Hal-abuur Bakayr

Hal-abuur Bakayr suugaan

03/05/2024

Gobta lama ilaawee
Gobanimo ku waaraay.

•Dhudhubada akhlaaqdiyo•Dhabbadii wanaagaa•Lagu dheelmadaa abid•Dhidibada adkaantiyo•Dhaqan sami samaanbaa•Lagu dhawrsam...
26/04/2023

•Dhudhubada akhlaaqdiyo
•Dhabbadii wanaagaa
•Lagu dheelmadaa abid

•Dhidibada adkaantiyo
•Dhaqan sami samaanbaa
•Lagu dhawrsamaa abid

•Dheeldheel la moodiyo
•Dhacdhac iyo ayaan xumo
•Waa La iska dhaafaa

•Hamigaaga dheerbaa
•Fulintiisa dhamacdaa
•Lagu Sii yar dhiirtaa

•Hadba dhariga meel yaal
•Dhadhamada dhex taaluun
•Haw dhaqanin maacuun

•Ninka dheefta kaa Hela
•Kuma dheera shaynee
•Fikirbuu ku dhaafsaday

•Hadba dhoocil subag lushay
•Lama daba dhakoolee
•Dhiishaa la raadshaa
•Lagu Sii dhibtoodaa

•Aadmi kala dhug roonoo
•Kala dhaaya wacanee
•Kala baro dhamaantood

•Nin ku dhibay ha Sii dayn
•Mid ku dhaya ha Sii burin
•Noqo ruux dhexeeye ah

•Lama Helo dhawaaq wacan
•Balse ruux ku dhaafsaday
•Waligaa ha dhiil badin

•Nafsi dhacay ma baaqdee
•Naf ku tidhi aday dhiman
•Waligaa ha dhaawicin

•Dunidaa dhax goos ee
•Noqo dhuux la door bido
•Noqo malab la dhaansado
•Noqo ubax la dhabaqsado
•Noqo dhirta la doogsado
•Noqo dhumuc xaq loo dalbo

•Noqo jabad xun dhaafaha
•Gaal dilan ka dhaartee
•Soomaali dhawrato~~~

W/Q C Jabar Maxamed Cisman ( Hal-abuur Bakayr )

23/04/2023

©Wadka waan sugaayee
©Igu wiirso waaqaa
©Warba iima hayside
©Waran beerka taabtiyo
©Weedhaha walaacee
©Wadnahayga laaquun
©Igu waabi waligaa

•Xadxatooyada xantoobsiga ah iyo xeelad kale qaadka •Xaal xaal lagu xejo xoog iyo xaalad kale keenka•Xuux Nin yidhaah xa...
14/04/2023


Xadxatooyada xantoobsiga ah iyo xeelad kale qaadka

Xaal xaal lagu xejo xoog iyo xaalad kale keenka

Xuux Nin yidhaah xaax lagu dhihiyo xaafad isku riiqa

Xeer taban daal isku xiijintiyo xaaja dhabaqaynta

Xabadaha xiimee xal la moodkiyo xaaluf buruceena

Abwaano xulan xadhig ku xeerkiyo xanaf xanaf saarka

Xoosh iyo Nin xil qaadi jiray xabsi la doondoonka

Xaaraan diidaha xalaal jeclaa kursi kaba xoorka

Xan wada beena xaasidnimo taagan iyo wada xuurka

Dagaal xumida xab is dila iyo qabaa'il xulafayska

Xanxantaynta dhamac xarbiyeediyo xamaasad alooska

Maati xagashada Caalim la xiqdiyiyo xal wada diidka

Xaafad togan dhaca dhacdhac xaabkiyo hanti kalaxooga

Xoolo la naco meesi la xuubiyo dhaqan kale xiiska

Af xabaalka dhaqan xoorkiyo soomaal xurguf saarka

Xaraf diidka diintaa xulan iyo islaam xagatayska

Daa'imow ka saar xadkaa gaal adaa xeelad badane

Oo xanankaan xusay rabbaw naga qaad xaliyaad tahaye

14/April/2023. Hakisbila

Ma ogtahay bal   diiqda Ma ogtahay qas Heego  daluubbanMa ogtahay    dilaaydaMa ogtahay   dabaaydaMa ogtahay dabraayda x...
12/04/2023

Ma ogtahay bal diiqda
Ma ogtahay qas Heego daluubban
Ma ogtahay dilaayda
Ma ogtahay dabaayda
Ma ogtahay dabraayda xidhaayda
Ma ogtahay dubaayda gubaayda
Ma ogtahay duraayda galaayda
Ma ogtahay gantaalka diraayda
Ma ogtahay dabkaa la hulaaqshay
in duubbab hagayso

