RM Somali TV

RM Somali TV RM Somali TV | Warbaahin Soomaaliyeed oo madax-bannaan 🎥
Wareysiyo • Barnaamijyo aqooneed • Falanqayn
Codka Fikirka & Taariikhda 🇸🇴

𝑺𝒉𝒂𝒒𝒐𝒐𝒚𝒊𝒏𝒌𝒆𝒆 𝒂𝒚𝒖𝒖 𝑨𝑰 𝒃𝒆𝒅𝒅𝒆𝒍𝒊 𝒅𝒐𝒐𝒏𝒂𝒂, 𝒚𝒂𝒂𝒔𝒆 𝒔𝒉𝒂𝒒𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒂 𝒉𝒂𝒍𝒊𝒔 𝒌𝒖 𝒋𝒊𝒓𝒕𝒂𝒂?“AI ma aha oo keliya tiknoolajiyad cusub; waa tikn...
25/08/2026

𝑺𝒉𝒂𝒒𝒐𝒐𝒚𝒊𝒏𝒌𝒆𝒆 𝒂𝒚𝒖𝒖 𝑨𝑰 𝒃𝒆𝒅𝒅𝒆𝒍𝒊 𝒅𝒐𝒐𝒏𝒂𝒂, 𝒚𝒂𝒂𝒔𝒆 𝒔𝒉𝒂𝒒𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒂 𝒉𝒂𝒍𝒊𝒔 𝒌𝒖 𝒋𝒊𝒓𝒕𝒂𝒂?

“AI ma aha oo keliya tiknoolajiyad cusub; waa tiknoolajiyad si tartiib ah u beddelaysa habka aan u shaqayno, u waxbaranno iyo xitaa xirfadaha aan u baahannahay.”

halkaan hoose ka akhriso macluumaad dhammaystiran oo ku saabsan.

https://rmsomalitv.net/articles/shaqooyinkee-ayuu-ai-beddeli-doonaa-yaase-shaqadiisa-halis-ku-jirtaa

Maxkamadda Sare ee Federaalka  Soomaaliya ayaa laashay natiijadii doorashadii 30-kii Luulyo ee Golaha Wakiillada iyo Gol...
24/08/2026

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa laashay natiijadii doorashadii 30-kii Luulyo ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaannada Galmudug, iyadoo ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka.

Maxkamaddu waxay amartay in doorasho cusub la qabto, iyadoo hay’adaha hadda jira ay sii shaqaynayaan ilaa laga soo dooranayo hay’ado cusub oo sharciyad ku yimaada.

24/08/2026

Sirdoonka Macmalka AI ma baabi'in doonaa Shaqooyinka qaar?

Taliyaha Ciidanka Pakistan ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca, Field Marshal Asim Munir, ayaa Isniinta u ambabaxaya...
24/08/2026

Taliyaha Ciidanka Pakistan ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca, Field Marshal Asim Munir, ayaa Isniinta u ambabaxaya magaalada Tehran, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Iran, sida ay Axaddii shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran.
Tani waxay noqonaysaa booqashadii saddexaad ee Munir uu sanadkan ku tago Iran, xilli Islamabad ay sii waddo dadaalladeeda diblomaasiyadeed ee ay ku doonayso inay dhexdhexaadiso, isla markaana gacan ka geysato soo afjaridda dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iran.
Si kooban: Pakistan waxay isku dayaysaa inay noqoto waddada isku xirta Tehran iyo Washington, iyadoo Munir uu qayb ka yahay dadaallada lagu doonayo in dib loo bilaabo wadahadallada nabadeed ee hakaday.

24/08/2026

Jiilkii somaaliyeed oo badda ku hoobanaya.

Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay wada-xaajoodyadii ganacsi ee u dhexeeyay Canada iy...
23/08/2026

Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay wada-xaajoodyadii ganacsi ee u dhexeeyay Canada iyo Mareykanka, isagoo sheegay in “la weeraray, weerarkuna dagaal ayuu ka dhigan yahay.”
Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kaddib markii Mareykanku dhaqan geliyay canshuur dhan 50% oo lagu soo rogay badeecooyinka Canada oo qiimahoodu ku dhow yahay $20 bilyan. Canada waxay ku dhawaaqday inay 8-da September ka bilaabi doonto canshuuro aargoosi ah oo lagu beegsanayo badeecooyinka Mareykanka sida birta, caanaha, qalabka elektaroonigga iyo qalabka beeraha.IWM

Carney wuxuu sheegay in Canada aysan aqbali doonin heshiis uu ku tilmaamay mid aan caddaalad ahayn oo dhaawacaya madaxbannaanida dalkiisa, taasoo muujinaysa in xiriirka dhaqaale ee labada xulafo uu galay marxalad cusub oo xiisad iyo dagaal ganacsi ah.

Wadahadallada Suuriya iyo Israa’iil oo la filayo in dib loo bilaaboDimishiq — Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa she...
23/08/2026

Wadahadallada Suuriya iyo Israa’iil oo la filayo in dib loo bilaabo

Dimishiq — Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa sheegay in la filayo in dhawaan dib loo bilaabo wadahadallada u dhexeeya Suuriya iyo Israa’iil, kuwaas oo ku saabsan sidii loo gaari lahaa heshiis amni.

Wasiirka oo wareysi siiyay Reuters ayaa sheegay in xiriirkii iyo isgaarsiintii labada dhinac ay hakadeen kadib weerarkii Israa’iil ku qaaday saldhigga diyaaradaha ee Abu al-Duhur 18-kii Agoosto.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirku wuxuu muujiyay rajo ah in xiriirrada diblomaasiyadeed dib loo soo celiyo, isla markaana wada-hadallada amniga dib loo bilaabo waqti dhow.

 : Garsoore sare ayaa laalay siyaasaddii maamulka Trump ee hakisay bixinta fiisaha muwaadiniinta 75 waddan, oo ay Soomaa...
22/08/2026

:

Garsoore sare ayaa laalay siyaasaddii maamulka Trump ee hakisay bixinta fiisaha muwaadiniinta 75 waddan, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Garsooruhu wuxuu sheegay in siyaasaddaasi ay ka baxsan tahay awoodda sharciga ah, isla markaana ay jebinayso sharciga socdaalka Mareykanka.

Go’aanka ayaa fursad u furaya in dib loo eego codsiyada fiisaha ee muwaadiniinta dalalka ay xayiraaddu saameysay, oo ay ku jirto Soomaalidu.

𝙏𝙚𝙡𝙚𝙛𝙤𝙤𝙣𝙠𝙖 𝙂𝙖𝙘𝙖𝙣𝙩𝙖:: Dilaaga qarsoon ee Waqtigeenna, Caafimaadkeenna iyo NolosheennaTelefoonka gacantu wuxuu nolosha cas...
22/08/2026

𝙏𝙚𝙡𝙚𝙛𝙤𝙤𝙣𝙠𝙖 𝙂𝙖𝙘𝙖𝙣𝙩𝙖:: Dilaaga qarsoon ee Waqtigeenna, Caafimaadkeenna iyo Nolosheenna
Telefoonka gacantu wuxuu nolosha casriga ah u fududeeyay isgaarsiinta, waxbarashada, ganacsiga iyo helitaanka xogta. Laakiin isticmaalka xad-dhaafka ahi wuxuu leeyahay dhinac kale: waqti lumis, hurdo xumo, feejignaan yari iyo saameyn ku timaadda waxbarashada iyo xiriirka bulshada.

Qormada oo dhammaystiran waxaad ka soo akhrisan kartaa linkigaan hoose

https://rmsomalitv.net/articles/telefoonka-gacanta-dilaaga-qarsoon-ee-waqtigeenna-caafimaadkeenna-iyo-nolosheenna

22/08/2026

Hanjabaadaha Turkiga Iyo Isra''l Jawaabta Netanyahu.

Osoite

Juhana-herttuantie 11 A 143
Helsinki
00600

Puhelin

+254728575519

Nettisivu

Hälytykset

Tiedä ensimmäisenä ja anna meille oikeus lähettää sinulle sähköpostitse uutisia ja promootioita RM Somali TV :ltä. Sähköpostiosoitettasi ei käytetä muihin tarkoituksiin, ja voit perua milloin tahansa.

Oikopolut

Jaa