA MAALIYADDA H.DHAQAALAHU SOO SAARTAY MAANTA?

1_Waxa hoos loo dhigay boqolkiiba 50% Cashuurta Iibka Ee Gudaha {GST}.

2_Waxa la salbalaadhiyay dhamaan adeegyada iyo badeecadaha ay ku waajibtey cashuurta GST , Madaama la yareeyay tacriifadii GST.

3_Waxa la tayeeyay oo la fudeydiyay hanaanka dakhli uruurinta cashuurta GST taas oo dakhliga cashuurta la heli doono islamarka macmiilku bixiyo cashuurta ( Real Time) iyadoo laga faaideysanayo nidaamyadda casriga ah ee lacag dirista.

DAKHLIGU WAA DAWLADNIMO.
Waxaa Qoray:
Agaasime ku xigeenka cashuuraha berriga
Abdi Ali Toor

15/04/2026

QUEEN BAAD NOQON LA RAADSHO💎❤️👏

Aduunyadu waa kacaa kuf
Kurbiyo Farax kala dambeeya
Kolkay kugu soo adkaato
Hakaadsane Samir ka xooji

Ka filo rabigaa badhaadhe
Kulaylka hadeer ku haysta
Kuwaar malahee xaqiiqso
Kalsooni ku beer naftaada

Hankaad kala hayd aduunka
Kolnaba yuu kaa hallaabin
Kaliishiyo bacad kulaylka
Waxaa ka dambaysa dayre
Ku samir wax kastoo ku haysta!
Kalaamka allaa sidaa leh

Hadaad kaligaa is leeday
Waxaa tahay ruux kadeedan
Kun baa kaa daran nolooshu
Inay Ku Ciyaartay Huuno

Ka jabay kubka oon is dhiibin
Misana Aan kala dhantaalmin
Hadeertana kaalin qaada
Aduun kaba ugu korreeya

Raxmaan baan kuu baryaaye
Waxaad noqon kaah iftiima
Kufkaa baad ugu sarrayni
Kuwiin baad noqon la raadsho.!!

DAYIB NUUR - QOODH✍️

23/03/2026

~BA’ INDHA-DEEQ~

Qaran kii rag adag baa xukuma,Oo awood badane
Bah islaani Ay wada Dhashoo,Uur ku Wada qaaday
Indha-Deeq Awlaad’deedi buu,Eebe noo xulaye
Waa kuwaa Aqoonsigi Af-laxay,Ugu horrayntiiye

Muuse Cabdallaa Ugu Sittoo,Waa Es-enem tiiye
Cirro’haa Dalkii Sii An-facay,Waa Abkuu yahaye

Sacad Yoonis Waa Aarka bari,Udub dhexaad kiiye
Ina Eidle iyo waxa ka mida,Lama illaawaane

Idarays kolay tahay Bahdani,waa in-dheer garade
Waa kuwaa Aduun kii Na baray,Boqol Ayaamoode
Abshir dhaha Bulshadii Doorataay,Aragtay Guushiiye.!!

WAAN IDIN SALAAMAYAA INDHA-DEEQEEY🤣✋

Address

Flat 2, 75 Cecil Road
London
W38RS

Telephone

+252634589317

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan Dayib - Qoodh posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category