Ma ogtahay bal diifta
Ma ogtahay dagnaanta
Ma ogtahay daraato odhaaho
Ma ogtahay la duubay shalayto
Ma ogtahay codkii dananaayay
Ma ogtahay inaan lagu doogsn

Ma ogtahay dareenka
Ma ogtahay awlaad la dibleeyay
Ma ogtahay in hooyo la dooxay
Ma ogtahay in wiilal la dayrshay
Ma ogtahay siqiir inuu daalay
Ma ogtahay hablaa la danseejay
Ma ogtahay in aabbe hub doontay
Dabadeed kas caaqil huq daaray

Ma ogtahay in maamulku doorkan
heddiisa daneeyo
Ma ogtahay dirayska qabiilku
Kol inuu dastuur qaran dhaafo
Ma ogtahay dadkeenu hayaayda
inay ku jidh diirto
Ma ogtahay in duubku
Dug dirkaa qorigayskugu dhiibay

Intani waa qabyb ka kid ah maansadii {Caku wadhi}
Abwaanada ku dhex xusan aadbaan usalaamayaa yar iyo waynba kkkkk

10/04/2023

•Yartii gashay maankeen ku qoray golaha laabtaydu
•Waxba yay Ii garaabinee gumaca Ii aas dheh
•Xaabo Soo g**o oo ku shid miicigii gudahayga
•Ku gilgiloo niyadayda holaca wada gaadhsii dheh
•Taalo iimaad garaninee Igu digo gobeey dheh
•Ana ducadaan kugu Soo gani goradkan yeelkiiye
Maxamed Heego waar bal bogga inoo faafi waan kusoo digo roganaynaaye.

Urugada jidhkaygiyoIlmadani jacaylkaaAdigaa ka wayneeFarxad IIgu waar abid🫀Bogga dibbaaa logu Soo diggo rogtee saa haloo...
09/04/2023

Urugada jidhkaygiyo
Ilmadani jacaylkaa
Adigaa ka waynee
Farxad IIgu waar abid🫀

Bogga dibbaaa logu Soo diggo rogtee saa haloola socdo

CISHQI DADAN {13/march/2023 laabin}''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''Maansadan cishqi DA...
18/03/2023

CISHQI DADAN {13/march/2023 laabin}
''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''
Maansadan cishqi DADAN oo ku fadhida ama ku sal go'an bada "Naa laago laago" ayaan u unkay si aan kor ugu Soo qaado badan aad moodo in Laga sii hayaamayo oo hadii ay saa ku sii socoto qarka u saaran inay talax gabto, maansada tan ah waxa ku wada hadlaya wiil iyo gabadh Dareen dhex yaal balse gabadhu ay u inkirayso sababo awgeed iyo iswaydaarsiga mugiyo miisaanka leh ee Soo koobaya wax sanado dhacay oo jiitamayay.
Hadaba akhriste bal ila eeg,dhawr amaba ila fiiri badan farshaxankeeda iyo is raaceeda odhaahda ku macaan.

•Naa Deeqa Deeqa
•Naa Nuur I daara
•Naa beerka duuga
•Naa caashaq dooran
•Naa mayla daabi

~Waar maanka diirshe
~Waar dawga toosan
~Waar diirad saare
~Aan kuu Dan sheegte
~Waan kula yar daabi

•Naa waa duxdeena
•Naa waa dun caashaq
•Oo waa Dareen Kal
•Saa waa dar buuxa
•Oo aan la doorin

~Waar diiqda diiqda
~Ala diifta taagan
~Waar daa warkaaga
~Oo diid xidhiidhka

•Naa Deeqa Deeqa
•Naa Dahabo luula
•Naa duulka maantu
•Naa ways dabraane
•Naa duunyo raacu
•Naa wuu dambayne
•Ma anaa ku dayrshay
•Ma anaa Dareen xun
•Ma adaa danaystay
•Mise waan is diidnay
•Waa maxay se diiqdu

~Ala huuno diiqdu
~Ala waa dagtayda
~Dalab waa dhankayga
~Dabac waa xagayga
~Gobna waa dushaada
~Ana doorkan maanka
~Dadba waan ka saaray
~Cishqi waan ka diiray

•Ala Deeqa Deeqa
•Naa Dahabo luula
•Dunji dheeman qoodhlay
•Naa jawhar diinlay
•Na maad dayawday?
•Waa see gob diidku?
•Waa see dun xoorku?
•Waa see dal dhaafku?
•Waa see Dan raacu?
•Waa Kee dirkaagu?
•Waa Kee diwaanka
•Aad deel ka raacdo!?

