26/06/2026
Caddaaladda dhabta ahi way daahdaa laakiin marnaba ma dhimato. Maanta oo aan aragno Axmed Badru-diin Xassuun, oo loo yaqaannay "Muftigii Barmiillada," oo hor taagan maxk**ad ku taal magaalada Dimishiq, waa cashar weyn oo u baahan in lagu cibro qaato.
Ninkan oo diinta iyo minbarka u adeegsaday inuu ku xalaaleeyo dhiigga shacabka Suuriya, difaacayna nidaam waxshi ah oo xasuuq aan loo meel deyin geystay, ayaa maanta wajahaya natiijadii dulmigaas.
Tani waxay marqaati u tahay in kasta oo uu qofku awood iyo kibriyo ku dhex jiro, in maalin uun laga abaal-marin doono falalkii foosha xumaa ee uu u soo gaystay bini-aadamka kale.
Adduunyadu waa hoos madow, hanti iyo magac midna k**a badbaadin karaan qofka marka ay timaaddo xisaabta dhabta ah. Haddii maanta dunida dusheeda lagu maxk**adeynayo kuwa u adeegay dulmiga, waa inay ogaadaan inay taasi tahay hordhaca xisaabta dhabta ah ee taal aakhiro.
Waa masiibo weyn in qof aqoon diimeed sheeganaya uu noqdo mid u fatwooda gumaadka dadka aan waxba galabsan. Qof kasta oo ku takri-fala awoodda ama magaca uu haysto, ha ogaado in xaqii aan la soo dhicin maanta uu berri sugayo, maxk**adda Alle horteedana aysan jirin cid ka baxsan karta.