~Ala huuno dooran
~Ala Maan dayoobin
~Ala Maan gob diidin
~Ala Maan dun xoorin
~Ala Maan dal dhaafin
~Ala Maan dan raacin
~Dirna waa sidii dheh
~Diiwaan halkiiye
~Balse aan Dan qeexo
~Dad adaa u deeqsan
~Dun adaa u dooran
~Rag adaa u diiran
~Han adaa u duub San
~Balse haatan diidka
~Damaqbaa abuuray
~Dacalkayga caawa
~Dacarbaa walaaqan
~Dhabaqbaan dulxaadi
~Dabadeed cun laaye
~Sun kalaa ku duugan
~Dabarbaygu giigsan
~Damac bayga baahay
~Afku juuqda daaye
~Kashu diifta baadhe
~Kadib Kaa dar baydhay

•Ala diirka beerka
•Ala feedha duudka
•Ala dhuuxu diire
•Ala maanku daale
•Ala damaqde dhiishka
•Waqtigii I diiqe
•Kol xasuus la diide
•Xusku deel ku daale
•Ee miyaan dawaafka
•Xidh dugaag la jiifi
•Kol cadceeda daawan
•Ama duurka kaynta
•Dadka waalan dheega
•Kula hayn dareenka ~~~~~~

FG=calaamadaha aan u kala sameeyay maansadu waxa ay ka turjumayaan qofka hadlayaa ma wiilkiibaa mise waa gabadhii iyada oo ay calaamadani "•" wiilka ama inanka u taagantahay Halka tan kalina "~" ay u taagan yahay gabadha ama inanta kolba waa sidii loo yaqaano'e.

•Gobi marbay xumaataaye•Marbay guni yar dhaantaaye•Gedbay xushmad ilawdaaye•Marbay gibil wax saartaaye•Kolbay garasho di...
13/03/2023

•Gobi marbay xumaataaye
•Marbay guni yar dhaantaaye
•Gedbay xushmad ilawdaaye
•Marbay gibil wax saartaaye
•Kolbay garasho diidaaye
•Ana gabal dhac mooyaane
•Wali waan gar joogaaye
•Godol maad ku raagraagtay!!!???

•Gunno maad wax moodmooday
•Saaxiib wax gaad gaad ah
•Go'e wuxu miyuu gaadhay
•Go'e axdi galkaad qaaday
•Go'e balan waxaan gaadhnay
•Bal miyaad ka gaax guurtay!!!!

•Gabi dhaca waxaan mooday
•Garab garab wax saarkaagu
•Inuu galangal sii baadho
•Gudi habar waxsheegaaga
•Idhi kala xishoo gaabka
•Balse balan gab baa joogta!!

Hal-abuur Bakayr

©• Caku wadhi talooy dilantaay dheh©• Wideey wid Hubkaa dananow dheh©• Qalbi jabay dadkaa qaxayoow dheh©•  Niyad go'ay D...
08/03/2023

©• Caku wadhi talooy dilantaay dheh
©• Wideey wid Hubkaa dananow dheh
©• Qalbi jabay dadkaa qaxayoow dheh
©• Niyad go'ay Dirkaa sare'oow dheh
©• Naxli baxay colaad daraneey dheh
©• Jugta dhacday daraad shalayeey dheh
©• Damta dhagtu dabiib codsatee dheh
©• Qumac isha daraandariyee dheh
©• Saxar kacay na dooriyayee dheh
©• Wada xusha xal dhiig ka Yar dooran
©• Wada xusa wax waa Lagu daalay
©• Wada daya dhankaa cadawgiina
©• Wada dhisa dal kii u wanaagsan
©• Wada dalba macaan nabadeedna
©• Kadib tusa dadaal kuwa dhoohan

©• Caku wadhi talooy dilantaay dheh
©• Caku wadhi islaam is diloow dheh
©• Caku wadhi dagnaa la diroow dheh
©• Caku Wadhi dagaal damqe hooyo
©• Markaad dabaxdeen ubadkeeda
©• Caku wadhi Hubkaa dalbay aano
©• Mrkaad ku dhacdeen qof u duub ah
©• Caku wadhi kas baas duwe aabe
©• Markuu helay kanshada diiqda
©• Caku wadhi rasaas dumar ciishay
©• Markii la xabaalay Kun doob ah
©• Caku wadhi gantaal curad duuge
©• Caku wadhi qoraal dube boogta
©• Caku wadhi titok shide daabka
©• Xilkasnimo kobtii la duqeeye
©• Olol kacay dadkii gali duurka!!!!~~~~~~~

Hal-abuur Bakayr {DULCAD}

Address

Jijiga

Telephone

+251965926719

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hal-abuur Bakayr posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Hal-abuur Bakayr:

Share